HANTI-MASKAXEEDKA IYO FANKA: FAHAMKA SHARCI EE XAQA HAL-ABUURKA IYO XUQUUQAHA KALEl
W/Q Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
Fannaanka luuqda lehi ma laha asalka heesta.Sharci ahaan cidda hal-abuurka leh midhaha ama erayada ayaa leh hanti-maskaxeedka koowaad (intellectual property right). Abwaanka leh asalka shayga, oo ah midhaha la macaaneeyay ee luuqda, laxanka iyo muusika lagu ladhay ayaa iska leh hal-abuurka heesta iyo dheefta ugu badan, xaqna u leh cidda uu wax ka siinayo munaafacaadsigeega.
Qolada kale ee macaaneeya erayadu waxay ku leeyihiin xuquuqo ka dheegma (derivative rights) lahaanshiyahaas asalka, sida qofka kireysta dhulku aanu u lahayn dhulka uu kireystay ayaanay kooxfani u yeelan karin heeska, se waxa ay ku leeyihiin xuquuqo lagu heshiiyay (contractual rights).
Waa se laga iibsan karaa abwaanka midhaha. Iibkaas oo meesha ka saari kara kiradii abwaanka uga u socon isticmaalka heeskiisa (royalties). Ku darsoo abwaanku isaga oo iibiyay hal-abuurkiisa, wali xaqa inu u leeyahay in magiciisa la xuso in uu lahaa hal-abuurista heeskiisa (citation). Waana inta ay hanti-maskaxeedku kaga duwantahay hantida muuqata. Qofka iibsaday ma sheegan karo hal-abuuristeeda, se waxa u gooni noqda xaqa dheefsigeeda, adeegsigeeda iyo tarminteeda. Waxa kale oo uu iibsadhani xaq u yeeshaa sii-iibinteeda haddii aanay taasi ka hor-imanayn heshiiskii isaga iyo abwaanka u dhaxeeyay.
Sida loo wadaagayo dheefta heestuna waa heshiis ay ka gorgortami karaan abwaanka iyo kooxaha dambe illaa istudiyaha farsamadu. Waxa inta badan lagu heshiiyaa hab boqolley ah in loo qeybsado dheefta soo baxda marka la bixiyo wixii kharashaad ah ee ku baxa soo-saaristeeda.
Waagii hore ma ay jirin shirkadahan adeegsada tiknoolajiydan internetku ee otomatika u tiriya isticmaalka muusikada. Halkooda waxa ku jiray shirkado kale oo farsamo qalimeed adeegsada (Manual system) oo khidmad ka qaata adeega ay u qabtaan hal-abuurayaasha. Waxa ay si joogta ah ula socon jireen heesaha la baahiyay. Waxa ay goobjoogayaal ku lahaayeen oo ay la socon jireen barnaamijyada lagu qabto goobaha lagu xafladeeyo, oo isticmaalka heesta khidmadeeda lagu jaangoynayo tirada dhageystayaasha la martiqaaday. Waxa ay shirkaddu ku dhex lahayd goobjoogayaal xarumaha laga baahiyo idaacadaha maqal iyo muuqaalka leh oo iyagana la socon jireen baahintooda si looga qaado khidmada heesaha ay baahiyaan.
Ka dib ayay shirkadahaasi ay si todobaadle ah u soo saaraan heesaha la isticmaalay iyo wadarta waqtiyada ay mid waliba baxday. In badan ayaa laga yaabaa in aad ka daawatay Tv-yada caalamiga ee madadaallada oo sheegaya heesihii ugu daawashada badnaa todobaadka (top 20 or 50 songs of the week). Halka ay xogtani ka timaaddo waa shirkadahaa aan ku soo sheegay.
Qeybtaas hore waxa aan kaga hadlay marka uu fanka muusikada uu ka dhex jiro suuq furan oo karti iyo tartan lagaga macaashayo. Inta badan dalalka ay taasi ka jirtaa, xeerarkoodu waxay hantiilahan iyo dhaxlayaashiisa xaq u siiyaan in uu ka macaasho wax-soosaarkiisa muddo 70 sannadood oo ka bilaabanta marka hantidaasi la shaaciyo. Muddadaasna waxa sharci ahaan reeban in lasii tarmiyo (copyright limitation) iyada oo aan la weydiisan cidda hal-abuurkaasi iska leh. Wixii ka dambeeyana si rasmi ah ayaa loo fasaxaa, oo hantidaasi waxay noqotaa mid aan lacag ku joogin oo ay dadaweynuhu u simanyihiin (Public Domain).
Taasi kama ay hirgalin Soomaalida, oo waxa uu hal-abuurkani waji kale yeeshay markii uu nidaamkii bulsho iyo siyaasadeed isu badalay hanti-wadaaga (socialism). Fanka muusikada ee Soomaalidu muu sii ahaan hanti maskaxeed gaar loo lahaado intii kacaanku talinayay. Wuxuu ka mid noqday hantiyihii loo hor qarameeyay. Waxaana iska yeeshay Dawladda, gaar ahaan hay'addihii u qaabilsanaa Warbaahinta iyo Hidaha iyo Fanka, iwm.
Tiyaataradu iyo guryaha dadka ay deganaayeen dadka shaqeeya fanku iyo goobaha ay ku shaqeeyaan waxay ahaayeen hanti guud ama dawladeed. Halka ay dadka fanka ka shaqeeyaana ha ahaado abwaan, muusikeyste, laxan allife, matalaad sameeye, luuqeeye ay intuba ahaayeen shaqaale dawladeed oo mushahar iyo hoyba ka hela dawladda, haddii ay kooxo ahaayeen iyo haddii ay kali-kali ahaayeena.
Markii uu nidaamkassi meesha ka baxay sagaashamaadkii, waxa ku yimid fanlaydii jaahwareer cusub iyo bililiqo dhan walba leh oo illaa imika ku socda hal-abuurkii iyo dadaal maskaxeedkoogii.
Waxaanay fanleydaas hore waajaheen duruufo bulsho iyo dhaqaale oo adag, iyada oo ay budhcad-faneedkaasi kala duwan ay biliqadaasi hantiyeed ka faa'idayaan hadh iyo habeenba. Waxaad arkaysaa kooxo leh bogagga interneetka ee you-tubes-ka oo sheeganaya xaqa baahinta, kana macaashaya heeso aanay hal-abuurkooda lahayn iyo Telefishano iyaguna baahinaya heeso hore loo qaaday oo ay ku luuqeynayaan fannaaniin dambe. Kuwaas oo iyaguna ka macaasha heesahaasi hore. Iyada oo ay u badantahay in aanay weydiisan ciddii hore u lahayd hal-abuurkooda (abwaankii iyo laxamaystihii) iyo kooxihii kale ee xuquuqda ku lahaa (fannaaniintii ku luuqeeyay, iyo muusiglaydii) ama cidda ay ka tageen ee dhaxalkooda leh.
Kaliya waxa laga sheekeeyaa bililiqada ay nidaam la'aantu ay ku keentay hantid muuqata (corporeal property), se tan aan ka hadlayo oo illaa hadda socota cidi ma soo qaaddo. Waxaana boobkani ka sii qeyb-qaatay tiknoolajiyadan casriga ah oo fududeysay baahinta, tarminta (copy right infringments) iyo wadaagistiisaba.
Waana ta keentay in ay dhibanayaashaasi ay heesahoogii ka baxaan guri kasta, gaadhi kasta, Tv kasta, you-tube-kasta iyo moobilkasta, oo laga yaabo in aanay iibsan karinba kuwa iska leh hantidaasi lagu raaxaysanayo.