Hey'adahaas waxa ka mid ah Bangiyada Dhexe oo diiwaangaliya hantida ay Madaxdu haysato xilka ka hor , isla markaana curiya xeerka ka hortaga Lacagaha siyaabaha leexsan lagu helo ee Akawnada Qarsoon lagu shubto lagana sii wareejisto. Xeerkaas ayaa la yidhaahda xeerka ka hortagga lacagaha la meydho (Prevention of Money Laundering Act) ayaa xad u sameeya lacagta ugu badan ee la dhigan karo akawnada bangiyada dalka ama hal mar laga xawilan karo. Taas oo wixii xadkaas ka badan waajib ku saaraya Bangiyada gaarka ah in uu macmiilka ka buuxiyo foomam uu ka saxeexo oo macmiilku ku sababaynayo halka uu dakhligaasi ka soo galay. Kadibna ay nuqullo kamida foomamkaasi ku ku baraarujinayaan bangiga dhexe iyo hantidhawrka guud oo illaa ay barraxaan macmiilka (clearance) oo cashuuraha ku waajibayna laga gooyo, aanay bangiyadu ka yeelin in lagu xassaysto lacago aanay ogeyn sida lagu helay ama qaar dhigaal ahaa sababta hal mar loo wada xawilinayo--- oo laga yaabo in lala baxsanayo.
Xeerka Xogsiinta Dadweynaha (Public Information Act) ayaa isna ka mid ah xeerarka lagaga hortago musuq-maasuqa. Xeerkankani isna waxa uu kor u qaadaa daah-furnaanta mashaariicda, go'aannada maamulka iyo mucaamilka dhexmmara hey'adaha maamul iyo laamaha gaarka ah (private sector). Xeerkani waxa uu faraa hey'adaha maamul in ay baahiyaan habraacyada uu muwaadinku u codsan karo adeegyadooda, siyaasadahooga, qorshayaashooda iyo wax-qabadyadooda. Wixii xog ah ee dheeriya ah ciddii rabtana waxa uu xeerku u dhigaa habraac ay ku dalban karto.
Ta ugu muhiimsan ee ay xeerarka Xogsiinta Dadweynuhu ay ku xakameyaan musuq-maasuqa waa waajibinta in la kashifo musuqa qarsoon. Waxa uu xeerku awood u siiyaa shaqaale hoosaadyada ay madaxda ka sarreysaa ku amarto in ay fududeeyaan hawlo leexsan, in ay siidhiga ku afuufaan waxaas dagamsan ee miiska hoostiisa ka socda (whistle-blowers). Kuwaas oo uu xeerku u dammaanad qaado in aanay waayi doonin shaqadooda iyo xuquuqahooda kalaba marka ay kashifaan musuq-maasuqaasi ay goob joogga u yihiin.
Xeerka qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act) ayaa isna kamida ah. Xeerkani wuxuu si gaar diiradda u saaraya hannaanka maamul ee hay'adaha fulintu u baahinayaan, u tartansiinayaan, una kala saarayaan cid kasta oo danaynaysa qaadashada qandaraasyada iib ama hawl-qabad ee dawladu dalbato (bids). Waa xeer muhiim u ah xakameynta musuqa, haddii sidiisa loogu dhaqmo. Waxaanu qeyb ka yahay Nidaamkaas Guud (framework) ee aan sheegay in la helo si looga hortagayo musuq-maasuqa lagula kuco hantida guud (public fund/properties and powers).

No comments:
Post a Comment