Friday, January 19, 2024
DADKAYGOOW YAAN NIN DAN LEHI IDINKU HARAWSAN DIINTA
Monday, December 11, 2023
HANTI-MASKAXEEDKA IYO FANKA: FAHAMKA SHARCI EE XAQA HAL-ABUURKA IYO XUQUUQAHA KALE EE KA FARCAMA
HANTI-MASKAXEEDKA IYO FANKA: FAHAMKA SHARCI EE XAQA HAL-ABUURKA IYO XUQUUQAHA KALEl
W/Q Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
Fannaanka luuqda lehi ma laha asalka heesta.Sharci ahaan cidda hal-abuurka leh midhaha ama erayada ayaa leh hanti-maskaxeedka koowaad (intellectual property right). Abwaanka leh asalka shayga, oo ah midhaha la macaaneeyay ee luuqda, laxanka iyo muusika lagu ladhay ayaa iska leh hal-abuurka heesta iyo dheefta ugu badan, xaqna u leh cidda uu wax ka siinayo munaafacaadsigeega.
Qolada kale ee macaaneeya erayadu waxay ku leeyihiin xuquuqo ka dheegma (derivative rights) lahaanshiyahaas asalka, sida qofka kireysta dhulku aanu u lahayn dhulka uu kireystay ayaanay kooxfani u yeelan karin heeska, se waxa ay ku leeyihiin xuquuqo lagu heshiiyay (contractual rights).
Waa se laga iibsan karaa abwaanka midhaha. Iibkaas oo meesha ka saari kara kiradii abwaanka uga u socon isticmaalka heeskiisa (royalties). Ku darsoo abwaanku isaga oo iibiyay hal-abuurkiisa, wali xaqa inu u leeyahay in magiciisa la xuso in uu lahaa hal-abuurista heeskiisa (citation). Waana inta ay hanti-maskaxeedku kaga duwantahay hantida muuqata. Qofka iibsaday ma sheegan karo hal-abuuristeeda, se waxa u gooni noqda xaqa dheefsigeeda, adeegsigeeda iyo tarminteeda. Waxa kale oo uu iibsadhani xaq u yeeshaa sii-iibinteeda haddii aanay taasi ka hor-imanayn heshiiskii isaga iyo abwaanka u dhaxeeyay.
Sida loo wadaagayo dheefta heestuna waa heshiis ay ka gorgortami karaan abwaanka iyo kooxaha dambe illaa istudiyaha farsamadu. Waxa inta badan lagu heshiiyaa hab boqolley ah in loo qeybsado dheefta soo baxda marka la bixiyo wixii kharashaad ah ee ku baxa soo-saaristeeda.
Waagii hore ma ay jirin shirkadahan adeegsada tiknoolajiydan internetku ee otomatika u tiriya isticmaalka muusikada. Halkooda waxa ku jiray shirkado kale oo farsamo qalimeed adeegsada (Manual system) oo khidmad ka qaata adeega ay u qabtaan hal-abuurayaasha. Waxa ay si joogta ah ula socon jireen heesaha la baahiyay. Waxa ay goobjoogayaal ku lahaayeen oo ay la socon jireen barnaamijyada lagu qabto goobaha lagu xafladeeyo, oo isticmaalka heesta khidmadeeda lagu jaangoynayo tirada dhageystayaasha la martiqaaday. Waxa ay shirkaddu ku dhex lahayd goobjoogayaal xarumaha laga baahiyo idaacadaha maqal iyo muuqaalka leh oo iyagana la socon jireen baahintooda si looga qaado khidmada heesaha ay baahiyaan.
Ka dib ayay shirkadahaasi ay si todobaadle ah u soo saaraan heesaha la isticmaalay iyo wadarta waqtiyada ay mid waliba baxday. In badan ayaa laga yaabaa in aad ka daawatay Tv-yada caalamiga ee madadaallada oo sheegaya heesihii ugu daawashada badnaa todobaadka (top 20 or 50 songs of the week). Halka ay xogtani ka timaaddo waa shirkadahaa aan ku soo sheegay.
Qeybtaas hore waxa aan kaga hadlay marka uu fanka muusikada uu ka dhex jiro suuq furan oo karti iyo tartan lagaga macaashayo. Inta badan dalalka ay taasi ka jirtaa, xeerarkoodu waxay hantiilahan iyo dhaxlayaashiisa xaq u siiyaan in uu ka macaasho wax-soosaarkiisa muddo 70 sannadood oo ka bilaabanta marka hantidaasi la shaaciyo. Muddadaasna waxa sharci ahaan reeban in lasii tarmiyo (copyright limitation) iyada oo aan la weydiisan cidda hal-abuurkaasi iska leh. Wixii ka dambeeyana si rasmi ah ayaa loo fasaxaa, oo hantidaasi waxay noqotaa mid aan lacag ku joogin oo ay dadaweynuhu u simanyihiin (Public Domain).
Taasi kama ay hirgalin Soomaalida, oo waxa uu hal-abuurkani waji kale yeeshay markii uu nidaamkii bulsho iyo siyaasadeed isu badalay hanti-wadaaga (socialism). Fanka muusikada ee Soomaalidu muu sii ahaan hanti maskaxeed gaar loo lahaado intii kacaanku talinayay. Wuxuu ka mid noqday hantiyihii loo hor qarameeyay. Waxaana iska yeeshay Dawladda, gaar ahaan hay'addihii u qaabilsanaa Warbaahinta iyo Hidaha iyo Fanka, iwm.
Tiyaataradu iyo guryaha dadka ay deganaayeen dadka shaqeeya fanku iyo goobaha ay ku shaqeeyaan waxay ahaayeen hanti guud ama dawladeed. Halka ay dadka fanka ka shaqeeyaana ha ahaado abwaan, muusikeyste, laxan allife, matalaad sameeye, luuqeeye ay intuba ahaayeen shaqaale dawladeed oo mushahar iyo hoyba ka hela dawladda, haddii ay kooxo ahaayeen iyo haddii ay kali-kali ahaayeena.
Markii uu nidaamkassi meesha ka baxay sagaashamaadkii, waxa ku yimid fanlaydii jaahwareer cusub iyo bililiqo dhan walba leh oo illaa imika ku socda hal-abuurkii iyo dadaal maskaxeedkoogii.
Waxaanay fanleydaas hore waajaheen duruufo bulsho iyo dhaqaale oo adag, iyada oo ay budhcad-faneedkaasi kala duwan ay biliqadaasi hantiyeed ka faa'idayaan hadh iyo habeenba. Waxaad arkaysaa kooxo leh bogagga interneetka ee you-tubes-ka oo sheeganaya xaqa baahinta, kana macaashaya heeso aanay hal-abuurkooda lahayn iyo Telefishano iyaguna baahinaya heeso hore loo qaaday oo ay ku luuqeynayaan fannaaniin dambe. Kuwaas oo iyaguna ka macaasha heesahaasi hore. Iyada oo ay u badantahay in aanay weydiisan ciddii hore u lahayd hal-abuurkooda (abwaankii iyo laxamaystihii) iyo kooxihii kale ee xuquuqda ku lahaa (fannaaniintii ku luuqeeyay, iyo muusiglaydii) ama cidda ay ka tageen ee dhaxalkooda leh.
Kaliya waxa laga sheekeeyaa bililiqada ay nidaam la'aantu ay ku keentay hantid muuqata (corporeal property), se tan aan ka hadlayo oo illaa hadda socota cidi ma soo qaaddo. Waxaana boobkani ka sii qeyb-qaatay tiknoolajiyadan casriga ah oo fududeysay baahinta, tarminta (copy right infringments) iyo wadaagistiisaba.
Waana ta keentay in ay dhibanayaashaasi ay heesahoogii ka baxaan guri kasta, gaadhi kasta, Tv kasta, you-tube-kasta iyo moobilkasta, oo laga yaabo in aanay iibsan karinba kuwa iska leh hantidaasi lagu raaxaysanayo.
Sunday, December 10, 2023
SIDEE AYAY DADWEYNAHU UGA WAR HELAAN HAWLAHA HEY'ADAHA MAAMUL?
SIDEE AYAY DADKU UGA WAR HELAAN HAWLAHA MAAMUL EE DAWLADDA?
Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul
Dadweynuhu waxa ay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan hawlaha loo hayo. Waa in ay ogaadaan hawlaha kala duwan ee ay hay'adaha maamul ee dawladdu u xilsaaranyihiin; ha noqdaan kuwa la qabtay, qaar socda ama qorshaysanba. Mar haddii ay xaqaasi bulshadu leedahay, dhanka kale oo ah maamulkana waajib ayay ku tahay in ay suurtogaliyaan xog heliddaas.
Waxaana qeyb ka ah suurtogalintaasi in la hirgaliyo Xeerka Xaqa Xog-ka-helidda Maamulka Dawladda (Right to information Act). Xeerkaasi ayay dawladaha maamul wanaagga lagu majeertaa ay intooda badani leeyihiin. Waxa uu xeerku waajibiya in la faafiyo xogaha ay ka midka yihiin:
- Xogaha ku saabsan adeegyada hay'addu u xilsaarantahay iyo waaxaheeda u qeybsan;
- Habraacyada iyo foomamka (loo codsado adeegyada hay'adaha maamul);
- Wargalinaha la xidhiidha adeegyada ay bixiso; wixii hadba ku soo kordha;
- Wareegtooyinka maamul ee saamayn sharciyeed ku leh (quasi-legislative rules) xuquuqaha loo-aadeegayaasha;
- Naadinta qandaraasyada;
- Wararka joogtada ah (news briefs) ee la xidhiidha halka ay marayaan waxqabadyada hay'adda: kuwa dhammaaday, kuwa socda iyo kuwa qorshaysan ee qeybta ka ah hiigsiga guud ee hay'adda.
Waxa kale uu xeerku nidaamiyaa habka loo codsanayo xogo diiwaaneedka kaydsan (records or archives) ee aan kamid ahayn kuwa ay faafintoodu waajibka guud tahay. Kuwaas oo ah tafaasiisha dheeraadka ee ay dadka daraasadaha wadaa iyo saxaafaddu u baahan karaan. Sidoo kalana waxa uu qeexaa xogaha dhawrsan (secret informations) ee saamayn kara nabadgelyada shaqsiyeed/guud iyo danaha guud ee qaranka, isaga oo dhawrsanaantaasi u kala qaada heerar kale sarreeya oo ku salaysan sida ay xogahaasi saamayntoodu u kala darantahay.
Waxa uu sidoo kale xeerkani awood u siiyaa shaqaalaha in ay kashifaan (whistle-blowing) wixii musuq ah ee ay madaxdoodu ku amarto in ay fuliyaan, ama ay shaqadooda ka dhex ogaadaan. Waxaanu xeerkani u dammaanad qaadaa qofkaasi shaqaalaha ah ee caroogga ku afuufa hawlaha leexsan ee hay'addiisa ka dhex socda, in aanay waxba kaga soo noqon gudashada waajibkaasi.
Xeerkani guud ahaan waxa uu qeyb ka qaataa xidhiidhka xogeed ee dadweynahu ay la leeyihiin hay'adaha u qaabilsan adeegyada dawladeed, kor u qaadaa daah-furnaanta maamul ee la odhan karo waxa ay yarayn kartaa tuhunka, ku-tiri-ku-teenta iyo musuqa ay xog la'aantu sababto.
Ma u malaynaysaa in aynu u baahanahay xeerkaasi (Right to Information Act)?
Wednesday, July 26, 2023
SIDEE AYAY ALAABAHA/WAXYAABAHA LAGU SOO EEDEEYO IN QOFKA OO HEYSTA LAGU SOO QABTAY, AY MARAG-MUUJIN (EXHIBIT) U NOQDAAN?
Saturday, February 18, 2023
SOMALILAND: DOORKA WASAARADDU AY KU LEEDAHAY HIRGALINTA NIDAAMKA CADDAALADEED EE SHAQADA (SHAQAALAHA IYO LOO-SHAQEEYAHA)
DOORKA WASAARADDU AY KU LEEDAHAY HIRGALINTA NIDAAMKA CADDAALADEED EE SHAQADA (SHAQAALAHA IYO LOO-SHAQEEYAHA)
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul
Xeerka Shaqaaluhu wuxuu jideeyaa xadka ugu sarreeya ee aan la dhafi karin. Waxa uu xaddiday ugu badnaan inta saacadood ee ay tahay in qofku si joogto ah u shaqeeyo maalintii. Sida loo xisaabinayo saacadaha shaqada iyo mushaharka. Cidda u xilsaaran xaadirinta iyo diiwaan ku haynta saacadaha uu qofkastaa shaqeeyo. Xeerku wuxuu go'aaminayaa Fasaxyada sannadka, kuwa bukaanka, munaasibadaha qaranka, shilalka shaqada, iwm. Waxa uu xaddidaa saacadaha nasashada ee shaqada gudaheeda [nusasaacaha] iyo nasashada u dhaxaysa labadii maalmood ee shaqo; ee bilaabanta marka la rawaxo.
Waxa uu xeerku qeexayaa masuuliyado iyo waajibaad saddex geesood ah oo ay kala leeyihiin: (1) Wasaaradda (maamul ahaan), (2) Loo-shaqeeyaha, iyo (3)Shaqaalaha. Waxaan ay Siyaasadda Qaranka ee Shaqada iyo Shaqaaluhu ay taabogal noqonaysaa marka ay saddexdaasi dhinac uu mid kastaaba kaalintiisa ciyaaro. Waxa cad in masuuliyadaha iyo waajibka dhinac saaran ay ka dhalanayaan xuquuqo sharci oo ay dhinacyada kale leeyihiin. Haddaba waxa aan qormadan ku iftiimin doonaa masuuliyadaha Maamul ee Wasaaradda saaran, si aad u fahamto dhinaca ay gudasho la'aanta masuuliyadahaasi ay saameynta ugu badan ee taban ay ku yeelanayso xuquuqihiisa (ku cad xeerka).
Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqaaleynta ayaa leh kaalinta ugu muhiimsan. Waa hay'adda qaranka u qaabilsan fulinta Siyaasadda Shaqada iyo shaqaalaha. Doorkeedu kuma koobna dhex-dhexaadinta iyo ka go'aan-gaadhidda khilaafyada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. Waxa sidoo kale laga rabaa in ay ka hortagto xaalado kasta oo keeni kara in ay isku dhacaan shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha.
Sida aynu uga barannay, ma aha in ay Wasaaraddu sugto inta ay cabashooyinka iyo ooyinta shaqaaluhu ay barteeda ugu imanayso. Waxa se ku waajib ah in ay korka kala socoto xaaladaha shaqo ee ka jira goobaha kale duwan ee laga shaqeeyo. Waa In ay kormeerto goobaha shaqada iyada oo indho-indhayn guud ku sameynaysa xaaladaha muuqda ee ka jira goobaha shaqada (bedqabkooda guud, hadhkooda, hawadooda, biyohooda iyo fayo-dhawrka musqulahooda iwm). Sidoo kalana waa in ay ka wardoontaa arrimaha qarsoon ee aan ishu qaban karin, iyada oo ay tahay in ay gooni-gooni u wareysato shaqaalaha si kalsooni iyo fursad loo siiyo ay ku warrami karaan. Ka dibna waa in ay Wasaaradu warbixin kasoo saarto ay ku saxayso wixii tilmaan u baahan, wixii tallaabo u baahanna ay ka qaaddo ciddii ay khusayso.
Cabashooyinka shaqaalaha ee ka yimaada goobaha shaqadu waxa ay daaha ka rogayaan sida ay wax u jiraan. Waa in ay cabshooyinka iyo dacwadaha soo gaadha wasaaradda ay masuuliyiinta wasaaradu u adeegsadaan xog hordhac ah (clue) oo laga ambaqaadi karo xaqiiqo-raadin hor leh. Waa masuuliyad saaran wasaaradda in ay hubiso in xaaladda loogu soo cabtay in ay tahay mid guud oo goobta shaqo ka jirta iyo in ay tahay mid u gooni ah qofkaasi u soo cabtay. Xaaladdu waxa ay tahay mid guud marka ay jiraan shaqaale kale oo xaaladdaasi la qaba cidda soo cabatay. Kuwaasi oo markoodii hore aamusnaa, balse marka la wareysto, xaqiijiya in ay jiraan waxyaabaha laga cabanayo.
Xeerka shaqaaluhu looguma talo galin oo kaliya in loogu garnaqo shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. Adeegsigiisu wuxuu koobsanayaa hawlo maamul oo intaas ka durugsan. Waxa uu jideynayaa masuuliyado maamul oo awood u siinaya wasaaradda in ay dusha kala-socota sida ay wax u socdaan. Waa In ay maamul ahaan u soo-dhexgasho (intervention) si ay u hagaajiso xaaladaha lagu shaqeeyo, u dhawrto u sinnaanta fursadaha shaqaaleynta, korna u qaado wacyiga shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha ee ku aaddan u hoggaansanaanta Siyaasadda Qaran ee Shaqada oo uu xeerku kaw ka yahay.
Diiwaangalinta heshiisyada shaqaduna waa bar bilowga ay wax kasta ka bilaabmaan. Heshiiska shaqadu waa dabarka koowaad ee ay shaqada iyo isku shaqeyntu ay ka bilaabmayso-- oo ah ta ay wasaaraddu nidaaminteeda u xilsaarantahay. Waa halka ay Wasaaraddu kala socon karto sida loo soo banshigayo ama loo qeybinayo fursadaha shaqaaleynta. Waa halka laga helayo dakhliga shaqada ee ay cashuurtu ku waajibayso. Sidoo kale diiwaanka wasaaraddu waa marjaca loo noqonayo marka ay loo-shaqeeyaha iyo shaqaaluhu isku qabtaan asal ahaanta heshiiska, ama laga shakiyo in la far-fareeyay qoraalkii lagu heshiiyay.
Waxa sidoo kale muhiim ah in wax laga baddalo hanaanka diiwaangalinta iyo keydinta heshiisyada shaqada. Waa in diiwaangalinta heshiisyada laga hoos saaro waaxda ka garnaqista khilaafyada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha oo ay noqoto Waax kale oo ka madaxbannaan. Waayo qeybta wax ka garnaqsaa ma aha in la weydiiyo in ay sii hayaan heshiiska la isku hayo xaqiiqadiisa iyo in kale, ama in ay heshiiska ay sii hayaan uu yahay sida uu hebel ku doodayo iyo in kale. Waayo cidda saddexaad ee dhinacyada u garnaysa, marka la weydiinayo inuu heshiiska la isku hayo xaqiiqadiisa uu sidaa u jiro iyo in kale waxa ay markaa qaadanaysaa doorkii maragga, oo waxa ay caddeynaysaa in ay u hayso heshiiskaa sida uu dhinac ku doodayo iyo in kale.
Mabad' ahaanna qofku marag kama noqon karo isla kiiska uu ka garnaqayo. Waxa ay taasi ka hor imanaysaa hannaanka caddaaladda dabiiciga ah. Cidda wax ka garsooraysa waa in ay warmooge ka sii ahaato waxa lala hor yimaaddo ee la isku hayo. Waana sababta ay waajib ugu tahay dhinacyadu in ay ka hor caddeystaan waxyaabaha ay isku sheeganayaan. Sidaa darteed caddaalad ma aha in la yidhaahdo xafiiska cabashad dhegeysanayaa idinkaa ayaa haya heshiiska aanu isku hayno. Wana ta dhacda ee marin habaabisa caddaaladdii la rabay in loo kala sameeyo shaqaalaha iyo loo-shaqeeyaha.
Marka ay noqoto gobollada iyo degmooyinka, daadajinta adeega diiwaangalinta heshiisyada shaqadu waa hawl wali ku dhiman wasaaradda. Waana muhiim in ay adeeggaasi si rasmi ah loo fidiyo. Sidoo kale Inta ka horeysa adeeg daadajintaas waa in ay wasaaraddu la timaaddo hannaan ku meelgaadh ah oo ay adeeggaasi xeerku waajibiyay uga sii fuliso gobollada iyo degmooyinka dalka. Sida in Nootaayooyinka sharciga ah loo adeegsado diiwaangalinta heshiiyada shaqo: iyada oo sidaana wareegto maamul lagu sii nidaaminayo.
Wednesday, April 21, 2021
MIYAA LA WAAYAY XAL DHAAMA XABSIGEYNTA ARDEYGA? By Garyaq. Muxamed Axmed Cabdi Bacaluul
Maanta oo yar-yar loo haysto fal uu ka dhashay khasaare hantiyeed oo gaar ahi, iyada oo waalidkoodii la garanayo masuuliyaddooda waxbarasho iyo nololeed gacanta ku hayay miyaa loogu sii deyn laayahay dammaanad? Misa iyagaan Codsan wali? Xaqa Dammaaanadda miyaan loo sinneyn, misa intii la doonayo ayuunbaa la siiyaa? Sharcigu ha noqdo sida uu yahay, yuusan noqon sida la rabo.
![]() |
| Arday loo haysto rabshadihii ka dhacay Dugsiga Sare ee Nuuradiin (Qeybta innamada) |
Go’aanka Eedaynta {Prosecution Decision}:
Xadhigga Caruurtan yaan laga dhigan Farriin dadban oo Maamulka Dugsigu ku Cabsigaliyo Da’yarta wax ka barata dugsiyadooda. Dugsina laguma Maamulo Waaran iyo Xukun Maxkamadeed ee Caqli iyo Kartibaa lagu Maamulaa. Go’aanka eed-oogiseed ee jideynaya in afar arday si gaar ah loo bartilmaameedsado oo lagu qaado kaligood Wixii dhacay ee la wada daawanayay ayaa ah mid Caddaaladda iyo Caqligaba ka fog. Waana mid aan qabo uun in lagu raaligalinayo Mulkiilaha Dugsiyadan oo Saameyntiisa leh.
Ma lihi innamadani wax door ah kuma ay lahayn eedda lagu oogayo, oo taasi ka doodista xaqiiqadeedu Maxkamadda ayay hortaallaa oo ka hor dhici maayo. Balse haddii aad kaba soo qaaddo in ay afartani ku leeyihiin doorka ugu weyn abaabulidda iyo kicinta asxaabtooda, miyay kaligood ku koobnaaneysaa eedda wixii dhacay, misa ciqaabtooda ayuunba heer kale noqon lahayd? Waxay se su’aashu tahay miyay kuwii kale ee faraha badnaa ee iyaguna rabshadda ka qeyb qaatay (active associates in the alleged offence/s) ay eed-laawayaal noqon karaan? Illeen afartani kaligood waxba may samayn kareene?
Sidoo kale lama odhan karo eedaysanayaashan ayaa u wakiishay inta kale in ay falalkaasi rabshadda ku kacaan (qui facit per alium facit per se) si ay masuuliyadda dambiyeed u wada qaataan. Haddii aanay jirin faa’ido ama dano u gooniya oo la caddayn karo oo ay eedaysanayaashani ka helayeen wixii dhacay (Motive), kuwa kale ee rabshadaha maalintaas ku kacayna waxa ay noqonayaan ka-qayb-qaatayaal faldambiyeed (co-perpetrators), waa haddii aynu ku eegno arrintan indho Ciqaabeed (Criminal approach). Waayo ma ay ahayn inta kale ee aan la eedaynin, amar-qaatayaal laga awood badnaa, ama kuwa Caqli ahaan iyo da’ ahaanba ka hooseyay eedaysanayaasha oo la odhan karo waa la duufsaday, balse waxay ahaayeen kuwa eedaysanayaasha u dhigma, oo iyagoo u xor ah rabitaankooda iyo garashadooda ka qeyb qaatay rabshadii dhacday, Markaa sideebaa la iskaga indhatiri karaa doorkooda kuwaas kale? Yaa yidhi la-abaabulayaasha caqligoogu dhanyahay waa eed-laawayaal, xataa haddii lagu doodo in lagu abaabulay waxay sameynayeen?
Ma mulkiilaha ama maamulka dugsiga ayaa awood u lah in ay sharciga u tilmaamaan cidda eedaysane noqonaysa iyo cidda aan noqonayn? Misa gun-gaadh xaqiiqeed (objective process) oo ka madax bannaan doonistooda iyo dareenkooda shaqsiyeed (subjective process) ayay tahay in lagu ogaado qofka yeelanaya Eedda dhacdooyinkaasi? Taasi oo xataa soo gali karta Maamulka Dugsiga iyo cid kale oon meesha laga filaynba?
Caddaaladda ha loo Sinnaado !
Isla maalintii ay rabshadu socotay dugsiga waxa soo gaadhay askar gurmad ah. Kuwaaso oo ay runtii ay ku adkaatay in ay xoog wax kaga qabtaan qalalaasihii socday. Haddii ay ciddii wax wadday ay shaqsiyaad kooban ahaayeen Maalintaaba way qaban lahaayeen iyaga oo gacmaha falka kula jira, balse waxa ay arkeen in ay tahay dugsiga badidiisii oo kacsan. Kadib isku-dhacbay ka waaqsadeen dhimasho iyo dhaawac keena, maadaamo oo ay nafahaa ubadku ka qaalisanyihiin hantida bur-buraysa.
Imikana in Laga yeelo ma aha in ay afar qof oo kaliya ay gaar ugu ashkateeyaan kacdoonkii baahsanaa ee ay bilayskuba dib uga joogsadeen. Miyay dajin karayeen afartan inan hawshaasi faraha ka baxday? Maxaa se illaa intaa ciyaalka ka cadhaysiiyay oo keenay in ay dugsigoogii bur-buriyaan, ma afartan inan oo kaliya, misa waxa jiray waxyaabo isasoo tarayay oo ay ardaydu diiddanayeen iyo tallaabooyin uu maamulku qaaday oo uu Markii dambana uu xallintoodi ku guuldarreystay? Ma kula tahay baadhitaanku inuu noqonayo baadhitaan dhammeystiran, ama yeelan kara gungaadh lagu kalsoonaan karo haddii la iska indho tiro sababta ay wax u dhaceen (cause and motive), oo lagu mashquulo uun wixii dhacay (Consequences) ?
X/ilaalinta iyo Bilaysku indho dhex-dhexaada ha ku eegaan oo yaanay ooyinta dhinac qudha ku go’aan qaadan. Arrintani, arrin Maamul ayay ahayd (Management issue) oo wax ay ahayd in dugsigu gudihiisa isa-saxo, ardaydiisa kasbado oo dhageysto waxay diiddanyihiin illeen da’dani ma aha Dugsi hoose. Ardayda markay da’doodu heerkan marayso (teenage age) habdhaqankooga laguma maareyn karo waalid loola heshiiyo iyo maxkamado toona. Marka lagu guuldarreysto in la fahmo dareenka iyo fikirka ardayga (educational psychology) ee lacag uun laga fakaro, ma aha in lagu meeraysto Garsoorka iyo Xabsiyada. Waxay se ku qumaneyd in iyada oo aan la colleysan ardayda loo caqli-celiyo iyada oo loo marayo tabaha waxbarasho ee wax lagu toosiyo. Waana in Maamulka Dugsiyadu ay si guud wax uga bartaan tijaabadani soo martay, oo aanay Ilmaha heerkan tacliimeed maraya (Secondary level) ula dhaqmin sida kuwa dugsiyada hoose (primary level).
Monday, November 9, 2020
MAXAY TIGREEGU ISMAAMUL IYO QOOMIYAD AHAANBA DIIDDANYIHIIN ? Mohamed Ahmed Abdi Bacaluul.
Taariikh ahaan, Tigraygu waxay Minelikii labaad kala qeyb-qaateen duulaannadii uu ku qabsaday Koonfurta iyo Galbeedka Eithiopia qarnigii 19-aad horraantiisii. Waxaanay intii ka dambaysay dhul-ballaadhsigaasi, isku arkayeen kuwa laga maarmay oo Boqortooyadii Axmaaradu ee ay isku imbaraadooriyadda iyo diinta ahaayeen (Orthodox Christianity) aanay wax abaal ah u celin markii ay u guurtay Koonfurta. Waxaanay u arkeen Axmaaradii Showa kuwa isku koobay kheyraadkii iyo dhulalkii la qabsaday, isla markaana is-gaashaan buuraysi kale la samaystay dadyawgii reer miyiga ahaa ee ay qabsadeen.
Tigreyga—iyaga oo dhutinaya ayuu Dhergigu kusii joogsaday. Waxa uu Nidaamkii Hanti-wadaagga ee Dhergigu afgambiyay Boqortooyadii Haile Salase 1974-kii, una badalay hoggaamintii Itoobiya Nidaam Siyaasadeed Shuuciya oo ku dhisan hal-xisbi. Dhergiga laftiisu wuxu ahaa mid sii xoojiyay uun cududdii Militari iyo Siyaasadeed ee Axmaaradu lahayd. Waxaanu Nidaamkani ku shaqeynayay olole Shuuciyeed iyo Xamaasad Isireed is-huwan. Waxaana Tigreega oo ka soo jeeda xadaarad guun ah, siyaasad ahaana qeyb ka ahaan jiray Imbiradooriyadii Abisiiniya (ee ka dhaxaysa Tigreega iyo Amxaarada qarnigii 18-aad), sida qowmiyadaha kale la qarameeyay ilahoogii waxsoosaar, laguna Qasbay Afka Axmaariga—Luqada Rasmiga ee Maamulka dawladeed, Waxbarasho iyo Ganacsigaba.
Walaw duruufo dhaqaale loo nisbeeyo waxyaabihii dhaliyay kacdoonkii iyo jabhaydayntii ay shucuubta Tigreegu ay kaga horyimaaddeen taliskii Mingeste, haddana kamuu maqnayn dareen qoomiyadeed oo ay ku diidanayeen Amhaariyaynta dalka [amharization policy]. Waxa kale oo ay tan la wadaagayeen dhaq-dhaqaaqyadii gooni-u-goosasho ee ay bilaabeen qowmiyadihii kale ee Canfarta, Oromada iyo Somalidu.
Markii ay dhacday Dawladdii Kalitaliska ahayd ee Dhergigu 1991-kii, waxa talada la wareegay EPRDF oo ka kooban Isbahaysi Qoomiyeeddo hubaysan oo si wada jir ah u la wada dagaalamay Taliskaasi. Isbahaysiyadaasi guulaystay oo uu hoggaaminayay Tigreegu, ayaa Malez Zenawi u doortay Madexweynaha Xukuumaddii ku-meel-gaadhka ahayd intii u dhexaysay 1991–1995. Kaasi oo markii dambena noqday Raa’isal Wasaarihii labaad ee dalka 1995-2012. Waxaana dalku ku qaatay Siyaasad Fedaraalnimo oo ku dhisan Qoomiyad (Ethnic-based Federalism).
Xiisadda khilaaf ee u dhexeysa Maamulka Tigray iyo Amxaara, wuxuu kor u kacay 2018. Sida ay sheegayso ICG, Ismaamulka Axmaaraddu wuxuu laayay, barkiciyayna kumanaan ka tirsan qowmiyad Qimant oo dhex deggan gobolkooda. Qoomiyaddan ayaa bilawday dhaq-dhaqaaq ay ku doonayaan is-xukun-hoose (autonomy) oo ka madaxbanaan Maamulka Axmaarada. Halka uu Maamulka Axmaaradu isna ku eedeeyay Maamulka Tigray in uu ku lug leeyahay dhaq-dhaqaaqyadan.
Labada Ismaamul midkoodna uma muuqdo mid oggolaanaya wax tanaasula. Sidoo kale Tigreegu waxay ka biyo-diideen Guddida Xallinta khilaaf xadeedyada Federaalka ee la asaasay 2018-kii. Waxaanay ku doodayaan in aanay Guddidan lahayn sharciyad iyo dhex-dhexaadnimo ay ku dhexgasho khilaafka. Waxaanay ku andacoonayaan in aanay Guddidani ku salaysnayn Dastuurka dalka, isla markaana aanay lahayn awood ka madaxbannaan Maamulka Abby, maadaamo oo uu la xisaabtankooda leeyahay Xafiiska Raysal Wasaaruhu halkuu ka yeelan lahaa Baarlamaanka Federaalku.
Tigreegu kuma kalsoona Abby, marka ay noqoto Khilaafka iyaga iyo u dhexeeya Axmaarada. Maadaamo oo ay amhaaradu ay kamid ahaayeen is-bahaysigii kursiga Awoodda Saaray Abby. Waxaanay Tigreegu isku arkaan kuwo siyaasad ahaan Axmaarada iyo Oromadu go'doomiyeen, oo xataa siyaasiyiintii Oromada iyo Amxaarada ahaa ee ku jiray Xisbigooga ay uga yeedheen, qaarkoodna cadaadis lagu saaray inay iska casilaan. Sidoo kale isbadalladii uu ku tallaabsaday Raysal Wasaaraha Cusub, ayay u fasirteen Siyaasad Qoommiyad ahaan loogu bartilmaameedsanayo oo wax kasta oo laga tabanayay maamulkii hore iyaga dusha laga saarayo.
Xisbiga TPLF ee ka arrimiya imika Gobolka Tigray, wuxuu isku arkaa mucaaridka qudha ee dhex fadhiya Baarlamaanka Federaalka. Waxaanay Ismaamulka Tigreegu muddooyinkii dambe bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku xoojinayaan Ciidamadooda Nabadgalyada. Tallaabooyinkaas oo ay Federaalku isha ku hayeen, isla markaana u fahmeen isku-diyaarin dagaal oo ka badan Baahi amniyeed. In ay Tigreegu tab iyo taag ahaanba is-hubsadeenna, waxa tusaale kugu filan sida uu Maamulkoogu ugu joojin waayay Amarkii Xanuunka Koofidka la xidhiidhay ee dawladda dhexe ku joojisay doorashooyinka.
Xigashada Mapka; https://welkait.com/?page_id=121
Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
THE THREE DRIVERS. BY MOHANED AHMED ABDI BA'ALUL
THE THREE DRIVERS The sun hung directly overhead, casting a harsh white glare across the compound. The air at the Central Station was th...
-
Waxay Maxkamadi sideedaba go'aan kasoo saartaa waa Dacwad. Dacwad kastaana noocay doonto ha noqotee (ciqaab, madani, maamul amaba dastuu...
-
EARLY EVIDENTIARY DISCLOSURE AND PROCEDURAL CONCENTRATION Reforming Pretrial Evidence in Somaliland Civil Litigation By Mohamed Ah...
-
Garyaq. Bacaluul. DASTUURKA IYO GARSOORKA SOMALILAND Maxkamadda Sare Markaad eegto qaab-dhismeedka Garsoorka iyo...








