Monday, January 23, 2017

BEENTII CADDAYD EE AQALKA CAD; By Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Donald Traamp ayay ugu bilaabmatay is difaacid todobaadkii ugu horaysay Madaxweynanimadiisa, isagoo ay ka hor yimaadeen mawjado mudaharaaddo ka dhan ah doorashadiisii. Sidoo kalena Aqalkii Caddaa waxa qabsaday weerar lagu dhaleecaynayo, oo ay warbaahintu leedahay wuxuu been u sheegay Dadweynaha.  

Traam iyo gacansiiyayaashiisu, waxay labadii cisho ee u dambeeyay ku qaateen Guriga Cad, iyagoo ka beensheegay tirada dadweynihii kasoo qayb galay xafladda Caleemasaarkiisa ee dhacday Jimcihii ina dhaafay

Sean Spicer (Xoghayaha Warbaahinta ee Guriga Cad)







Xoghayaha Saxaafadda ee Traamp (Sean Spicer) ayaa Markii ugu horraysay, guriga cad isagoo ka dhex baahinaya warsaxaafadeedkiisa, codsare ku canaantay Warbaahinta isagoo yidhi " Si badheedh ah ayay been u tabiyeen" markii ay ka warramayeen Munaasibaddii Caleemasaarka. Waxaanu ballan ku qaaday inay si adag ula xisaabtami doonaan saxaafadda. 

"Wuxuu ahaa caleema-saarkii ugu ka-soo-qaybgalayaalka badnaa, ee abid ka dhaca Maraykanka" ayuu yidhi Spicer. Tibaaxdiisaasi oo khilaafsanayd Sawiraddii laga qaaday caleemasaarkan iyo kii ka horreeyay ee 2009-kii, "Waxay rabaan inay hoos-u-dhigaan xamaasaddii iyo dareenka caleemasaarka, taasina waa qalad waan meel-ka-dhac" ayaa kamid ahaa haddaladdii Xoghayaha. 

    muuqaalka bidix xige waa caleemasarkii Trump, ka midig xigaana waa kii Obama ee2009-kii. 














Way adkayd in la qiyaaso,  tirada dadweynah kusoo xoomay Barxadda loo yaqaan Naashanal Mool ee Caleemasaarku ka dhaco, balse  sawiraddii laga  qaaday goobtaasi dhacdadan iyo tii ka horraysay, ayaan la dafiri karin faraqaweyn ee u dhexeeya kasoo qaybgalka xafladdii jimcihii dhawayd lagu dhaariyay Tramp iyo tii Obama ee 2009-kii, Waxaana ka ballaadhnayd oo ka dad badnayd Munaasibaddii Obama. Tiro lagu qiyaasay hal milyan oo bannaanbaxayaal ah, oo aad uga badan intii la filayay, oo kasoo horjeeday caleemasaarka Traamp, ayaa kusoo fatahay Jidadka Washington, isla markaana faro ahaan aad u muquuninayay tarabuunkii u sacabinayay Traamp. .

Kellyanne Conway (Saraakaalad ka tirsan Guriga-cad)














Iyadoo hadaba ay qaylo iyo weerar ka dhan ah warbaahinta ay markii hore isku dareen, kooxdii garabjoogtay Traamp, ayuu hadalka kasoo yeedhay Kellyanne Conway, kuu sheegayaa sida ay beentoodii ula yaabeen markii ay warbaahintu soo gudbisay xaqiiqadii dhabta ahayd ee arrintaasi. Waxayna  Kellyanne ku difaacday Spicer kulan saxaafadeed ay la lahayd Idaacadda NBC, iyadoo tidhi "Spicer wuxuu tibaaxay uun, xaqiiqo kale oon la sheegin (alternative fact)"

Sunday, January 15, 2017

SHIRKII JARAA'ID EE U HORREEYAY; MAXAA KALA QABSADAY TARAAM IYO WARBAAHINTII? By Garyq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.













Marka horaba nabadi kamay dhaxayn Donald Traam iyo Saxaafadda, maanta se dembaa isbadday, maadaama oo uu yahay Madaxweynihii Maraykan. Wuxuu ahaa shirkii jaraa'id ee ugu horreeyay ee uu qabto intii loo doortay Aqalka Cad. Mawqifkiisii Qallafsanaa ee la xidhiidhay dhinaca saxaafadda ayaad ka garan kartaa, waxa uu dhanwalba ka filayay midka kale,

Wixii meesha ka dhacay shaki kuma jiro inay warbaahintu maalmo sii hadal hayn doonto. Qaarka kalana ay cabasho ka keeni doonaan, argaggixii ku dhacay, hanjabaaddii iyo higgaaddii Madaxweynaha, eed mararka qaar moodaysay inuu kaba soo boodayo masrixii loo habeeyay. Waxay taasi  qabsatay 150 suxufi, oon tiwitarkiisa mooyaane, aan waligood toos u arag Donald Traam. 

Sidii hore looga bartay; musharrax cusub oo loo doortay Madaxweynanimo, jawaabo faah-faahsan iyo xog badan lagama filayn.Sidoo kalana, loogama fadhiyin inuu Maalintiisii Koowaad ee uu shir-jaraa'id qabto, inuu siduu awalba samayn jiray uu afka kaga boodo suxufiga, isagoo ka ficil-qaadanaya su'aashiisa. Wariyayaasha qaarbuu su'aalihi ka boodsiiyay, markay u sheegeen warfidiyeenka ay ka socdeen, isagoo ugu jawaabay kuwo kamid ah "Waligayba waxaas maan maqlin" Qaar wuxuu ugu jawaabay, inay "beenaalayaal yihiin", kuwa kalana hay'adaha warbaahineed ee ay ka tirsanaayeen ayuu ku tilmaamay  "been-abuur" isagoo erayga  "fake" u adeegsaday. Qaarna isagoo u hanjabaya ayaabu si toos ah ugu yidhi "Raalli kama ihi waxa aad samaynayso", Hadalba gam !

Shirsaxafadeedkii ugu horreeyay, sidii awalba madaxweynayaashii ka horreeyay looga bartay kumaa soo qaadin Maraykannimada, Mabaadi'da Qarranimo ee mideeya shucuubteeda kala duwan iwm. Balse wuxuu hadalkiisu ku saabsanaa Ruushka, Maalmihii uu musharraxa ahaa, wuxuu ku dhiiraday in uu ammaano Putinka Ruushka. Waxaana loo soo joogay isagoo ku diganaya, kuwa Maraykanka ah ee ka shakisan ama dhaleeceeya siyaasadaha Putin, isagoo ku sheegay "doqomo", mararka qaarna ku dooday inuu sidiisa yeeli lahaa, haddii uu noqon lahaa Putin.

Waana ta keenaysa inay dad badan oo maraykani ahi is yidhaahdaan xidhiidhbaa u dhexeeya isaga iyo Putin. Kuwaasi oo ku dooda in aan la dhageysan Inkiraadda Traam uu iskaga fogaynayo suurtogalnimada xidhiidhkaasi, illaa taasi baadhitaan lagu xaqiijiyo. 
Sean Spicer; Xoghayaha Saxaafadda 

Kaaga sii darane Xoghayaha Saxaafadda ee uu Taraam dhawaan magacaabay (Sean Spicer) ayaa ku qasbay weriye Jim Akosta oo ka tirsan CNN-ta, inuu raali galiyo Madaxweynaha la doortay, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa "mid liita oo ixtiraam darnaa" markii uu shirkii saxaafadeedku socday. 

"Haddii uu Putin jecelyahay Traam" ayuu yidhi Taraam, isagoo warbaahinta isku sheegaya. "Waxaan jacaylkaasi u arkaa hanti, ee uma arko deyn uu igu leeyahay" ayuu hadana kusii ladhay hadalkiisii. Mar la waydiiyay xagga basaanimada hawada ee la lahaa, Ruushka ayaa ugu dhacay xogtii Kumbiyuutarrada Maraykanka, wuxuu eeddeeda saaray Xisbiga Dimuqraadiga ee talada hayay, isagoo ku dhaleeceeyay inay dalka dayaceen, oo ay wax-matarayaal ahaayeen. Halka uu sidoo kalana ka ballaadhiyay sheekadaasi basaasnimada, oo uu sheegay inay jiraan dalal kale oo iyaguba sidan oo kale u basaasa Maraykanka. Waxaanu si dheel-dheel ah u yidhi "Dibna inoo basaasi maayaan Ruushku markaan talada la wareego"

Traam iyo Qareenkiisa Gaarka ah, Sheri Dillon. 

















Taraam waxa kale oo uu shirkiisa jaraa'id ku caddeeyay in aanu ka tanaasulayn sii lahaanshaha shirkaddiisa Ganacsi, balse ay usii maamuli doonaan caruurtiisu. Waloow uu ku dooday in aanu jirin sharci u diidaya in uu isku wado Ganacsigiisa iyo Madaxweynanimada. Sheri Dillon oo ah Qareenkiisa khaaska ah, ayaa iyana difaacday mawqifka Taraam, iyadoo tidhi "xataa haddii uu iibiyo hantidiisa ganacsi, sheekadu intaas ku hadhi mayso, waayo waxa usii socon doona lacagihii abaal-celintii ahaa, ee uu sida joogtada uga helayay qolooyinka adeegsada waxyaabaha ay daahfurtay shirkaddiisu (Royalties), sidaas darteed ayay danaha-isdiiddani marwalba suurtogal u yihiin"

Inkasta oo uu sheegay inuu joojin doono dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee dalka dibaddiisa, inta uu talada hayo, Hadana arrimuhu intaasi ku dhammaan maayaan, oo wuxuu shaki badan ka taagnaan doonaa hudheellada waawayn ee uu Maraykanka ku dhex leeyahay, Kuwaasi oo ay ku noolyihiin, kuna soo dagaan dibloomaasiyiin iyo saraakiil shisheeya ahi, oo aan u dhalan dalka Maraykan. Waxaanay madaxdaasi ajaanibka ahi, ee ku raaxaysta Hudheeladu ku kharashgareeyaan lacago farobadan ganacsigiisaasi, Sidaasi darteed ayay dad badan oo maraykan ahi u aaminsanyihiin, in aan la kale reebi karin danaha siyaasadeed iyo kuwa ganacsi, isla markaana ay Taraam iyo Macaamiishiisaasi shisheeyaha ahi, ay wax badan oo sharcidarro ah isku shushuban doonaan. Taasina waa sababta dadka Siyaasadda faaqidaa, ay uga walaacsanyihiin saamaynta ay danahaasi iska-hor-iman karaa (conflict of interests) ku yeelan karaan hoggaamintii Maraykanka. 

Madaxweyne ganacsade ahi, waa dhacdo ugub ku ah Siyaasadda Maraykanka. Waxaanay dad badani qabaan inay adagtahay inuu Madaxweynuhu meel dhexe istaago marka ay iska horyimaadaan danihiisa ganacsi iyo hoggaaminta Maraykanku. Waxaanay taas u daliishanayaan, go'aankiisa uu ku diidanyahay, inuu soo bandhigo xogaha caddaynaya cashuur-bixintiisa, Taasi oo liddi ku ah, hab-dhaqankii looga bartay Madaxweynayaashii ka horreeyay oo si daah-furan usoo bandhigi jiray hantidooda iyo cashuuraha ku waajibay ee ay ka bixin jireen. Mar la waydiiyay sababta uu iskaga dhagamarinayo arrintaasina wuxuu ku jawaabay "Waan guuleystay, oo kaaga jawaabi maayo, kuwiinan saxaafadda ah uunbaa arrimahaygaasi daneeya"

Hadaba haddii aad dhagaysatay khudbaddii uu Obaama ku sagootinayay Madaxweynannimada Maraykan, oo u badnayd dar-daaran iyo waano uu siinayay shacabka maraykan, waxaad fahmi kartaa sida uu uga sii wer-wer qabay halka ay ku dambayn doonto talada Maraykanku, marka uu Taraam shookaanteeda qabto. 

Dhammaad.

 Garyq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)


Saturday, January 14, 2017

DHAKHAATIIRTA ILKAHA EE KASOO QAXDAY XALEB; WAXAY SOOMAALIDA U SAMEEYEEN ILKA-CADDAYN AANAY QURXDEEDU KA DHICIN TA JILAYAASHA HOLLYWOOD.

By Mary Harper, BBC News, Hargeisa, Somaliland.
Translated by Mohamed Ahmed Abdi Ba'alul.
8th Jan, 2017.

















Markasta oo aan booqasho ku imaaddo Somaliland, waxaan arkaa waxyaabo cusub oo iga dambeeyey. Wakhtigan waxa aad usoo kordhay oo aan arkay dhismayaasha dhawrka dabaq ah ee laga furtay macdarrada  waa weyn, hudheellada iyo fillooyinka loogu talo galay in lagu raaxaysto oo laga hirgaliyay Caasimadda Hargeysa.

Labaataneeyo sanno ka hore, Hargeysa waxa loo yaqaanay Dresdentii Afrika, Gebi ahaanba, magaalada waxa dhulka la simay duqeyn xooggan oo cir iyo dhulba lahayd, waxaanay dadkii ku noolaa (Hargeysa) noqdeen kuwo ku qudhbaxay  iyo in kale oo qaxoonti ku noqday dalal shisheeye.

Waxaad arkaysaa calaamadda guduudka iyo hurdiga ah ee lagu xeyeysiinayo hilibka digaagga laga keeno dalka Sucuudiga, oo lagu soo raacinayo waxyaalo kala jaad-jaad ah oo aan caafimaadka u rooneyn.

Haddii aad gaadho Magaalada durugsan ee Burco oo ku taala dhulka Hawdka ee ay abaaruhu dhawaan saameeyeen xoolo-dhaqatadii ku noolayd, waxay indhahaagu qabanayaaan boodhadh ay ku xardhanyihiin sawirro tilmaamaya dhibaatooyinka ilko xumaantu ay ku hayso dadka.

Waxaan xusid mudan, in dad ay kasoo jeedaan ilko raaran, kuwa dhalan doorsoomay, iyo cirriddo madhan, ay markale kasoo horbaxaan, iyagoo loo sameeyay ilko cad-cad, oo aan dhalaalka iyo quruxdaba ka dhicin kuwa aynu uga barannay jilayaasha (Filimada) ee Hollywood.

Sawirradaasi dushooda waxa ku daabacan erayda (Syrian Dentist) oo macnaheedu yahay Dhakhtarka Ilkaha ee Suuriyaanka ah.

Markaan Hargeysa kusoo noqday ee aan ka imid Burco, waxay ahayd xilli salaadda ku beegnayd, markii aan galay albaabka ku xigay masaajidka oo ahayd goob lagu hagaajiyo ikaha oo uu furtay dhakhtar Suuriyaan ahi. Markii aan galay waxa fadhiday gabadh yar oo reer Somaliland ah oo uu kasoo sokeeyay miis muraayad ahi, Miiska waxa ku dhexjiray burushyada lagu cadaydo, iyo dhiiqooyinka kala duwan oo ah, kuwo afka lagu nadiifiyo. Aqoon umaan lahayn magacyada alaabahaasi lahaayeen, waxaan se shaki ku jirin inay xidhiidh la lahaayeen caafimaadka Ilkaha.

Waxay yartii igu tidhi "Fadhiiso"















Markii salaaddii laga soo baxay ayaa nin Suuriyaan ah, oo weji furan, xidhanna garan cagaarani igu soo dhaweeyay qolka uu dadka kula taliyo. Waxa halkaasi yaallay kursi casri ah, oo ahaa noocda dadka lagu dul daweeyo. waxa saarnaa kursiga birkimooyin cad-cad oo cudbi ah. Waxa kale oo aan arkayay kabadh wajahaddiisu muraayad tahay, oo ay kasoo muuqdaan, dusmiysayda wax lagu dalooliyo, maqasyo afdhaadheer, kalbada iyo madiillo, ku war-wagalinaya. Gidaaradda qolkiisa, waxa ku dhegsanaa sawirro muujinaya Cirriddo iyo ilko siyaabo kale duwan kamaradu u qabatay. Dhinac kale haddii aan jalleecayna, waxaan isha ku dhuftay miis almuuniyam ah oo uu dulsaaranyahay,  Fareem laga dhigay afkii bini'aadamka oo ilkihiisii wata.

"Magacaygu waa Xusaam, waxaan ka imid Xaleb" ayuu igu yidhi ayuu igu yidhi ninkii dhakhtarka ilkaha ahaa, ee goobtiisa igu soo dhaweeyay. Waa yaab eh, waxaan weydiiyay sida uu kusoo gaadhay, Somaliland, Wuxuuna igu yidhi "Macno malaha inaad tagto, Turki, Lubnaan iyo Yurub, waxaan galay internetka, oo waxaan googalka ka baadhay meelaha ay ka jirto baahiyaha dhakhtarrada Ilkuhu. Tii ugu horraysay, ee iga soo horbaxday waxay ahayd Caasimadda dalka Soomaaliye ee Muqdisho. Kadibna halkaasi ayaan tagay, aniga oo ay ila socoto xaaskayga oo lammaani. Ruux qudha kamaan aqoon markii aan meeshaasi tagay".

Intaas wuxuu ku daray "Waxaan ogaaday inay Muqdishaduba tahay Xaleb kale, Kadib ayaan dadkii waraystay, oo ay ii sheegeen inay jirto, meel kale oo ka duwan Muqdisho, oo uu waliba dakhligayaygu saddex laabmayo, haddii aan ka shaqeysto. Halkaasi meel kale maahee, waa Hargaysa, oo aan maqlay inay jirto nabadgalyo buuxda. Sidoo kalana ay ku noolyihiin Suuriyan kale. Sidaasi ayaanan ku imid Hargaysa, waxaanan halkan ku joognaa Jaaliyad kooban oo dhakhaatiir iyo Injineero iskugu jira."

Waxaan la kulmay dhakhtar Ilkeed kale oo Suuriyaan ah, isagoo murugaysa ayuu igu yidhi " Waxaan xusuustay sarkaal UN-ta ka tirsan oo igu yidhi Suuriya waxay noqotay Soomaaliya oo kale"

Dhakhtarkaasi, intuu igu soo jeestay isagoo indhaha igu gubaya ayuu yidhi "Waxaad tahay British, soo maaha? dadkiinu nama rabaan, balse reer Somaliland wey nasoo dhaweeyeen"

Runtii, maan arag Soomaali qudha oo deganaa Suuriya  ama Yeman oo jecel inuu dalkaasi ka baxo, waxaanay ii sheegi jireen inay halkaasi nolol ku heleen, markii ay Soomaaliya dagaalladu ka qarxeen, immikana sheekadu dhan kale ayay isku rogtay oo Yemanidii iyo Suuriyaankii ayaaba Soomaliland jooga, oo waliba ka mahad-sheeganaya dadkeedii

"Dagaalka Suuriya iyo Yemen, waa ayaan darro " ayuu igu yidhi saaxiib Soomaliya oo aanu markaasi socdaal ku wada jirnay, annagoo marayna jidka laamida ah ee isku xidha Magaalada Hargeysa iyo Xeebta oo dhawaan daamur cusub la dhigay. "Laakiin markaad si u eegto colaaddaasi waxa la odhan karaa Somaliland sibay ugu fiicantahay, waxa noo yimid dad badan oo leh xirfado kala duwan oo naga maqnaa, laamidan sida la yaabka leh ee siman loo dhigay, waxa farsameeda keenay Qaxoontiga Suuriya ka yimid, sidoo kale haddii aad rabto inaad hesho cunto macaan, waxaad tagtaa meelaha Yementa ee laga cunteeyo" ayuu iigu daray.

Hadaba waxyaabaha kale ee kusoo kordhay, intaan ka maqnaa Somaliland waxa kamida makhaayadaha cuntada ee ay Yemanidu ka furatay magaalada Hargeysa.

Ma jiraan waxaad indhaha la sii raacdo, oo aan ahayn miisas lagu shaqlay haraaqo dufan leh, iyo darbiyo uu qiiq madoobeeyay. Balse biiniska shiilan, ee laguugu keenay sinxi jaandiya oo diis-diisani, waa mid aan adduunkan lagaga sheekayn karin dhadhankiisa.

Sidoo kale, waxaan isha ku dhuftay, fadiirad goobo ah , oo lagu dul dubayo daawe  ballaadhan oo wareegsan. Fadiiradu waxa lagu dul farashayaa, khudaar cagaaran oo daray ah, xawaashyo kale duwan, iyo ukun. Intaas wixii ka dambeeyana, waan in fadiiradii faraqkasta laga soo laabo oo sida waraaqda loogu duubo khudaartii.


"Waxa makhaayadan la yidhaahdaa Happy Yemen" ayuu igu yidhi Faa'iz, oo markuu Yemen joogay ahaa macallin afka Ingiriisiga dhiga " Balse maanta laguma sheegi karo, Yemen meel ay farxadi ka jirto" ayuu ii raaciyay hadalkiisii.

Mid kamida shaqaalaha makhaayaddaasi ayaa ii sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah oo ay kala kulmeen Somaliland, markii ay ka furanayeen hudheelkan iyo imikuu shaqaynayaba.

"Meel kale hadday tahay, waxaanu ku qasbanaan lahayn in aanu shuraako la noqono nin u dhashay dalka, laakiin shacabka reer Somaliland martigalin iyo soo dhaweyn ayaanu ka helnay. Waa dad soo maray dhibaatooyinka ay dagaalladu leeyihiin, markaas kaala bakhayli maayaan inaad la wadaagto nabadda ay haystaan".




Xigasho  BBC
Xigasho Himilo.



Friday, January 6, 2017

MA SOO NOQOND DOONAAN MIDABADII SIYAASADDU MAR KALE ? By; Garyq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.



Garyq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. 
Sannadkii galbaday, wuxuu sidoo kale ahaa, sannad la galbaday dhallinyarbadan oo reer Somaliland ah, Kuwaasi oo bishiisii Abril, la inoo soo weriyay, inay tiro boqol gaadhaysa, oo da'yarteenii dalkani ahayd, ay dooni kula rogmatay bada Masar iyo udhaxaysa iyo Yurub. Sannad ay bulshada ay kala goosteen ma-gafe, iyo abaaro daba-dheeraaday oo saddex-jirsaday. Isla markaana ay xaaladda dhaqaale, ee reer magaalku u noqotay mid ay tahriibtu saamaysay. Tahriibtaasi caruurteenii guryaha kala baxday, ayaa ahayd mid nidaamsan, oo ka timid shabakado shisheeye. Kooxahaasi oo duulaan ku ahaa, dhaqaalaheena taagta-daran.

Sannadkii tagay, wuxuu ahaa sannad uu xawliga siyaasadeed kala fur-furay xisbi kasta, oo la waayay xisbi qudha oo sidiisii u wada jira. Kala-qaybsanaanta Xisbiga talada hayay ayaa xataa saamaysay nidaamkii  xukuumadeed ee dalka, Waxaynu aragnay, garabyo ka cadhaysan guddoomiyahoodii, oo u kala sun-sumaya saddexda xisbi. Walaw,  uu saaxad kastaba joogo, guddoomiye isba laga soo duday, marka laga tago xisbiga UCID oo aan illaa imika helin cid u soo dudday oo u timaadda. 

Wuxuu ahaa, sannad aynu ognahay, isagoo gil-gilay dhismihii axsaabta, inuu haddana siyaasad ahaan dhinac ka qaboobaa. Muu lahayn xallad iyo xamaasaddii mucaarid iyo muxaafid u dhaxeyn jiray. Muu lahayn warbaahintii diir-diirranayd ee doorkeeda ka qaadan jirtay, marka uu xafiiltanka xilliyadan oo kale marayo.

 Dadweynaha laftiisa, ayaan la garanayn inay ku qanacsanyihiin sida ay wax u socdaan, iyo inay quus la aamuseen. Goobihii diiwaangalinta codbixinta, ayaan sidii hore loogu bartay, aan la isa sii hortubin hiirta waabari. Waxaan arkaysay, innamadii iyo hablihii diiwaangalinta oo ku caajisay miisaska dushooda, xataa askartii ilaalada oo meelaha qaarkood iskaga hor qayilaya ayaad ku dhaafaysay. Maxaa is badalay?

Wuxuu ahaa sannad aan u kala soocin bahda siyaasadda mucaarid iyo muxaafid. Sannad aad is odhanayso malaha bulshadaaba, loo tashaday. Waayo fikirka iyo dareenka bulshada rayidka (Civil society), waxay ahayd in laga dhex helo bulshada siyaasadeed (Political Society) ee ku gadaaman. In la helo saaxad siyaasadeed oo kulmisa, doodo kala duwan, oo ka tarjumaya xaaladaha dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee dalka ka jira.

Waxay ahayd in dhaq-dhaqaaqa loollan ee jira, laga dhex arko, Golayaasha Qaranka, Warbaahinta iyo Fagaraayaasha laga dooddo, Waxa la yaab ah, inaad aragto,  Guddoomiyayaashii xisbiyada oo aan kala wadan aragtiyo iyo mawqifyo kala duwan. Waxaana ugu dambaysay arrintii ku saabsanayd; waxa laga yeeli doono saami-qeybinta Kuraasta ee Aqalka dambe ee Wakiilada. Kaasi oo ay intuba isku raaceen in Madaxweynuhu go'aamiyo ! Ma madaxweynahaan Kulmiye ahayn, Misa Wadani iyo Ucidbaan mucaarid ahayn? Maxaas laga yeelay arrinkaasi illaa imika?

Walaw aan odhan, karo sannadkan 2017-kii, wuxuu ku waabiriistay waayo siyaasadeed oo aan hore usoo marin. Maynaan arag madaxweyne ka tanaasula tar-tanka siyaasadeed iyo mucaarid aan wax badan ka duwanayn oo markastaba la mawqif ah xukuumada talada haysa, Waxa iyana seexday Guddidii Doorashooyinka Qaranka, oo aan mudaba laga warhayn sida ay wax u waddo. Waxa kale oo taas ka daran in iyadana Guddidii Diiwaangalinta Ururada oo markastaba laxanka ay xukuumaddu u garaacdo, luuqdeeda saarta. .

Tusaale ahaan, waxaad aragtay Ina Ciyaale oo go'aan, uu ku hor-istaagayo hirarkii ay Garabyadii Ucid ee is hayay, soo saaray, Hadana maalin ka dib hambalyaynaya Faysal Cali Waraabe, markuu ka hortagi kari waayay Maayaddii socotay. 

Sannadkan 2017-kii, wuxuu inoo soo galay inagoo batar iyo baryaba wadna. Qayladhaanta abaaraha ee shaashadaha ka socda, iyo Qaadhaanka loo gurayo reer miyigeena tabaalaysan markaad daawato, tabinta ku xigta eed sugtaana, waxay ahayd olol siyaasadeed oo oo dadkaasi baahan sacab ku doonaya, oo isna u kala gudbaya degmooyinka.

Sannadkan oo ay midabaddii siyaasadeed isku fasaqmeen,Walaw, aanu si rasmiya u bilaabmin olalayaashii loogu diyaargaroobayay tar-tanka doorashooyinku, waxaad arkaysa in uu loolanku ka baxay majarihii lagu yaqaanay. Ma hayno illa imika aragtiyihii siyaasadeed ee ay  tala-haystayaashu ku doodi jireen waxqabad, kuwa kalana waxqabad la'an ku dhaliili jireen.

Waxa loo baahanyahay in midabadii siyaasadda  iyo xadaaradda ku dhisnaa lasoo saaro, oo laga maydho uskaga iyo siigada qabyaaladda ku reebtay. In la iska dhaafo, jifooyinka iyo ardaayada loo kala dabqaadayo, iyo shir-habeennada, oo si nadiif ah lala yimaado fagaarayaasha lala yimaaddo, hindisayaasha dhabta ee la kala wato, lana soo celiyo ruuxdii wadaniyadeed ee dal-jeceylka iyo rajada ku dhisnayd, oo aan bulshadan tabaalaysan niyadda lagaga sii kaajin.

Ugu dambeyn, waxaan odhan lahaa hala iskula soo noqdo xeyndaabkii sharciga iyo dawladnimada. Waayo kaasaa ina wada deeqi kara, kaasbaynu inagoo ku kala badinnay, aynu, hadana waxku qaybsan karnaa, Haddii aan sidaas la samayna, waxaynu arki doonna inagoo isku haysanna  oon waxba kala haysan. 

Friday, December 2, 2016

WARBIXINTII UGU DAMBEYSAY EE ABAARAHA; WAX MA KU QAADATAY XUKUUMADDA SOMALILAND ?





Warbixintii ugu dambaysay ee Haayada Akshan Aydh (Action Aid) ka samaysay xaaladda abaaraha ee Somaliland, waxay ahayd bishii January 2016. Waxaanay warbixintani sheegaysay sidan;

"Somaliland waxa soo foodsaartay xaalad abaareed oo aad u daran. Waxaana lagu qiyaasay in ka badan  240.000 qof inay saamayn doonto xaalad cimileedka qallafsan, ee EL-Nino. Gobollada ay aad u saamaysay waxa kamida Maroodijeex, Gabilay, oo iskugu jira Xoolo-dhaqato-beeralay, iyo xoolodhaqato reer guraa ah. Gobolladani oo sida caadiga ah loo tixgaliyay inay yihiin halka ay ka jirto quud-beerashadu dalku (Food basket)

Hadaba roob la'aantani oo xidhiidh ahayd labadii sannadood ee u dambeeyay. ayaa hoos u dhigtay wax soosaarkii beeraha iyo xoolihii la dhaqanayay, ee ay nolosha qoysasku  ku tiirsanayd.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si rasmiya u iclaamisay xaalada abaartan, 8-deedii Aug, 2015. Waxaanay Dawladaha Qaadhaanka bixiya iyo Ururrada Caalamiga ah ee ka shaqeeya Gurmadka aadamaha ka dalbatay in lala soo gaadho cunno, biyo iyo gar-gaar caafimaadba.

Haayadda Akshan Aydh, ayaa samaysay warbixin lagu qiimaynayo xaaladda abaaraha bishii December, 2015. Ujeeddada laga lahaa qiimayntani waxay ahayd in xog ururin dhab ah lagu sameeyo xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin bulshadii ay saamayeen abaaruhu, si loo ogaado heerka ay gaadhsiisantahay baahiyaha aadminimo ee jira waqtigan iyo kuwa kale ee kusoo foolka leh mustaqbalka fog.

Waxaana daraasaddan qiimaynta ah kasoo baxay:

  • 12,300 qof oo ah 5% qoysaskii, 2015 ( 5% kamida Tirada Guud) ee dadweynaha ee ku sugan tuulooyinka gar-gaarku gaadhay, ayay aaad u saamaysay xaaladdu, 108133 qof oo kamida 18021 qoys ( oo ka noqonaysa 40 % tiradaasi) ayay xaaladdoodu halis tahay. 
  • 35%-40% ayay soo foodsaartay biyo la'aani iyo xoolihiina ka dhammaadeen. In ka badan 50% ayaan biyo ka heli doonin meelihii deegaankooda ahaa ee ay awalba biyaha ka heli jireen. 
  • Biyaha yar ee kusii hadhay ilihii amma meelihii biyuhu ku kaydsanaan jireenna waa kuwa aan caafimaad ahaan, aadamuhu isticmaali karin 
  • Xaaladda cunno yaraantu, amma cunno-helidda la aaminsanyahay (Food security) waxay maraysaa halkii ugu hoosaysay.  89 %  qoys ayaan haysan keyd cunto. Qoysasku sii haysta kayd cunneedna, waxay 74 % kamid ahi ay kasoo iibsadeen cunnada ay haystaan suuqyada, halka in kalana ay xoogaa gar-gaar ah ay ka heleen bulshada. Intooda bdan qoysaskaasi ma haystaan dakhli amma xoolo ay kusoo iibsadaan cunto, halka qiimaha joonyadduna uu u dhawyahay in uu libinlaabmo. 
  • Qoyasaska danyarta ahi waxay yareeyeen xaddigii cunto ee ay karsan jireen, halka ay qadaan waqtiyada qaar amaba aanay helin nooc kamida cuntooyinkii ay qaadan jireen ( sida hilib, caano iyo khudaartii ay markoogii hore isticmaali jireen). 10% kamida qoysasku waxay ku sugnaayeen macaluul todobaadkii lagu gudo jiray Qiimaynta. 
  • 35% qoysaskaasi waa kuwo hal waqti wax cuna, halka 55% ay laba waqti isku dayayeen waxaan ku fillayn. Xaaladdaasi oo aad u taabatay caruurta, dumarka iyo dadka da'da ah, nafaqo darrona ku keentay. 
  • Macalluushu iyo nafaqo-darradu waxay saamaysay in ka badan 50% caruurta, dumarka iyo dadka da'da ah. 
  • 35%-45% xoolihii la dhaqanayay waxay la le'deen biyo iyo baad la'aan. Sidoo kale waxa xoolaha soo foodsaaray xanuuno ka dhashay geshi-xumada abaaraha. 
  • Waxa la miciinsaday caruurtii, oo loo diray hawlo ka badan intoodii hore, halka 48% ay lasoo daristay nafaqo-yaraani, 46% kalana ay u nugulyihiin caafimaad xumo ku timaadda. 
  • Xukuumadda uma diyaarsanna, mana hayso imkaaniyaadkii ay ku waajihi lahayd waxyeellooyinkan ay sababeen musiibooyinka abaaruhu, awoodna uma laha ay ku samayso dhaqaalo ururin. 
  • Haddii la waayo gu'gan amm roob xilliyeedkii sannadkan 2016-ka, amma aanay noqon roobabku kuwo ku filan deegaannada oo ay kaga soo kaban karaan abaarihii xidhiidhka ahaa ee Dhacdada ELnino; xaaladdu intan way kasii darnaan doontaa.

By Abdirahman Muse; Communication Officer (Somaliland Team)
(oo baahiyay warbixintan oo ku qoran afka Ingiriisiga, Khamiis, 14-kii, Jeenawari, 2016).
Waxaana tarjumay Garyaqaan Maxamed Axmed Abdi Bacaluul. 

Monday, September 26, 2016

WAA DUNI. by Abwaan Fu'aad C/laahi Digaale.


Fu'aad C/laahi Digaale. 
Maansadan WAA DUNI,  waxa tiriyay abwaan Fu'aad C/laahi Digaale. Waxaanay soo baxday bishan September, 2016. Inkastoonan hayn iyadoon dhammaystiran, waxaan annigoo ah, mulkiilaha boggan,  bacaluul5.blogspot,com, aan halkan idiinku soo gudbinayaa qayb kamida maansadaasi oo ka hadlaysa waaqaca nololeed ee maanta jira.  Waxaanan idiin ballan qaadayaa in aan inta kale ee ka haddhayna diin soo gudbiyo maalmaha dambe haddii Alle yidhaahdo. Waxaanay maansadu tidhi sidan; 

Waa duni gedaafiyo, 
Xintan loo gurmanayoo,
Nimaad garabka haysiyo,
Gacalkaagu doonnayn,
Garoon laysku soo baxay,
inaad gool ka dhalisoo,
Soo hoyso guul wacan,

Waa duni nin guunyiyo, 
Hanti siiyay Guulluhu, 
Uu ka gibil madawyoo,
Gaajadu ka reebnayn. 

Waa duni kalgacaliyo,
Xiisaheedu guuroo,
Qosol gaws dambeedkiyo,
Gunta loo banneeyoo,
Qalbi hoos ka gudhaniyo,
Geed-ismarisku badanyahay.


Waa duni god hoosiyo,
Guntimooyin badanoo,
Sida goodir aadmiga,
Misna loo gabraartoo,
Wax kaa gubanayaa jirin.

Waa duni garteediyo,
Samaheedi guuroo, 
Gadh caddaadigeedii,
Xaajad gorfayn laa, 
Gasiin maalin joogiyo,
Uu gambooyin dhaafsado.

Waa duni dantii guud,
Ninkii loo gardaadshee,
Loo dhaarshey geyi idil,
ay siisay garashadu, 
Gur-gur iyo qabiiliyo,
Xigtuu garabka saariyo ,
Gobollaysi laga tagay.

Waa duni giraantii
Gees ula wareegtoo,
Gabbal daye sidiisii,
Xasanaw labada galin,
Sirtii gogol dhiggeediyo,
Qorshaheedu gacan galay
Gaariye siduu yidhi,
Gurracii baraarkiyo, 
Naylaha ka gaabshaa,
Kadin geela loo diray. 

Waa duni garsoorkii,
Gabal dhacay ka joogtoo,
Gardarrada Xumaantiyo, 
Gefku uu, u gaaryahay,
Gacan gudhan ninkii qaba.

Waa duni godkeedii
Guhaan uga xidigin jiray,
Geedi dheer ka guurto,
Dadkii galab carrow iyo,
Guuro socod u daashaday, 
Dooni gabi dhaclaysiyo,
Danlamooday geerida,
Nolashii ka,  doorroon. 

Waa duni gugeedii
uu galawgu dhiillada,
Guuxiisa reenkiyo,
Hillaaciisa galac yidhi,
Galaayuuska foodhida,
Waayeel gaboobiyo,
Gurbood aanu ladi jirin,
Sabannadanba gobollada,
Giddigood kamuu di'in,
inuu gudhana la arkee,
Haddaan Guulle loo noqon, 


"Dhammaad"








Monday, September 19, 2016

SAAMIQAYBSIGU MA XEELAD, XILLIGEEGAA LALA SUGAA? By Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.


Garyaqaan Bacaluul 
Ceebteenna maaha,  ee waa cadadeen!

In marka ay xilli-doorasheedyadu kaabiga ina soo saaraan, muddo xileedyaduna, ay gabaabsi soo noqdaan, inay inta kuraasta haysataa ay qiil aan jirin raadsadaan, aqalka Guurtiduna uu waha
bku ka kaco, oo ay sheekadoodu iyo shir-hoosaadyadooduba bataan. 

Maantana waa gaddeedii iyo gab-gabteedii !

May ahayn markii koowaad ee saami-qaybsigu la is-weydiiyo xilli  aan suurtogal ku ahayn in la gudo galo dooddeeda iyo hawlaha ballaadhan ee ay salka ku hayso. Waxa ka hadhsanaa 3 bilood oo kaliya, muddadii doorashada, markii ay Golihii hore ee wakiiladu ansixiyeen in la sameeyo tiro-koob qaran, oo lagu saleeyo, saamiga kuraasida ay Gobolladu ku kala yeelanayaan Aqalka hoose. Waxaanay qabyada farsamo ee  hab-xeereedka Doorashada, iyo Xil-gudasho la'antoodii, ay hore ugu heleen xil-kordhin. Markaasi oo ahayd sannadkii 2001-dii.

Markii la fahmay inay ka cago-jiidayeen qabyo-tirka qodobka doorashada eek u saabsan saamiga, ayay Maxkamaddu Dastuurigu soo saartay go’aan ay ku laalayso qodobaddii xeerka ee waajibinayay tirakoobka, lana soo saaray go’aan soo afjaray caqabadii xiligaasi hortaagnayd geeddi-socodkii nidaam doorasheedka. 


Go'aanka Maxkamaddu umuu jeedin tiro-koobka, balse wuxuu u jeeday xil-dhammaystayaashii Aqalka dhaafi la'aa. Waxaanay arrintu kusoo ururtay, sidii xilka looga fujin lahaa, loona samayn lahaa xeer ku-meel gaadha oo lagu keeno, xildhibaanno dhaama oo si dhab ah uga wakiila shacabka,  kuna yimaadda codkooga.


Golihii cusbaa ee hadaba la doortay, qodobkii saamiqaybsiga halkii ma ka dhaqaajiyeen?  maya.

Maantana sidiibuu saami-qaybsigii kuraasidu, u yahay caqabad farsamo oo hortaagan nidaam doorasheedka. Wuxuu golahani, fadhiyay shan sannadood oo la doortay, iyo shan kale oo loo gartay, oo ah muddo ku filan oo  lasoo ban-dhigi karayay, si ballaadhan, oo furanna looga doodi kariyay arrinta Saami-qaybsiga Kuraasida iyo sidii lagu waajihii lahaa, balse may dhicin.  

 Shirkii Axsaabta ee Saamiqaybsiga G/wakiilada. 
Masuuliyaddu xeer-dajintu maaha mid saaran Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe. Mana aha mid Guddoomiyaha Wakiilada kaligiis saaran oo cidduu doono kale sheekaysan karo. Mana aha mid aan khusayn Saleebaan Nuurka Guurtida ee mar-mar la arko iyo guurtidaba. Balse waa waajib Dastuuriya oo saaran labada aqal ee  Baarlamaanka inay dejiyaan, xeerarka laga maarmaanka u ah, talada iyo hoggaaminta dalka

Goddoomiye Cirro, hadduu musharax yahay, yaanu hilmaamin inuu sidoo kale ahaa,  wakiil kamida wakiiladii lasoo doortay. Isaga iyo xildhibaannada kale ee la midka ahina,  ay ballan iyo dhaar u qaadeen, shacabkan miskiinka ah, inay gudan doonaan waajibaadka Dastuurku ku qaybiyo. Waxay ahayd inay isaga iyo aqalkiisuba uga hadlaan Saami-qaybsiga mar hore, sidii cajiibka ahayd ee ay uga doodeen heshiiskii DP-WORLD oo kale. Inay isugu habar-wacdaan dibad iyo gudaba, sida ay mooshinnada kale een ajandaha ugu jirinba, ay yeelaan markay wax ka dhex arkaan.

 May ahayn, in  uu Guddoomiye Cirro, kaligiis uu Madaxweynaha ku yidhaahdo; saami-qaybsigaas Si uun madaxweyne ka yeel. Isagoon Golihiisii ku odhan sidaynu ka yeelnaa, inaggay hawshu ina sugaysaaye. 

Maxkamadda Sare ee JSL.
Maxkamaddii Distooriga ahayd, hadday awal ahayd meel aan lagu dhiirran,  oo la yidhaahdo kii Sharci ahaabaa miiskeeda yaalla,  ay Xisbiyaduna aanay xafiiltankooga iyo dacaayadahooga siyaasiaga ee warbaahinta ka socota aanay la hortagi jirin, maanta waxay ogaadeen, inay Maxkamadda lafteeduba kaftanka ka badiso. Waxay  ogaadeen, inay ka sheekayso Doorashada, ishana ay ku hayso halka ay ciyaaruhu marayaan

Maxkamaddu iyadaaba muddo-kor-dhinta jidaysa oo tidhaahda kuwii horeba waa loo kordhin jiray, iyadoonnay balaayo jirinna, qodobadii balaayooyinka wax ku kordhisa. Qodobada 42 (3) iyo 83 (5) ee Dastuurka.  Maxkamaddu waxay malaha ,  ina  leedahay, doorashooinka  oo la haleeli waayaa,  oo Dawladda ku hawl-bataaba kama dhacaan waxay qodobadu sheegayeen. Si kastooy ahaataba fasiraaddeedu waa kama dambays, waana sidaas ku liq. 

Ma Qodobadaan Qodobadii ahayn, misa afkay ku qoranyihiinbaa, afkeennii ahayn ?


Qasriga Madaxtooyada JSL.
 Madaxweynaha laftiisa ayaaba qaba in doorashada wakiilada lasii durkiyo,  
Wuxuu maantana Maxkamaddii Dastuuriga ahayd ka codsamayaa inay siduu doonayo u yeesho, oo ay go’aankeedii hore u buriso. Maxkamaddu waxay fasiraad sharci samaysaa Marka uu jiro;
1. Qodob Dastuuriya, ama xeer oo la isku hayaa, 
2. Qodobkaasi oo ay isku hayaan dhinacyo kale duwan, 
3. Dhinacyadaasina ay qabaan doodo kale duwan oo ku waajahan qaabka loo dabaqayo qodobkaasi. 

Markaasi, fasiraadda sharci waxay soo bixi kartaa, marka ay Maxkamaddu doodahaasi dhagaysato, taasi oo awood u leh inay dhagaysigaasi kadib, soo saarto go'aan fasiraadeed oo ay ku ayidayso mid kamid doodihii dhinacyada. Waxaana sidoo kale,  u furan inay deeddafayso doodahaasi, soona saarto fasiraad cusub oo jidaysa mabadi'i sharciyeed. 
Hadaba,  Xaqiiqo ahaan saami-qaysigu maaha qodob sharciyeed oo fasiraaddiisa la isku hayo. Markaas waxaad iswaydiinaysaa, waxa uu madaxweynuhu doorkan ka rabo, Maxkamadda Dastuuriga ah:  Maxay tahay dib-u-eegista laga rabo Maxkamaddu? Taas jawaabteeda waxa kuu haya Xeerka Nidaamka Garsoorka , Qodobkiisa 6-aad ee ka hadlaya Awoodaha iyo Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah



Madaxweynuhu  wuxuu inoo sheegay, sida uu, uga xunyahay dadka wax tabanaya ee dalkuna tabayo. Wuxuu ka hadlay, Sool iyo Awdal, Sanaag barigeeda, dumarkii codka badnaa iyo in aanay Beelihii la haybsoocayay ka muuqan Golaha Wakiilada.

Dastoorka halkay kaga jirtaa in tabashooyin iyo saamiqaybsi toban sannadoodba laga hadli waayay, xil lagu kordhiyo?  

 Misa anaaba Dastuur hadal haya, oo waa laga baxay !

Mudane Madaxweyne, markaad ahayd Guddoomiyihii Kulmiye, waxaad samaysay liis ka kooban 82 Musharrax oo  ka socday Xisbigaad Guddoominaysay. Waxaad lahayd awooddii ugu sarraysay, markay noqoto soo xulistii  iyo kala reebistii musharixiintaasi xisbiga u safanayay . Hadaba inteebay ka ahaayeen dadkaasi  aad tilmaantay, 82-kaasi Musharrax ?

Haddii aad markaasi  Siilaanyo ahayd oo aanad Madaxweyne ahayn. Maantaba  sidii madaxweyneyaasha wax  ma u qaybisay?  inteebaad  dadkaasi aad  gaarka u tilmaantay, ay ka yihiin Golahaaga  Wasiirada  iyo masuuliyiinta kale eed dikreetadaada ku magacawdo?]

Haddii ay dadku aamuseen, mid wax arkayay, iyo mid iskasii jeedayba, Aamusnaantaasi, sharci-darrada kama dhigayso sharci. beenta kama dhigayso run. Xaqa iyo baadilkuna siday kala ahaayeen uunbay kala yihiin maanta iyo berriba, waana sunnahuu Ilaahay u  dhigay nolashan iyo tu ka dambaysaba.

By Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)

________________________________________

Lifaaq;  

Xigasho; .Further Steps to Democracy-Progressio.














THE THREE DRIVERS. BY MOHANED AHMED ABDI BA'ALUL

  THE THREE DRIVERS ​The sun hung directly overhead, casting a harsh white glare across the compound. The air at the Central Station was th...