Wednesday, May 3, 2017

GEEDISOCODKII DIMUQRAADIYADEED MA LAGASII AMBAQAADAY HALKUU CIGAAL KAGA TAGAY, MISE DIBAABA LOOGASII NOQDAY? by Garyq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.



Maanto kale waxay shacabka reer Somaliland waxay ka midaysnaayeen, geeridii asiibtay Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Waxa ay isaga intii la shaqaysayba dadkan kasoo saareen marxalado taariikhiya, oo mid-midda kale ka adkayd, Marxaladdii abaabul-kasaarka (Hubka kadhigista), Nabadayntii, iyo marxalladdii ugu dambeysayee Qaran-dhiska oo ka bilaabmaysay Shirweynihii dib-u-heshiisiinta ee 1997-kii. Marxaladdaasi oo ay geeridu kasoo gaadhay, isagoon dhammeystirin, balse wajigeegii hore dhaqaajiyay (Aftidi, dhaqan-galintii Dastuurka, iyo ku dhawaaqistii Xisbigii ugu horreeyay).
Su'aashu waxa weeyi mala dhaafay marxaladdii nidaam beeleedka ooma lasii ambaqaaday nidaamka xisbiyada badnaa? anigu ma qabo, waayo xataa xibigii ugu horreeyay ee uu asaasayba, maanta ma jiro. Doorashooyinku maaha wax-qabad, balse waa hab loo maro horumarka bulshada, ciddii isbaddal nololeed ummada u horseedi waydana lagaga takhalluso.
Waxaan la yaabaa kuwa qaba daahir Riyaale inuu ambaqaaday marxalladii Qarandhiska, ee ku sababeeya doorashooyinkii uu qabtay. Doorashooyinkaasi, Kuwa taasi qabaa, waxay caayayaan caqliga bulshada reer Somaliland. Haddii uu Daahir Riyaale kaas yahay, bulshada kamay biyo-diiddeen sidii uu wax u waday, iyagoo doorashadaasi tii ka horreeyay, rajo ay ka qabeen darteed codkii uu dalka ku xukumayay siiyay.
Illaa maatana, xisbinnimadii iyo doorashooyinkiiba, malaha wax nuxura, ama hindiso lagu hirto oo ku dhisan mabada' la hubo in daacad laga yahay. Xisbiyada dhexdoodiiba mar haddaanay dimuqraadiyaddu ka jirin, sideebuu xisbi uga hirgalin karaa, dalka wuxuu isaguba diiddanaa?
Haddii aad qabto dood taasi kasoo horjeeda, waxaan ku odhan lahaa, in aanay ka jirin waxa kaaga marag ah Guddoomiyannimada iyo musharraxnimada Faysal Cali Waraabe ee hadhi la, iyo Guddoomiyanniamadii UDUB ee Daahir Riyaale ee ku eekayd uun ayaamuhu talada hayay.
Mar haddii uu guddoomiyaha xisbi, uu xisbinnimada, u yaqaanno meel kulmisa dad uu badawsan karo, oon la tar-tami karin, dood u celin karin, amaba ku dan qaba dabasocodnimadiisa, Waxaan odhan lahaa xisbiyo-ku-sheeggeenu waa xool ay kusoo bar-baarayaan kalitaliyayaal aanay kursi-doonistooda mooyee, jirin xikmad kale oo uga dambaysaa. 
Bal eeg, waxa ku dhacay kuwa badan, oo ka horyimid ama isku dayayba inay la tartamaan guddoomiyaashii xisbiyadooda. Kuwaasi ku-dhaca la yimid oo uu, ugu horreeyay Dr, Cabdi Aw Daahir, (shirweynihii Golaha Dhexe ee Udub dibadda loogu tuuray 26-kii, December, 2002), xaggay ku dambeeyaan marka dambe?
Waxay dhacda inay kuwaasi hanka yeesha ee diida dabasocdnimadu, inay kasoo dullaamaan xisbigii ay ka tirsanaayeen, oo iyagoo maqiiqan isku shubaan xisbi kale, Su'aashu se waxay tahay;  Miyay haddaba ka diidaan guddoomiyahaasi cusub, waxay koogii horaba ka diideen?

Jawaabtu maaha mid sidaas usii ridan, mar haddii aan lagu kala tagin aragti iyo mabaadi'i danteenna ah . Waxa Ina Muumin Seed ka keenay xisbigii uu asaasay, waa waxa Xirsi iyo saaxiibadiina ka kexeeyay xisbigii iyo xukuumaddii uu kusoo shaacbaxay. Waxay isla dhaaf-dhaafayaana, wa hal shay oo qudha; oo ah ficil iyo aargudasho siyaasadeed. Taasina  run ahaantii, waa arrin iyo dareen shaqsiya oo aan dhaafsiisnayn hirdankii iyaga iyo asxaabtoodii hore dhex maray dharaarahaasi, 

Haddii ay Guddoomiyaashii xisbiyadu tartan diid noqdeen, xeerarkii xisbiga ee heshiiska lagu ahaana, ay kolba sida dantooda ah u dhigteen, waxay ahayd inay ugu yaraan kooxda laga adkaadaa, ay ku dadaasho sidii aan xisbigooga looga adkaadeen; mar hadday halkay tagaanba orgome kale oo taladiid ahi ka horreeyo,  Haddii se, aanay jirin aragti iyo mabda' balse lagu wadajoogay uun danayaal la kala watay, miyaanay ahayn inay kuwii danahooda waayay,  ay isku dano noqdaan ? amaba ay abuurtaan urur cusub  oo ku dhisan waayo-aragnimadoodii siyaasadeed. Urur isbadal iyo itijaaha cusub wata, kana fayow waxyaabihii hore u kala jabiyay urruradii hore.
Dimuqraadiyadda aynu sheeganaynaa, maaha wax dhaafsiisan maalmaha ay laydha doorashooyinku ina hayaan. Xisbinnimaduna maaha, mid ku dhisan qaadhaanka taageerayaasha uu xisbigu dalkoo dhan ku leeyahay (heer degmo illaa gobol). Kuwaasi oo guddomiyayaashooda heer degmo illaa gobol ay kusoo baxeen tar-tan xisbiyeed hoose oo dhexmaray xubnihiisa degmadaas/gobolkaasi. Halka ay maanta  xafiisyada iyo ergooyinkuba ka yihiin, magacyo uu guddoomiyuhu sameeyo iyo qolol uu mafaatiixdooda bixiyo maalmaha ololaha. Waliba kaaga sii darane ay inta ka qab-qablaysa xarumaha xisbiguna, ee isku haysta inay hormood u yihiin xisbi qaranna, waa shaqsiyaad kooban oo magacyadooda iyo muuqoogaba aanu dhaafin xaafadaha caasimadda.

Akhriste, hadaba adigaan su'aal kuu celiyay, geeddisocodki dimuqraadiyeed ee lagu taamayay, ma halkaasuu kuu socday? 

Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Wednesday, March 29, 2017

QAYB KAMIDA TARJUMAADDA; WARBIXINTA BANGIGA ADDUUNKU KA DIYAARIYAY 2016-KII DHAQAALE-SIYAADEEDKA SOMALILAND



Waxa tarjumayay Qoraalka Hoose; Garyq Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. 


CUTUBKA 1AAD.

 
HORDHACA WARBIXINTA  (Page 7)


Ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo fursadaha maalgashi ee suuqa lagaga faaidaysanayo ayaa Somaliland dib usoo noolaaday tan iyo 1991-kii. Ganacsiga gaarka ah, oo isugu jira, xoolo-dhaqashada, beero-falasho, isgaadhsiinta, baayac-mushatariga iyo laamaha maaliyadda ee ay xawaaladuhu kamidka yihiin, ayaa la qirayaa inay door muhiim ah ka qaateen soo kabashada dhaqaalaha, ummad waagii Siyaad Barre uu dhaq-dhaqaaqeega ganacsi ahaa mid shakaalan, kuweegii raasamaalka haystayna lagu qasbay inay meelo kale, oon dhulkooga ahayn ula wareegaan. Caasimadda Hargaysa ayaa 70% dhulka lala simay, 5000 qof oo ku noolaana lagu dilay, halka ay 500,000 qof oo kalana ay ka barabaxeen hantidoodii iyo hoygoogii. 


Walaw ay ka horyimaaddeen caqabado kala duwan oo iskugu jira dib-u-dhac, dagaalo, barakac baahsan, iyo aqoonsi la'aan dibloomaasiyeed, hadana Somaliland waxay laga soo bilaabo, 1991-kii ahayd meel ay si layaab leh uga curanayeen dhaq-dhaqaaqyo dhaqaale oo hor lihi. Waxyaabaha ka qayb qaatay, kobacaasina waxa ugu muhiimsan oo lagu soo ururin karaa shan arrimood oo kala ah; 


(a) Awoodda iskaashi ee xukuumada iyo shacabka ee lagu ilaaliyay nabadgalyada iyo xasilloonida, (
b) Heshiiska bulsho ee dhigaya in loo wada dhannaado arrimaha siyaasidda, khilaaf-xallinta, wada-xaajoodka, iyo wada-qaybsiga kheyraadka iyo fursadaha shaqo, iyadoo loo marayo hab-beeleed,  (c) Kartida iyo hanaqaadka ganacsiga gaarka loo leeyahay oo tan iyo 1991-kii isasoo tarayay,  (d) Lacagaha ay Qurboojoogtu Dibadda kasoo xawilaan ee damaanad qaada dhaqaalaha bulshada wax-iibsata (consumer's economy), (e) Dhaqanka Bulshada ee ku dhisan is-aaminaadda, wax-isdhaafsiga, iyo isxilqaamka aan ku ekayn dhinacyada uu macaamilku ka dhexeeyo oo qudha, balse ku fidsan  qoysaskooda illaa jilibadooda. 

Waxay ahayd 2011-kii, markii ay xukuumadda JSL ay si cad u baahisay, bayaan  xambaarsan aragti-fog oo la magac baxay Somaliland; Halkay ku socoto 2030-ka ( Somaliland; the way forward 2030), iyo Qorshihii Horumarka Qaranka (SNDP) ee 2012-2016. Waxaanay bayaankaasi kusoo jeediyeen barnaamij ku salaysan shan qodob;


a) Horumarinta dhaqaalaha, (b) Horumarinta Kaabayaasha, (c) Horumarinta Maamulka iyo ku dhaqanka sharciga, (d) Horumarinta Arrimaha Bulshada, (e) Ilaalinta Deegaanka. 


Waxyaabo badan ayuu dhokumantigani xambaarsanyahay, Waxay ka hadleen in gacan la siiyo ganacsiyada gaarka ah, si ay abuuraan fursado shaqo, sidoo kale wuxuu soo jeedinayay inay xukuumaddu ka fududayso kharashyada laga rabo ganacsatada, una hawl yarayso kuwa doonaya inay suuqa soo galaan, ee  abuuraya shirkado cusub, iyadoo waliba la dhiirigalinayo koritaankooda. Waxay sidoo kale soo jeediyeen, sida loogu baahanyahay in la sameeyo habdhis sharciyeed oo leh Xeerar kala nidaamiya Ganacsiga iyo Suuqa (Legislative and Regulatory frameworks).


Hadaba aad buu u yaryahay horumarka laga sameeyay, arrimahaasi aynu sare ku xusnay ee la higsanayay, iyadoo imika lagu jiro labadii sannadood ee u dumbeeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka. Doorashooyinkuna ay ku muddaysanyihiin 2017-ka. Xukuumadda hadda joogtaan ma hayso waqti ku filan oo ay kaga midho dhaliso, Siyaasaddii u qorshaysnayd, ka hor intaanu badalin Talis siyaasadeed oo cusub. Arrimahaasi hore, ee uu Qorshahan siyaasadeed mudnaanta koowaad siiyay, ayaa loo arkayay kuwii ugu saxsanaa ee dar-dargalin lahaa koritaanka Ganacsiyada Gaarka ah sida ay ciyaarta dhaqaale u socotona itijaaheeda wax ka badali lahaa (game changers). In tallaabo deg-deg ah la qaado, waxa kale oo dheer, oo ay warbixintani soo kordhinaysaa, waa iyadoo taabanaysa dhacdooyinka la filayo marxaladda uu jiro kala-guurka dhaqaale ee lagu sii odorosay Hiraalka 2030-ka. 

Baaxadda iyo Qaabdhismeedka Ganacsiga Gaarka loo leeyahay ee Somaliland

Saamiga ay Ganacsiyadu ee Waxsoosaarka Guud ee Gudaha; Muhiimadda joogtada ah ee gaacsiyada Gaarka ahi u leeyihiin dhaqaalaha, waxay aad uga muuqataa, markaad eegto saamiyada ay ku kala leeyihiin waxsoosaarka guud ee Dalka ( GDP). Walaw aanay ka jirin Somaliland, qaab-xogeed lagu kalsoonaan karo, hadana sida ay Wasaaradda Qorshaynta iyo xog-ururin uu Bangiga Addduunku iskii u sameeyay ay ku qiyaasayso, Waxsoosaarka Gudaha ee sannadkii 2012, waxay ku dhawdahay  $1.390 bilyan, marka laga reebo Deeqaha Caalamiga ah ee sida Rasmiga ah usoo gaadha (ODA). Waaxda ugu weyn waa Xoolaha nool oo waxsoosaarka Gudaha ku leh, 29.3%, Ganacsiga Jumladlaha iyo Tafaariiqduna waa (19.5%),  Dalaggu waa (8.2%), Dhulka (6.4%), Dhirta (5.4%), Isgaadhsiinta iyo Xogtabinta (2.2%), Dhismaha (3.7%), Cashuuraha iyo Kababka maaliyadeed  ee waxsoosaarku waxay gaadhayaan (6.7%) sannadki 2013. Waaxda Biyaha iyo tamartu waa ( 0.8% iyo 0.2%). Xogahaasi aad aragtay, waliba waa waaxaha loo arko inay caqabad ku yihiin in la horumariyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay 

Tirada iyo Baaxadda; Ganacsiyada Gaarka loo leeyahay ee kala duwan markaad adigoon kala qaad-qaadin, aad dusha kawada qiyaasto, waxaad arkaysaa inay ka koobanyahay Ganacsiyo Waawayn, kuwa dhex-dhexaada iyo Ganacsiga yar-yar. Waxa kamida shirkadaha Isgaadhsiinta ee waaweyn sida Telesom, Sometel, Africa online, Nation Link iyo Soltelco iyo Qaybta xawaaladaha oo ku dhaw 20 shirkadood, oo ay suuqooga hoggaaminayaan, Dahabshiil, Salaama Bank, Amal Express, Kaah Express iyo Qaran Express iyo Shirkadaha Ganacsiga ee hormoodka ah sida, Omaar Group. Walaw uu ganacsigu ka bilaabmay meel aad u hoosaysa, waa mid si xoog ah u koraya.  Walaw aanay jirin tiro qeexan oo la hayaa, sida muuqaalka guud ee sannadka 2012-ka ee ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu soo bandhigtay muujinayo, waxaad arkaysaa inay Waaxda Gaarka loo leeyahay (Private Sector) ay si dhaqso u kordhay intii u dhaxaysay 2004-2010-kii.  Hawlaha ugu badani waxay ahaayeen Ganacsi (Shirkadaha Jumladlayaasha ah ee wax soo dajiya/dhoofiya), Dhismaha iyo tiro muhiim, balse aad u yar oo ah Shirkadaha adeeg-bixiyayaasha ah. Korodhka Ruqsadlayaasha waxaad ku arkaysaa Jaantuska 2.1.

Meheradaha oo dhami mabda' ahaan waxay u baahanyihiin inay helaan Ruqsad ama ogolaanshi Ganacsiyeed inay ka helaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Hasa ahaatee, markaad eegto sida jirta ee ay wax u socdaan, shirkadaha ka diiwaangashan Wasaaraddu aadbay u yaryihiin; si lamida tiro kooban ayaa shahaadadii shirkadnimo ka qaatay Xafiiska X/Ilaalinta Guud sida uu dhigaya Xeerka Shirkaduhu. Sidaa darteed, ma helaysid il-xogeed qudha oo matali karta Ganacsiyada jira. Xogta Guud ee koobsanaysa Tirada Guud ee ganacsiyada heerkay doonaanba ha kala lahaadaane, waxa laga helayaa Liiska Ruqsadaha ay Dawladaha Hoose bixiyaan. Meherad kasta oo meel ka daggan magaalo kasta waxay Dawladda Hoose ee magaaladaasi uga baahantahay Ruqsad (macnaheedu yahay in la oggolyahay goobta-ay deggantahay). Meheradaha ugu badan ee ruqsadaha la siiyayna waa Tafaariiqlayaasha. Kuwa kale ee liiskan soo raacaa, waa kuwa Dhismaha, Hoteelada, adeeg-bixiyayaasha. Xogta ku saabsan Ruqsadaha ay lixda magaalo ee ugu waaweyni bixiyaan waxaad ka helaysaa  shaxda 2.1.  















.....La soco 

Tuesday, March 21, 2017

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA EE FARANSIISKA OO INANTIISA DARTEED ISKU CASILAY



Bruno Le Roux ; Wasiirka A/Gudaha ee Faransiiska
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dalka Faransiiska, Brune Le Roux, ayaa is casilay saacado kadib, markii Dacwood-ooge Maaliyadeed (financial Prosecutor) uu bayaamiyay in laqaadi doono tallaabooyinkii koowaad ee lagu baadhi lahaa, waxyaabaha lagu eedaynayo 

Iscacailaadda ayaa ahayd mid ay wasiirka ku qasabtay, markii ay soo baxday inuu inantiisa oo ay da'deedu yartahay uu ka shaqaalaysiiyay baarlamaanka, kana dhigay inay noqoto gacansiiye-baarlamaan xilliyada ay ku jirto fasaxyada Iskuulkeeda. 

Warkani ayaa naxdin kale ku noqday kooxda imika talada haysa, ee ay bisha qudha ee ka hadhsan Doorashada Madaxtooyadu, ay  ka xigto xilliga ay bannayn doonaan xafiisyada Dawladda.

Waxa laga joogaa uun hal todobaad, markii musharraxa Madaxtooyada ee Garabka Midig, isna su'aalo laga weydiiyay, eedaymo loo haystay oo ku saabsanaa inuu xubno qoyskiisa ah, siiyay shaqooyin been ah, oo ay ku mushahar qaadan jireen. 

Le Roux, oo  51 ji ah ayaa qirtay inuu shaqo siiyay inantiisa oo ay da'deedu tahay 20 jir, una qoray mushahar dhan €55,000. Lacagtaasi oo u dhiganta (£48,000) ayay muddo 7 sanadood ah ka qaadanaysay khasnadda Umadda. Waxaana la siiyay 24 qandaraas gaab-gaaban (short term contracts) oo u soo bilaabmay 2009-2016-kii. 

Baarlamaanka Faransiiska ayuu sharcigoodu u oggolyahay inay shaqo siin karaan xigtadooda, marka ay shaqadu tahay mid jirta, oo hawsheeda la qabanayo. Le Roux, ayaa ku dooday inay inantiisu buuxinayso, doorka ay kaga jirtay shaqooyinkaasi. 

Iscasilaaddan, Le Roux, ayaa dhaqso ahayd, kana hordhacday  intaanu  Garsoore go'aan kasoo saarin,  inay jirto eed uu ka jawaabo iyo in kale. Waxaanay tani waxyeello weyn ku tahay Madaxweyne Hollande, oo hore uga soo doogay fadeexadkale, oo ay dadweynaha faransiisku aad ugu cadhoodeen. 

Monday, February 13, 2017

SOMALILAND: FOOLS RUSH WHERE ANGELS FEAR TO TREAD. By Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul.

Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul.

No one thinks that he would live enough to see when our peace-makers turn in to trouble-makers.  The upper house of parliament, has no longer most privileged members, or engaged in its hot debates on issues affecting the lives of ordinary citizens. It's effective, peace-making dispatches to remote hinterlands are not visible in the headlines, despite of recurring inter-clan hostilities. If they were once the symbol of security, consensus, and the glue that holds Somaliland together, today the reality tells you a different story.  

The massive leverage from UAE, and its brokers within the government had turned the conservative approach of the house into a place of political maneuvers .  Their blind support to the controversial deal between the government and UAE, which permits for the UAE to establish a naval base in Berbera airport, is a good example of the risk-taking elders against inquisitive young representatives. 

The chairman of the Guurti, Suleiman Gal, had set up the arrangements of the new strategy. It was the murky aspects of the new deal that dictates such strange and new rules to be applied to the joint-session of the parliament. It was him, the eighty year old Suleiman, who invented the procedural rules of the scheme, to enable himself for a position that he could hijack the chairmanship of the lower house, after the presidential speech. Without looking into the Constitutional rules that defines parliamentary approvals, Suleiman had chaotically opted to dominate representative’s session, turning his guurti men (guests and the audience of Silanyo’s speech) into  the line-up substitutes for the vacant seats of the dissident representatives.

Putting things together in that urgent and disorderly way, is the reason that poses many Questions, especially to the observers of Suleiman’s show. With the support of intrusive giant cops, he managed to suppress the opposite voices by throwing protesting MPs out of the session, and threatening others to be strictly dealt if they did not yield to the new rules. There was no inquiry, no debate, no comment or a whooping cough from the quiet and unexpressed members who chose to work for their Emarati patrons.  They meekly raised their hands for the Yes option, without asking for more time to read or to deliberate the content of the proposed document. The strange to say, Ululating females were audible somewhere behind the cameras after the approval of what was claimed to be a deal.

Looking the scene in to the bird’s eye, you may admit the fact that we are tempted away from the rationality approach, away from the open dialogue and discussions, away from the ways we used to solve our differences without external intervention. Today, our system of governance appears to be moving away from its public, unresponsive to their will and secretly serving for the interests of other political entrepreneurs. It is the first time, if not the second one, that we find ourselves divided by an Arab issue, and plunge our peace-loving nation into unreasonable hostility that has nothing to do with it.

Holding such opinion, does not mean that i am against the idea of peaceful and economic cooperation. But what is more worrying to every Somaliland intellectual,  is to see his country drawn into proxy wars of other states, or messing with irrelevant  ideological competitions.  

In this regard, we have to avoid to be hoodwinked into unclear transaction that may affect our destiny as a nation. What only matters, is our National Unity, our institutions as a constitutional democracy, and the will of the governed . The government should stop mobilizing traditional leaders of certain clans through its media to support other foreign interests. Nevertheless,  it had better to act rationally and sincerely explain its policies on its current businesses with UAE, to the Public. 


Advocate; Mohamed Ahmed Abdi Ba’alul.

Friday, February 3, 2017

CABSIDA LAGA QABO MACALLUUL SOMALIYA KA DILLAACDA IYO QAYLADHAANTA KASOO YEEDHAY UN-nta.

3rd, Feb,2017.

Haya'daha ka shaqeeya Gurmadka Hawlaha Aadamiga ah, ayaa ka dhawaajiyay cabsida laga qabo inay abaaraha iyo kor-ukaca ascaarta raashinka daruuriga ahi, ay khatar galiyaan nolosha in ka badan lix milyan oo Somaliya, haddii aan la qaadin tallaabooyin deg-dega ah. 















Somaliya waxa soo foodsaaraya xaalad macalluuleed oo dhab ah, iyadoo in ka badan 6 Milyan, oo ah kalabadh bulshada ku nool, aanay haysan kayd cunteed ku filan, ayay caddeeyeen 3 hay'adood oo ka mid ah UN-tu. 

Kooxaha Gurmadka bini'aadamnimada ee ka hawlgala Somaliya waxay sheegeen in fursadda lagaga hortagi karo inay dhacdo macalluushii 2011-dii oo kale, ay aad u yartahay. Macaluushaasi hore oo tiro lagu qiyaasay 260,000 qof ay u dhawaadeen inay gaajo u dhintaan, markii ay jawaab deg-deg ah ka waayeen Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamka. 

Hadaba marka la eego, xawliga ay xaaladaha haatani jiraa isku soo tarayaan, Sicir-bararka Raashinka la quuto,  rajo-yaraanta laga qabo roobab abaaraha kasoo furta iyo tiro badnaanta dadka ay saamayn doonto, iyo caqabadaha go'doon ee gurmadkooga adkaynayaba, ayaa sababay baaqan lagu dalbanayo jawaab deg-deg ah oo ballaadhan "Massive and Immediate response", si looga hortago Musiibo baahsan. 

Sida laga hayo hay'adda Cunnada iyo Nafaqada ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (FSNAU) qaybteeda ka hawlgasha Somaliya, waxay sheegaysaa 3 milyan oo soomaliya ay soo foodsaartay xaalad dag-dag ah oo cunto-gabaabsiya waqtigan. Saddexdaasi Milyan oo ku libin laabmaysa intii ay cunno la'aantu haysay lix bilood ka hor. Heerka cunto-la'aanta ee haya'daha Gurmadku ku qiyaas qaataan, xilliyadan oo kale ayaa tilmaamaya inay xaaladda keyd la'aantu (Food insecurity) ay imika qarka u saarantahay macalluul. In ku dhaw 364,000 (oo carruur ah) oo la ildaran nafaqo darro ayaa u baahan daryeel deg-deg ah oo lagu quudiyo, Kuwaasi oo 71,000 kamid ahi ay xaaladdoodu halis ku jirto. 

Dick Trenchard oo matalaya Ururka Beeraha iyo Cuntada Adduunka (FAO), laantiisa Somaliya ayaa yidhi " Waxa aad kuu walaac galinayaa, waa sida dhakhsaha ah ee ay xaaladdu uga soo darayso, iyo tirada dadweynaha ay saamayn doonto iyo dhulka ay ku  fidsanyihiin, ayaa ku tusaya inta ay khatartu leegtahay".



waxa diyaariyay; Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com).
Xigasho; The guardian

Monday, January 23, 2017

BEENTII CADDAYD EE AQALKA CAD; By Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Donald Traamp ayay ugu bilaabmatay is difaacid todobaadkii ugu horaysay Madaxweynanimadiisa, isagoo ay ka hor yimaadeen mawjado mudaharaaddo ka dhan ah doorashadiisii. Sidoo kalena Aqalkii Caddaa waxa qabsaday weerar lagu dhaleecaynayo, oo ay warbaahintu leedahay wuxuu been u sheegay Dadweynaha.  

Traam iyo gacansiiyayaashiisu, waxay labadii cisho ee u dambeeyay ku qaateen Guriga Cad, iyagoo ka beensheegay tirada dadweynihii kasoo qayb galay xafladda Caleemasaarkiisa ee dhacday Jimcihii ina dhaafay

Sean Spicer (Xoghayaha Warbaahinta ee Guriga Cad)







Xoghayaha Saxaafadda ee Traamp (Sean Spicer) ayaa Markii ugu horraysay, guriga cad isagoo ka dhex baahinaya warsaxaafadeedkiisa, codsare ku canaantay Warbaahinta isagoo yidhi " Si badheedh ah ayay been u tabiyeen" markii ay ka warramayeen Munaasibaddii Caleemasaarka. Waxaanu ballan ku qaaday inay si adag ula xisaabtami doonaan saxaafadda. 

"Wuxuu ahaa caleema-saarkii ugu ka-soo-qaybgalayaalka badnaa, ee abid ka dhaca Maraykanka" ayuu yidhi Spicer. Tibaaxdiisaasi oo khilaafsanayd Sawiraddii laga qaaday caleemasaarkan iyo kii ka horreeyay ee 2009-kii, "Waxay rabaan inay hoos-u-dhigaan xamaasaddii iyo dareenka caleemasaarka, taasina waa qalad waan meel-ka-dhac" ayaa kamid ahaa haddaladdii Xoghayaha. 

    muuqaalka bidix xige waa caleemasarkii Trump, ka midig xigaana waa kii Obama ee2009-kii. 














Way adkayd in la qiyaaso,  tirada dadweynah kusoo xoomay Barxadda loo yaqaan Naashanal Mool ee Caleemasaarku ka dhaco, balse  sawiraddii laga  qaaday goobtaasi dhacdadan iyo tii ka horraysay, ayaan la dafiri karin faraqaweyn ee u dhexeeya kasoo qaybgalka xafladdii jimcihii dhawayd lagu dhaariyay Tramp iyo tii Obama ee 2009-kii, Waxaana ka ballaadhnayd oo ka dad badnayd Munaasibaddii Obama. Tiro lagu qiyaasay hal milyan oo bannaanbaxayaal ah, oo aad uga badan intii la filayay, oo kasoo horjeeday caleemasaarka Traamp, ayaa kusoo fatahay Jidadka Washington, isla markaana faro ahaan aad u muquuninayay tarabuunkii u sacabinayay Traamp. .

Kellyanne Conway (Saraakaalad ka tirsan Guriga-cad)














Iyadoo hadaba ay qaylo iyo weerar ka dhan ah warbaahinta ay markii hore isku dareen, kooxdii garabjoogtay Traamp, ayuu hadalka kasoo yeedhay Kellyanne Conway, kuu sheegayaa sida ay beentoodii ula yaabeen markii ay warbaahintu soo gudbisay xaqiiqadii dhabta ahayd ee arrintaasi. Waxayna  Kellyanne ku difaacday Spicer kulan saxaafadeed ay la lahayd Idaacadda NBC, iyadoo tidhi "Spicer wuxuu tibaaxay uun, xaqiiqo kale oon la sheegin (alternative fact)"

Sunday, January 15, 2017

SHIRKII JARAA'ID EE U HORREEYAY; MAXAA KALA QABSADAY TARAAM IYO WARBAAHINTII? By Garyq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.













Marka horaba nabadi kamay dhaxayn Donald Traam iyo Saxaafadda, maanta se dembaa isbadday, maadaama oo uu yahay Madaxweynihii Maraykan. Wuxuu ahaa shirkii jaraa'id ee ugu horreeyay ee uu qabto intii loo doortay Aqalka Cad. Mawqifkiisii Qallafsanaa ee la xidhiidhay dhinaca saxaafadda ayaad ka garan kartaa, waxa uu dhanwalba ka filayay midka kale,

Wixii meesha ka dhacay shaki kuma jiro inay warbaahintu maalmo sii hadal hayn doonto. Qaarka kalana ay cabasho ka keeni doonaan, argaggixii ku dhacay, hanjabaaddii iyo higgaaddii Madaxweynaha, eed mararka qaar moodaysay inuu kaba soo boodayo masrixii loo habeeyay. Waxay taasi  qabsatay 150 suxufi, oon tiwitarkiisa mooyaane, aan waligood toos u arag Donald Traam. 

Sidii hore looga bartay; musharrax cusub oo loo doortay Madaxweynanimo, jawaabo faah-faahsan iyo xog badan lagama filayn.Sidoo kalana, loogama fadhiyin inuu Maalintiisii Koowaad ee uu shir-jaraa'id qabto, inuu siduu awalba samayn jiray uu afka kaga boodo suxufiga, isagoo ka ficil-qaadanaya su'aashiisa. Wariyayaasha qaarbuu su'aalihi ka boodsiiyay, markay u sheegeen warfidiyeenka ay ka socdeen, isagoo ugu jawaabay kuwo kamid ah "Waligayba waxaas maan maqlin" Qaar wuxuu ugu jawaabay, inay "beenaalayaal yihiin", kuwa kalana hay'adaha warbaahineed ee ay ka tirsanaayeen ayuu ku tilmaamay  "been-abuur" isagoo erayga  "fake" u adeegsaday. Qaarna isagoo u hanjabaya ayaabu si toos ah ugu yidhi "Raalli kama ihi waxa aad samaynayso", Hadalba gam !

Shirsaxafadeedkii ugu horreeyay, sidii awalba madaxweynayaashii ka horreeyay looga bartay kumaa soo qaadin Maraykannimada, Mabaadi'da Qarranimo ee mideeya shucuubteeda kala duwan iwm. Balse wuxuu hadalkiisu ku saabsanaa Ruushka, Maalmihii uu musharraxa ahaa, wuxuu ku dhiiraday in uu ammaano Putinka Ruushka. Waxaana loo soo joogay isagoo ku diganaya, kuwa Maraykanka ah ee ka shakisan ama dhaleeceeya siyaasadaha Putin, isagoo ku sheegay "doqomo", mararka qaarna ku dooday inuu sidiisa yeeli lahaa, haddii uu noqon lahaa Putin.

Waana ta keenaysa inay dad badan oo maraykani ahi is yidhaahdaan xidhiidhbaa u dhexeeya isaga iyo Putin. Kuwaasi oo ku dooda in aan la dhageysan Inkiraadda Traam uu iskaga fogaynayo suurtogalnimada xidhiidhkaasi, illaa taasi baadhitaan lagu xaqiijiyo. 
Sean Spicer; Xoghayaha Saxaafadda 

Kaaga sii darane Xoghayaha Saxaafadda ee uu Taraam dhawaan magacaabay (Sean Spicer) ayaa ku qasbay weriye Jim Akosta oo ka tirsan CNN-ta, inuu raali galiyo Madaxweynaha la doortay, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa "mid liita oo ixtiraam darnaa" markii uu shirkii saxaafadeedku socday. 

"Haddii uu Putin jecelyahay Traam" ayuu yidhi Taraam, isagoo warbaahinta isku sheegaya. "Waxaan jacaylkaasi u arkaa hanti, ee uma arko deyn uu igu leeyahay" ayuu hadana kusii ladhay hadalkiisii. Mar la waydiiyay xagga basaanimada hawada ee la lahaa, Ruushka ayaa ugu dhacay xogtii Kumbiyuutarrada Maraykanka, wuxuu eeddeeda saaray Xisbiga Dimuqraadiga ee talada hayay, isagoo ku dhaleeceeyay inay dalka dayaceen, oo ay wax-matarayaal ahaayeen. Halka uu sidoo kalana ka ballaadhiyay sheekadaasi basaasnimada, oo uu sheegay inay jiraan dalal kale oo iyaguba sidan oo kale u basaasa Maraykanka. Waxaanu si dheel-dheel ah u yidhi "Dibna inoo basaasi maayaan Ruushku markaan talada la wareego"

Traam iyo Qareenkiisa Gaarka ah, Sheri Dillon. 

















Taraam waxa kale oo uu shirkiisa jaraa'id ku caddeeyay in aanu ka tanaasulayn sii lahaanshaha shirkaddiisa Ganacsi, balse ay usii maamuli doonaan caruurtiisu. Waloow uu ku dooday in aanu jirin sharci u diidaya in uu isku wado Ganacsigiisa iyo Madaxweynanimada. Sheri Dillon oo ah Qareenkiisa khaaska ah, ayaa iyana difaacday mawqifka Taraam, iyadoo tidhi "xataa haddii uu iibiyo hantidiisa ganacsi, sheekadu intaas ku hadhi mayso, waayo waxa usii socon doona lacagihii abaal-celintii ahaa, ee uu sida joogtada uga helayay qolooyinka adeegsada waxyaabaha ay daahfurtay shirkaddiisu (Royalties), sidaas darteed ayay danaha-isdiiddani marwalba suurtogal u yihiin"

Inkasta oo uu sheegay inuu joojin doono dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee dalka dibaddiisa, inta uu talada hayo, Hadana arrimuhu intaasi ku dhammaan maayaan, oo wuxuu shaki badan ka taagnaan doonaa hudheellada waawayn ee uu Maraykanka ku dhex leeyahay, Kuwaasi oo ay ku noolyihiin, kuna soo dagaan dibloomaasiyiin iyo saraakiil shisheeya ahi, oo aan u dhalan dalka Maraykan. Waxaanay madaxdaasi ajaanibka ahi, ee ku raaxaysta Hudheeladu ku kharashgareeyaan lacago farobadan ganacsigiisaasi, Sidaasi darteed ayay dad badan oo maraykan ahi u aaminsanyihiin, in aan la kale reebi karin danaha siyaasadeed iyo kuwa ganacsi, isla markaana ay Taraam iyo Macaamiishiisaasi shisheeyaha ahi, ay wax badan oo sharcidarro ah isku shushuban doonaan. Taasina waa sababta dadka Siyaasadda faaqidaa, ay uga walaacsanyihiin saamaynta ay danahaasi iska-hor-iman karaa (conflict of interests) ku yeelan karaan hoggaamintii Maraykanka. 

Madaxweyne ganacsade ahi, waa dhacdo ugub ku ah Siyaasadda Maraykanka. Waxaanay dad badani qabaan inay adagtahay inuu Madaxweynuhu meel dhexe istaago marka ay iska horyimaadaan danihiisa ganacsi iyo hoggaaminta Maraykanku. Waxaanay taas u daliishanayaan, go'aankiisa uu ku diidanyahay, inuu soo bandhigo xogaha caddaynaya cashuur-bixintiisa, Taasi oo liddi ku ah, hab-dhaqankii looga bartay Madaxweynayaashii ka horreeyay oo si daah-furan usoo bandhigi jiray hantidooda iyo cashuuraha ku waajibay ee ay ka bixin jireen. Mar la waydiiyay sababta uu iskaga dhagamarinayo arrintaasina wuxuu ku jawaabay "Waan guuleystay, oo kaaga jawaabi maayo, kuwiinan saxaafadda ah uunbaa arrimahaygaasi daneeya"

Hadaba haddii aad dhagaysatay khudbaddii uu Obaama ku sagootinayay Madaxweynannimada Maraykan, oo u badnayd dar-daaran iyo waano uu siinayay shacabka maraykan, waxaad fahmi kartaa sida uu uga sii wer-wer qabay halka ay ku dambayn doonto talada Maraykanku, marka uu Taraam shookaanteeda qabto. 

Dhammaad.

 Garyq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)


THE THREE DRIVERS. BY MOHANED AHMED ABDI BA'ALUL

  THE THREE DRIVERS ​The sun hung directly overhead, casting a harsh white glare across the compound. The air at the Central Station was th...