Wednesday, July 26, 2023
SIDEE AYAY ALAABAHA/WAXYAABAHA LAGU SOO EEDEEYO IN QOFKA OO HEYSTA LAGU SOO QABTAY, AY MARAG-MUUJIN (EXHIBIT) U NOQDAAN?
Saturday, February 18, 2023
SOMALILAND: DOORKA WASAARADDU AY KU LEEDAHAY HIRGALINTA NIDAAMKA CADDAALADEED EE SHAQADA (SHAQAALAHA IYO LOO-SHAQEEYAHA)
DOORKA WASAARADDU AY KU LEEDAHAY HIRGALINTA NIDAAMKA CADDAALADEED EE SHAQADA (SHAQAALAHA IYO LOO-SHAQEEYAHA)
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul
Xeerka Shaqaaluhu wuxuu jideeyaa xadka ugu sarreeya ee aan la dhafi karin. Waxa uu xaddiday ugu badnaan inta saacadood ee ay tahay in qofku si joogto ah u shaqeeyo maalintii. Sida loo xisaabinayo saacadaha shaqada iyo mushaharka. Cidda u xilsaaran xaadirinta iyo diiwaan ku haynta saacadaha uu qofkastaa shaqeeyo. Xeerku wuxuu go'aaminayaa Fasaxyada sannadka, kuwa bukaanka, munaasibadaha qaranka, shilalka shaqada, iwm. Waxa uu xaddidaa saacadaha nasashada ee shaqada gudaheeda [nusasaacaha] iyo nasashada u dhaxaysa labadii maalmood ee shaqo; ee bilaabanta marka la rawaxo.
Waxa uu xeerku qeexayaa masuuliyado iyo waajibaad saddex geesood ah oo ay kala leeyihiin: (1) Wasaaradda (maamul ahaan), (2) Loo-shaqeeyaha, iyo (3)Shaqaalaha. Waxaan ay Siyaasadda Qaranka ee Shaqada iyo Shaqaaluhu ay taabogal noqonaysaa marka ay saddexdaasi dhinac uu mid kastaaba kaalintiisa ciyaaro. Waxa cad in masuuliyadaha iyo waajibka dhinac saaran ay ka dhalanayaan xuquuqo sharci oo ay dhinacyada kale leeyihiin. Haddaba waxa aan qormadan ku iftiimin doonaa masuuliyadaha Maamul ee Wasaaradda saaran, si aad u fahamto dhinaca ay gudasho la'aanta masuuliyadahaasi ay saameynta ugu badan ee taban ay ku yeelanayso xuquuqihiisa (ku cad xeerka).
Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqaaleynta ayaa leh kaalinta ugu muhiimsan. Waa hay'adda qaranka u qaabilsan fulinta Siyaasadda Shaqada iyo shaqaalaha. Doorkeedu kuma koobna dhex-dhexaadinta iyo ka go'aan-gaadhidda khilaafyada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. Waxa sidoo kale laga rabaa in ay ka hortagto xaalado kasta oo keeni kara in ay isku dhacaan shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha.
Sida aynu uga barannay, ma aha in ay Wasaaraddu sugto inta ay cabashooyinka iyo ooyinta shaqaaluhu ay barteeda ugu imanayso. Waxa se ku waajib ah in ay korka kala socoto xaaladaha shaqo ee ka jira goobaha kale duwan ee laga shaqeeyo. Waa In ay kormeerto goobaha shaqada iyada oo indho-indhayn guud ku sameynaysa xaaladaha muuqda ee ka jira goobaha shaqada (bedqabkooda guud, hadhkooda, hawadooda, biyohooda iyo fayo-dhawrka musqulahooda iwm). Sidoo kalana waa in ay ka wardoontaa arrimaha qarsoon ee aan ishu qaban karin, iyada oo ay tahay in ay gooni-gooni u wareysato shaqaalaha si kalsooni iyo fursad loo siiyo ay ku warrami karaan. Ka dibna waa in ay Wasaaradu warbixin kasoo saarto ay ku saxayso wixii tilmaan u baahan, wixii tallaabo u baahanna ay ka qaaddo ciddii ay khusayso.
Cabashooyinka shaqaalaha ee ka yimaada goobaha shaqadu waxa ay daaha ka rogayaan sida ay wax u jiraan. Waa in ay cabshooyinka iyo dacwadaha soo gaadha wasaaradda ay masuuliyiinta wasaaradu u adeegsadaan xog hordhac ah (clue) oo laga ambaqaadi karo xaqiiqo-raadin hor leh. Waa masuuliyad saaran wasaaradda in ay hubiso in xaaladda loogu soo cabtay in ay tahay mid guud oo goobta shaqo ka jirta iyo in ay tahay mid u gooni ah qofkaasi u soo cabtay. Xaaladdu waxa ay tahay mid guud marka ay jiraan shaqaale kale oo xaaladdaasi la qaba cidda soo cabatay. Kuwaasi oo markoodii hore aamusnaa, balse marka la wareysto, xaqiijiya in ay jiraan waxyaabaha laga cabanayo.
Xeerka shaqaaluhu looguma talo galin oo kaliya in loogu garnaqo shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. Adeegsigiisu wuxuu koobsanayaa hawlo maamul oo intaas ka durugsan. Waxa uu jideynayaa masuuliyado maamul oo awood u siinaya wasaaradda in ay dusha kala-socota sida ay wax u socdaan. Waa In ay maamul ahaan u soo-dhexgasho (intervention) si ay u hagaajiso xaaladaha lagu shaqeeyo, u dhawrto u sinnaanta fursadaha shaqaaleynta, korna u qaado wacyiga shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha ee ku aaddan u hoggaansanaanta Siyaasadda Qaran ee Shaqada oo uu xeerku kaw ka yahay.
Diiwaangalinta heshiisyada shaqaduna waa bar bilowga ay wax kasta ka bilaabmaan. Heshiiska shaqadu waa dabarka koowaad ee ay shaqada iyo isku shaqeyntu ay ka bilaabmayso-- oo ah ta ay wasaaraddu nidaaminteeda u xilsaarantahay. Waa halka ay Wasaaraddu kala socon karto sida loo soo banshigayo ama loo qeybinayo fursadaha shaqaaleynta. Waa halka laga helayo dakhliga shaqada ee ay cashuurtu ku waajibayso. Sidoo kale diiwaanka wasaaraddu waa marjaca loo noqonayo marka ay loo-shaqeeyaha iyo shaqaaluhu isku qabtaan asal ahaanta heshiiska, ama laga shakiyo in la far-fareeyay qoraalkii lagu heshiiyay.
Waxa sidoo kale muhiim ah in wax laga baddalo hanaanka diiwaangalinta iyo keydinta heshiisyada shaqada. Waa in diiwaangalinta heshiisyada laga hoos saaro waaxda ka garnaqista khilaafyada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha oo ay noqoto Waax kale oo ka madaxbannaan. Waayo qeybta wax ka garnaqsaa ma aha in la weydiiyo in ay sii hayaan heshiiska la isku hayo xaqiiqadiisa iyo in kale, ama in ay heshiiska ay sii hayaan uu yahay sida uu hebel ku doodayo iyo in kale. Waayo cidda saddexaad ee dhinacyada u garnaysa, marka la weydiinayo inuu heshiiska la isku hayo xaqiiqadiisa uu sidaa u jiro iyo in kale waxa ay markaa qaadanaysaa doorkii maragga, oo waxa ay caddeynaysaa in ay u hayso heshiiskaa sida uu dhinac ku doodayo iyo in kale.
Mabad' ahaanna qofku marag kama noqon karo isla kiiska uu ka garnaqayo. Waxa ay taasi ka hor imanaysaa hannaanka caddaaladda dabiiciga ah. Cidda wax ka garsooraysa waa in ay warmooge ka sii ahaato waxa lala hor yimaaddo ee la isku hayo. Waana sababta ay waajib ugu tahay dhinacyadu in ay ka hor caddeystaan waxyaabaha ay isku sheeganayaan. Sidaa darteed caddaalad ma aha in la yidhaahdo xafiiska cabashad dhegeysanayaa idinkaa ayaa haya heshiiska aanu isku hayno. Wana ta dhacda ee marin habaabisa caddaaladdii la rabay in loo kala sameeyo shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha.
Marka ay noqoto gobollada iyo degmooyinka, daadajinta adeega diiwaangalinta heshiisyada shaqadu waa hawl wali ku dhiman wasaaradda. Waana muhiim in ay adeeggaasi si rasmi ah loo fidiyo. Sidoo kale Inta ka horeysa adeeg daadajintaas waa in ay wasaaraddu la timaaddo hannaan ku meelgaadh ah oo ay adeeggaasi xeerku waajibiyay uga sii fuliso gobollada iyo degmooyinka dalka. Sida in Nootaayooyinka sharciga ah loo adeegsado diiwaangalinta heshiiyada shaqo: iyada oo sidaana wareegto maamul lagu sii nidaaminayo.
Wednesday, April 21, 2021
MIYAA LA WAAYAY XAL DHAAMA XABSIGEYNTA ARDEYGA? By Garyaq. Muxamed Axmed Cabdi Bacaluul
Maanta oo yar-yar loo haysto fal uu ka dhashay khasaare hantiyeed oo gaar ahi, iyada oo waalidkoodii la garanayo masuuliyaddooda waxbarasho iyo nololeed gacanta ku hayay miyaa loogu sii deyn laayahay dammaanad? Misa iyagaan Codsan wali? Xaqa Dammaaanadda miyaan loo sinneyn, misa intii la doonayo ayuunbaa la siiyaa? Sharcigu ha noqdo sida uu yahay, yuusan noqon sida la rabo.
![]() |
| Arday loo haysto rabshadihii ka dhacay Dugsiga Sare ee Nuuradiin (Qeybta innamada) |
Go’aanka Eedaynta {Prosecution Decision}:
Xadhigga Caruurtan yaan laga dhigan Farriin dadban oo Maamulka Dugsigu ku Cabsigaliyo Da’yarta wax ka barata dugsiyadooda. Dugsina laguma Maamulo Waaran iyo Xukun Maxkamadeed ee Caqli iyo Kartibaa lagu Maamulaa. Go’aanka eed-oogiseed ee jideynaya in afar arday si gaar ah loo bartilmaameedsado oo lagu qaado kaligood Wixii dhacay ee la wada daawanayay ayaa ah mid Caddaaladda iyo Caqligaba ka fog. Waana mid aan qabo uun in lagu raaligalinayo Mulkiilaha Dugsiyadan oo Saameyntiisa leh.
Ma lihi innamadani wax door ah kuma ay lahayn eedda lagu oogayo, oo taasi ka doodista xaqiiqadeedu Maxkamadda ayay hortaallaa oo ka hor dhici maayo. Balse haddii aad kaba soo qaaddo in ay afartani ku leeyihiin doorka ugu weyn abaabulidda iyo kicinta asxaabtooda, miyay kaligood ku koobnaaneysaa eedda wixii dhacay, misa ciqaabtooda ayuunba heer kale noqon lahayd? Waxay se su’aashu tahay miyay kuwii kale ee faraha badnaa ee iyaguna rabshadda ka qeyb qaatay (active associates in the alleged offence/s) ay eed-laawayaal noqon karaan? Illeen afartani kaligood waxba may samayn kareene?
Sidoo kale lama odhan karo eedaysanayaashan ayaa u wakiishay inta kale in ay falalkaasi rabshadda ku kacaan (qui facit per alium facit per se) si ay masuuliyadda dambiyeed u wada qaataan. Haddii aanay jirin faa’ido ama dano u gooniya oo la caddayn karo oo ay eedaysanayaashani ka helayeen wixii dhacay (Motive), kuwa kale ee rabshadaha maalintaas ku kacayna waxa ay noqonayaan ka-qayb-qaatayaal faldambiyeed (co-perpetrators), waa haddii aynu ku eegno arrintan indho Ciqaabeed (Criminal approach). Waayo ma ay ahayn inta kale ee aan la eedaynin, amar-qaatayaal laga awood badnaa, ama kuwa Caqli ahaan iyo da’ ahaanba ka hooseyay eedaysanayaasha oo la odhan karo waa la duufsaday, balse waxay ahaayeen kuwa eedaysanayaasha u dhigma, oo iyagoo u xor ah rabitaankooda iyo garashadooda ka qeyb qaatay rabshadii dhacday, Markaa sideebaa la iskaga indhatiri karaa doorkooda kuwaas kale? Yaa yidhi la-abaabulayaasha caqligoogu dhanyahay waa eed-laawayaal, xataa haddii lagu doodo in lagu abaabulay waxay sameynayeen?
Ma mulkiilaha ama maamulka dugsiga ayaa awood u lah in ay sharciga u tilmaamaan cidda eedaysane noqonaysa iyo cidda aan noqonayn? Misa gun-gaadh xaqiiqeed (objective process) oo ka madax bannaan doonistooda iyo dareenkooda shaqsiyeed (subjective process) ayay tahay in lagu ogaado qofka yeelanaya Eedda dhacdooyinkaasi? Taasi oo xataa soo gali karta Maamulka Dugsiga iyo cid kale oon meesha laga filaynba?
Caddaaladda ha loo Sinnaado !
Isla maalintii ay rabshadu socotay dugsiga waxa soo gaadhay askar gurmad ah. Kuwaaso oo ay runtii ay ku adkaatay in ay xoog wax kaga qabtaan qalalaasihii socday. Haddii ay ciddii wax wadday ay shaqsiyaad kooban ahaayeen Maalintaaba way qaban lahaayeen iyaga oo gacmaha falka kula jira, balse waxa ay arkeen in ay tahay dugsiga badidiisii oo kacsan. Kadib isku-dhacbay ka waaqsadeen dhimasho iyo dhaawac keena, maadaamo oo ay nafahaa ubadku ka qaalisanyihiin hantida bur-buraysa.
Imikana in Laga yeelo ma aha in ay afar qof oo kaliya ay gaar ugu ashkateeyaan kacdoonkii baahsanaa ee ay bilayskuba dib uga joogsadeen. Miyay dajin karayeen afartan inan hawshaasi faraha ka baxday? Maxaa se illaa intaa ciyaalka ka cadhaysiiyay oo keenay in ay dugsigoogii bur-buriyaan, ma afartan inan oo kaliya, misa waxa jiray waxyaabo isasoo tarayay oo ay ardaydu diiddanayeen iyo tallaabooyin uu maamulku qaaday oo uu Markii dambana uu xallintoodi ku guuldarreystay? Ma kula tahay baadhitaanku inuu noqonayo baadhitaan dhammeystiran, ama yeelan kara gungaadh lagu kalsoonaan karo haddii la iska indho tiro sababta ay wax u dhaceen (cause and motive), oo lagu mashquulo uun wixii dhacay (Consequences) ?
X/ilaalinta iyo Bilaysku indho dhex-dhexaada ha ku eegaan oo yaanay ooyinta dhinac qudha ku go’aan qaadan. Arrintani, arrin Maamul ayay ahayd (Management issue) oo wax ay ahayd in dugsigu gudihiisa isa-saxo, ardaydiisa kasbado oo dhageysto waxay diiddanyihiin illeen da’dani ma aha Dugsi hoose. Ardayda markay da’doodu heerkan marayso (teenage age) habdhaqankooga laguma maareyn karo waalid loola heshiiyo iyo maxkamado toona. Marka lagu guuldarreysto in la fahmo dareenka iyo fikirka ardayga (educational psychology) ee lacag uun laga fakaro, ma aha in lagu meeraysto Garsoorka iyo Xabsiyada. Waxay se ku qumaneyd in iyada oo aan la colleysan ardayda loo caqli-celiyo iyada oo loo marayo tabaha waxbarasho ee wax lagu toosiyo. Waana in Maamulka Dugsiyadu ay si guud wax uga bartaan tijaabadani soo martay, oo aanay Ilmaha heerkan tacliimeed maraya (Secondary level) ula dhaqmin sida kuwa dugsiyada hoose (primary level).
Monday, November 9, 2020
MAXAY TIGREEGU ISMAAMUL IYO QOOMIYAD AHAANBA DIIDDANYIHIIN ? Mohamed Ahmed Abdi Bacaluul.
Taariikh ahaan, Tigraygu waxay Minelikii labaad kala qeyb-qaateen duulaannadii uu ku qabsaday Koonfurta iyo Galbeedka Eithiopia qarnigii 19-aad horraantiisii. Waxaanay intii ka dambaysay dhul-ballaadhsigaasi, isku arkayeen kuwa laga maarmay oo Boqortooyadii Axmaaradu ee ay isku imbaraadooriyadda iyo diinta ahaayeen (Orthodox Christianity) aanay wax abaal ah u celin markii ay u guurtay Koonfurta. Waxaanay u arkeen Axmaaradii Showa kuwa isku koobay kheyraadkii iyo dhulalkii la qabsaday, isla markaana is-gaashaan buuraysi kale la samaystay dadyawgii reer miyiga ahaa ee ay qabsadeen.
Tigreyga—iyaga oo dhutinaya ayuu Dhergigu kusii joogsaday. Waxa uu Nidaamkii Hanti-wadaagga ee Dhergigu afgambiyay Boqortooyadii Haile Salase 1974-kii, una badalay hoggaamintii Itoobiya Nidaam Siyaasadeed Shuuciya oo ku dhisan hal-xisbi. Dhergiga laftiisu wuxu ahaa mid sii xoojiyay uun cududdii Militari iyo Siyaasadeed ee Axmaaradu lahayd. Waxaanu Nidaamkani ku shaqeynayay olole Shuuciyeed iyo Xamaasad Isireed is-huwan. Waxaana Tigreega oo ka soo jeeda xadaarad guun ah, siyaasad ahaana qeyb ka ahaan jiray Imbiradooriyadii Abisiiniya (ee ka dhaxaysa Tigreega iyo Amxaarada qarnigii 18-aad), sida qowmiyadaha kale la qarameeyay ilahoogii waxsoosaar, laguna Qasbay Afka Axmaariga—Luqada Rasmiga ee Maamulka dawladeed, Waxbarasho iyo Ganacsigaba.
Walaw duruufo dhaqaale loo nisbeeyo waxyaabihii dhaliyay kacdoonkii iyo jabhaydayntii ay shucuubta Tigreegu ay kaga horyimaaddeen taliskii Mingeste, haddana kamuu maqnayn dareen qoomiyadeed oo ay ku diidanayeen Amhaariyaynta dalka [amharization policy]. Waxa kale oo ay tan la wadaagayeen dhaq-dhaqaaqyadii gooni-u-goosasho ee ay bilaabeen qowmiyadihii kale ee Canfarta, Oromada iyo Somalidu.
Markii ay dhacday Dawladdii Kalitaliska ahayd ee Dhergigu 1991-kii, waxa talada la wareegay EPRDF oo ka kooban Isbahaysi Qoomiyeeddo hubaysan oo si wada jir ah u la wada dagaalamay Taliskaasi. Isbahaysiyadaasi guulaystay oo uu hoggaaminayay Tigreegu, ayaa Malez Zenawi u doortay Madexweynaha Xukuumaddii ku-meel-gaadhka ahayd intii u dhexaysay 1991–1995. Kaasi oo markii dambena noqday Raa’isal Wasaarihii labaad ee dalka 1995-2012. Waxaana dalku ku qaatay Siyaasad Fedaraalnimo oo ku dhisan Qoomiyad (Ethnic-based Federalism).
Xiisadda khilaaf ee u dhexeysa Maamulka Tigray iyo Amxaara, wuxuu kor u kacay 2018. Sida ay sheegayso ICG, Ismaamulka Axmaaraddu wuxuu laayay, barkiciyayna kumanaan ka tirsan qowmiyad Qimant oo dhex deggan gobolkooda. Qoomiyaddan ayaa bilawday dhaq-dhaqaaq ay ku doonayaan is-xukun-hoose (autonomy) oo ka madaxbanaan Maamulka Axmaarada. Halka uu Maamulka Axmaaradu isna ku eedeeyay Maamulka Tigray in uu ku lug leeyahay dhaq-dhaqaaqyadan.
Labada Ismaamul midkoodna uma muuqdo mid oggolaanaya wax tanaasula. Sidoo kale Tigreegu waxay ka biyo-diideen Guddida Xallinta khilaaf xadeedyada Federaalka ee la asaasay 2018-kii. Waxaanay ku doodayaan in aanay Guddidan lahayn sharciyad iyo dhex-dhexaadnimo ay ku dhexgasho khilaafka. Waxaanay ku andacoonayaan in aanay Guddidani ku salaysnayn Dastuurka dalka, isla markaana aanay lahayn awood ka madaxbannaan Maamulka Abby, maadaamo oo uu la xisaabtankooda leeyahay Xafiiska Raysal Wasaaruhu halkuu ka yeelan lahaa Baarlamaanka Federaalku.
Tigreegu kuma kalsoona Abby, marka ay noqoto Khilaafka iyaga iyo u dhexeeya Axmaarada. Maadaamo oo ay amhaaradu ay kamid ahaayeen is-bahaysigii kursiga Awoodda Saaray Abby. Waxaanay Tigreegu isku arkaan kuwo siyaasad ahaan Axmaarada iyo Oromadu go'doomiyeen, oo xataa siyaasiyiintii Oromada iyo Amxaarada ahaa ee ku jiray Xisbigooga ay uga yeedheen, qaarkoodna cadaadis lagu saaray inay iska casilaan. Sidoo kale isbadalladii uu ku tallaabsaday Raysal Wasaaraha Cusub, ayay u fasirteen Siyaasad Qoommiyad ahaan loogu bartilmaameedsanayo oo wax kasta oo laga tabanayay maamulkii hore iyaga dusha laga saarayo.
Xisbiga TPLF ee ka arrimiya imika Gobolka Tigray, wuxuu isku arkaa mucaaridka qudha ee dhex fadhiya Baarlamaanka Federaalka. Waxaanay Ismaamulka Tigreegu muddooyinkii dambe bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku xoojinayaan Ciidamadooda Nabadgalyada. Tallaabooyinkaas oo ay Federaalku isha ku hayeen, isla markaana u fahmeen isku-diyaarin dagaal oo ka badan Baahi amniyeed. In ay Tigreegu tab iyo taag ahaanba is-hubsadeenna, waxa tusaale kugu filan sida uu Maamulkoogu ugu joojin waayay Amarkii Xanuunka Koofidka la xidhiidhay ee dawladda dhexe ku joojisay doorashooyinka.
Xigashada Mapka; https://welkait.com/?page_id=121
Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
Tuesday, September 1, 2020
HANNAANKA GARSOOR EE LOOGA GO'AAN GAADHO DASTUURNIMADA XEERARKA (Constitutionality of Laws)?: Falanqayn Sharci oo Ku saabsan sida ay Maxkamadda Dastuurigu u laashay Xeerka Nidaamka Garsoorka (lr 24/2020)by Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul
Waxay Maxkamadi sideedaba go'aan kasoo saartaa waa Dacwad. Dacwad kastaana noocay doonto ha noqotee (ciqaab, madani, maamul amaba dastuuriba) waxa dacwadnimadeeda sal u ah inay lahaato shuruudahan hoos ku xusan:
1. Laba dhinac; dacwoode iyo dacweysane, eed-ooge iyo eedaysane, rafcaanle iyo rafcaansane, loofuliye iyo lagu-fuliye. iwm.
2. Waa inuu jiraa Mawduuc ama Xaqiiqo la isku hayo (Point of issue); mawduucaasi oo ah mid sharci ahaan iyo xaqiiqo ahaan laga garnaqi-karo (Justiciability) oo la fahmi karo nidaamku lagu xaqiijin karo su'aashaasi jawaabteeda, isla markaana la garan karo waxa ay dhinacyadu kala doonayaan.
3. Dhegeysi dhinac saddexaad oo ka madax-bannaan dhinacyada is-haya iyo mawduuca la isku hayo, dhegeysigaasi oo ay shardi u tahay inuu Ka dhaco madal u furan dadweynaha iyo saxaafadda si loo arko in fursado isleeg la siiyay dhinacyadii is hayay iyo inkale.
4. Go'aan ka dambeeya isku-dhegeysiga dhinacyada is haya, go'aankaasi oo sababaynaya jawaabtiisa, isla markaana faah-faahinayo sida loo miisaamay labada doodood iyo caddaymahooga.
Hadaba marka aynu isla saxno Nidaamka Loo maray Go'aanka la sheegayo in lagu laalay XeerkA 24/2020, ayaynu u guda gali karnaa Asbaabta ay Maxkamadda Dastuuriga ahi u cuskatay go'aankeeda. Hadaba si aad uga jawaabto bal inay jirtay dacwad dastuuriya iyo inkale waxaad is weydiisaa saddexdaasi qodob ee sare ku xusan in ay Maxkamaddu Buuxisay si ay usoo saarto Go'aan Dastuuriya. Ma jireen dhinacyo dhab oo ka ashkatooday? Haddayse jireen ma sheegi kartaa labada dhinac ee ay u garnaqday Maxkamaddu? Marka taas la xaqiijiyo ayaa la isweydiin karaa bal inuu jiro wax cad oo la isku hayaa iyo inkale.
Kasoo gudub. Ma jiro dhinacyo dacwadeed, dood dacwadeed. Waayo dhinacyada dacwadda Dastuuriya soo gudbisan kara, waa dhinac uu xaq Dastuuriya oo uu lahaa uu saameeyay Qodob sharci oo ku soo baxay Xeer, amaba uu saameeyay Go'aan Maamul/Garsoor.
Waxa dhici karta in uu Baarlamaanku soo saaro Xeer Caqabad ku ah madaxbannaanidii ay Maxkamaddu ku Garsooraysay. Tusaale ahaan haddii uu soo baxo xeer ka maanacayo maxkamadda inay Qabato dacwad X, Ama dhegeysato arrin ka dhacday goobta Y, amaba Xeer mamnuucaya in laga cabto cid gaar ah ama go’aanno kasoo baxa hay’ad gaar ah iwm.
Ma aha in ay maxkamaddu isku aragto dhibane marka uu soo baxo xeer farogalinaya awooddaheeda Garsoor. Mana aha in ay durbadiiba ka falceliso oo ay iskeed u qaaddo tallaabooyin ay is leedahay ku ilaasho awoodahaaga dastuuriga ah. Balse Waa in ay sugtaa inta Qof uu xuquuqdiisa saameeyay xeerkaasi u soo cabanayo (Hough, B. 1997). Cabashadaasi oo ah dacwad dastuuriya ayuu qofkaasi kaga codsan doonaa Maxkamadda in ay laasho qodobada Xeerkaasi ee ka hortaagan xaqa uu u leeyahay ‘inuu helo Garsoor dhex-dhexaad ah'. Waayo Xaqa qofka ee ‘in uu helo dhegeysi garsoor oo dhex-dhexaada ah’ ayaa ka horreeya Waajibka saaran maxkamadda ee ah ‘in ay bixiso adeeg garsoor oo dhex ah’.
Waxa uu dacwoodahaasi ku baraarujinayaa (taking full cognizance) Maxkamadda waajibkeedii Dastuuriga ah ee 'bixinta adeegga Garsoor'. Sidaas baanay Maxkamadu iyada oo ayidaysa xaqaasi dastuuriga ah ay ku laali kartaa Xeerka (qodobada gaarka u taabanaya xaqa). Taasina waxay uga baahantahay in ay marka hore fadhi furan ku dhegeysato cabashada dastuuriga ah ee loo soo gudbisto iyada fursad u siinaysa dhinaca kale oo ah xeerdajinta in ay ka jawaabaan cabashadaasi laga qabo go'aankooda xeerdajineed ama ay difaacaan ujeeddada sharci ee ay ka lahaayeen qodobadaasi ay dooddu ka taagantahay. Dhegaysiga labadaasi doodood ka dib ayay tahay Maxkamaddu in ay go'aan fasiraadeed u dirto qodobadii sharci ee ay dooddu ka taagnayd dastuurinimadooda (Garlici 2007). Waxaanay Maxkamaddu asbaabteeda isku bar-bar dhigaysaa fasiraaddii ay ku samaysay qodobadaasi iyo fasiraadda qodobada Dastuurka ee ay macno ahaan ka hor imanayaan. Kadib ayay sidaas ku laalaysaa, kuna ayidaysaa dooddii dacwoodaha, iyadoo go'aankeeda ku sheegaysa waajibkii dastuuriga ahaa ee Garsoor ahaan ka saarna fulinta xaqaasi.
Baarlammaanku Xeer ma ku Nidaamin karaa Hawlaha Garsoorka?
Jawaabtu waa haa. Waayo Baarlamaanku wuxuu markan Gudanyaa Waajibkiisa Xeerdajineed ee ay shacabku u doorteen. Waxaanu Golahu isaga oo ka duulaya Dastuurka, uu awood u leeyahay inuu dajiyo xeerkasta oo Nidaaminaya Hawlaha Qaranka iyo Hay’adaha u xilsaaran. Garsoorkuna wuxuu ka mid yahay hawlaha qaran ee ay dawladnimadu u xilsaarantahay. Marka ay xeerdajintu gudanayso xilkoodan distooriga ahna, waxa ay matalaan shacabka oo leh karaamada (siyaadada) dawladnimo ee ugu sarraysa, sidaa awgeed lama odhan karo waxa ay farogaliyeen arrimihii Maxkamadaha. Marka laga yimaaddo dastuurka, dhammaan xeerarka kale ee qeexa waajibka Garsooridda (Substantive laws) iyo habka loo marayo Garsooriddu (Procedural Laws) waa waajib xeerdajineed oo uu Baarlamaanku u xilsaaranyahay.
Waana waajib saaran Baarlamaanka in ay dajiyaan Xeerarka Asaasiga ah ee loo yaqaan Awood-bixiyayaasha (Enabling Acts) ee Qeexa Qaabdhismeedka iyo waajibaadka haya’adaha Qaranka. Hay’ad Qaran markan leeyahay waxaan uga jeedaa Unug-wadareed kasta oo dawladeed (public institutions) oo ay Wakiiladu u oggaalaadeen in uu ku shaqeeyo Cashuurta ummadda (Public Fund). Garsoorkuna wuxuu ka mid yahay adeeg-bixiyaasha dawladeed ee ku shaqeeya Maalgalinta Ummadda.
Xeerarkii Hore u jiray ma go’aamin Karaan ansaxnimada Xeer Cusub, ama ansaxnimada wax-kabadalid iyo kaabis xeerdajineed oo xeer noqotay?
Waxa kale oo ay Maxkamaddu Dastuuriga ah ay ku sheegtay in laashay Wax-kabadalka Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer Lr 24/2020, maadaama oo uu ka hor yimid Xeerarka Habka Ciqaabta iyo Madaniga ah. Fasiraaddani waa mid jaahwareerin ah oo aan gabi ahaanba wax xidhiidh ah la lahayn (irrelevant) ka go'aan-gaadhista ansaxnimada Kaabista iyo Wax-kabadalka Xeerka Nidaamka Garsoorka sababahan awgood;
- Xeerarka Habka Ciqaabta iyo Madaniga kama sarreeyaan Xeerka Nidaamka Garsoorka, oo ma nasakhi karaan Qodobadiisa. Xeerarka Habka madaniga iyo Ciqaabtuba waa xeerar Baarlamaan oo la siman xeerka Nidaamka Garsoorka. Marka laga go’aan-gaadhaya Ansaxnimada Xeer Baarlamaan (Statutory Act) waxa ka sarreeya oo loo eegi karaa waa Dastuurka. Balse looma eegi karo xeer kale oo ay isku darajo yihiin. Waxa Xeer Baarlamaan loo eegi karaa uun Xeer-nidaamiyaha ka hoos dhasha
- Waxay Qaacidada Kalasarraynta Nidaamka Xeerarku (Hierarchical rule of Legal order) dhigaysaa in haddii ay is-khilaafaan laba Xeer oo isku darajo ahi in ay isku baabiinayaan sida ay u kala dambeeyaan (Later law supersedes earliar laws). Waxaana tusaale kuugu filan, Sida Xeerka Ladagaalanka Mukhadaraadku (xeer lr 21/2002) uu meesha uga saaray Qodobadii Xeerka Ciqaabta Guud ee qeexayay Ciqaabta Sikhradda. Sidaa darteed Qodobada ku jira Xeerarka Habka Ciqaabtu iyo Madaniga ee ka horyimaadda Waxkabaddalka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Garsoorka (XNG) Xeer lr 24/2020 ayaa meesha ka baxaya, balse meesha ka bixi maayaan Kuwan ka dambeeyay ee XNG.
- Xeerarka Habka Ciqaabta iyo Madaniga ah waxay kasoo jeedaan Xeerarkii Dawladdii hore ee Somaliya, waxaanu Dastuurku oggalaaday in ku-meel-gaadh ahaan loosii adeegsado, inta la Samaynayo Xeerar Dastuurka iyo Dawladanimada Somaliland la jaanqaadaya. Haddaba xeerarkaasi duugga ahi sideebay caqabad ugu noqon karaan Xeerarka uu Baarlamaanka Somaliland Dajinayo? Baarlamaanku ma wuxuu ku qasbanyahay inuu Xeerkasta oo Garsoor waafajiyo kuwii Dawladdii hore? Ma dastuurbaa xeerarkaasi? Maxkamaddu halkaas go’aankeeda kuma caddaynin, iyada ayay ceeb ku tahay maadaama oo ay tahay halkii ugu sarraysay ee Aqoonta Sharci loo tuhmayay, lagana filayay inay tallaabo kasta oo ay qaadayso ay ku sababayso Qodobo Sharci.
Maxkamadu Xeer Ama Qodobo Xeer oo Wax-kabadal Lagu Laalay Dib
Xeer ma uga dhigi kartaa? Ma leedahay awoodda go’aaminta Waxa Xeer noqon doona?
Su’aashu waxa weeyi horta Xeer la yidhaahdo Xeer hore ma jiraa saacadda ay go'aankan ay soo saarayso? Ma laba xeer oo bar-baro ah ayaa wada jiray (mid hore iyo mid dambe)? Miyaanu kaa hore (xr lr 24/2003) laalmin marka uu dhaqangalay xeerkan dambe (xeer lr 24/2020)? sifuhuu ku jiraa wax xeer hore la yidhaahdo?
Waxa nidaamka xeerdajintu dhigayaa in ay qodoban dambe ee Waxkabadlka iyo kaabista ee dhaqangalay ay mar horeba laaleen wajigii ama Versionki hore ee Xeerka Nidaamka Garsoorka. Markaa Maxkamaddu dib u ma samaysan/noolayn karto xeer laga soo guuray oo sidaa kaga baxay diiwaanka xeerarka dalka. Dastuurkuna ma siinin awoodda ay Maxkamaddu ku go’aamin karto xeerka uu dalku yeelan doono.
1. Maxkamaddu waa meel dhex-dhexaad ah
(Politically non-partisan) oo aan la rabin inay hay'ad ama shaqsiyaad gaar ah ay la tirsato
ama ay isbartilmaameedsadaan. Waayo haddii ay soo baxdo in ay is hayaan cid
gaar ah waxay luminaysaa milgihii Garsoornimo iyo dhex-dhexaadnimadii laga
filan lahaa, Mar haddii ay loollan awoodeed a qeyb ka noqotana waxay soo dhexgalaysaa
Garoonkii iyo Ciyaarihii ay ka Garsooreysay.
2. Sidoo kale Garsoor ahaan Maxkamaduhu waa isku
hal qof (entity) ama
Waax Qudha (One Branch) oo waxay hoos yimaaddaan hal Guddoomiye Guud. Markaa
haddii la keeno caqliyadda ah inay Maxkamadi kiis furan karto,
halka ay ka furanaysaa waxay noqonaysaa uun isla Waaxdeedii Garsoorka. Taasina
waxay u ekaanaysaa in ay Maxkamadihii ay qaadayaan kiis ay isla iyagii dhinac
ka yihiin. Mar haddii aydaan isla tagayn Garsoor dalkale oo si
madaxbannaan idinku garnaqa. Waxaanay isku-garqaadistaasi ay maxkamada ay isku
garqaadayaan ay ka hor imanaysaa mid kamida mabadi'da Caddaaladda ee ay
adduunyadu isla aqoonsantahay. Mabda'aasi oo ah 'In aan Qofna Kiis uu dhinac ka
yahay aanu ka garnaqi karin'. Maxkamadda Dastuuriga hadaba
dhegeysiga ay sheegtay ee ay ku tidhi waxaan ku dhagaysatay maxkamadihii kale
ayaa gabi ahaanba xadgudub ah Qodobada Dastuurka ee Qeexaya Awooda Garsooridda
ee Maxkamadahaha eeg 97.1 iyo 98.2.t.
3. Awooddan ay maxkamadu isku siisay inay ku laali karto xeer qaran oo dhaqangal ah, oo ay isla qaateen labadii Waaxood ee kalsoonida iyo codka shacabka haystay (Baarlamaanka iyo Madaxtooyada), waa mid lidku ah Dastuurka iyo Dimuqraadiyaddaba. Waliba waxa ay Laalistan ay sheegayso ay gabi ahaanba ka arradantahay hannaankii daahafurnanta Garssoorka ee ay dhigayeen habraacyada ay maxkamaduhu ku qarqaadaan. Tallaabada ay Maxkamadu qaaday ma aha fasiraad sharci, balse waa xeer-diidis ay Maxkamaddu iskeed uga badheedhay. Marka ay sidan yeeshayna waxa ay si cad uga hor timid Mabada'ii Dastuuriga ahaa ee (Kala Soocnaanta Awoodaha); ee loogu talogalay in ay Saddexda awoodood ee Qaranku ku wada shaqeeyaan. Mabada'aasi oo dhigaya nidaamka is-dheellitirka iyo is-xisaabinta awoodaha (Checks and Balances). Waxaana Garsoorka laga filayay in uu noqdo tusaalaha koowaad u hoggaansanaanta Sharcigu, maadaamo oo ay shaqadiisuba tahay ilaalinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Xeerarka Qaranka.
Gabo-gabo:
In ay Maxkamaddu rabitaankeeda ku go'aansato Xeerka Qaran ee ay Fulinayso iyo kan ay diidayso waxay noqonaysaa gef badheedh ah oo ay ku abuurayso Jaah-wareer sharci oo hor leh (Constitutional Crisis). In garsoorku qeyb ka noqdo buuq iyo muran siyaasadeed kasta iyo dano-kasta oo la kala jiidanayo wax ay u dhimaysaa karaamadiisi iyo kalsoonidii ay ummaddu ku qabi lahayd dhexdhexaadnimadiisa. Haddii uu sidan ku sii socdana noqon maayo mid ay dadku ku imaanqabi doonaan garnaqiisa.
Man aha Garsoorku in uu ku shaqeeyo is-kooxaysi ‘groupthink’, oo ay isku arkaan dhinac kamida dhinacyada u ordaya dano iyo ujeeddooyin kooxeed. Garsoorku in aanu iskooxaysan waxay qeyb ka tahay tayada ay leedahay Garsoornimadu, waxaanay dammaanad u tahay dhawrsanaanta Xuquuqaha iyo Xorriyaadka muwaadiniinta. Haddii uu garsoorku noqdo mid ‘is-kooxaysta’, ma noqon karo mid yeesha darajooyin loo kala cabto oo isa-saxa. Iskooxaysigu Wuxuu xad-gudub ku yahay Xaqii Rafcaan-qaadashada (right to appeal/judicial review) waayo waxa aad noqonaysaa mid u kala rafcaan qaadanaya koox isku xidhan oo tallaabo kasta oo ay qaadeen isla sii ogaa. Waxaad u kala cabanaysaa niman isku arka koox-qudha oo isku-xidhnaashahoogu kala weynyahay xaq kasta iyo dano kasta oo ay wadato cid aan la koox ahayni. Ciddii ay u arkaan in ay halis ku tahayna hadalkeedaba daa!
Waana ceeb in la ina maqashiiyo in ay guddoomiyayaashii rafcaanada dalkoo dhami iyo Guddoomiyahoodii Sare (chief of justice) ay goor aan la ogeyn inoo shireen, dabadeedna ay si aan la fahmi karin iskula qaateen in la soo saaro wax lagu sheegay go’aan fasiradeed. Kaasi oo ay ujeeddadiisa tahay in ay ku muujiyaan uun sida ay iskugu raacsanyihiin ku shaqayn la’aanta Xeer Qaran oo dhaqangalay. Iskooxaysigaasi aan sharciga ahayn ee ku dhisan dano xileedka shaqsiga ahi waa khatar cusub oo inagu soo fool leh shacab ahaan iyo qof ahaanba. Haddii aan la kala xoreyn Garsoorkana (internal independance of judiciary) waa loo wada joogi doonaa nooca caddaaladeed ee mustaqbalka dhow laga la kulmi doono Maxkamadaha.
Endnotes:
1.Xeer; waxa looga jeedaa, qodobo kamid ah xeer jira oo ay ka hor imanaya qodobada ama mabadi'ida nuxurka iyo asaaska u ah dastuurka. Maxkamadda Dastuuriga ahi awood uma laha in ay xeer dhan oo baarlamaan wada laasho, balse waxay awood u leedahay in ay laasho qodobada ay su'aasho ka taagantahay haddii ay ka hor imanayaan Dastuurka, amaba waafajiso dastuurka iyada oo u fasiraysa si nuxur ahaan waafaqsan dastuurka (interpretative judgement).
Hough, B,1997. re-examination of the case for locus standi rule in public law' Cambrian law review. p6 vol;28.pp 83-104.
Lech Garlici. Constitutional courts v Supreme courts, Oxford University Press 2007,p49, vol 5;44
Go'aanka Maxkamadda Dastuuriga ah ee Laalista Khilaafku ka taagnaa ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer lr 24/2020 (3 copy)
Tuesday, January 28, 2020
EVERY AGE HAS ITS OWN HEROES by Advocate Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul

Saturday, August 11, 2018
GO'AANKA MADAXWEYNAHA EE DIB-U-SOO-CELINAYA MAAMULLIDA HANTIDA QARANKU WAA MID DIB-U-NOOLAYNAYA MILGIHII DAWLADNIMADA
![]() |
| Garyaqaan Bacaluul. |
Xigasho; Dikreetada Madexweynaha ka eeg halkan
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Gacanta Dawladda
Kusoo celiyay Maamulka Haamaha Berbera, Amniga & Baarkinka Madaarka
Caalamiga ah ee Cigaal.
Akhri Wareegto uu Madaxweynuhu soo saaray
maanta oo u dhigan sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-178/082018, uu maanta ku shaaciyey in xukuumaddu La-wareegidda Hantida
Dawladda ee Haamaha Berbera, Amniga iyo Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee
Cigaal.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu
Sidan:-
Markaan Arkay:
Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay:
Qodobka 14aad xubintiisa 1aad iyo Qodobka 54aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka;
Markaan Arkay:
Qodobka 3aad (2) (kh), 32 (2) (g), iyo 33 (2) (b) ee
Xeerka Hay’adda
Duulista Madaniga ah ee Xeer Lr.70/2017;
Markaan Arkay:
Qodobka 6aad ee Xeerka Takaalifta Amniga Madaarada
ee Xeer Lr. 61/2013;
Markaan
Garwaaqsaday:In
daryeelka iyo ilaalinta hantida guud ay tahay
waajib
saaran xukuumadda, hantidaas oo hadii loo baahdo lagu wareejin karo kali ah,
si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka
dalka;
Markaan Xaqiiqsaday: Mihiimadda ay
leedahay la soo noqoshada hantida dawladda, oo il-duuf sharci ku jiro habka
loo wareejiyay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga
Gaarka ah (PPP Act);
Markaan Arkay:
Mihiimadda ay leedahay
in dawladdu la soo noqoto hanti-ahaan iyo maamul ahaanba Haamaha Shidaalka
Berbera, Adeegga Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Baarkinka
Madaarka Cigaal, sababo amni iyo dhaqaale awgeed;
Markaan Xaqiiqsaday: In sii
wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka
masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka, isla markaana ay ka hor
imanayso waajibka xukuumadda ka saaran ilaalinta hantida Qaranka iyo uga
faa’iidaynta dant guud;
Markaan Helay:
Talo soo
jeedinta guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Heer Qaran iyo talo bixintii
sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadahah BOG, SRM iyo
EPASS;
Waxaan
Go’aamiyey;
·
In
la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG),
Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).
·
In
xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii,
gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga
Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah
ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.
·
In
Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta
Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo
Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay
Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera,
Amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo Baarkinka Madaarka, soona
xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.
·
In
Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee
fulinta qodobbadan kor ku xusan.
·
In
Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si
caadi ah.
Allaa
Mahad Leh
Muuse
Biixi Cabdi
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somalil
|
THE THREE DRIVERS. BY MOHANED AHMED ABDI BA'ALUL
THE THREE DRIVERS The sun hung directly overhead, casting a harsh white glare across the compound. The air at the Central Station was th...
-
Waxay Maxkamadi sideedaba go'aan kasoo saartaa waa Dacwad. Dacwad kastaana noocay doonto ha noqotee (ciqaab, madani, maamul amaba dastuu...
-
EARLY EVIDENTIARY DISCLOSURE AND PROCEDURAL CONCENTRATION Reforming Pretrial Evidence in Somaliland Civil Litigation By Mohamed Ah...
-
Garyaq. Bacaluul. DASTUURKA IYO GARSOORKA SOMALILAND Maxkamadda Sare Markaad eegto qaab-dhismeedka Garsoorka iyo...








