![]() |
| Waxa tarjumayay Qoraalka Hoose; Garyq Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. |
Wednesday, March 29, 2017
QAYB KAMIDA TARJUMAADDA; WARBIXINTA BANGIGA ADDUUNKU KA DIYAARIYAY 2016-KII DHAQAALE-SIYAADEEDKA SOMALILAND
Tuesday, March 21, 2017
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA EE FARANSIISKA OO INANTIISA DARTEED ISKU CASILAY
![]() |
| Bruno Le Roux ; Wasiirka A/Gudaha ee Faransiiska |
Iscacailaadda ayaa ahayd mid ay wasiirka ku qasabtay, markii ay soo baxday inuu inantiisa oo ay da'deedu yartahay uu ka shaqaalaysiiyay baarlamaanka, kana dhigay inay noqoto gacansiiye-baarlamaan xilliyada ay ku jirto fasaxyada Iskuulkeeda.
Warkani ayaa naxdin kale ku noqday kooxda imika talada haysa, ee ay bisha qudha ee ka hadhsan Doorashada Madaxtooyadu, ay ka xigto xilliga ay bannayn doonaan xafiisyada Dawladda.
Waxa laga joogaa uun hal todobaad, markii musharraxa Madaxtooyada ee Garabka Midig, isna su'aalo laga weydiiyay, eedaymo loo haystay oo ku saabsanaa inuu xubno qoyskiisa ah, siiyay shaqooyin been ah, oo ay ku mushahar qaadan jireen.
Le Roux, oo 51 ji ah ayaa qirtay inuu shaqo siiyay inantiisa oo ay da'deedu tahay 20 jir, una qoray mushahar dhan €55,000. Lacagtaasi oo u dhiganta (£48,000) ayay muddo 7 sanadood ah ka qaadanaysay khasnadda Umadda. Waxaana la siiyay 24 qandaraas gaab-gaaban (short term contracts) oo u soo bilaabmay 2009-2016-kii.
Baarlamaanka Faransiiska ayuu sharcigoodu u oggolyahay inay shaqo siin karaan xigtadooda, marka ay shaqadu tahay mid jirta, oo hawsheeda la qabanayo. Le Roux, ayaa ku dooday inay inantiisu buuxinayso, doorka ay kaga jirtay shaqooyinkaasi.
Iscasilaaddan, Le Roux, ayaa dhaqso ahayd, kana hordhacday intaanu Garsoore go'aan kasoo saarin, inay jirto eed uu ka jawaabo iyo in kale. Waxaanay tani waxyeello weyn ku tahay Madaxweyne Hollande, oo hore uga soo doogay fadeexadkale, oo ay dadweynaha faransiisku aad ugu cadhoodeen.
Monday, February 13, 2017
SOMALILAND: FOOLS RUSH WHERE ANGELS FEAR TO TREAD. By Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul.
![]() |
| Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul. |
No one thinks that he would live enough to
see when our peace-makers turn in to trouble-makers. The upper house of parliament, has no longer
most privileged members, or engaged in its hot debates on issues affecting the lives of
ordinary citizens. It's effective, peace-making dispatches to remote
hinterlands are not visible in the headlines, despite of recurring inter-clan hostilities. If they were once the symbol of security, consensus, and the glue
that holds Somaliland together, today the reality tells you a different story.
The massive leverage from UAE, and its brokers
within the government had turned the conservative approach of the house into a
place of political maneuvers . Their blind support
to the controversial deal between the government and UAE, which permits for the
UAE to establish a naval base in Berbera airport, is a good example of the risk-taking elders against inquisitive young representatives.
The chairman of the Guurti, Suleiman Gal, had
set up the arrangements of the new strategy. It was the murky aspects of the new deal that dictates such strange and new rules to be applied to
the joint-session of the parliament. It was him, the eighty year old Suleiman, who invented the procedural rules of the scheme, to enable himself for a
position that he could hijack the chairmanship of the lower house, after the
presidential speech. Without looking into the Constitutional rules that defines parliamentary approvals, Suleiman had
chaotically opted to dominate representative’s session, turning his guurti men (guests and the audience of Silanyo’s speech) into the line-up substitutes for the vacant seats
of the dissident representatives.
Putting things together in that urgent and
disorderly way, is the reason that poses many Questions, especially to the observers
of Suleiman’s show. With the support of intrusive giant cops, he managed to suppress
the opposite voices by throwing protesting MPs out of the session, and
threatening others to be strictly dealt if they did not yield to the new
rules. There was no inquiry, no debate,
no comment or a whooping cough from the quiet and unexpressed members who chose to work for their Emarati patrons. They meekly raised their hands for the Yes
option, without asking for more time to read or to deliberate the content of the proposed
document. The strange to say, Ululating females were audible somewhere behind
the cameras after the approval of what was claimed to be a deal.
Looking the scene in to the bird’s eye, you may admit the fact that we are tempted away from the rationality approach, away from the open
dialogue and discussions, away from the ways we used to solve our differences
without external intervention. Today, our
system of governance appears to be moving away from its public, unresponsive to
their will and secretly serving for the interests of other political entrepreneurs.
It is the first time, if not the second one, that we find ourselves divided by an Arab issue, and plunge our peace-loving nation into unreasonable hostility that has nothing to do with it.
Holding such opinion, does not mean that i am
against the idea of peaceful and economic cooperation. But what is more worrying to every Somaliland intellectual, is to see his country drawn into proxy wars of other states, or messing with irrelevant ideological competitions.
In this regard, we have to avoid to be hoodwinked into unclear transaction that may affect our destiny as a nation. What only matters, is our National Unity, our institutions as a constitutional democracy, and the will of the governed . The government should stop mobilizing traditional leaders of certain clans through its media to support other foreign interests. Nevertheless, it had better to act rationally and sincerely explain its policies on its current businesses with UAE, to the Public.
In this regard, we have to avoid to be hoodwinked into unclear transaction that may affect our destiny as a nation. What only matters, is our National Unity, our institutions as a constitutional democracy, and the will of the governed . The government should stop mobilizing traditional leaders of certain clans through its media to support other foreign interests. Nevertheless, it had better to act rationally and sincerely explain its policies on its current businesses with UAE, to the Public.
Advocate; Mohamed Ahmed Abdi Ba’alul.
Friday, February 3, 2017
CABSIDA LAGA QABO MACALLUUL SOMALIYA KA DILLAACDA IYO QAYLADHAANTA KASOO YEEDHAY UN-nta.
3rd, Feb,2017.
Haya'daha ka shaqeeya Gurmadka Hawlaha Aadamiga ah, ayaa ka dhawaajiyay cabsida laga qabo inay abaaraha iyo kor-ukaca ascaarta raashinka daruuriga ahi, ay khatar galiyaan nolosha in ka badan lix milyan oo Somaliya, haddii aan la qaadin tallaabooyin deg-dega ah.
Somaliya waxa soo foodsaaraya xaalad macalluuleed oo dhab ah, iyadoo in ka badan 6 Milyan, oo ah kalabadh bulshada ku nool, aanay haysan kayd cunteed ku filan, ayay caddeeyeen 3 hay'adood oo ka mid ah UN-tu.
Kooxaha Gurmadka bini'aadamnimada ee ka hawlgala Somaliya waxay sheegeen in fursadda lagaga hortagi karo inay dhacdo macalluushii 2011-dii oo kale, ay aad u yartahay. Macaluushaasi hore oo tiro lagu qiyaasay 260,000 qof ay u dhawaadeen inay gaajo u dhintaan, markii ay jawaab deg-deg ah ka waayeen Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamka.
Hadaba marka la eego, xawliga ay xaaladaha haatani jiraa isku soo tarayaan, Sicir-bararka Raashinka la quuto, rajo-yaraanta laga qabo roobab abaaraha kasoo furta iyo tiro badnaanta dadka ay saamayn doonto, iyo caqabadaha go'doon ee gurmadkooga adkaynayaba, ayaa sababay baaqan lagu dalbanayo jawaab deg-deg ah oo ballaadhan "Massive and Immediate response", si looga hortago Musiibo baahsan.
Sida laga hayo hay'adda Cunnada iyo Nafaqada ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (FSNAU) qaybteeda ka hawlgasha Somaliya, waxay sheegaysaa 3 milyan oo soomaliya ay soo foodsaartay xaalad dag-dag ah oo cunto-gabaabsiya waqtigan. Saddexdaasi Milyan oo ku libin laabmaysa intii ay cunno la'aantu haysay lix bilood ka hor. Heerka cunto-la'aanta ee haya'daha Gurmadku ku qiyaas qaataan, xilliyadan oo kale ayaa tilmaamaya inay xaaladda keyd la'aantu (Food insecurity) ay imika qarka u saarantahay macalluul. In ku dhaw 364,000 (oo carruur ah) oo la ildaran nafaqo darro ayaa u baahan daryeel deg-deg ah oo lagu quudiyo, Kuwaasi oo 71,000 kamid ahi ay xaaladdoodu halis ku jirto.
Dick Trenchard oo matalaya Ururka Beeraha iyo Cuntada Adduunka (FAO), laantiisa Somaliya ayaa yidhi " Waxa aad kuu walaac galinayaa, waa sida dhakhsaha ah ee ay xaaladdu uga soo darayso, iyo tirada dadweynaha ay saamayn doonto iyo dhulka ay ku fidsanyihiin, ayaa ku tusaya inta ay khatartu leegtahay".
waxa diyaariyay; Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com).
Xigasho; The guardian
Monday, January 23, 2017
BEENTII CADDAYD EE AQALKA CAD; By Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
Donald Traamp ayay ugu bilaabmatay is difaacid todobaadkii ugu horaysay Madaxweynanimadiisa, isagoo ay ka hor yimaadeen mawjado mudaharaaddo ka dhan ah doorashadiisii. Sidoo kalena Aqalkii Caddaa waxa qabsaday weerar lagu dhaleecaynayo, oo ay warbaahintu leedahay wuxuu been u sheegay Dadweynaha.
Xoghayaha Saxaafadda ee Traamp (Sean Spicer) ayaa Markii ugu horraysay, guriga cad isagoo ka dhex baahinaya warsaxaafadeedkiisa, codsare ku canaantay Warbaahinta isagoo yidhi " Si badheedh ah ayay been u tabiyeen" markii ay ka warramayeen Munaasibaddii Caleemasaarka. Waxaanu ballan ku qaaday inay si adag ula xisaabtami doonaan saxaafadda.
Traam iyo gacansiiyayaashiisu, waxay labadii cisho ee u dambeeyay ku qaateen Guriga Cad, iyagoo ka beensheegay tirada dadweynihii kasoo qayb galay xafladda Caleemasaarkiisa ee dhacday Jimcihii ina dhaafay
![]() |
| Sean Spicer (Xoghayaha Warbaahinta ee Guriga Cad) |
"Wuxuu ahaa caleema-saarkii ugu ka-soo-qaybgalayaalka badnaa, ee abid ka dhaca Maraykanka" ayuu yidhi Spicer. Tibaaxdiisaasi oo khilaafsanayd Sawiraddii laga qaaday caleemasaarkan iyo kii ka horreeyay ee 2009-kii, "Waxay rabaan inay hoos-u-dhigaan xamaasaddii iyo dareenka caleemasaarka, taasina waa qalad waan meel-ka-dhac" ayaa kamid ahaa haddaladdii Xoghayaha.
![]() |
| muuqaalka bidix xige waa caleemasarkii Trump, ka midig xigaana waa kii Obama ee2009-kii. |
Way adkayd in la qiyaaso, tirada dadweynah kusoo xoomay Barxadda loo yaqaan Naashanal Mool ee Caleemasaarku ka dhaco, balse sawiraddii laga qaaday goobtaasi dhacdadan iyo tii ka horraysay, ayaan la dafiri karin faraqaweyn ee u dhexeeya kasoo qaybgalka xafladdii jimcihii dhawayd lagu dhaariyay Tramp iyo tii Obama ee 2009-kii, Waxaana ka ballaadhnayd oo ka dad badnayd Munaasibaddii Obama. Tiro lagu qiyaasay hal milyan oo bannaanbaxayaal ah, oo aad uga badan intii la filayay, oo kasoo horjeeday caleemasaarka Traamp, ayaa kusoo fatahay Jidadka Washington, isla markaana faro ahaan aad u muquuninayay tarabuunkii u sacabinayay Traamp. .
Iyadoo hadaba ay qaylo iyo weerar ka dhan ah warbaahinta ay markii hore isku dareen, kooxdii garabjoogtay Traamp, ayuu hadalka kasoo yeedhay Kellyanne Conway, kuu sheegayaa sida ay beentoodii ula yaabeen markii ay warbaahintu soo gudbisay xaqiiqadii dhabta ahayd ee arrintaasi. Waxayna Kellyanne ku difaacday Spicer kulan saxaafadeed ay la lahayd Idaacadda NBC, iyadoo tidhi "Spicer wuxuu tibaaxay uun, xaqiiqo kale oon la sheegin (alternative fact)"
![]() |
| Kellyanne Conway (Saraakaalad ka tirsan Guriga-cad) |
Iyadoo hadaba ay qaylo iyo weerar ka dhan ah warbaahinta ay markii hore isku dareen, kooxdii garabjoogtay Traamp, ayuu hadalka kasoo yeedhay Kellyanne Conway, kuu sheegayaa sida ay beentoodii ula yaabeen markii ay warbaahintu soo gudbisay xaqiiqadii dhabta ahayd ee arrintaasi. Waxayna Kellyanne ku difaacday Spicer kulan saxaafadeed ay la lahayd Idaacadda NBC, iyadoo tidhi "Spicer wuxuu tibaaxay uun, xaqiiqo kale oon la sheegin (alternative fact)"
Sunday, January 15, 2017
SHIRKII JARAA'ID EE U HORREEYAY; MAXAA KALA QABSADAY TARAAM IYO WARBAAHINTII? By Garyq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
Marka horaba nabadi kamay dhaxayn Donald Traam iyo Saxaafadda, maanta se dembaa isbadday, maadaama oo uu yahay Madaxweynihii Maraykan. Wuxuu ahaa shirkii jaraa'id ee ugu horreeyay ee uu qabto intii loo doortay Aqalka Cad. Mawqifkiisii Qallafsanaa ee la xidhiidhay dhinaca saxaafadda ayaad ka garan kartaa, waxa uu dhanwalba ka filayay midka kale,
Wixii meesha ka dhacay shaki kuma jiro inay warbaahintu maalmo sii hadal hayn doonto. Qaarka kalana ay cabasho ka keeni doonaan, argaggixii ku dhacay, hanjabaaddii iyo higgaaddii Madaxweynaha, eed mararka qaar moodaysay inuu kaba soo boodayo masrixii loo habeeyay. Waxay taasi qabsatay 150 suxufi, oon tiwitarkiisa mooyaane, aan waligood toos u arag Donald Traam.
Sidii hore looga bartay; musharrax cusub oo loo doortay Madaxweynanimo, jawaabo faah-faahsan iyo xog badan lagama filayn.Sidoo kalana, loogama fadhiyin inuu Maalintiisii Koowaad ee uu shir-jaraa'id qabto, inuu siduu awalba samayn jiray uu afka kaga boodo suxufiga, isagoo ka ficil-qaadanaya su'aashiisa. Wariyayaasha qaarbuu su'aalihi ka boodsiiyay, markay u sheegeen warfidiyeenka ay ka socdeen, isagoo ugu jawaabay kuwo kamid ah "Waligayba waxaas maan maqlin" Qaar wuxuu ugu jawaabay, inay "beenaalayaal yihiin", kuwa kalana hay'adaha warbaahineed ee ay ka tirsanaayeen ayuu ku tilmaamay "been-abuur" isagoo erayga "fake" u adeegsaday. Qaarna isagoo u hanjabaya ayaabu si toos ah ugu yidhi "Raalli kama ihi waxa aad samaynayso", Hadalba gam !
Shirsaxafadeedkii ugu horreeyay, sidii awalba madaxweynayaashii ka horreeyay looga bartay kumaa soo qaadin Maraykannimada, Mabaadi'da Qarranimo ee mideeya shucuubteeda kala duwan iwm. Balse wuxuu hadalkiisu ku saabsanaa Ruushka, Maalmihii uu musharraxa ahaa, wuxuu ku dhiiraday in uu ammaano Putinka Ruushka. Waxaana loo soo joogay isagoo ku diganaya, kuwa Maraykanka ah ee ka shakisan ama dhaleeceeya siyaasadaha Putin, isagoo ku sheegay "doqomo", mararka qaarna ku dooday inuu sidiisa yeeli lahaa, haddii uu noqon lahaa Putin.
Waana ta keenaysa inay dad badan oo maraykani ahi is yidhaahdaan xidhiidhbaa u dhexeeya isaga iyo Putin. Kuwaasi oo ku dooda in aan la dhageysan Inkiraadda Traam uu iskaga fogaynayo suurtogalnimada xidhiidhkaasi, illaa taasi baadhitaan lagu xaqiijiyo.
![]() |
| Sean Spicer; Xoghayaha Saxaafadda |
Kaaga sii darane Xoghayaha Saxaafadda ee uu Taraam dhawaan magacaabay (Sean Spicer) ayaa ku qasbay weriye Jim Akosta oo ka tirsan CNN-ta, inuu raali galiyo Madaxweynaha la doortay, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa "mid liita oo ixtiraam darnaa" markii uu shirkii saxaafadeedku socday.
"Haddii uu Putin jecelyahay Traam" ayuu yidhi Taraam, isagoo warbaahinta isku sheegaya. "Waxaan jacaylkaasi u arkaa hanti, ee uma arko deyn uu igu leeyahay" ayuu hadana kusii ladhay hadalkiisii. Mar la waydiiyay xagga basaanimada hawada ee la lahaa, Ruushka ayaa ugu dhacay xogtii Kumbiyuutarrada Maraykanka, wuxuu eeddeeda saaray Xisbiga Dimuqraadiga ee talada hayay, isagoo ku dhaleeceeyay inay dalka dayaceen, oo ay wax-matarayaal ahaayeen. Halka uu sidoo kalana ka ballaadhiyay sheekadaasi basaasnimada, oo uu sheegay inay jiraan dalal kale oo iyaguba sidan oo kale u basaasa Maraykanka. Waxaanu si dheel-dheel ah u yidhi "Dibna inoo basaasi maayaan Ruushku markaan talada la wareego"
![]() |
| Traam iyo Qareenkiisa Gaarka ah, Sheri Dillon. |
Taraam waxa kale oo uu shirkiisa jaraa'id ku caddeeyay in aanu ka tanaasulayn sii lahaanshaha shirkaddiisa Ganacsi, balse ay usii maamuli doonaan caruurtiisu. Waloow uu ku dooday in aanu jirin sharci u diidaya in uu isku wado Ganacsigiisa iyo Madaxweynanimada. Sheri Dillon oo ah Qareenkiisa khaaska ah, ayaa iyana difaacday mawqifka Taraam, iyadoo tidhi "xataa haddii uu iibiyo hantidiisa ganacsi, sheekadu intaas ku hadhi mayso, waayo waxa usii socon doona lacagihii abaal-celintii ahaa, ee uu sida joogtada uga helayay qolooyinka adeegsada waxyaabaha ay daahfurtay shirkaddiisu (Royalties), sidaas darteed ayay danaha-isdiiddani marwalba suurtogal u yihiin"
Inkasta oo uu sheegay inuu joojin doono dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee dalka dibaddiisa, inta uu talada hayo, Hadana arrimuhu intaasi ku dhammaan maayaan, oo wuxuu shaki badan ka taagnaan doonaa hudheellada waawayn ee uu Maraykanka ku dhex leeyahay, Kuwaasi oo ay ku noolyihiin, kuna soo dagaan dibloomaasiyiin iyo saraakiil shisheeya ahi, oo aan u dhalan dalka Maraykan. Waxaanay madaxdaasi ajaanibka ahi, ee ku raaxaysta Hudheeladu ku kharashgareeyaan lacago farobadan ganacsigiisaasi, Sidaasi darteed ayay dad badan oo maraykan ahi u aaminsanyihiin, in aan la kale reebi karin danaha siyaasadeed iyo kuwa ganacsi, isla markaana ay Taraam iyo Macaamiishiisaasi shisheeyaha ahi, ay wax badan oo sharcidarro ah isku shushuban doonaan. Taasina waa sababta dadka Siyaasadda faaqidaa, ay uga walaacsanyihiin saamaynta ay danahaasi iska-hor-iman karaa (conflict of interests) ku yeelan karaan hoggaamintii Maraykanka.
Madaxweyne ganacsade ahi, waa dhacdo ugub ku ah Siyaasadda Maraykanka. Waxaanay dad badani qabaan inay adagtahay inuu Madaxweynuhu meel dhexe istaago marka ay iska horyimaadaan danihiisa ganacsi iyo hoggaaminta Maraykanku. Waxaanay taas u daliishanayaan, go'aankiisa uu ku diidanyahay, inuu soo bandhigo xogaha caddaynaya cashuur-bixintiisa, Taasi oo liddi ku ah, hab-dhaqankii looga bartay Madaxweynayaashii ka horreeyay oo si daah-furan usoo bandhigi jiray hantidooda iyo cashuuraha ku waajibay ee ay ka bixin jireen. Mar la waydiiyay sababta uu iskaga dhagamarinayo arrintaasina wuxuu ku jawaabay "Waan guuleystay, oo kaaga jawaabi maayo, kuwiinan saxaafadda ah uunbaa arrimahaygaasi daneeya"
Hadaba haddii aad dhagaysatay khudbaddii uu Obaama ku sagootinayay Madaxweynannimada Maraykan, oo u badnayd dar-daaran iyo waano uu siinayay shacabka maraykan, waxaad fahmi kartaa sida uu uga sii wer-wer qabay halka ay ku dambayn doonto talada Maraykanku, marka uu Taraam shookaanteeda qabto.
Garyq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)
Saturday, January 14, 2017
DHAKHAATIIRTA ILKAHA EE KASOO QAXDAY XALEB; WAXAY SOOMAALIDA U SAMEEYEEN ILKA-CADDAYN AANAY QURXDEEDU KA DHICIN TA JILAYAASHA HOLLYWOOD.
By Mary Harper, BBC News, Hargeisa, Somaliland.
Translated by Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul.
8th Jan, 2017.
Markasta oo aan booqasho ku imaaddo Somaliland, waxaan arkaa waxyaabo cusub oo iga dambeeyey. Wakhtigan waxa aad usoo kordhay oo aan arkay dhismayaasha dhawrka dabaq ah ee laga furtay macdarrada waa weyn, hudheellada iyo fillooyinka loogu talo galay in lagu raaxaysto oo laga hirgaliyay Caasimadda Hargeysa.
Labaataneeyo sanno ka hore, Hargeysa waxa loo yaqaanay Dresdentii Afrika, Gebi ahaanba, magaalada waxa dhulka la simay duqeyn xooggan oo cir iyo dhulba lahayd, waxaanay dadkii ku noolaa (Hargeysa) noqdeen kuwo ku qudhbaxay iyo in kale oo qaxoonti ku noqday dalal shisheeye.
Waxaad arkaysaa calaamadda guduudka iyo hurdiga ah ee lagu xeyeysiinayo hilibka digaagga laga keeno dalka Sucuudiga, oo lagu soo raacinayo waxyaalo kala jaad-jaad ah oo aan caafimaadka u rooneyn.
Haddii aad gaadho Magaalada durugsan ee Burco oo ku taala dhulka Hawdka ee ay abaaruhu dhawaan saameeyeen xoolo-dhaqatadii ku noolayd, waxay indhahaagu qabanayaaan boodhadh ay ku xardhanyihiin sawirro tilmaamaya dhibaatooyinka ilko xumaantu ay ku hayso dadka.
Waxaan xusid mudan, in dad ay kasoo jeedaan ilko raaran, kuwa dhalan doorsoomay, iyo cirriddo madhan, ay markale kasoo horbaxaan, iyagoo loo sameeyay ilko cad-cad, oo aan dhalaalka iyo quruxdaba ka dhicin kuwa aynu uga barannay jilayaasha (Filimada) ee Hollywood.
Sawirradaasi dushooda waxa ku daabacan erayda (Syrian Dentist) oo macnaheedu yahay Dhakhtarka Ilkaha ee Suuriyaanka ah.
Markaan Hargeysa kusoo noqday ee aan ka imid Burco, waxay ahayd xilli salaadda ku beegnayd, markii aan galay albaabka ku xigay masaajidka oo ahayd goob lagu hagaajiyo ikaha oo uu furtay dhakhtar Suuriyaan ahi. Markii aan galay waxa fadhiday gabadh yar oo reer Somaliland ah oo uu kasoo sokeeyay miis muraayad ahi, Miiska waxa ku dhexjiray burushyada lagu cadaydo, iyo dhiiqooyinka kala duwan oo ah, kuwo afka lagu nadiifiyo. Aqoon umaan lahayn magacyada alaabahaasi lahaayeen, waxaan se shaki ku jirin inay xidhiidh la lahaayeen caafimaadka Ilkaha.
Waxay yartii igu tidhi "Fadhiiso"
Waxay yartii igu tidhi "Fadhiiso"
Markii salaaddii laga soo baxay ayaa nin Suuriyaan ah, oo weji furan, xidhanna garan cagaarani igu soo dhaweeyay qolka uu dadka kula taliyo. Waxa halkaasi yaallay kursi casri ah, oo ahaa noocda dadka lagu dul daweeyo. waxa saarnaa kursiga birkimooyin cad-cad oo cudbi ah. Waxa kale oo aan arkayay kabadh wajahaddiisu muraayad tahay, oo ay kasoo muuqdaan, dusmiysayda wax lagu dalooliyo, maqasyo afdhaadheer, kalbada iyo madiillo, ku war-wagalinaya. Gidaaradda qolkiisa, waxa ku dhegsanaa sawirro muujinaya Cirriddo iyo ilko siyaabo kale duwan kamaradu u qabatay. Dhinac kale haddii aan jalleecayna, waxaan isha ku dhuftay miis almuuniyam ah oo uu dulsaaranyahay, Fareem laga dhigay afkii bini'aadamka oo ilkihiisii wata.
"Magacaygu waa Xusaam, waxaan ka imid Xaleb" ayuu igu yidhi ayuu igu yidhi ninkii dhakhtarka ilkaha ahaa, ee goobtiisa igu soo dhaweeyay. Waa yaab eh, waxaan weydiiyay sida uu kusoo gaadhay, Somaliland, Wuxuuna igu yidhi "Macno malaha inaad tagto, Turki, Lubnaan iyo Yurub, waxaan galay internetka, oo waxaan googalka ka baadhay meelaha ay ka jirto baahiyaha dhakhtarrada Ilkuhu. Tii ugu horraysay, ee iga soo horbaxday waxay ahayd Caasimadda dalka Soomaaliye ee Muqdisho. Kadibna halkaasi ayaan tagay, aniga oo ay ila socoto xaaskayga oo lammaani. Ruux qudha kamaan aqoon markii aan meeshaasi tagay".
Intaas wuxuu ku daray "Waxaan ogaaday inay Muqdishaduba tahay Xaleb kale, Kadib ayaan dadkii waraystay, oo ay ii sheegeen inay jirto, meel kale oo ka duwan Muqdisho, oo uu waliba dakhligayaygu saddex laabmayo, haddii aan ka shaqeysto. Halkaasi meel kale maahee, waa Hargaysa, oo aan maqlay inay jirto nabadgalyo buuxda. Sidoo kalana ay ku noolyihiin Suuriyan kale. Sidaasi ayaanan ku imid Hargaysa, waxaanan halkan ku joognaa Jaaliyad kooban oo dhakhaatiir iyo Injineero iskugu jira."
Waxaan la kulmay dhakhtar Ilkeed kale oo Suuriyaan ah, isagoo murugaysa ayuu igu yidhi " Waxaan xusuustay sarkaal UN-ta ka tirsan oo igu yidhi Suuriya waxay noqotay Soomaaliya oo kale"
Dhakhtarkaasi, intuu igu soo jeestay isagoo indhaha igu gubaya ayuu yidhi "Waxaad tahay British, soo maaha? dadkiinu nama rabaan, balse reer Somaliland wey nasoo dhaweeyeen"
Runtii, maan arag Soomaali qudha oo deganaa Suuriya ama Yeman oo jecel inuu dalkaasi ka baxo, waxaanay ii sheegi jireen inay halkaasi nolol ku heleen, markii ay Soomaaliya dagaalladu ka qarxeen, immikana sheekadu dhan kale ayay isku rogtay oo Yemanidii iyo Suuriyaankii ayaaba Soomaliland jooga, oo waliba ka mahad-sheeganaya dadkeedii
"Dagaalka Suuriya iyo Yemen, waa ayaan darro " ayuu igu yidhi saaxiib Soomaliya oo aanu markaasi socdaal ku wada jirnay, annagoo marayna jidka laamida ah ee isku xidha Magaalada Hargeysa iyo Xeebta oo dhawaan daamur cusub la dhigay. "Laakiin markaad si u eegto colaaddaasi waxa la odhan karaa Somaliland sibay ugu fiicantahay, waxa noo yimid dad badan oo leh xirfado kala duwan oo naga maqnaa, laamidan sida la yaabka leh ee siman loo dhigay, waxa farsameeda keenay Qaxoontiga Suuriya ka yimid, sidoo kale haddii aad rabto inaad hesho cunto macaan, waxaad tagtaa meelaha Yementa ee laga cunteeyo" ayuu iigu daray.
"Dagaalka Suuriya iyo Yemen, waa ayaan darro " ayuu igu yidhi saaxiib Soomaliya oo aanu markaasi socdaal ku wada jirnay, annagoo marayna jidka laamida ah ee isku xidha Magaalada Hargeysa iyo Xeebta oo dhawaan daamur cusub la dhigay. "Laakiin markaad si u eegto colaaddaasi waxa la odhan karaa Somaliland sibay ugu fiicantahay, waxa noo yimid dad badan oo leh xirfado kala duwan oo naga maqnaa, laamidan sida la yaabka leh ee siman loo dhigay, waxa farsameeda keenay Qaxoontiga Suuriya ka yimid, sidoo kale haddii aad rabto inaad hesho cunto macaan, waxaad tagtaa meelaha Yementa ee laga cunteeyo" ayuu iigu daray.
Hadaba waxyaabaha kale ee kusoo kordhay, intaan ka maqnaa Somaliland waxa kamida makhaayadaha cuntada ee ay Yemanidu ka furatay magaalada Hargeysa.
Ma jiraan waxaad indhaha la sii raacdo, oo aan ahayn miisas lagu shaqlay haraaqo dufan leh, iyo darbiyo uu qiiq madoobeeyay. Balse biiniska shiilan, ee laguugu keenay sinxi jaandiya oo diis-diisani, waa mid aan adduunkan lagaga sheekayn karin dhadhankiisa.
Sidoo kale, waxaan isha ku dhuftay, fadiirad goobo ah , oo lagu dul dubayo daawe ballaadhan oo wareegsan. Fadiiradu waxa lagu dul farashayaa, khudaar cagaaran oo daray ah, xawaashyo kale duwan, iyo ukun. Intaas wixii ka dambeeyana, waan in fadiiradii faraqkasta laga soo laabo oo sida waraaqda loogu duubo khudaartii.
"Waxa makhaayadan la yidhaahdaa Happy Yemen" ayuu igu yidhi Faa'iz, oo markuu Yemen joogay ahaa macallin afka Ingiriisiga dhiga " Balse maanta laguma sheegi karo, Yemen meel ay farxadi ka jirto" ayuu ii raaciyay hadalkiisii.
Mid kamida shaqaalaha makhaayaddaasi ayaa ii sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo ay kala kulmeen Somaliland, markii ay ka furanayeen hudheelkan iyo imikuu shaqaynayaba.
"Meel kale hadday tahay, waxaanu ku qasbanaan lahayn in aanu shuraako la noqono nin u dhashay dalka, laakiin shacabka reer Somaliland martigalin iyo soo dhaweyn ayaanu ka helnay. Waa dad soo maray dhibaatooyinka ay dagaalladu leeyihiin, markaas kaala bakhayli maayaan inaad la wadaagto nabadda ay haystaan".
Subscribe to:
Posts (Atom)
THE THREE DRIVERS. BY MOHANED AHMED ABDI BA'ALUL
THE THREE DRIVERS The sun hung directly overhead, casting a harsh white glare across the compound. The air at the Central Station was th...
-
Waxay Maxkamadi sideedaba go'aan kasoo saartaa waa Dacwad. Dacwad kastaana noocay doonto ha noqotee (ciqaab, madani, maamul amaba dastuu...
-
EARLY EVIDENTIARY DISCLOSURE AND PROCEDURAL CONCENTRATION Reforming Pretrial Evidence in Somaliland Civil Litigation By Mohamed Ah...
-
Garyaq. Bacaluul. DASTUURKA IYO GARSOORKA SOMALILAND Maxkamadda Sare Markaad eegto qaab-dhismeedka Garsoorka iyo...















