Monday, April 13, 2026

SHARCIGA JIRA vs SHARCIGA QORAN


Sharciyaqaano badan oo mar walba u taagan ilaalinta ku dhaqanka sharciga iyo dastuurka ayaan arkayaa. Kuwaas oo iftiimiya dhacdooyinka xadgudbyada ku ah dastuurka iyo shuruucda ee sida il-duufka ama badheedhka ah ay ugu tallaabsadaan masuuliyiintu. Sida dhacdadii uu dambeysay ee uu xildhibaan ka mid ah uu Golaha Wakiiladu oo loo magacaabay Wasiir uu kaga qeybgalay Shirkii Golaha Wasiirada isaga oo aan si rasmiya u marin habraacii sharci ee xil iskaga tagidda Golaha. Walaw ay uu ka qaybgalkaa uu ka qaybgalay Fadhiga Wasiiradu ay si dadban u muujinayso  (implied intention) in uu shaqsi ahaan ka tagay Xildhibaannimadii Golaha. 

  Sharciyaqaannada masuuliyadooda xirfadeed ayaa faraysa in ay ku baraarujiyaan nidaamka dawladnimo ku-dhaqanka sharciga, walaw aan arkayo in ay warbaahinteenna u jan-jeedha falanqeynta dhacdooyinka iyo hirdannadda siyaasaddu ay hoos-u-dhigtay codkooda (downplayed). Garyaqaanadu se taas eed kuma laha oo way guteen xilkoodii aqooneed oo arrinkoodu waa; allahuma inii balaqtu.

  Waxa is weydiin mudan sababta arrintaa lagu baraarujiyay ay cidda ay khusaysaa iskaga dhegamariso----maadaama oo qodob dastuuriya oo la jabiyaa uu yahay seeskii dawladnimada ku taagnayd ee lagu heshiiyay oo la mijo-xaabinaayo. Guddida joogtada ee Golaha Wakiilada iyo shirguddoonkoodaba macno sidaas ah uma samaynin arrintani oo iyana hoos ayay u dhigeen (down-played). Goleweynahana (the floor) hadalkiisaba daa. Marka dano hoose la leeyahayna-- dastuurbaa la jabiyay ayaa la innagu wareeriyaa iyada oo aanu waxa la jabiyay aanu sidan oo kale u muuqan. Taasi ma aha dastuur ilaalinbaa (constitutionalism) iyo isla-xisaabtan dawladeed, misa waa rabitaanno ilaalin (human desires)?

  Waxa jirta aragti sharci oo la yidhaahdo---"Legal realism" ama "Sharciga dhabta ah". Aragtidani (legal theory) waxa ay tidhaahdo sharcigu ma aha khadka waraaqaha ku qoran, bal se waa ka qofka xumi (bad man) uu ka baqdo inuu ku xadgudbo ee ogyahay inuu cawaaqib uu kala kulmayo haddii uu jiidho.  Mar haddii aanay taasi jirin oo qofku isaga oo ka badheedhay ku xadgudubka wixii waraaqaha ku dhignaa, aanu waxba iskaga tirin nidaamka jira,  waxa ay waraaquhu sheegayaan sharci ma aha xataa haddii loogu yeedho ama loo wada yaqaano in ay yihiin "sharci".  Sharciga dhabta ahi se waa waxa jira ee la wada samayn karo (real acts) ee la hubo in aanu wax raad ahi ka dhalanayn haddii la sameeyo. Waa kaas sharcigu. 

   Sharciyaqaannadu waa in ay fahmaan sharciga jira (legal realism or the real law) ee aan ahayn kan buugta ku dhigan, oo ay daraasad xeel dheer ku sameeyaan iyo diiwaanna sugan (record) oo u noqda tixraac taariikheed ee geeddisocodkeena sharciga (S/land Historical Legal Jurisprudence). Tusaale ahaan, sida sharciga jira ee jideeya in ay muddo xileedka Madaxtooyadu ahaado ugu yaraan toddoba sanno, sidoo kalana Golayaasha kale ka dhiga muddo xiloodkooga mid daba-furan (open-ended) illaa inta siyaasad ahaan loo soo jeedsanayo. Sharcigaas la qabatimay wuu  ka duwanyahay waxa uu sharciga waraaqaha ku qorani sheegayo (formal rules). Sidoo kale ha hilmaamin Sharciga jira (the real law) ee jideeyay in musharraxnimada Golayaasha ay reeruhu soo xulaan, oo aan xisbiyahannimo iyo aragti lagu soo xulan, kaas oo isna ka duwan waxa uu sheegayo kan buugta inoogu qorani.

   Sharcigaas dhabta ah (the real law) in kasta oo uu yahay xaqiiqo aan la dafiri karin,  marka ay siyaasadda tahay, balse run ahaantii isaguna ma aha ceeb ka saliim. Ceebtiisa u wayni waxa weeyi in aanu ahayn wax sugan oo la isla sii wada hubi karo natiijdiisa (unpredictable), balse waa kan---hirdan iyo muran badan kadib, kama dambeysta shaqeeya (functionalism) iyada oo aan cidna dambi iyo ku xadgudub awoodeed ama ku xadgudub xeer-dhigan lagu qaadin.

No comments:

Post a Comment

SHARCIGA JIRA vs SHARCIGA QORAN

Sharciyaqaano badan oo mar walba u taagan ilaalinta ku dhaqanka sharciga iyo dastuurka ayaan arkayaa. Kuwaas oo iftiimiya dhacdooyinka xadgu...