|
Garyaqaan Bacaluul. |
Bari hore waxa jiri jiray nin Imbaradoor ahaa oo labbiska cusub aad u jeclaan jiray, Dan kamuu lahaan jirin arrimaha taagan ee hadba lasoo darsa Imbaradooriyada uu xukumo, dagaallada lagu jiro, tirada ciidamadee kaga dhinta, iyo duruufaha nololeed ee ay la noolyihiin dadka uu u taliyo. Wuxuu dadka usoo bixi jiray uun maalinta uu xidho dhar cusub oo loo soo tolay. Waxa la sheegaa inay maalin walba dawaarlayaashu saf usoo gali jireen, si ay ugu soo bandhigaan hadba labbisyada ay faraha ka qaadaan.
Maalin maalmaha ka mid ah waxa soo baxay oo imbaraadooriyada yimid laba nin oo u sheegtay inay yihiin dhartolayaashii ugu farsamada fiicnaa adduunyada, kuwaasi oo u yimid sidii ay Imbaradoorka ugu samayn lahaayeen labbis aan wali loo tolin boqor kale oo adduunyada ku nool.
Haddii ay u yimaadeen Imbaradoorkii, waxay u sheegeen inay u samayn doonaan dhar mucjiso ah, oo aanay harqadda laga tolayo oollin geyiga. Waa harqad aanay arki karin Maangaabka iyo cidkasta oo imbaraadooriyadda ka haya xil aanu u qalmin.
“Dharkani waaba mid la yaableh” ayuu ku yidhi imbaraadoorkii inta uu jalleecay halkii ay soo tubnaayeen Madaxyo-weyntiisii. Waxa uu Imbaraadoorku markaas ku fadhiyay Kursigii wuxuuna si fiican dhegta ugu raaricinayaa sheekada labada dawaarleh.
“Oo markaan sidaas u xidhaba waxaan ogaan doona raga ka tirsan Imbardooriyaddayda een u qalmin xilalka ay hayaan, maantaaban kala saari doonaa kooga caqliga badan iyo kooga doqonka ah, wax badanbay I halawsadeen oo ay qaar badan iskaga kay dhigeen talo-ruug ”
Imbaraadoorkii lacag ciiddaas leeg ayuu ku tisay labadii nin, si ay markiiba ay shaqada u bilaabaan. Iyaguna markiiba hawshii gale. Mid kamida oo iska dhigayay inuu harqaddii mucjisada ahayd sido, ayaa iska dhigay inuu miiskii ku kala fidinayo, kii kalana waxaabu mitirinayaa miiskii madhnaa, kadibna miiskii lalahaa haraaqbaa saaran ayuu qalin kolba dhan u dulmarinayaa isagoon taabsiinayn, hadana maqas ayuu hawada raacinaya, isagoo iska yeel-yeelay sidii nin kolba dacal soo qabanaya marad, oo hadana isku laabaya. kadibna wuxuu ula dhaqaaqayaa kii kale oo makiinaddii dawaarka dul fadhiyay. Waxay iska dhigeen kuwa mashquulsan.
"dahabkii mee aan ku tolee,"
"waa tanee hoo",
"meeday xariirtii ugu qaalisanayd aan ku taxee", iyo waa kanee hoo.
Waxay labadan xariif isku fid-fidinayaan waa faro madhan. Waxay se matalayaan dhaq-dhaqaaqii iyo wadashaqayntii ay lahaan jirtay, hawlkasta oo dhartolid ahi.
Boqorkii oo doonayay inuu soo ogaado halka ay hawshu marayso ayuu hadana xasuustay sheekadii ahayd “Waxa labbiskan arki karaa uun kuwa u qalma xilka ay hayaan” Waxaabu ka baqay inuu isaga laftiisu arki kari waayo labbiskaasi. Wuxuu ka war-waray labiskaasi la sheegayay, ee ay cid waliba hadal hayso, ee lawada doonayo in lasoo bandhigo. Xataa dadkii jaararka ahaaba, isku carinaya, oo leh , inta labbiskaasi Imbaradoorku soo baxayaaba ka hadhsan, inta la ogaanayo doqonniimadaada.
Imbaradoorkii ay talo ku ciirtay, oo goonidiisa iskula hadlaya,
"Waxaan u diri doonaa ninka ugu daacadsan, ugu waayo-aragsan, uguna caqliga badan la taliyayaashayda". Hadana wuxuu isweydiiyay ninkaasi kuu yahay, waxaanu si hoose isku leeyahay "Waa kuma ninka ugu macquulsan, ee la isla wada qirayo in aanay jirin cid kaga haboon xilkiisa?”
Dadkii ka ag dhawaa ee uu xilalka muhiimka ahaa uu u dhiibay ayuu maskaxdiisa kawada xaadiriyay, waxaanu ka dhex xushay ninkii u u diri lahaa Labis-tolayaasha. Odaygii caqli wanaagga iyo waayo-aragnimada loo tirinayay haddii uu tagay halkii loo diray, oo uu galay hoolkii ay labada xariif ay labbiska beenta ah ku tolayeen. Wuxuu arki waayay wax maro-sheegta oo meesha ka muuqata.
“Mee wixii la sheegayay, ee ay lahaayeen waanu tolaynaa, hal dun ah oo ii muqataaba meesha ma taallee” ayuu cod hoose isku yidhi, isagoo indhaha galka kasoo saaray. Labadii khaayin, markay odaygii arkeen, ayaabay salaam iyo baashiraad kala horyimaadeen, hadal darandoori ah ayay loo boobeen. Odaygii ayaabay gacanta qabteen, iyagoo leh naga eeg labiskaanu tolnay, waxay dul keeneen miis dheer oo aanay waxba ka muuqan dushiisa. Mid kamida ayaa ku yidhi sug aan kala bixiyo labiska eh, kadibna intuu sidii oo uu wax ka dul qaadayo miiska ku foorarsaday, ayuu hadana sidii oo uu kor u hayo labiskiia ayuu gacmihiisa kor u qaaday, kadibna kala bixiyay. Kii kale oo hareer taagan, ayaa odaygii ku yidhii "Bal eeg dharkaan tolnay ! ma ku cajabiyay midabkoogu? Ka warran luulka aanu luqunta iyo garbaha kaga taxnay? Ka warran sidaanu xariirtaasi ugu jeeniqaarno koodhka"
"Miyaanay dunta midabkaasi leh idhaha soo jiidanayn !"
Huuhaadii darandooriga ahayd, ayuu odaygu kolba mid is yidhaahdaa bal tanna arag, oo uu indhaha mar-marba ka dambaysa ku caddeeyaa halka madhan ee ay faruhoogu marayaan.
“Yaah, oo kaallay ma sidan baa iga dhab ah” ayuu isyidhi, “ oo ma anaaba doqonkii la sheegayay noqday? Oo haddaan anigu arki waayay, yaa kalee arki doono toloow? Xataa anigu haddaan is ogaan waayay, oo ay caqliyaraan iga ahayd taasi, maxaan u waayay cid kale oo ogaata xisgaabnidayda? Xataa Imbaraadoorkana dhahoo? Markaas ma maantaan isfashilaa oon yidhaahdaa waxaan arkii waayay labbiskii mucjisada ahaa, maya isa sheegi maayo, oo odhan maayo waan arki kari waayay.
Nimankii oo eegaya odaygii oo isku maqan, wax jawaab ahna aan wali u celin ayuu mid ka mida raggii sugi waayay oo ku yidhi “ Xaaji miyaad la ashqaraartay labbiska, maxaa ku aamusiiyay, wali noomaad sheegin inaad la dhacday dharkan aanu Imbaradoorka u tolnay iyo in kale eh” isagoo dareenkiisa soo celinaya.
“ Alla waa heer sare, waligayba maan arag kuwan oo kale” ayuu lasoo booday odaygii, isaga ood moodo inuu su'aasha ku ambabaray.
“Haa midabkaa aad sheegaysay ee sidaas ah ayaa Imbaradoorka maraya, Farshaxannimadiina waan hubaa inuu la dhici doono, markaan u sifeeyo. Bal iigu celi farshaxannimadii, aan isla sidaad u sharraxday ugu sharraxee”.
Haddiiba ay dib u bilaabeen, inay bandhigii ku celiyaan, wuxuu odaygii isku dayay inuu eray eray u xafido tilmaamihii ay ka bixinayeen Labiska ay diyaariyeen, Cabirradii, midabaddii, maryihii kale duwanaa ee ay ku kale taxeen, kuway ka luleen, liidadkay u samaynayeen iyo waxkastaba. Talooyinkii ay waydiinayeen, ee ay ku lahaayeen haddaanu halkaas sidaas ka dhigno ka warran, waabu ku raacay oo madaxuu u lulay.
Odaygii ku soo noqay Qasrigii Imbaradoorka, wax walbana ugu sheeg sidii loogu soo bandhigay. Imbaraadoorkii kumuu qancin sheekadii uu ka gurayay odaygii sahanka u ahaaye, wuxuu hadana mid kale oo raggii uu garashada ku tuhmayay ka mid ah uu u diray, halkii labbisku ee ay hawshu socotay, si uu usoo hubiyo waxan uu odaygu ka warramay. Isna markii uu kusoo noqday, warkii odayga mid la mid ah ayuu u sheegay.
Imbaradoorkii oo is hayn kari la', doonayana inuu ka salgaadho warkan la siiyay, ayaa isasii daayay si uu usoo arko mucjisadan ay raggiisu isku raaceen. Wuxuu kaxaystay labadii nin ee u akiday inay soo arkeen labbiskii oo diyaarsan, iyo dhawr nin oo uu kaga kalsoonaa inta kale. Markay arkeen Nimankii dhartolayaasha ahaa Imbaradoorkii oo xaggooga usoo socda, ayay iska dhigeen kuwa mashquulsan oo laab-laabaya Labiskii beenta ahaa.
Miyaanay farsamadoodu cajiib ahayn ayuu yidhi” mid kamida raggii sahanka ahaa ee hore loosoo diray. “Haddii aad Mudane aragtid, sida layaabka leh ee ay waliba kuugu qiyaaseen, una garteen dookhaaga, wax kale ka sheekayn maysid baryahan”.
Imbaradoorka laftiisiiba, ayaa wajiga isgaliyay oo is yidhi “Waa sidee !” “ Oo ma anigaaba noqday kii la sheegay een arki karayn labiska, een xilkiisa u qalmin.
"Maya" inta uu dhoolla caddayn been ah muujiyay ayuu isagoo jaahwareersan ku dhawaaqay
"Alla, waar cajiibsanaa !
waligayba maan arag cid sidan wax u tosha, tolmihiinu waa heersare”
"Sidaasaaban ku aqbalay, oon idinkaga guddoomay” Ayuu raaciyay imbardoorkii, isagoo wali indhaha ku haya, halkii looga tilmaamay inuu Labiska ku diyaarsanyahay. Midkastoo la socday wuxuu indhaha ku mudayaa halkii madhnayd, isagood moodo inuu indhahiisa qasab kaga doonayo inay tusaan waxaan meeshaba oollin. Midbaaba mar-maranaya indhaha, oo haddana markuu ka war helo mid kale oo hoosta ka eegaya , isku naxaya oo odhanaya "Labbiska widh-widhkiisa ayaa indhaha iga qabtay".
Boqorkii ayay ku yidhaahdeen bal isku eeg, kadibna inta uu iska bixiyay maryihii uu xidhnaa, oo isku soo reebay intuu hoosta ka gashanaa, ayay labadii xariif iska dhigeen, kuwa u galinaya Labbiskii beenta ahaa, Wuxuu mid kamida labadan tuug iska dhigayaa mid kolba soo qabanaya waxa loo baahanyahay ee Imbaradoorka loo xidhayo, halka uu kan kalena uu iska yeel-yeelayo sidii mid kolba u galinaya shayga loo dhiibayo. oo waxaabu leeyahay kolba gacan keen, haddan lug keen. Haddii Koodhkii loo xidhay, iskaafkii oo u dambeeyayna luqunta uu ugu duubay, ayuu dib uga baxay oo iska dhigay mid eegaya sida uu ugu soo baxayImbaraadoorku labiska cusub.
“Cajabeey, bal hannaanka iyo haybadiisa eega” ayuu ku yidhi nimankii Imbaradoorka la socday.
Wuxuu Imbaraadoorkii u soo kexeeyay qol ay darbiyadiisa ku xidhantahay Muraayad weyni oo la isku arki karo dul iyo hoos, oo sii jeed iyo soo jeedba iskaa tusaysa. Markii uu qolka soo galay ee uu isha qac ku siiyay humaagiisa, ayay naxdintii meeli go’day, wuxuu se dib usoo uririyay naftiisii ay ‘ku baahday’, kuna dadaalay sidii aan dareenkiisa iyo jaahwareerkiisa muraayadda looga dhex arki lahayn. Isaga oo isdiidsiinaya muuqalkiisa dhabta ah ee ka hormuuqda waxa uu bilaabay inuu kolba dhinac iskaga eego muraayadda, isaga oo wer-wekiisa ku qarinaya qosol aan ka tarjumayn xaaladdii uu saacaddaasi ku sugnaa.
Ma jiro qof qudha oo intii meesha joogtay kamida, oo qiran kara in aanu arkayn Labiskan beenta ee la leeyahay Imbaradoorkaa loo xidhay, waayo waxay ka baqayeen inay xilkooga waayaan, ama ay halkaasi ceebi ka raacdo.
Iyagoo oo wali meeshii jooga, ayuu dibadda uga baxay uugaan iyo sawaxan xooggani, waaba magaaladii oo oodaheedii wadata, Markii ay dadku maqleen in Imbaradoorkii uu labiskii mucjisada ahaa soo gashanayo, ayaabay sugi kari waayeen, una soo baratameen halkii dharka lagu diyaarinayay.
Labdii khaayin, ayaa Imbaradoorkii kula taliyay inuu u soo baxo dadka, oo uu la dhexmaro Labiskan mucjisada ee ay u xidheen.
Naxdin weynaa !
Imbaraadoorkii ayay talo ku ciirtay. Waxaana loosii galbiyay xaggii dadku ku xoonsanaa, isagoo qaawan oo sidii uu ku soo dhashay ah balse lagu qanciyay inuu xidhanyahay Labbis aanay doqonniimadu arki karin. Wuxuu dhex lugaynayaa jidadka waaweyn ee Magaalada, isagoo raxan daawadayaal ah iyo ilaaladiisii daba guurayso oo luqunta taagaya oo aanay kaba qasnayn. Dadweynuhu - carruur iyo cirroolaba, rag iyo dumarba waa in daba ugaamaysa iyo in hareero tuban jidadka Magaalada. Kolba inta uu hormarayo ee safka taagan waxa ay ku dhawaaqayaan "Qurux badanaa Labbiska Imbaradoorku” iyada oo qof kastaaba isdaadraacinayo dhawaaqa baxaya, naftiisana hafraya. Kalmaddaasi oo ay labadii Xariif dadka afka ugu rideen judhii horaba markii ay boqorka u soo saareen dadweynaha.
“Oo ma isagaa waxba xidhanba?" oo cod dheer ah, ayaa laga dhex maqlay dadka dhexdiisii. Waxa ay taasi ka soo yeedhay gabadh da'deedu aad u yartahay oo aabaheed gacanta hayo dareenkii dadka ayay weedhaasi soo wada jeedisay. Bal dhagaysta wuxuu sabigan yar een dambiba lahayni waxa uu ku dhawaaqay? ayuu yidhi Aabaheed isagoo ku faanaya yartiisa. Maxay tidhi? ayuu ku kale ku dhawaaqay, Dadkii ka ag dhawaa ee maqlayay oo u jawaabaya, ayaa hal mar ku wada dhawaaqay:
“Ma isagaa waxba xidhanba”
“Ma isagaa waxba xidhanba”
"Ma isagaa waxba xidhanba"
Imbardoorkii ayaa isku yax-yaxay, oo naxdin iyo khajilaad la gariiray. Gartayna inay run tahay waxay dadku sheegayaan, oo uu Qaawanyahay. Balse wuxuu go'aansady in uu iska xamilo illaa inta lala soo gaadhayo Kursigii Qafilnaa ee qasriga lagu geyn jiray.
[ Dhammaad ]
.............................. ........... ..................... .................. .................. ................. .................
Waa kuma Hans Christian Anderson?
Waa Qoraa dhaanish ah, oo noolaa Qarnigii 19-aad, waxa sheekadan mala’awaalka ah suugaan ahaan loogu tarjumay in ka badan 100 af. Waxa la daabacay, lana faafiyay 1837-kii. Walaw tarjume ahaan, aanan sheekadan hab suugaaneed, oo farshaxaysan oo u dhaw-dhaw sida loogu tarjumay afka Engiriisiga ee aan ku akhriyay aanan u tarjumin, amaba aanan usoo bandhigin sida uu qoraagu ugu nuux-nuuxsaday humaagaynteeda, waxaan jeclaystay uun in aan inta afsoomaaliga wax ku akhrida la wadaago. Sidoo kale meeris-meeris umaan raacin qoraalka sheekada, waxaan se afsoomaali ahaan kusoo koobay dhacdooyinka si nuxurkeeda hore loogu gaadho. Waxaanan ka cududr daaranayaa akhristaha in aanan waqti badan oo ay mudnayd tabinta sheekadani aanan galin..
Tarjume: Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.