Tuesday, September 19, 2017

CAQABADAHA SHARCI EE HOR YAALA GARSOORKA SOOMALILAND by Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Garyaq. Bacaluul.            

DASTUURKA IYO GARSOORKA SOMALILAND

Maxkamadda Sare

Markaad eegto qaab-dhismeedka Garsoorka iyo sida uu distoorku u kala sarreysiiyay qeybaha kala duwan ee Maxkamadaha, hadday tahay hannaan dacwadeedyada, iyo Juqraafi ahaan sida ay Maxkamadaha iyo qaab-dhismeedka maamul ee dawladdu isula jaanqadyaan, waxaan shaki ku jirin inay Maxkamaddu sare tahay hay’adda ugu sarraysa ee jidaynaysa Siyaasadda lagu hagayo Adeegyada garsoor ee heer qaran. Martabaddaasina ma aha uun mid ay siisay dabeecadda shaqo ee arrimo garsoorku, balse waa mid dastuuriya oo ku salaysan nidaamka sharci ahaan loogu talogalay inuu u shaqeeyo Garsoorku.

Hadaba intaynaan ka jawaabin, bal inuu dastuurku siiyay Madaxbannaanidii mabda’ ahaaneed iyo shaqo ahaaneed ee uu baahnaa, waa inaynu su’aashaas ku tijaabinnaa Maxkamadda Sare, inagoo eegayna bal awooda dastuuriyeed ee Maxkamadda Sare ay haysato, inagoo bar-bar dhigayna labada Waxood ee dhiggeega ah (Fulinta iyo X/Dajinta). Sababta aynu Maxkamadda Sare ugu horeynaynaana, waa innagoo filayna inay tahay tii ugu sarreysay Maxkamadaha. Sidaa darteedna aynu filayno, inay tahay, tan haysato madaxbannaanida ugu badan, marka laga hadlayo madaxbannaani awoodeed oo ku salaysan sharci.

Maxkamadda sare oo ay ugu maqaam sarreeyaan, Guddoomiyaha, Ku-xigeenka iyo garsoorayaasha kale ee ka hawlgala. Garsoorayaashani dacwadaha dhegaysta ee maxkamaddu, ma haystaan dammaanad xileed oo siisa kalsoonidii iyo dhiiranaantii uu xilka garsoorannimo uga baahnaa. Marka laga reebo, guddoomiyaha oo qudha, Waxay xilheynta garsoorayasha kale ee Maxkamadde sare uu ku xidhanyahay rabitaanka Madaxweynaha (Dastuurka; Qodobka 105/1).

Awoodaha garnaqiseed ee maxkamadda sare, waa mid wada-tashi, oo ay ka go’aan gaadhistoodu ku xidhantahay ugu yaraan saddex garsoore. Hadaba guddoomiyaha, oo ah kan qudha ee xilka-qaadistiisu ay ubaahantahay ogolaanshe Baarlamaan, ayaanay madaxbannaantiisaasi waxba ku filleyn, mar haddii aanu kaligiis lahayn awood go’aaneed. Sidaa darteed, ayaa awooddii dib-u-eegiseed ee ay Maxkamaddu ku saxaysay go’aannada Maxakamadaha hoose u noqotay mid aan ka fayoobaan karin saamayn iyo dano siyaasadeedba .

Marka lagu guuldarreysto farogalinta Maxkamadaha hoose, waxa la fahmey inay Garsoorayaasha Maxkamada sare ay yihiin kuwo ugu nugul  ee la farogalin karo ama saamayn lagu yeelan karo go’aanaddooda. Waxay noqotay Maxkamadda sare, meel ay dhinacyada u galaan olaloyaal badan (lobby). Waxaana culayskaasi saaran Maxkamada ku tusaya, cumaamadaha, suudhadhka (xildhibaanadda, madaxda hay'adaha), wadaadada iyo mukhallasiinta kale ee buux dhaafiyay daaradeeda iyo xafiisyadeeda. 

Waxaanay tani abuurtay inay dacwaduhu noqon waayaan kuwa ku dhammaada gobolladooda, oo ay Rafcaan-qaadashadu noqoto habdhaqan bulsho, oo aanay xataa ka madhnayn xirfadlayaasha sharciyeed (qareenada iyo dacwad-oogayaashuba). Waxaana Maxkamadda sare kusoo rogmada Laago iyo gacamo rafcaano ah oo ka kala yimid dhammaan gobollada Jamhuuriyadda oo dhan, Taasi oo loo aanayn karo dabacsanaanta xeerarka hab-dacwadeedyada lagu maamulo. 


Xeerarkaasi jideeya hab-dacwadeedyada ayay ahayd inay shuruudo adag ku xidhaan rafcaan-qaadashada, qeexaana noocyada rafcaan ee ay Maxkamadda sare dib-u-eegis ku sameyn karto. Waxaanay sharciyadaasi Maxkamadaha Rafcaanada ee Gobollada awood u siin lahaa inay dib-u-eegistoodu soo afjarto geedisocoka dacwadaha qaar, Tusaale ahaan kuwa uu qiimahoogu, ama heer-ciqaabeedkoogu hooseeyo. Waana ayaan darro, in gal-dacwadeed la isku haysto hal mitir oo dhul ah, ama dakhar-fudud (oo gacan ka hadal ka dhashay) uu Rafcaankiisu socdo illaa Maxkamadda dalka ugu sarreysa. Maxkamadd ay galal noocaas ah, kaga mashquusho, darsidda iyo lafaguridda kiisas saameyn dhaqaale, bulsho iyo nabadgalyaba leh. 


Walaw, uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu dalbaday in la kordhiyo tirada Garsoorayaasha Maxmkamadda sare, markii uu arkay rafcaannadda tirodhaafk ee u rasaysan, hadana ma muuqdo ifafaalo sheegaya inay yaraanayso rasada Rafcaanada iyo saxmadda haysata Maxkamaddu. Waxaanay taasi ku tusaysaa inay mushkiladaha jiraa ay ka ballaadhanyihiin, garsoore yaraan haysatay Maxkamadda, balse ay qeybka tahay ceebo uu leeyahay seeska sharciyeed ee ay Maxkamadda sare iyo garsoorkuba guud ahaan ku dhisanyahay ama uu ku hawlgaloba. 


Tusaale ahaan, Maxkamadda Dastuuriga ah, oo qeyb ka ah Maxkamadd Sare, ayaa guud ahaanba la tabayaa doorkii ay ku lahayd ilaalinta iyo taabogalinta xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta. Waxaanay shaqadii maxkamaddu noqotay mid ku eeg ka garnaqista dacwadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Waaxaha dawladda iyo axsaabta siyaasadda. Taasi oo loo aanayn karo, marka laga tago, dammaanad la’aanta xileed ee garsooraysaaha, qabyooyinka sharciyeed ee aan illaa maanta waxba laga qaban.

Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ah laan garsoor, oo dabeecad ahaan iyo falsafad ahaanba ka duwan Maxkamadd Sare ee Caddaaladda, ayaan guud ahaanba lahayn dhismihii sharciyeed ee qeexeeyay waajibaadkeega, doorkeega garnaqiseed, iyo hannaanka dacwadeed ee ay ku hawlgalayso (Procedural rules), marka ay ka jawaabayso cabashooyinka dastuurig ah ee la xidhiidha go’aamada fulineed ee hay’adaha xukuumadda.

Dib-u-eegista Go’aannada maamul, ee kasoo baxa haya’adaha fulinta, ayaa iyaguna ah, waajib kamida waajibada garsoor ee ay Maxkamadda sare gaarka u leedahay. Maxkamada Sare sidoo kale, malaha waax amma laan gaar ah, oo u xilsaaran dib-u-eegista cabashooyinka la xidhiidha arrimaha maamul (Judicial Review of Administrative Decisions). Waxaana meesha ka maqan hanaankii sharciyeed ee qeexi lahaa hababka loo marayo iyo go'aamada maamul ee looga soo caban karo Maxkamadda 

Dib-u-eegista Rafcaanada Gobolada ayuu doorkii Maxkamadda kusoo ururay, Waxaana la odhan karaa waxaan gabi ahaanba meesha ka muuqan amaba lagu  fashilamay in  hirgaliyo hannaan Garsoor oo dib-u-eegis ku sameeya go’aamada maamul ee cadaaladnimadooda laga soo caban karo, amaba xadgudub ay muwaadiniintu ka tirsan karaan.

Hirgalinta Nidaamkaasi Caddaaladeed ee u dhexeeya Muwaadiniinta iyo Xukuumaddu, wuxuu dawo u noqon lahayd tacaddiyada, xilgudasho la’anta iyo amarku-taaglaynta ay muwaadiniintu adeeg-sugayaasha ahi ay had iyo goor kala kulmaan xafiisyada kala duwan ee Waaxda Fulinta. Waxa adkaan lahaa ku dhaqanka iyo sarraynta sharciga, oo aanay cid gaar ahi si gaar ah uga faa’idaysateen, in kalana aanay ku hoos dulmanaanteen. Haybadda Qarannimo iyo kalsoonida muwaadiniintu ku qabaan awoodda sharcigu leeyahay ayaa kor u qaadmi lahayd.

Maxkamadaha Hoose;


Maxkamadaha Gardhageysiga 1-aad (Gobollada iyo Degmooyinka) iyo Maxkamadaha Rafcaannada ee gobollada, ayaa la isku yidhaahdaa Maxkamadaha hoose, Madaxbaannaanida garsooreed ee maxkamadahan marka aad dooneyso, waa inaad eegto cidda awoodda u leh gardhegaysiga, een ahayn shaqaalaha kale ee Maxkamada ka shaqeeya. Ciddaasina Waa Garsooreyaasha oo ay ka mid yahiin Guddoomiyayaasha maxkamadahan.

Inay Garsooreyaasha maxkamadaha hoose ka madaxbannaan karaan farogalin dibadeed iyo mud gudaha ahba, waxaad ku ogaan kartaa markaad daristo, cidda awoodda u leh maamulista Garsoorka, taasi oo ah Guddida Caddaalada Qaranka ee ku xusan qodobka 107-aad ee Dastuurka JSL.

Waaxaha kale ee dawladda aya xubno ku leh, Guddida caddaaladda, halka uu garsoorayaashu ay ku leeyihiin 3 xubnood oo qudhaata (oo laba kamid ah markiiba la eryi karo amaba aanay lahayn xil muddeysan). Guddidaasi Caddaaladdu ayuu qaabkeeda go’aan-qaadasho uu ku yimaaddaa codbixinta xubnaha ay ka koobantahay. Kuwaasi oo uu go’aankoogu ku ansaxmayo aqlabiyada xubnaha fadhiga ka qeybgalay.

Sida darteed ayaanay magac caabista iyo xilka qaadista, dallacsiinta iyo hoos-u-celinta garsooreyaasha Maxkamadaha hoose, aanay u ahayn arrin u taalla Waaxda Garsoorka oo qudha, balse waa mid u furan saameynta iyo awoodaha farogalineed ee waaxaha kale. Mana jiro awood gaar ah oo ay xubnaha Maxkamadda sare ay dheeryihiin marka ay noqoto ka go’aan-gaadhista arrin ay, Waax ahaan ka leeyihiin xubnaha kale.

Maadaama oo ay garsooreyaashu ay yihiin udub dhexaadka marka la fulinayo Awoodda dastuuriyeed ee ay Waaxdani leedahay. Waxay u dhigmaan, xildhibaannada Goleyaasha baarlamaanka iyo wasiiraada ay ku dhisantahay waaxda fulinta. Sida aanu garsoorku ugu farogalin, waxaahan marka ay go’aan ka qaadanayaan xubnahoogaasi, ayay ahayd in aan Waaxda garsoorka lagu farogalin maamulidda iyo ka go’aan-gaadhista cidda ay u igmaan hawlaha garsoor.

Qodobka 97-aad ee Dastuurka, oo qeexaya mabda'a madaxbannaanaanta Garsoorku kuma filna ilaalinta iyo hirgalinta madaxbannaanidaasi, marka ay sidoo kale jiraan isla qodobo kala oo dastuuriya oo iyaguna caqabad ku ah sidii looga xaqiijin lahaa mabda'aasi qarannimo. Waxaana la rabay inay noqoto madaxbannaanaynta garsoorku mid qeyb ka ah dhuuxa iyo lafta Garsoorka oo ka muuqataa qaabdhismeedka iyo hannaankiisa ismaamul. Caqabdahaasi oo qaab-dhismeedka Guddida Caddaaladu kaw ka yahay ayaa u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo.

Waa in Guddida Caddaaladda laga dhex madhaa, xubnaha laba-xilleyaasha ah (double-roles) ee ka yimid Waaxaha Sharcidajinta iyo Fulinta. Mana noqon karto Waaxda Garsoorku, mid ka fayow Siyaasadda iyo danayaasha isdhaafsan, illaa inta ay ka midka yihiin xubno ka kala yimid Waaxaha Siyaasiga ah ee Dawladda.


Qabyooyinka ka jira xagga Xeerarka


Waxaynu hore usoo sheegnay kaalinta uu dastuurku ku leeyahay caqabadaha hor taagan, sidii loo xaqiijin lahaa Garsoor madax bannaan, oo hagaajisan kara gurigiisa isagoon la kaashan Waaxaha Kale ee Dawladda. Inagoo illaa inta uu Garsoorku yeesho, awood uu iskiis wax iskaga qaban karo, kuna ilaashan karo karaamada iyo kaalinta dastuuriyeed ee uu shacabku siiyay, in aanu waxba ka qaban Karin arrimaha kale ee ka baxsan, ee sharcigu awood u siiyay inuu wax ka qabto.
Sababta aynu ugu bilaabnay dastuurkuna, waa iyadoo oo uu dastuurku yahay Sharciga ugu sareeya, ee ay ku abtirsadaan xeerarka kasoo baxa Goleyaashu. Waxaynu markan eegi karnaa xeerarka lagama maamrmaanka ah ee uu Garsoorku ku hawlgalo, iyo saameynta ay qabyadoodu ku leedahay, madaxbannaantii iyo kartidii adeeg ee looga baahna Maxkamadaha.

Xeerka Nidaamka Garsoorka; 


Xeerka Maamulka Garsoorka, ayaa ah xeerka baarlamaan ee qeexaya awoodaha qaab-dhismeedka Waaxda Garsoorka, Qeybaha Maxkamadda, iyo kala-sarreynta Maamul ee Maxkamadaha. Xeerkan oo laba jeer oo kale duwan uu daraafkiisu kasoo baxay baarlamaanka ayaa labadii jeerba Madaxweynuhu dhaqan-galiyay oo labadiisii nuqulba la faafiyay.

Walaw ay labada nuqul, ay intooda badani isku mid yihiin, ayay qodobada ay ka koobanyihiin ay kala badanyihiin. Xeer lamb 24/2003, waa 49 qodob, halka Xeer lamb 24/04/06 lagu daray qodob dheeriya oo ka maqan xeerkaasi hore, lagana dhigay tirada qodobadiisa 60 qodob. Is bar-baryaaca labadan Xeer ee isku magaca ah, ayaa in badan abuuray jaahwareer sharciyeed, oo saameyn ku yeeshay Nidaamkii maamul ee Maxkamadaha.

Faafinta labadan Xeer ee is ku midka ah, oo ahayd qalad farsamo oo ka dhacay Madaxtooyada, ayaan illaa imika midkoodna la laalin, taasi oo macnaheedu yahay labada xeerba waa dhaqan-gal.
Xeerka Nidaamka Garsoorku kuu doonaba ha ahaadee waa mid qalfoof ahaan u yaalla, oon wax badan ka odhan qaabka ay Maxkamaduhu isku maamulayaan, kiisaska u maaranayaan, Garsooreyaasha loogu kala xilsaarayo (case assignment), loo diiwaangaliyo xukunnada, loo keydinayo garmaqallada, marag-muujinaha, iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah gardhegaysiyada.

Ma jiro, xeernidaamiye uu jideeyay xeerkani, oo lagu dhammeystiri karo waxyaabaha uu farsamo ahaan, ama xaalado ahaan uga tagay Xeerka Nidaamku. Waxaanay ahayd inuu xeerkani, kala nidaamiyo Maxkamada gudaheeda, maareeyana habsami-u-socodka iyo dhaqaajinta dacwadaha kale duwan ee laga garnaqo. Isla markaan uu qeexo, qeybiyo, dabagalo waajibaadada shaqo ee ay qabtaan, kaaliyayaasha, diiwaangaliyayaasha, iyo keyd-hayayaasha Maxkamaddu. Sidoo kalana, u fududeeyo hannaanka wada-shaqayneed ee Garsooraha iyo u dhexeeya kaaliyahiisa, sida ay isku hagayaan, iyo waxyaabo mid walba ka reeban ee wax u dhimaya shaqada Maxkamada.

Waxa kale oo meesha ka maqan, doorka ay Guddoomiyayaasha Maxkamaduhu ku leeyihiin, marka la fulinayo hawlaha maamul ee ka baxsan Gardhegeysiga. Hawlahaasi oo qaybka ah adeegyada garsoor ee Maxkamadda, ayaa noqon kara diyaarinta agabyada iyo kharashaadka lagama maarmaanka u ah Garsooridda, sida qalabyada tiknoolajiga ee caddaymaha lagu soo bandhigo, gaadiidka , shiidaalka ku baxaya soo-eegisaha iyo xushmadaynta khabiirada Farsamo ee ay Maxkamaddu uga maarmi weydo xaqiiqo-raadinta ay ku jirto.

Nidaamkaasi lagu diyaarinayo, hawlaha ay Maxkamadu qabanayso, ayaa u baahan in loo maro nidaam rasmiya oo la isla yaqaano, si looga baxsado in musuq-maasuq iyo xidhiidh lala sameeyo dhinacyada dacwadda. Kharashyada la saaro dhinacyada dacwadda oon lahayn heer-qiyaaseed (standard) iyo hab rasmi ah oo daahfuran, ayaa meelka dhac ku ah milgihii Maxkamadda iyo Garsooraha.

Kharash-bixinta iyo fududeynta waxyaabaha loo baahanyahay, oon ahayn masuuliyad saaran dhinacyada, waxay saameyn ku yeelanaysaa hab-dhegeysigii dacwadda, iyadoo ikhtiyaarkii iyo awooddii maxkamadeed gor-gotan galinaysa. Waxaanay taasi ka dhigeysa garsooreyaashii iyo hawlwadeennadii kale ee Maxkamadda, kuwa lasoo kireystay, oo si gaar ah ugu adeegaya dhinacyada is-haya. Waxay sidoo kale waxyeelleyn kartaa maamuuskooga xileed, iyo nabadgelyadooda jidheed iyo nafeeedba. Sidaas darteed ayay tahay, marka ay xilkooda gudanayaan Garsoorayaasha iyo kaaliyayaasaha Maxkamadduba in aanay marti u noqon dad shiciba, oo ay wax waliba kaga iman karaan.

Xeerarka Garsoorku ku Garnaqo


Xeerarka Garsoor ee ay Maxkamaduhu ku qaadaan dacwadaha hor yimaadda waxay u kala baxaan, Xeerarka qeexaya mawduuca laga garnaqayo (substantive laws) iyo kuwa la xidhiidha habka loo marayo caddaalada. Xeerarkaasi kuwa ugu badan ee ay Maxkamaduhu ku shaqeeyaan waa kuwa duug ah oo aan la jaanqaadi Karin isbadallada nololeed, iyo waayaha jira. Xeerarka ugu badan ee ay Maxkamaduhu adeegsadaan waa:

1. Xeerka Ciqaabta Guud
2. Xeerka Habka ciqaabta
3. Xeerka Madaniga
4. Xeerka Habka Madaniga.

Dhammaan xeerarkani waxay u baahanyihiin, in dib loo cusbooneysiiyo, oo lagu sameeyo daraasad iyo dib-u-eegis qoto dheer, si loo waafajiyo Dastuurka Qaranka, Shareecada Islaamka iyo isbadalka tiknoolajiyeed ee dalku ku tallaabsaday.

Tusaale ahaan, faldambiyeedyo badan oo kamida ah xeerka ciqaabta ayaa u baahan in qeexitaannadooda iyo ciqaabahooda la waafajiyo shareecada Islaamka, halka sidoo ay tahay in lagu daro faldambiyeedyo aan jirin waqtigii la sameynayay xeerkan, oo imika soo baxay. Faldambiyeedyadaasi oo ay kamid yihiin, kuwa la xidhiidha Tahriibinta dadka, kuwa mukhaadaraadka, kuwo argagixisada, lacag-meydhista (Money laundering) iyo kuwa tiknoolajiyada iyo isgaadhsiinta casriga ah la xidhiidha ee loo maro nidaamka kombiyuutarada iyo internetka (cyber crimes).

Xeerka Madaniga ah, oo qeexa xuquuqaha iyo waajibaadka ka dhasha wada mucaamilka ganacsiyeed ee bulshada, ayaa isna sidoo kale u baahan in dib-u-habayn lagu sameeyo. Waxa loo baahanyahay in la curiyo xeerkii qeexayay, isla markaana diiwaangalinayay hanti maskaxeedyada bulshada. Maadaamo, oo ay sii kordheyso hal-abuurka dadku, sida qoraalka buugaagta, abwaannimada, shaxaha iyo qorshayaasha injineeradu, iwm, Waxa sidoo kale loo baahanyahay in xeerka diiwaangalinaya Lahaanshiyaha maguurtada iyo la is waafajiyo Qodobada ku jira xeerka Madaniga ah ee ka hadlaya sida loola kala wareegayo mulkiyadaha maguurtada, iwm.

Xeerka habka ciqaabtu oo ah xeer si fiican u qoran, oo isla markaana qodobadiisa lala akhrin karo xeerka ciqaabta, ayaa isna dib-u-eegis u baahan. Waxaana ay tahay in lagu kordhiyo, qaab baadhiseedyada dambiyada la xidhiidha tiknoolajiyada, iyadoo awood loo siinayo haya’daha ku shaqado leh, baadhista iyo dhawrista xogaha gaarka ah ee ku keydsan aaladaha la baadhayo.

Waxaana isla xeerkani habku u baahanyahay, in lagu lifaaqo xeer-nidaamiye ama buug hagaha (Manual Guide) qaababka baadhiseed ee ay hay’adaha baadhistu u gudanayaan waajibaadkooga. Qaababkaasi oo ay kamid tahay, sida ay uga jawaabayaan warbixinaha soo gaadho, ilaalinta goobaha ay faldambiyeedyadu ka dhaceen (crime scene protection), iyo qaababka loo keydinayo xogaha baadhiseed ee laga helo goobahaasi. Tallaabooyinkaasi oo noqon lahaa kuwo lagu maamulo, lagulana socdo hawlaha baadhiseed ee la xidhiidha faldambiyeedyada. Waxaana tani sahli lahayd inay caddaato, waajibaadka iyo masuuliyadaha saaran saldhigyada iyo baadhayaasha ka hawlgala, si loogula xisaabtamo hufnaantooda shaqo iyo qaabka ay u diyaariyeen hawlahooga baadhiseed.

In la helo protokolka baadhiseed ee ay tahay inay ku hawlgalaan saraakiisha u xilsaarani hawlahani, waxay kor u qaadi lahayd awoodda uu garsoorku uu kula xisaabtami karo dambi-baadhista, maadaamo oo ay jiitanka dacwadaha ciqaabta ay kamid tahay, muddada ay qaadato baadhista dacwaduhu. Waxaanay X/Ilaalinta iyo Maxkamadaha u fududaan lahayd, sidii ay u qiimeyn lahaayeen tayada baadhiseed ee ay leeyihiin galalka loo soo gudbiyay.

Xeerarka Lagu Maamulo Garsoorka ( Judicial Administration Acts)


Garsoorayaashu ha noqdaan kuwa ka hawlgala Maxkamadda Sare amaba Maxkamadda Hoosaba, waxay hayaan xil muhiim ah, waxaanay huwanyihiin karaamadii iyo xushmadii sharciga. Ixtiraamka iyo dhawrsanaanta ay leeyihiin ma aha mid ku eeg marka la fadhiyo Hoolka dhegaysiga ee la leeyahay “Mudane Garsoore”, balse waa mid uu ku kasbaday xilka uu qaranka u hayo, intuu hayona Xilkaasi leeyahay.

Sidoo kale garsoorayaashu ma aha malaa’ig, ee waa aadami ku kici kara gafaf xirfadeed, iyo habdhaqan liita oo wax u dhimaya milgihii iyo maamuuskii xileed ee ay ummada u hayeen. Xeer Nidaamiyaha anshax ee dhawaan la sameeyay, ma aha mid guud oo koobsanaya xilalka garsoor guud ahaanba, balse waa mid ku eeg Garsooreyaasha Maxkamadaha hoose iyo Ku xigeennada X/Ilaaliyaasha, amaba inta ay Guddida Caddaaladu awood u leedahay magacaabistooda iyo xilka-qaadistooda. Waxaana ka baxsan Garsooreyaasha Maxkamada Sare oo aynu hore u sheegnay inay xil ahaanba ka nugulyihiin kuwo Maxkamada hoose, kuna filanyihiin dikreeto Madaxweyne oo lagu kala diro.

Xeer Nidaamiyaha anshax marintu, uma yaallo qaab fulineed, wuxuu se u qoranyahay qaab sheeko ah, oo ka kooban qeybo iyo weedho dhaadheer oo aan koobsanaya waajibaadka xirfadeed ee laga rabo Garsooyreyaasha iyo ku xigeennada X/Ilaaliyaasha. Kama hadlayo daah-furnaanta nidaamka dhegaysi ee la siinayo Garsooraha ama X/Ilaaliyaha. Iyo qaabka uu fadhigaasi u dhacayo, inuu lahaanayo dood qoraal iyo nidaam tixraac oo wax lagu go’aamiyo.

Sidoo kale go’aannada xilka qaadista garsooreyaasha uma dhaco mid kal-kaliya, ama ku xidhan kolba garsooraha laga soo gudbisto cabasho iyo caddaymo ku lid a. Balse waxaad arkeysa hal go’aan oo garsooreyaal dhawr ah is raacinaya ereyiddooda, anshax marintooda iyo badalaadoodaba. Taasina waxay ku tuseysaa in aanay xilka-eryidda garsooreyaasha aanay ka madhneyn Saameyn siyaasadeed oo ka timid Kooxeysi ka dhex jiri kara Garsoorka gudihiisa amaba ka baxsan oo ka timid waaxaha kale ee farogalinta ku haya nidaamka Garsoorka.

Shaacinta digniinaha xirfadeed ee loo gudbinayo warbaahintu, iyaduna waa mid liddi ku ah milgaha xirfadeed ee ay garsooreyaasha iyo Ku xigeennada Xeerilaaliyaashu ummada u hayeen. Digniinta koowaad iyo tan labaad ee loo gudbinayo Garsoore ama X/Ilaaliye waa mid qoraal ahaan isaga lagu wargaliyo, laguna socodsiiyo loona feyl-gareeyo, balse ma aha mid ummada lagu socodsiinayo oo warbaahinta iyo jaraaiddada magiciisa lagu faafinayo. Waayo, wali xilkii uu umadda u hayay lagama qaadin, sida darteed ayayna ahayn in ummadda loo qaawiyo ama maamuuska laga xayuubiyo mar haddii Garsooraha ama Dacwad-oogaha wali laga sugayo inuu soo saaro go’aamo saameyn doona xuquuqaha gar-raadiyayaasha.

Sidoo kale waxa wali la tabayaa Xeerkii Hawlgabka Garsooraha iyo X/Ilaaliyaasha in badan qaranka usoo shaqeynayay. Waxay ahayd in la ilaaliyo xuquuqda shaqo ee xilalkan garsoor, maadaama ay yihiin xilal muhiim u ah nabadgelyada iyo dhismaha Qarannimo. Waxaanay xil-hayayaashani Qaranka u galeen godobo badan, waxay xukumaan argagixiso, gacan-ku dhiiglayaal, iyo kuwo badan oo geystay dhagaro badan oo halis ku ah amniga iyo nolosha muwaadiniinta guud ahaan. Sidaas darteed ayaanay ahayn in la iska sii daayo, oo aan la dhawrin xuquuqdooda nololeed marka ay hawl gabaan, balse waxay Qaranka iyo ummaddaba ka mudanyihiin xaqdhawr iyo abaal-celin loo sameeyo.


Miisaaniyadda Garsoorka iyo caqabdaha dhaqaale. 

Maxkamadda sare oo ahayd Qeybta ugu sarreysa garsoorka ayaa doorkeedu wuxuu ahaa mid ku eeg ka garnaqista feylasha ka yimaadda Maxkamadda Hoose. Waxaanay gabi ahaanba ka fara baxday doorkii maamul ee ay ku lahayd Nidaamka Guud ee Garsoorku ku shaqeeyo. Doorkeedaasi oo ahaa jaangoynta Siyaasadda Guud iyo Qorsheyaasha dhaw/fog ee uu Garsoorku ku shaqeyn doono, isagoo higanaya himilooyin cad-cad oo wax ku ool u noqda adeegga ay Maxkamaduhu u hayaan ummadda.

Tani waxay geyeysiisay inuu garsoorku noqdo, Waax dhaqaale ahaan arradan, oon ka kicin halkii uu taagnaa 1991-kii, halka ay Waaxaha kale ee qaranku ay agab ahaan, dhisme ahaan, iyo dad ahaanba horumareen. Waxa jirtey mar aanu baarlamaanku hool lehayn oo ay marti u noqon jireen Garsoorka, Maxkamadd sarena ay fadhigooga ku qabsan jireen, maantana waad arki kartaa faraqa u dhexeeya labadan Waaxood, markaad dusha ka milicsato dhismeyaasha kala-jiidan ee sheedda kaaga soo hirayo, iyo maqsinnada dhagaxa ee dirqi lagu arkayo ee ahaan jirey Maxkamadihii Ingiriiska. Waagaasi Ingiriiska dalku haystay, oo tirada dadweynaha ku nool Magaalooyinka iyo dacwaduhuba aanay meel kaga dhacayn xaqiiqada maanta jirta.

Garsoorka oo saldhig u ah caddaaladda iyo nabadda la rabo inay bulshadu kuwada noolaato, ayaan madax iyo shacaba la hilmaamin doorkeeda marka meelahaas laga hadlayo. Balse markaad waaqaca usoo noqoto, waxaad arkaysaa in aanay Siyaasadaha Qaranku ka dhabsheegaynin Mudnaanta Garsoorka iy Caddaaladda. Waxaana taasi kaaga markhaati ah, miisaaniyadda ama dhaqaalaha loo qoondeeyay Garsoorku inuu ku hawlgalo sannadkii oo heerkeedu aad uga hooseeyo Waxaaha kale ee dhigeega ah. Waxaana  Garsoorka oo ay ku jirto Xeerilaalintu kusoo hagaaga  2.2% Miisaaniyadda Qaranka (Miisaaniyad 2016).


Bal aynu soo qaadanno Miisaaniyaddii sannadkii hore (2016), si aad u fahamto, heerka tixgalinteed ee Garsoorka la siiyay marka jaangoynayo Qorshaha sannadeedka Qaranka. Ma taqaannaa Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha? Ma sheegi kartaa adeeg toos ah oo ay umadda qabato? Mase rumeysan kartaa haddii lagu yidhaahdo waxay wasaaraddaasi (laga yaabo in aanad arag halka ay ku taallo) ay miisaaniyadda loo qoondeeyay adeeggeegu uu ka badanyahay kan loogu talogalay kharashaadka adeeg ee Maxkamadaha Degmooyinka, Gobollada iyo Rafcaannada dalka oo dhan?


Adeegga Wasaaradda Xidhiidhka waxa loo qoondeeyay kharash sannadeed dhan 812,400,00 SLSH, halka adeegga Maxkamadahaasi dalkoo dhan ka garsoora maalinkasta min degmo illaa Gobol uu yahay 575, 908,800 SL SH. 


Sidoo kale kharashka lagu bixiyo alaabta Maxkamadaha Dalka oo dhan (mid sare iyo kuwo hoosaba) oo ah  1,112,408,800 SL SH waxa ka badan Kabka la siiyo Ururka ama NGO-ga aan dad badani maqlin ee la yidhaahdo Degmo Heritage and Rural Life oo ah 1,500,000,000 SL SH.


Halka sidoo kale Mushaharka loo qoondeeyay Naafada Qaranka oo ah 19,425,369,600 SL SH uu isna  ka badanyahay Miisaaniyadda Maxkamaha ka hawlgala Gobollada dalka oo dhan, oo aanay ku jirin Maxkamadda Sare. 


Hay'adahaasi kooban een soo qaatay dhaqaalaha loo qoondeeyay, oo aan runtii mid kamid ah la bar-bar dhigi karin, kaalinta uu Garsoorku (Maxkamadaha iyo Xeerilaalintu) kaga jiro dhismaha Qaranka iyo taabogalinta Nabadgalyada la doonayo inay bulshada kala hesho, kuna wada noolaato. Mana aha wax lagu qanci karo; marka aad maqasho xukuumad ku doodaysa inay mushkiladda  miisaaniyad yaraanta Garsoorku tahay mid ay sababtay xaaladda dhaqaale ee Dalku, balse aanay ahayn siyaasad xumo xaggeega ah. Waxaana taasi beeninaya shaxda miisaaniyadda iyo  sida loo qoondeeyo Dakhli sannadeedka Qaranka. Waayo waxaad arkaysaa, hay'ado iyo Guddiyo dheeraad ah, oo aan adeegyo toos ah u qaban bulshada, oo loo qoondeeyay dhaqaale aan caqligal ahayn. Halka hay'ado qabta adeegyo asaasiya oon saacad qudha laga maarmaynin, ay ku shaqeeyaan duruufo adag oo  dhaqaale.  


Haddii aynu kusoo noqono xaaladda dhaqaale ee Garsoorka; hore ayaan usoo sheegnay inay tirada faylasha kusoo fatahaya Maxkamadda sare, tirada kooban ee garsooreyaasheeda, iyo halka hool ee ka dhexeeya uu ku tusayo, halka ay taagantahay caqabada agab (facilities) ee uu la ildaranyahay garsoorku. Maqsinnada uu bedkoogu yahay labada mitir, ee laba jibaarani, ee ay Garsooreyaashu ku galaan dhegaysiyadu, ma aha, deegaan ku haboon dhegaysi dacwadeed, oo la doonayay inay u furnaanto dadweyne kasoo qeybgala dhegysiga dacwadda. Waxaana jilbaha iyo gacmaha is lasoo gaadhaya Garsoorayaasha iyo eedaysanayaasha la dacweynayo, taasina waxay khatar ku tahay nabadgalyada jidheed, iyo maamuuskii garsooraha ee fadhiga looga kici jirey. 

Mushaharka garsooruhu ma aha isna mid ku filan, waana mid suququl ku ah garsooreyaasha, Waxaanay sidoo kale Miisaaniyad yaraanta Garsoorku ay caqabad kale ku tahay in la kordhiyo garsoorayaal tababaran oo leh xirfad sharciyeed iyo meelo ay ku hawl galaan . Halka mushaharka garsooreyaasha gobollada ka hawlgalaa uu yahay mid ay si saddex  biloodle ah u qaataan, taasoo caqabad ku ah nolosha garsooraha loo badalo gobol aanu hore u daganaan jirin.

Walaw la sameeyay dadaalo loogu kordhinayay mushaharka Garsoorayaasha intii uu Talada la wareegay Xisbiga Kulmiye, hadana hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland oo ku dhaw libin laab, ayaa waxoogaagii yaraa ee lagu doodi lahaa in loo kordhiyay ka dhigaya hal bacaad lagu lisay. Waxaana suurtogal ah, haddii loo kuurgalo mustawaha nololeed ee maanta iyo mushaharka ay qaataan Garsooreyaashu; in wax u kordha iska daayoo,  laga yaabo in halkii uu taagnaan jirey ka hooseeyo.

Mana jiro tansiilaad kale ama kabis ay gobollada iyo degmooyinku siiyaan Maxkamadaha ka hawlgala. Mana jiraan maamullada gobollada iyo degmooyinku guryo (accommodation) ay ugu talogaleen Garsooreyaasha iyo Ku xigeennada X/Ilaaliyaasha ee gobolkooga loosoo badalo, umana kireeyaan hoy ay galaan, si ay noloshoodu isku dabooshu. Ma  jirto siyaasad Qaran oo laga yeeshay arrintaasi, taasina waxay kalliftay in Garsoorihii gurigiisa laga badalay, uu kireysto guri kale oo ay shaqadu qasabtay, isagoo dhaqaalaha la siiyaana aanu u qeybsami Karin kiro iyo masaariif.

Talo soo Jeedin


1. Waa in dib-u-habayn lagu sameeyo qaab-dhismkeedka sharciyeed guud ee Garsoorka, iyada oo dib loo eegayo qodobbada dastuur ee khuseeya;

a. Magacaabista iyo xil ka qaadista Garsooreyaasha Maxkamadda Sare.
b. Qaab-dhismeedka Guddida Caddaalada (Dastuurka; Qod 107), iyadoo xubnaha laba-xillayaasha ah (double role members) ee ka tirsan Waaxaha Fulinta iyo Baarlamaanka laga saarayo. Laguna beddalayo Xubno lagu xushay waayo-aragnimo sharciyeed, shareeco iyo Dhaqanba. Kuwaasi oo ka madax-bannaan siyaasadda.

2. In la sameeyo Xeerka Wadashaqaynta Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka ee uu jideeyey Qodobka 106-aad ee Dastuurka.

3. Waa in Qodobka 103-aad Dastuurka, ee Qeexay Xeer Ilaalinta, la sameeyaa Xeerkii X/Ilaalinta Guud ee asaasayay Qaab-dhismeedka hay’ad ahaaneed ee Xafiiska, iyo doorarka siyaasad-dajineed (policy-making) ee uu ku leeyahay, yareynta dambiyada, tiro-koobistooda oo aanu ku ekaan uun Oogistooda. Taasi oo horumarin doonta Siyaasadda Guud ee lagu dajinayo Nidaamka Caddaaladeed ee Ciqaabta Qaranka (National Criminal Justice System).

4. Waa in la sameeyo qeyb cilmi-baadhiseed ama deraasadeed oo si madax-bannaan u derista Halka uu Marayo Adeegga Garsoor iyo Ku Dhaqanka Sharcigu, iyo Caqabadaha hay’adeed (institutional challenges) ee hortaagan ka libkeenista Ujeeddooyinkii loogu talo galay Garsoorka, iyo Sharci-fuliyayaasha ( Law enforcement),

5. Waa in Garsoorka awood u yeesho, ka go’aan gaadhista Miisaaniyaddiisa, iyadoo ay ka qeyb-qaadanayaan Garsooreyaasha iyo X/Ilaaliyayaasha ka hawlgala Maxkamadaha Hoose ee Gobollada dalka, si loo helo xog ururin dhammeystir oo ka tarjumeysa baahiya iyo duruufaha guud ee ku gadaaman adeegyada Garsoor ee ay fidiyaan.

6. In kor loo qaado Mushaharooyinka iyo Gunnooyinka Garsooreyaasha iyo Xeer-Ilaaliyaasha, oo xilal muhiim ah oo joogta ah u haya Qaranka. Taasi oo dhiganta inta ay qaataan xildhibaannada Baarlamaanka ee ay shaqadoodu wakhtiilaha tahay. Waayo maalin qudha ma istaagi karto shaqada Maxkamaddu ama garsooruhu.

7. In la daadejiyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Rafcaanada iyo Gobolladu ku hawl-galaan, iyadoo la dejinayo nidaam-xisaabeed, daah-furan, oo xisaab-celin wakhtiyaysan leh. Si ay Maxkamaduhu awood ugu yeeshaan inay helaan Kharash ay ku fuliyaan hawlaha asaasiga ah ee ay shaqadooda ku xidhan tahay.

8. Waa in la badiyo qolalka dhegaysiga ee u qaabeysan una qalabeysan hannaanka lagu yaqaan meelahay Maxkamaduhu ku galaan Dhegaysiyada, si looga baxo fadhiyada dhegaysi ee ka dhaca qolalka yar-yar ee cidhiidhiga ah. Waayo badi  Qolalka ay garsoorayaashu ku galaan dhegaysiyadu, waa qaar uu qaadkoogu yaryahay oon saamaxayn inay dadweyne dhegaystayaal ahi kalasoo qaybgalaan, lana ogaadaan waxa uu meesha kawado Garsooruhu iyo sida uu ilaalinayo dhex-dhexaadnimada dhegaysiga, Qolalkani waxay dirqi ku qaadayaan uun dhinacyada iyo wakiiladooda sharciyeed, iyo maragyada ay khusayso dacwadda meesha lagu hayaa.

Nidaamkeena Garsoorna waa mid ‘xalaal iftiinbaa la qashaaya” oo loogu talogalay inuu ahaado mid la isla arkayo sida uu wax u wado (Not only must Justice be done; it must also be seen to be done). Mid ay tahay inay noqdaan doodaha dhinacyada is-hayaa kuwo u furan dhegeysiga iyo kasoo qeybgalka dadweynaha, oo aan ku ekeyn uun Maxkamadda oo qudha (Qodobada 97,98-aad XHC) iyo (Qod 14,16-aad ICCPR). 


Mana aha in haddii Xafiis-ku-dhegaysigaasi lagu bilaabay sagaashameedyadii, in illaa maanta lalasii haysto oo la qabatimo. Balse waa in la ogaadaa inayna siday wax u socdaan aanay ahayn sidii loogu talogalay in wax lagu dhegaysto. Waa ina lagu darsadaa baahiyaha aan waxba laga qaban ee illaa maanta uu Garsoorku tabayo. Markaasaa la gudo gali karaa, xisaabtana lagu darsan karaa sidii loo hirgalin lahaa  Waana waajib in Laguna arkaa Astaantii iyo Milgihii Maxkamadeed (Standard of Court facility) meeshan lagu muujinayo Sarreynta Sharciga.


9. Waa in la curiyo Xeerkii Hawlgabka Garsoorka, iyadoo si ballaadhan looga qeyb-galinayo Dhinacyada uu khuseeyo.

10. Waa in la curiyo Xeerkii Hawlgabka Garsoorka, iyadoo si ballaadhan looga qeyb-galinayo Dhinacyada uu khuseeyo. Waayo waa laga maarmaan in qofka caddaaladda lagu sugayo, isaga marka hore loo caddaalad sameeyo oon laga hakran wixii qaranku awoodo, iyadoo la tixgalinayo Kaalinta uu Qaranka uu kaga jiro adeeggiisu. Mana aha in laga siiyo mudnaanta kuwo kale, oo aan lahayn culayskani shaqo. Maadaamo, oo ay waaxdani tahay meel siyaasad ahaan dhex-dhexaad ah (politically nonpartisan) oo aan ku lug lahay kooxa kula loolamaya hoggaaminta dalka, waxay Garsoorayaashu noqdeen, kuwo la iska illoobey oonse la illoobi karin shaqaday u hayaan qaranka. Waaxdanina waxay noqotay mid aan cod ku lahayn, oo aanay cidi ku matalin meelaha lagu qaadanayo ama lagu dajinayo Siyaasadaha Maamul ee Dalka lagu hago. Manay yeelan Hannaan Muumul (oo dhaafsiisan Maareynta galdacwadeedyada) sida waaxaha kale hanaqaaday, oo curiyay Siyaasad Guud oo leh bartilmaameedyo ay higsanayso waqtiga dhaw iyo ka foba. Sidaa darteed ayaan soo jeedinayaa in uu Garsoorayaashu iyo dacwadoogayashaabu ay isku baraarujin lahaayeen sidii ay cod  mideysan ugu doonan lahaayeen Xaqooqa hawlgabka oo aaney cid gaar ah ku halleynin, mar haddii ay xaaladda jirtaa tahay “Ninkaan hadlin habartii qadisey”. Waayo markey xuquuqdooda helaan, ayay ciddi kale la dulmeyna xaqooga dooni karaan. 

11. Waa in anshax-marinta iyo la xisaabtamidda Garsooreyaashu marto nidaam rasmiya, daah-furan, oo dhegaysigiisa laga soo qeybgali karo, ka hor intaan la soo saarin go’aamo saameynayaya xilalka Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyayaasha. Sidoo kale Nidaamka La Xisaabtanka Garsoorku, waa in aanu ahaan mid u taagan Anshax-marin qudha, balse waa inuu sidoo kalena lahaado abaalmarin. Oo uu lahaada Nidaam Qiimeynaya Shaqada uu Garsooreyaasha iyo Xeerilaalintuba u heyso Qaranka. Taasi oo u baahan in Nidaamka Qiimeyntu uu ka bilaabmo Hannaanka Dib-u-eegisaha ama Rafcaannada ay Maxkamaduhu dib-isugu-eegaan, Taasi oo Xukummada iyo Eedaha u badan ee ay Maxkamaduhu ayiddaan, iyo kuwa nusqaanta sharciyeed iyo xaqiiqo leh ee kasoo baxaba la kala Garto Garsoooryaaha iyo Dacwad-oogayaasha ay inta badan ka kala yimaaddaan. Waana shaqada Maxkamadaha Dib-u-eegista/Rafcaanka (Review courts) oo la filayo inay Ka hawlgalaan Garsooreyaal ka khibrad iyo aqoon badan Maxkamadah Garnaqa leh (Trial Court).

Waana in aanay Maxkamadda Rafcaanku ku ekaan burinta, ayiddida iyo dib-u-celinta go'aammada looga soo cabto uun, balse waxay ahayd:



  • inay lahaadaan Nidaam daahfuran oo ay Rikoodhgaraynayaan Go'aamada ugu badan ee laga soo cawdo mawduuca ay u badanyihiin, si loo xaqiijiyo iney cabashooyinkaasi ay salka ku hayaan Goldaloolo sharciyeed oo ka jirta Xeerarka la xidhiidha Mawduuca laga garnaqayo (substantive laws) ama kuwa hannaan dacwadeedyada maamula (procedural laws).
  • Tirokoobista Garsooreyaasha iyo Dacwad-oogayaasha inta badan ay jiraan asbaabaha  go'aamadooda lagaga rafcaanqaato, amaba ay Maxkamada Rafcaanku ay u garawdo Rafcaanlayaasha. Tani waxay fududayn lahayd in dib-u-qiimeyn lagu sameeyo heerka aqooneed ee Garsooraha, oo laga yaabo in aanu Qeybtaasi sharciyeed (Specific area/discipline) aqoon badan u lehayn, balse uu kaga fiicnaan lahaa ka garnaqista Eeriya kale oo sharciyeed, iyo inuu Garsooruhu ka badheedho waxyaabaha ay cabashooyinku ka dhasheen.
  • Waa in aaney noqon uun Xilkaqaadista iyo hoos-u-celinta, badalidda Garsooruhu/Dacwad-ooguhu mid ku timid cabasho gaar ah oo ka timid gal uu hayay oo dhinac danaynayaa kasoo gudbistay. Waana in aanay tallaabo kasta oo ay Guddida Caddaaladu Qaadaa noqon mid lagu baraarujiyay oo aanay cadho kula dhicin Garsooeyaal/ Dacwad-oogeyaal intay qabteen ay ka badantahay inta laga tirsanayo, iyadoo tallaabooyinkaasi lagu raaligalinayo ciddaasi gaarka ah. Wuxuu se Nidaamkaasi Dib-u-eegistu oo ah hawl si joogta ah u socota, uu abuuri lahaa daaqad laga arko Waxqabadka Garsooraha ama dacwad-oogaha. Waxaana taasi laga fahmi karaa asbaabta Go'aan ee ay Maxkamadda Rafcaanku ku naqdiday go'aankii Garsoorihii garnaqa lahaa, ama go'aankii dacwad-ooguhu uu ku ayiday jiritaanka eedda sharciyeed ee uu soo oogey. Go'aannada Dib-u-eegistuna waxay u baahnaan doonaan Xeeldheerayaal Sharci oo asbaabtooda si cilmeyaysan ugu lafagura una  toosiya tarbiicooyinka ka dhex muuqda go'aanada ka hooseeya.

12. Waa in la joojiyo baahinta digniinaha shaqo ee ay Guddida Caddaaladdu soo saarto, maaddaamo oo ay digniinta shaqo tahay arrin khuseysa cidda loo digayo oo qudha.

Friday, September 1, 2017

DOORASHO AAN DADKEEDII HAYSAN by Garyaq. Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul



Dagaalyahan u dhashay Qoomiyada Samburo oo kasoo baxay  goob cobixineed (Credit Cyril Vilemain/Agence France-Press-Getty images).

Ninkan waa Dagaalyahan kasoo jeeda Qabiilka Samburu, Kiiniya (Samburu Warrior) oo kasoo baxaya goob codbixineed. Ma yaqaanno Dawladnimo iyo Direyskaba, manaa aqoonsana awooddeeda, wxuu se garanayaa awoodda reerkiisa iyo warankiisa. Waxa usoo baxay waa inuu u hiiliyo musharrax ay isku beelyihiin, amaba ay beelahoogu isgaashaan buureystaan. Waxa meesha keenay ma aha waajib wadaninimo, mana aaminsana inay codbixintu tahay xaq uu leeyahay, balse wuxuu gudanayaa waajib dhaqan oo ah inuu u hiiliyo, cidday tahay markasta inuu u hiiliyo, xataa codbixinta lafteeda waxa loogu sheegay inay tahay hiilka ugu weyn, mar hadduu ka rabo ninkii hiilkaasi ku lahaa'
Ma garan karo qaabka codkan loo maamulayo iyo sida loo kala xisaabsan doono (biometric technology), amaba inuu sawir-indheedkii, amaba raad-fareedkii laga qaaday uu yahay waxa lagu aqoonsanayo kan uu yahay, ee aanay ahayn warankiisa iyo garaadooyinkan uu ku jeeniqaaranyahay.

Haddii la yidhaahdo codkiibaa la boobey, ma fahmi karo waxa la boobey, sida loo boobey iyo halka laga boobay toona, wuxuu se garan karaa uun, kuwa lagu yidhaahdo "wey boobeen". Ma rabo inuu dhugto sheekada dheer ee warbaahinta ka socota, probagandaha la isdhaafsanayo, iyo kombiyuutarada dafirey xogtii loo dhiibtey, Wuxuu se sugayaa uun, in loo sheego waxa isaga iyo warankiisa looga baahanyahay, si uu kaalintiisa u muujiyo una guto xilkii dhaqan ee lagu soo ababiyay. Haddii la yidhaahdo "codkii waxa boobey kuwii lo'da iyo geela inaga boobi jirey", wuu yaqaannaa wuxuu sameyn doono.

Haddii adhiga, fardaha iyo geela laga boobo lasoo dhicin jirey, ama kuwa u dhigma lagasoo dhici jirey kuwii wax dhacay, maanta ma odhanayo, maxaan soo dhiciyaa oo ay inaga haystaan? Balse jawaabtiisu waa 'Ma kuwiibaa inaga hadhi la'

Kuwaasi' colaaddooda diyaarbuu u ahaa illaa maalintuu dhashay. Ma se garan karo waxay ka haystaan, ama isaga iyo kan ay isku da'da yihiin ee kuwa kale ahi,  ay kala haystaan. Waxa qudha ee uu kuu sheegi karaa, waa wixii lagu yidhi, oo ah 'reer hebel inama ogola'. Haddii laga tagi waayana, waa haddii uu ku yidhaahdo 'awowgay iyo awawgood ayaa islaayay'. Waa wixii lagu yidhi, oo aanu caqli ku darin. Waa cuqdad iyo cillada abtirsiintiisa la socota oo sida aayadaha loogu mariyay. Waa cabsi, jaahwareer, iyo godob aanu garanyn cid uu ka galay, waxan uu la noolyahay ee maankiisa ku wareegaya.

Waa kan iyo kuwo lamida, codbixiyayaasha Doorashadu. Waa kuwan kuwa la leeyahay Dimuqraadiyadbey qeyb ka yihiin. Waana tirada la isku dhaafi doono ee la doonayo in lagu xukumo dal u baahan waxbarasho, caafimaad iyo dhaqaale isbixiya. Codbixiye aan waxba baran, muxuu ka yaqaana waxbarashada dhiman ee la doonayo in la tayeeyo, muxuu ka yaqaan shaqo la'aan, adeegxumo caafimaad iyo waxyaabaha tirada badan ee uu cashuurbixiyuhu la il daranyahay?.


Dumar kasoo jeeda beesha Turkana ee Kiiniya, oo codkooda dhiibanaya (Goran Tomasevic/Reuters)




Muuqaalka Dagaalyahankan feedhaha qaawani, waxay u baahantahay fasiraad ka badan inta ku qoran faalladaydan kooban. Waana ta igu kalliftay in aan is weydiiyo. Su'aalo badan, oo ku saabsan waaqaca iyo wacyiga ku gadaaman nolosheena bulsho iyo siyaasadeedba. Anoo isweydiinaya, codbixyayaasha uu garaadkoogu taaganyahay "awawgaybaa igu yidhi" iyo khuraafaad hore oo laga soo gudbay, kuwaasi codkooga wax ma kaga badali karaan noloshooda iyo tan ubadkooga? Bal isweydii illaa inta aad arkaysay bulshadaada iyo siyaasigeega oo muraayad-haadda eegaya (rearview mirror)? Illaa iyo goorma ayaa laga hadli doonaa uun waxa lasoo maray, een laga  hadlayn wax la mudan doono hadday siday yihiin, wax sii ahaadaan?




By Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. 
(waddi12@gmail.com)

Thursday, August 31, 2017

10 ARRIMOOD OO UU MAANTOO KALE NABIGU (SCW) KULA DAR-DAARMAY UMMADDA ISLAAMKA.



Maalinta carafadu ma aha inay inoogu suntanaato soomka iyo shacaairta cibaado ee ay sameeyaan xujaajtu sannad walba, balse waa in la isxusuusiyo waxyaabii maalintani Carrafo la ina faray, een isla maalintaas ku koobnayn, ee ku saabsanaa maalmaha faraha badan ee nolasheenna kamidka ah. Farriintaasi oo ahayd dar-daarankii igi dambeeyay ee Nabigu inagaga tagay. Waa inay aynu dib-u-eegnaa nolosheenna guud iyo teena gaarka ahba, inagoo eegayna sida aynu qof ahaan iyo bulsho ahaan, iyo dawlad ahaanba u ajiibnay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee la innagu dar-daaray
1. QUR'AANKU WAA SALDHIGA SHARCIYEED EE NOLOSHIINA HORREYSO IYO DAMBEYSABA:
Ku dhegsanaanta Quraanka, oo ah manhajka nololeed ee midaynaya ujeedada jiritaan ee bulshada. Waana miqyaaska ugu sareeya ee lagu miisaamayo habdhaqanka, danaha isdhaafsan iyo xidhiidhyada kala duwan ee ay ku dhisantahay bulshadu. Qur'aankuna waa kan midaynaya ruuxda, qalbiga, iyo dhaqanka xubnaha ay ka koobantahay bulshadu. Waana marjaca kama dambeysta ee la iskula noqonayo, markasta oo uu yimaaddo jaahwareer iyo ismaandhaaf aragtiyeed oo gilgili kara qaabdhismeedkii loo wada jiray. 
"وَقَدْ تَرَكْتُ فِيكُمْ مَا إِنِ اعْتَصَمْتُمْ بِهِ فَلَنْ تَضِلُّوا بَعْدِي أَبَدًا، كِتَابَ اللَّهِ وَسُنَّةَ نَبِيِّهِ"

2.MIDNIMADA IYO SINNAANTA UMADDA; Marka ay muslimiintu ku dhaqmaan Qur'aanka oo ah manhajka dhaqan iyo siyaasad ahaanba ka dhexeeya, shaki kuma jiro inay noqon doowaan ku aragti mideysan ka yeesha nolosha guud ahaan, oo aan ku kala qeybsamin kala duwanaanshahooda duleed, juqraafiyeed, iyo isireed. Waxaanu maalintaasi Rasuulku (SCW) inoo sheegay inay muslimiintu walaalo yihiin, karaamada ay isdheeryihiin ay tahay tan ay Ilaahay agtiisa ku kala leeyihiin, karaamadaasi ay tahay mid la kasbanayo oon ku xidhnayn dhalasho, midab iyo meeltoona.               

3. CADDAALADA OO LAGU DHAQMO; Waxa uu Nabigu inagu dar-daaray in aynaan isku xadgudbin, oo aanu qofna ula dhaqmin walaalkiis, si aanu isaguba jecleysan in loola dhaqmo "In aad dhiigiina daadisaan, ama aad si xaqdarro ah hantidiina ukala qaadaan, waa idinka xaaraam". Dhiigga oo ah noloshii iyo jiritaankii nafeed iyo jidheed ee qofka, iyo Hantida oo ah wixii ay noloshiisu ku tiirsanayd ayay shareecadu dammaanad qaadaysaa xurmayntooda. Hantida ayaa noqonaysa mid gaar loo leeyahay iyo mid ummada ka dhaxeysa ayaa la inaga reebnay in aynu si baadil ah u kala qaadno, oo ku salaysan khiyaano, boob iyo sadbursi. Hababkaasi weecsan ayaa inta badan dhacda in loo sameysto qiilal aan sal lahayn, magacyo been ah, iyo qaabab kale oo xeeladaysan amaba xilleysan.     

4.KA DIGTOONAANTA DAMBIYADA; Waa inay umadda islaamka ahi maanka ku hayso cadawga qudhaata ee ay leedahay, kaaso oon ahayn dadka kale een islaamka ahayn, sida ay qaar badan oo islaam ahi u haystaan, balse cadawgaasi waa Sheydaanka oo ka xun liibaanteena adduun iyo aakhiraba.  Waxaanu Rasuulku yidhi "Sheydaanku wuu quustaa marka uu arko dhulkiinan oo ay Cibaado ka jirto, laakiin wixii cibaadadaas dheer ee lagu raaco wey raaligaliyaan, xataa ha noqdo fal (dambiya) oo kamid falalka aan idinla cusleyn"                                                                                        
 "قَدْ يَئِسَ مِنْ أَنْ يُعْبَدَ بِأَرْضِكُمْ هَذِهِ أَبَدًا، وَلَكِنَّهُ إِنْ يُطَعْ فِيمَا سِوَى ذَلِكَ، فَقَدْ رَضِيَ بِهِ مِمَّا تَحْتَقِرُونَ مِنْ أَعْمَالِكُمْ، فَاحْذَرُوهُ عَلَى دِينِكُم"                                                                                                                              

5.DHAQAALEYSI XALAAL AH: waxauu nabigu (scw) maalintan carrabka ku adkeeyay, xaaraannimada Ribada (ka faa’ideysiga deynta saaran qofka”. Waxaanad arkaysaa maanta ribadii oo aynu ula baxnay magacyo badan oo lagu xaalaashanayo, iyo sawirro kale oo ay qaar inaga mid ahi u samaysteen, balse aan ujeeddo ahaan iyo habdhaqan ahaan markaad eegto, aad arkayso inay yihiin Ribadii oo shaadh kale loo xidhay. Ummada Ribadaasi ku kacdana, waa ummad u badheedhay inay dagaal la gasho Ilaahay. Dagaalkaasi oo aanay xaqiiqo ahaan, u-taag hayn.

6. IS GAADHSIINTA FARRIINTA WANAAGSAN; Waxa uu nabigu (SCW) ku cel-celiyay “ Ilaahaw markhaatibaad ka tahay in aan gaadhsiiyay(farriintaadii) “. Waxaanu sheegay in qofkastoo halkaasi taagnaa maalintaasi, uu xambaaro farriintaasi una gudbiyo qofka kale ee maqan". Waana in aanay iskugudbinta kheyrka go’in oo uu jiilba jiil u gudbiyo, meelina meelkale gaadhsiiso. Isgaadhsiinta kheyrku, waa mid ku imanaysa manhajka waxbarasho, iyo habdhaqanka bulsho een ku xidhnayn fac iyo casri gaar ah.
"فَلْيُبْلِغِ الشَّاهِدُ الْغَائِبَ، فَرُبَّ مُبَلَّغٍ أَوْعَى مِنْ سَامِعٍ"
"أَلا قَدْ بَلَّغْتُ، اللَّهُمَّ فَاشْهَدْ"

7. IN AAN DIINTA LA ISKU ADKAYN; 
Waxa dar-daarankaasi ku jiray in aan diinta laga dhigin, wax adag oo inyar oo kooban u xidhan, balse dadka loogu sheego sida ugu fudud ee ay u sameyn karaan waajibaadkooga diineed, Iyadoo qof walba loogu sheegayo, qaabka iyo hannaanka uu u fahmayo ee ay garashadiisu taagantahay. Diintu maaha falsafad iyo aragtiyo kakan oo loogu talogalay inay fahamto, akhrido, ku shaqeysato amaba ay maamuus ku raadsato koox gaar ahi, balse waa noloshii umadda oo dhan, Ilaahayna wuu u fududeeyay dadkiisa, oo kumuu addoonsan waxaanay garan karin amaba aanay samayn karin.

8. U HOGGAANSANAANTA MADAXDA : 
Waxa la faray ummadda islaamka ah inay lahaato nidaam nololeed, oo ku dhisan rabitaanka Ilaahay, Nidaamkaasina cidda ay ummaddu u xilsartay ilaalintiisa iyo Fulintiisana ayay tahay inay xubnaheedu u hoggaansamaan amarradiisa iyo waajibaadka guud ee uu ku qaybiyo inay kasoo baxaan. Haddii aan la xaqdhawrin, oon lala shaqeyn cidda awoodda-la siiyay waxa dhaceysa inay kala fur-furanto bulshado, isdhexyaacdo, oo ay waxba iska dhegaysan weydo,
"اسْمَعُوا وَأَطِيعُوا، وَإِنْ أُمِّرَ عَلَيْكُمْ عَبْدٌ حَبَشِيٌّ مَا أَقَامَ فِيكُمْ كِتَابَ اللَّهِ"

9. SARREYNTA SHARCIGA IYO U-SINNAANTIISA; 
Waxa dar-daaranka kamid ahayd in aan ku dhaqanka sharciga lagu raaligalin qof ama cid gaar ah, balse lagu wada raaligaliyo Ilaahay, oo ah awoodda dadka oo dhan kawada sarreysa een laga baxsan Karin. Nidaamka ismaamul ama dawladeed waa in aanu noqon mid ka adag inta taagta daran, ama ka war-wareega kuwa loo tuhmayo awood xileed, dhalasho, ama dhaqaale. Waayo, tani waxay keenaysaa inay bulshadu ka aamin baxdo nidaamkii guud, una aragto in uu u shaqeynayo in gaar ah, amaba uu ka leexday ujeeddooyinkii guud ee bulshada u wada adeegayay. Aragtidaasina waxay keentaa,in lagu dhaqaaqo sidii looga hor iman lahaa, loona bur-burin lahaa nidaamkaasi xukun ee kooxda gaarka ahi ku dheefayso.


"إِنَّمَا أَهْلَكَ الَّذِينَ قَبْلَكُمْ أَنَّهُمْ كَانُوا إِذَا سَرَقَ فِيهُمُ الشَّرِيفُ تَرَكُوهُ، وَإِذَا سَرَقَ فِيهُمُ الضَّعِيفُ أَقَامُوا عَلَيْهِ الْحَدَّ"

10. MAANKA OO LAGU HAYO AAKHIRO IYO QOFKOO DIB-U-EEGA HABDHAQNKIISA;
Ujeedada kama dambeysta ah ee ay umaddu u nooshahay, ama ay dawladdu u jirtaa maaha inay fududayso qaabka nololeed, u kala xaq-qaaddo dadka amaba ay ilaaliso wada noolaashahooga oo keliya, balse waa inay sidoo kale hagaajiso aakhiradooda. Looma baahna in la abuuro bulsho ka baqata Awoodda fulineed ee Nidaamku leeyahay sida Bileyska, Maxkamadaha iyo Jeelasha, waxase la rabaa in la helo bulsho u baqata aakhiradeeda. Waa in uu qof kastaba u gutaa waajibaadkiisa shaqsiga ah, ee naftiisa, ehelkiisa iyo bulshadaba ka saaran, isagoo naftiisa u meel dayaya, ogna inay ka dambeyso dhimasho aan laga celin Karin, iyo xisaab u gooniya oon cid uga gar-gaari Karin.


"إِنِّي مُمْسِكٌ بِحُجَزِكُمْ عَنِ النَّارِ، وتَقَاحِمُونَ فِيهَا تَقَاحُمَ الْفَرَاشِ وَالْجَنَادِبِ، وَيُوشِكُ أَنْ أُرِسَلَ حُجَزَكُمْ، وَأَنَا فَرَطٌ لَكُمْ عَلَى الْحَوْضِ، فَتَرِدُونَ عَلَيَّ مَعًا وَأَشْتَاتًا، فَأَعْرِفُكُمْ بِأَسْمَائِكُمْ وَبِسِيمَاكُمْ كَمَا يَعْرِفُ الرَّجُلُ الْغَرِيبَ مِنَ الإِبِلِ فِي إِبِلِهِ، فَيُذْهَبُ بِكُمْ ذَاتَ الشِّمَالِ، وَأُنَاشِدُ فِيكُمْ رَبَّ الْعَالَمِينَ، فَأَقُولُ: يَا رَبِّ، أُمَّتِي. فيقال: إِنَّكَ لا تَدْرِي مَا أَحْدَثُوا بَعْدَكَ، إِنَّهُمْ كَانُوا يَمْشُونَ الْقَهْقَرَى بَعْدَكَ. فَلا أَعْرِفَنَّ أَحَدَكُمْ يَأْتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ يَحْمِلُ شَاةً لَهَا ثُغَاءٌ يُنَادِي: يَا مُحَمَّدُ. فَأَقُولَ: لا أَمْلِكُ لَكَ مِنَ اللَّهِ شَيْئًا، قَدْ بَلَّغْتُ. ولا أَعْرِفَنَّ أَحَدَكُمْ يَأْتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ يَحْمِلُ بَعِيرًا لَهُ رُغَاءٌ يُنَادِي: يَا مُحَمَّدُ، يَا مُحَمَّدٌ. فَأَقُولُ: لا أَمْلِكُ لَكَ مِنَ اللَّهِ شَيْئًا، قَدْ بَلَّغْتُ".
By Muxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

Monday, August 14, 2017

QARAARKA MAXKAMADDA DASTUURIGA; MA WUXUU AHAA NINKII ROONI AQALKA HA U HADHO? by Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.




Garyaqaan Bacaluul. 
Qaabka uu u dhignaa Go'aankii ugu dambeeyay Maxkamadda Dastuurga ahaa, wuxuu u muuqday mid ku salaysan hab-dacwadeedka, oo aan shaqo ku lahayn nuxurkii khilaaf ee u dhexeeyay dhinacyada (merit). Waxay maxkamadu hareer iskaga weecisay ka garnaqista dacwaddii uu Talyanleh uu kaga codsanayay in dib-u-eegis garsoor (judicial review) loogu sameeyo go'aankii Golaha ee lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha 6-dii bishan, Iyadoo Maxkamadu tilmaantay in aanay arrinta loosoo gudbiyay ahayn mid dastuuriya, balse ay la xidhiidho xeer hoosaadka G/wakiilada.  Sidaasi darteedna ayna u gudogali dooddeeda. Waxaanay kusoo gabo-gabaysay in arrintaasi dib loo gula noqdo Golaha, iyadoo loo eegayo xeer-hoosaadka Goluhu sida uu dhigayo. 

Maxkamaddu halkaasi kagamay hadhine, haddana waxaad arkaysaa iyadoo hab-dacwadeedkii ka gudubtay oo hoos ugu dhaadhacday nuxurkii khilaaf ee ay cabashadu ka taagnayd oo ahaa qaabkii uu, u dhacay fadhigii G/wakiiladu ee la isku qabtay natiijadii cod-bixintiisa.  Maxkamaddu waxay ku tillmaanatay fadhigaasi su'aashu ka taagnayd natiijadiisa, mid loo maray sidii xeer-hoosaadku dhigayay (procedural rules). Iyadoo waliba aamusnaantii xildhibaan Talyanleh saaxiibadiisa ka dhigatay inay caddayn u tahay inay wax waliba sidii loo baahnaa u socdeen, balse ay sheekadan danbe keeneen markii ay dhammaadeen ee la isla qaatay ciddii ku guulaysatay loollankii loogu jiray afhayeenka aqalka. Miyaanay taasi ahayn dooddii laga  filayay dhinaca kale?
 Maxkamaddu ma iyadaa la garnaqsatay Cabdiraxmaan Talyanleh? 
Sidee ayay Maxkamadu u qaraarisay nuxur khilaaf oo aanay dhinacyadii isku hayay horteeda kaga doodin? 
Haddayna Dastuuri ahayn arrintani gabi ahaanba, oo aanay dacwaddani ka furmi karin Maxkamadda, maxay haddaas ku keentay inay wixii ka dhacay Golaha 6-dii August, ku tilmaanto tallaabooyin waafaqsanaa xeer-hoosaadka aqalka? 
Miyaanay ahayn inay ku ekaato Dastuuri ma ahadaas?

Haddiiba ay ka hadashay dulucda arrinta (point of issue), may ahayn inay Maxkamadu ag mar-marto. Waxay ahayd inay si buuxda u go'aamiso wixii looga dheg-taagayay, oo ay si xeel-dheer u daristo waxa la isku hayo, oo kusoo biyo shubanayaysa su'aasha ah "Go'aanka golaha ee lagu caddeeyay musharraxa ku guulaystay guddoomiyannimada goluhu, ma yahay mid sharciya oon mad-madaw ku jirin misa maaha? " Jawaabta su'aashaasi, waxay ahaan lahayd mid la xidhiidha arjigii dib-u-eegista go'aan ee maxkamadda loosoo gudbistay. Waxaana soo bixi lahaa go'aan dastuuriya maadaama oo waxa laga garnaqayaa uu yahay xil kamida xilalka dastuuriga ah sidii lagu buuxin lahaa. Go'aankaasina wuxuu noqon lahaa mid ku salaysan nuxurkii khilaafka (Decision on merit). kaasi oo noqon lahaa sidan qodob midkood uun; 

  1.  inay ayiddoo natiijadii shirgudoonkii ku meelgaadhka ahaa ku dhawaaqay oo ay Baashe u aqoonsato guddoomiyaha Aqalka, deeddafaysana doodii dacwoodaha. 
  2. inay laasho natiijadii cod-bixinta, haddii ay ku qanacdo inuu mad-madaw ku jiro natiijada, oo la horkeeno caddaymo lagu kalsoonaan karo, Kadibna ay amarto in mar kale lagu celiyo codbixinta sida uu dhigayo xeer-hoosaadka aqalku marka uu mad-madaw galo tirada codbixinta (iyadoo waliba qaabka ka hufan qaabkii hore loo codaynayo).
Haddii aynu ka eegno dhinaca habraac eed mooddo inay Maxkamadu ka jawaabtay su'aasha ahayd 'Cabashada loosoo gudbiyay, ma tahay mid la dhageysan karo oo ku salaysan xaqiiqo iyo sharciba?' Waxay Maxkamadu kaga jawaabtay "ma aha", iyadoo ku salaysay inayna doodda loo soo gudbiyay aanay waafaqsanayn Qodobka 98(1) ee dastuurka. Maadaamo oo ay maxkamadani tahay, maxkamad fasiraadeed, waxa la gudboonnaa, inay asbaabteeda qaraar inoogu qeexdo, waxa ay tahay 'dacwad dastuuriya' ama shuruudaha laga rabo dacwad dastuuriya ee aanay buuxin cabashadani. Taasi oo aanay Maxkamadu samaynin.

Waxaanay fasiraaddaasi sharciyeed, ahaan lahayd mid buuxiso qebyada xeer la'aaneed ee dacwadaha Dastuuriga ahi haysata. Fasiraaddaasi ayaa cabashooyinka dambe dastuuriga ah amaba idaariga ah, u noqon lahayd hab-raac lagaga qiyaas qaato. Sidoo kalana waxaynu fahmi lahayn, sababta ay dacwaddan Talyanle u noqn weyday  mid dastuuriya, ee ay Dastuuri u noqotay, dacwaddii Baashe Faarax, ee uu kasoo baxay go'aankii (MS/GMS/G-7/282/2013) ee ay Maxkamadda Dastuuriga ahi ku hakisay magacaabista guddi-hoosaadyadii Aqalka? 

Muxuu yahay Faraqa labada dacwadood u dhexeeya, waayo labaduba waxay xidhiidh la lahaayeen Xeer-hoosaadka G/Wakiilada? Labaduba waxay khuseeyeen go'aanno uu lahaa Aqalku Wakiilladu ? 

Labadaasi arrimoodba waxay soo afjari lahaayeen khilafkii Golaha, waxay Maxkamadu noqon lahayd mid gudatay xilkeedii Dastuuriga ahaa oo aan ka baxsanin. Waayo Garsoorka waxaynu u samaysannay inuu noqdo bar-dhammaadka khilaafkasta oo lagala maarmi waayo xalk ka gaadhistiisa. Waana laga qurux badnaa inay Maxkamadu waji kale u yeesho khilaafkii soo gaadhay, iyadoo waliba aaminsan inuu khilaafkii wali taaganyahay marka ay soo jeedinayso inay mudanayaashu khilaafkooga ku dhammeystaan aqalkooda. Hadday ku dhammeysan karaan, maxaa keenay Maxkamadda? Haddayse ku dhammaysan kari waayaan, miyaannay ahayn kii roon Golaha ha usoo hadho marka ay labada qoloba, tiro ahaan isku dhigmaan, qolo walibana shirguddoon gaar ah wadato, oo aanu jirin mid la isla wada aqoonsanyahay, tiradooduna ayna waxba isdheerayn?

Haddii aad eegto asbaabta ay maxkamaddu u cuskatay qaraarka ee ay ku sheegtay "in aanay jirin cid durtay habkii loo raacay codaynta", Waa dhab oo may jirin codaynta ka hor iyo marka codoyntu socotayba wax buuq ah amma duris oo ka dhex dhacday Fadhigii Golaha, Xildhibaannadu si deggan ayay u fadhiyeen, wax walibana waxa uu udhacay si qurux badan, tar-tamayaashuna raalibay ka ahaayeen qaabkii loo guddoominayay fadhiga. Waana halka aad mar is odhan karto Maxkamadu markay leedahay fadhigu wuxuu dhacay si waafaqsan nidaamkiisii caadiga ahaa, wey saxsantahay. Balse markaad dhuuxdo doodda dacwoodaha, waxaad arkaysaa inuu leeyahay ismalaha cod-tirintii iyo natiijadii lagu dhawaaqay. Taasi oo noqon lahayd  mid uu ku saxsanyahay amma uu ku qaldanyahay haddii la siin lahaa fursad lagula darso, oo lagula eego wuxuu cuskaynayo.  Halkan se waxay Maxkamadu kaga hadlaysaa uun xilliga ay tabashadani timid inay tahay xilli ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, oo ay markii hore ahayd inuu dacwdooduhu duro natiijada, taasi ood u fahmi kartid in la lagu leeyahay 'waxaad ku deg-degtay hambalysada'. Dooddaasi maxkamadeedna waa mid uun ka hadlaysa waqtiga ay cabashadu timid, ee maaha mid ka hadlaysa waxay cabashadu ka timid. 

Mana jiro qodob-sharci oo waqtiyaynaya saacadaha ay tahay in la duro amma laga cawdo go'aan sidan oo kale oo u dhacay.  Haddii aad wax qalad ismoodsiiso inuu saxyahay,(Mistake of Fact) hadhawto  xaq uma lihid inaad codsato dib-u-sixiddeeda? Sharciga wax loo samaysato in aanay cidina u qatalmin cid kale, oo si cad loogu maareeyo danaha iyo xidhiidhka dadka dhexmara. Ha noqdo xidhiidhkaasi mid bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeedba. Sidaasi darteed ayaanay sax ahayn in lagu yidhaahdo "waa lagula gaadhaye iska qaado", balse wuxuu Sharcigu jidaynayaa in aanu qofna ku ladin wax uu si weecsan ku kasbaday (negative gain): ha noqoto adduun, kursi, magac iwm.

Maxkamaddu waxay qaraarkeeda ku sheegtay in aanay dacwaddani ahayn mid dastuuriya, sidaa darteedana aanay ka garnaqisteedu u bannaanayn. Dooddaasi oo aanan anigu qabin inay sax tahay (haddii waxa la isku hayaa uu yahay go'aankii golaha ee lagu iclaamiyay Shirgudoonka Cusub ee Golaha Wakiilada). Go'aankaasi oo ay tahay in sharci ahaan la aaminsanaado (Presumption to be valid) illaa inta ay caddaymo liddi ku ah lagu burinayo ansaxnimadaasi.  Waxaanay dacwaddani dastuuri ku tahay sababahan;
  1. Marka laga yimaaddo Qodob sharciyeed oo la isku hayo fasiraaddiisa, waxa sidoo kale noqon kara dacwad dastuuriya;
  2. Go'aan kasoo baxa gole dastuuriya oo la isku qabtay dastuurinnamadiisa, ama ansaxnimadiisa. Ku dhawaaqista Guddoomiyannimada Baashe Maxamed Faarax, waxay ahayd go'aan gole oo uu shirguddoonku ku dhawaaqey. Sidaa darteed dib-u-eegista Garsoor ee maxkamadda laga codsaday waa mid noqon dastuuri ahaan looga garnaqi karo;
  3. Go'aanka Dib-u-eegista garsoor la marinayona waa inuu noqdaa mid ay kasoo cabatay cid/hay'ad uu go'aankaasi saameeyay awood ama xaq uu lahaa. Cabdiraxmaan Talyanle xaqbuu u lahaa (locus standi) inuu dib-u-eegistaasi dalbado maadamao oo go'aankaasi saameeyay xaq siyaasadeed oo uu lahaa ;
  4. Doorashada Shirguddoonka G/wakiiladu waa arrin dastuuriya (Qod; 44/3 Dastuurka). Shirguddoonku waa ciddii ku hadlaysay awoodda Golaha ee meelwalba ku matalaysay magaca wakiilada. Waana arrin dastuuriya inuu Goluhu lahaado Shirguddoon uu isku raacsanyahay si uu, u ahaado Gole gudan kara waajibaadkiisa, Sidaa darteedna Xilka guddoomiyaha aqalku lama mid aha magacaabista Guddi-hoosaadyada aqalka, iwm;
  5. Cabashada Maxkamada loo soo gudbiyay maaha mooshin dib loo dhig-dhigi karo oo la mid ah arrimaha caadiga aha een xidhiidhka la lahayn mansabka shirguddoonka, amaba uu Guddoomiyuhu kala simanyahay xildhibaannada kale, Balse arrintani waa mid saamaynaysa dhismihii iyo wadajirkii golaha. Waayo waxa la isku hayaa, ciddii fadhiga soo socda guddoomin lahayd Golaha wakiilada. 
Waxa sidoo kale jirta dood sharciyeed oo gabi ahaanba kasoo horjeedda doorka garnaqiseed ee Maxkamadda Dastuuriga ku leedahay arrimaha kuwan oo kale ah ee Gole Dastuuriya uu isku qabto. Sharciyaqaannada aragtidaasi qaba ayaa ku doodaya inuu Golaha wakiiladu yahay aqal ismaamula oo ka madaxbaannaan Waaxda Garsoorka, arrimihiisana ay tahay inuu isagu dhammaysto isagoo u maraya xeer-hoosaadyadiisa. Waxayna qabaan in go'aan kasta oo garsoor oo la xidhiidha arimaha nidaam ee xeerdajinta, uu yahay farogalin Waaxeed.

Kala-madax-bannaanaanta Saddexda Waaxood (Separation of powers) ee dawladdu maaha aragti koox gaar ahi wadato, balse waa mabda' dastuuriya. Waxa se jira, garyaqaano marka ay hadlayaan, kala madax-bannaanta awoodaha, indhaha ka lalinaya, mabda'a kale isna ku lammaan ee 'isxisaabinta waaxaha qaranka' (Check and Balance). Waa run oo Maxkamada Dastuuriga ahi, ma farogalin karto arrimo waaxaha kale, haddii aanay iyagu buuqooga lasoo doonan. Marka se,  looga soo cawdo amaba ay iyagu soo kala cawdaan, waxa Maxkamadda ku waajiba inay ciddaas/hay'addaasi caddaaladda soo bidday u jawaabto.


 Khilaafkasta oo laba dhinac u dhexeeyaa, wuxuu ku dhammaan karaa, saddex qaab mid uun 1); iyadoo dhinacyada is-hayaa ay iskood uga heshiiyaan, 2) Iyadoo mid muquuniyo midka kale, oo dhinaca la muquuniyaa isdhiibista xal mooddo , 3) iyadoo dhinacyada is khilaafsani ay iskula tagaan dhinac saddexaad oo iyaga ka madax bannaan, kaasi oo laga filayo go'aan dhex-dhexaada. Markaas Garyaqaannada diiddan awoodda gar-qaadiseed ee Maxkamadu bal waa kaase ha sheegaan wajiga afraad ee uu ku dhamman karo khilaafka Aqalka Wakiilada ka aloosan iyo midkasta oo lamid ahiba, marka ay labada waji ee hore fashilmaan ee xal lagu gaadhi waayo?

Guntii iyo gobo-gabadii, khilaafyada dastuuriga ahi ama kuwa maamul (ee u dhexeeya dawlada iyo dawlada, ama dadka iyo dawladdu)  maaha wax la sharaysto, balse waxay tilmaamayaan koritaanka aragtida iyo Fahamka sharci ee bulshada. Waxaanay dhinac kale tusaale u yihiin, inaynu nahay bulsho siyaasadeed oo uu ku-dhaqanka sharcigu (rule of law) xaggooga ka jiro. Taasina suurto gali mayso, haddii aanu fikirka Maxkamadaheenu halkiisaasi ka korin, oo aanay ragga shaadirka madaw u qaatay ee miiska saarani, aanay ku dadaalin sidii ay u curin lahaayeen mabadi' sharci oo dhaafsiisan xalalka ku meelgaadhka ah ee galalka horyaalla. Waxaana yoolkaasi, ka midho dhalin kara, Garsoor dhiirran iyo sharciyqaano daah-furleh, oo si xeel dheer uga baaraandaga doodaha dastuuriga ah ee ka dhasha goldaloolooyinka sharciyeed ee jira. Markaas ayuu noqon karaa, dastuurka iyo nidaamka siyaasiga ahi mid kora, oo ina siiya faham ballaadhan oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka guud/gaarka ah ee nidaamka bulsho-siyaasadeed dimuqraadiya ku dhisanyahay. 

Sidoo kale, waxa loo baahanyahay in la sameeyo, xeerkii Maxkamadda Dastuuriga ahaa (Constitutional and Administrative Court Act), kaasi oo nidaamiya, hab-dacwadeedka la xidhiidha arrimaha maamul iyo kuwa dastuuriga ah, si ay  ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinku u noqoto waajib-sharciyeed oo dhaqangala,  oo hayadihii u xilka saarnaa lagala xisaabtami karo. Haddii xeerkaasi sidaasi usii maqnaadana, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadinku waxay ahaan doonaan, siday imikaba yihiin: khad-madaw oo ku xardhan baal cad.

(Updated 19th Aug, 2017)
 

 Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi 12@gmail.com)




Lifaaq:



Qod 37-aad Xeer hoosaadka G/Wakiilada, Xeer Lr 1/2006.

Saturday, July 15, 2017

BUDHCADII DHACDAY BANGIGII GUANGZHOU EE DALKA SHIINAHA IYO SHEEKADII KA DAMBAYSAY,.by Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul





Markii ay nimankii budhcadda ahaa ay iyagoo hubaysan dadweynihii ku sugnaa bangiga ugu galeen, ayay amar ku siiyeen “ Inay dhulka isku wada daadiyaan, oo ay beerka dhulka saaraan iyagoo labadooda gacmoodna hortooda ku fidinaya” waxay sidoo kale ku yidhaahdeen iyagoo u digaya “ Ha is dhaqaajinina, lacagta dawladdaa iska leh, idinkiina lafihiina uunbaad leedihiin”
Dadkii mid waliba sidii la yidhi ahaw ayuu ku qallalay.
Markii ay gabadh shaqaale ahayd oo miiskii hawlaheeda fadhidaa, ay iyadoo firkanaxsan ku qayliday “Waa budhcad bangiyeed” si ay usoo jeediso waardiyayaashii mar horaba taladaba lagala wareegay, waxay ugu jawaabeen “ Fadlan qof ilbaxa iska dhig, waxa loo socdaa waa bangi-dhicise maaha kufsi”
Markii ay budhcad-bangiyeedkii ku guryo noqdeen godadkoodii, ayuu kii ugu da’da yaraa kooxdu, ayuu odaygii ugu weynaa intii xaggiisa ku jeedsaday ku yidhi “ Kaabe, aynu tirino si aynu u ogaanno xoolaha aynu bushqadaha ku sidaannaa inta ay leegyihiin"
Kaabahii kooxda intuu ilka-caddeeyay ayuu ku yidhi “Miskiin, ma inagaa waxanoo lacag ah kalatirinteeda ka gayoonayna maantoo dhan, aynu iska nasanno caawaba warka Tv-ga ayaa inoo sheegi doona intay tahay lacagtuye”
Markii ay hadaba qoladii budhcaddii ahayd, ay si deg-deg ah hawshoodii u fushadeen, wixii ay gacmaha la gaadheen ee waqtigu u saamaxyna ay la tageen, ayauu Maamulihii Laanta haystay ayaa Inta uu u dhaqaaqay xaggii telefoonku yaallay yidhi waa in aan la hadlaa bilayska, Maareeyihii Guud oo meesha joogay markaa meesha joogay sare ayaa ku yidhi “ Sug horta, aynu innaga lafteenu meesha ka qaadano 50 Milyan oo dollar, oo aynu u dhex raacino bililiqada dhacday,  oo aynu ku darsanno 20-kii Milyan ee aynu horaba u meelaysanaye ee aynu garan la'ayn wax aynu ku sababayno”
Markii ay isla qaateen, ayuu yidhi Kormeerihii 
 “ Fiicnaan lahaydee, bangi-boobkan oo bil walba inagu dhacdaa”
Maalintii ku xigtay, ayuu warkii Tv-gu wuxuu sheegay in Bangiga laga dhacay 75 milyan oo dollar. Markii ay budhcad-lacageedkii ay warkii maqleen ayay bushqadahoogii dib ugu  noqdeen, oo ay wada hurgufeen. Wixii ay meesha ugu tageenba waxa uu dhaafi waayay 5 Milyan oo dollar.  
     Nimankii budhcadda ahaa ay ciil dibinta ruugeen markii ay ogaadeen sida loo hafrayo ee loogu dabajoogo wax aanay qaadan. Waxa uu mid ka mid ahi yidhi isagoo madaxa lulaya “ Nolasheenna waxa aynu khatar ku galinnay, sidii aynu shantan xun ee aynu haysanno ku dhici lahayn, Maamulkii bangiguna ayaarbay iyaga oo aan is-hawlin ay 70 Milyan hoosta gashadeen, xataa si aad budhcad bangiyeed khatar ah u noqoto waa inaad wax-barasho lahaataa”

Masuulkii bangigu isna marka uu daawaday warkii aad buu dhoosha uga qoslay, waayo  khasaarihii ay maamul-xumaantiisa iyo go'aanada uu qaatay ay sababeen iyo waxyaabihii uu lunsaday, waxa qariyay oo ay eeddeedu fuushay dablaydii bangiga weerartay.

Donald Trump Oo Aan Ku Qanacsanayn Farogalinta Uu Maraykanka Oo Dhami Ku Eedaynayo Ruushka-W/Q Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.




Garyaq, Bacaluul. 
Hadalka kasoo yeedhaya Donald Trump, ee sheegaya in aanu ku qanacsanayn Faragolinta Ruushka lagu eedaynayo ee la xidhiidha Doorashadii Madaxtooyada.  Arrintaasi ayaa keenaysa in illaa imika su’aalo badan la iska weydiiyo waxa uu  Aqalka Cad ka yeeli doono, markay soo gaadho ansixinta cunaqabataynta cusub ee ay Golayaasha Xeer-dajintu kusoo rogayaan Ruushka.
Anthony Iskaramusi oo ah Agaasimaha Xidhiidhka ee Aqalka Cad,  ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu aaminsanyahay, inay Sirdoonka Ruushku ku “kalsoon yihiin xirfaddooda iyo xeeladdooda ay ku basaaseen Kombiyuutarrada”, sidaa darteed aanu qabin in aanay ka tagi doonin wax raad ah oo la arko, haddiiba ay basaaseen kombiyuutarada Xisbiga Dimuqraadiga.
“Haddiiba ay Ruushku jabsadeen Kombiyuutaradan oo ay abuureen xaalladdaasi, e-mayladaasna ay faafiyeen, maydaan aragteen, waligoodna kamay tageen wax caddayn ah oo lagala daba yimaado’’ ayuu sheegay Skaramusi inuu Madaxweyne Trump yidhi.
Iskaramusi oo ah xoghayaha Xidhiidhka ee Aqalka Cad ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu dalbaday in sharci ahaan lagala taliyo awooddiisa Cafis-u-fidinta Dambiilayaasha, wallaw markii ay dambe qaar ka mid ah  La-taliyayaasha Sharci ee Trump, arrintaasi diideen inay dhacday.
Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay bishii Jeenawari inay basaasiin  u adeegaya Dawladda Ruushku, ay jabsadeen Xogihii Olalaha ee Xisbiga Dimuqraadiga, si ay gacan uga siiyaan Donald Trump inuu ku guulaysto Doorashada.
Dambi-baadhista Federaalka iyo labada guddi oo ka tirsan Golayaasha Koongarayska iyo Senatka ee u badan Xisbiga talada haya, ayaa ku gudo jira hawlaha lagu baadhayo inay Olaleeyaashii Trump ee Xilliga Doorashooyinkii ay ku lug lahaayeen basaasnimadaasi iyo in kale.
Wiilka Donald Trump, ee la magaca ah, ayaa shalay arrimahaasi wax laga weydiinayay, kadib markii ay soo baxday inay isaga iyo qaar ka mida kuwii u ololaynayay Donald Trump inay la kulmeen Qareen Ruush ah oo sida la sheegayo Maraykanka u timid inay difaacdo shirkado Ruush ah, oo lagu xidhiidhinayay inay gacan-saar la leeyihiin Sirdoonka Ruushka.
Haddaba, iyadoo 6 bilood laga joogo, markii uu talada Maraykanka la wareegay, ayaanu Donald Trump u muuqan mid ku qanacsan xogtaasi sirdoon ee Maraykanku ogaadeen, waxaanu yidhi Iskaramusi isagoo soo tabinaya hadalkii Madaxweynaha ee uu arrintaasi ka yidhi “Wey dhici kartaas inay Sidaasi Sameeyeen (Ruushku) iyo in aanay samaynba”.
Donald Trump ayaa la sheegayay inuu, u olalaynay maalmahanba sidii u diciifin lahaa, dadaalka ay Aqallada Koongarasku ku jireen ee ay ku doonayaan, inay Cuno-qabatayn cusub kusoo rogaan Dalka uu Ruushka, maadaamo uu farogaliyay arrimihii Doorashooyinka ee Dalkooda.
WAA TUMA QAREENKA RUUSHKA EE MARAYKANKU ISKU EEDAYNAYO LA KULANKEEDA?

Natalia Vaselnitiskaya (Qareen Ruush ah)
Nataliya Vasalentiskaya, may ahayn qof magaceedu shaashadaha iyo warbaahinta kasoo bixi jiray, oo xataa lagama yaqaano Magaalada Moosko ee ay ka timid, sida ay sheegtay jarriiddada Los Enjalis taymis. Markii la ogaaday inay Huteelka Trump Tower, kula kulantay Wiilka Madaxweynaha (Trump Juuniyar) iyo Rinata Akhmetkin oo sirdoon hore oo Ruusha ahaan jiray, ayay noqotay qof aad looga hadal hayo warbaahinta caalamka.
Falentiskaya, oo ay da’deedu tahay 42 jir, ayaa hore dacwad-ooge uga noqotay Gobolka Moosko, oo ay garsoorkeeda hoos tagaan xaafado baahsan oo ay dadweynuhu deggan yihiin kana shaqaystaan iyo xaafado millatari ba. Dadka gobolkaasi deggan oo ah kuwo dhaqaale badan haysta, kuna ceesha musuq-maasuq iyo la-shaqaysiga Siyaasiyiinta.
Waxaana la sheegayay in aanay dalka Maraykanka kusoo galin wax fiise ah, balse ay kusoo gashay ogolaanshe gaaban (parole), oo aalaaba la siiyo dadka aan muddo badan sii joogayn ee hawlo kooban ku immanaya Maraykanka.
Sannadkii 2015 iyo 2016, oo ahayd intaanay la kulmin Wiilkan Trump, ayay qoraaladeeda ay Maxkamadaha Maraykanka u gudbisay kaga cabatay Xukuumada Maraykanka, oo ay ku sheegtay in lagu dhibayo joogitaankeeda ay joogto Maraykanka, lana rabo inay ka baxdo dalkaasi, taasi oo siday ku doodaysay wax u dhimaysa danaha ciddii ay difaacaysay.
Bishii Jeenawari, 2016 ayay ka dhammaatay muddadii ogolaanshaha ahayd ee ay Maraykanka ku joogtay, waxaana laga diidday codsigii ay ku doonayso in joogitaanka loogu kordhiyo, sida ay ku caddaysay cabashooyinkii ay usoo gudbisay mid ka mida Maxkamadaha Rafcaanka ee Maraykanka.
Preet Bhrara (Dacwad-ooge ka tirsan South District NY). 
“Waxa la igu qasbay in aan ka baxo dalka, waanan ka baxayaa, taasina waxay noqon doontaa mid ka go’an xuquuqdii dhinacyadaan difaacayay”
Kama dambaystii ayaa la ogolaaday in loo kordhiyo muddadii joogitaankeeda, intii waqtigaasi ka dambaysayna lama arag iyadoo mar kale ka cabanaysa hay’adaha Socdaalka ee Maraykanka, sida uu jariidada Los Enjalis Taaymis u sheegay mid kamida saaxibadii ka ag-dhawaa Falentiskaya. Waxaanay illaa imika su’aali ka taagantahay sida cabashooyinkii Faselnitiskaya loo maareeyay, iyo cidda arrintaasi gacan ka geysatay?
Bishii Septembar ayaa qoraal uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Degmo ka mida degmooyinka New York (South District New York), ay ku dalbadeen inuu Maxkamadda hor yimaado nin la yidhaahdo Anderei Pavlov, si ay Maxkamadda horteeda wax looga weydiiyo. Waxaana Yeedhmadaasi ku lifaaqnaa dalab, ninkaasi lagaga rabay inuu Maxkamadda usoo gudbiyo dhokumantiyo ka mida qoraaladda isaga iyo dhex maray lix qof oo ay ku jirto Falentiskaya.
Haddaba, Xeer-ilaaliyihii arrintaasi dambe baadhitaankeeda dusha ka wadday oo la odhan jiray,  Preet Phrara ayuu bishii Jeenawari Xilka ka qaaday Trump.  Taasina lafteedu waa arrin kale oo ay su'aali ka dhalan karto. 









Wednesday, May 3, 2017

GEEDISOCODKII DIMUQRAADIYADEED MA LAGASII AMBAQAADAY HALKUU CIGAAL KAGA TAGAY, MISE DIBAABA LOOGASII NOQDAY? by Garyq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.



Maanto kale waxay shacabka reer Somaliland waxay ka midaysnaayeen, geeridii asiibtay Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Waxa ay isaga intii la shaqaysayba dadkan kasoo saareen marxalado taariikhiya, oo mid-midda kale ka adkayd, Marxaladdii abaabul-kasaarka (Hubka kadhigista), Nabadayntii, iyo marxalladdii ugu dambeysayee Qaran-dhiska oo ka bilaabmaysay Shirweynihii dib-u-heshiisiinta ee 1997-kii. Marxaladdaasi oo ay geeridu kasoo gaadhay, isagoon dhammeystirin, balse wajigeegii hore dhaqaajiyay (Aftidi, dhaqan-galintii Dastuurka, iyo ku dhawaaqistii Xisbigii ugu horreeyay).
Su'aashu waxa weeyi mala dhaafay marxaladdii nidaam beeleedka ooma lasii ambaqaaday nidaamka xisbiyada badnaa? anigu ma qabo, waayo xataa xibigii ugu horreeyay ee uu asaasayba, maanta ma jiro. Doorashooyinku maaha wax-qabad, balse waa hab loo maro horumarka bulshada, ciddii isbaddal nololeed ummada u horseedi waydana lagaga takhalluso.
Waxaan la yaabaa kuwa qaba daahir Riyaale inuu ambaqaaday marxalladii Qarandhiska, ee ku sababeeya doorashooyinkii uu qabtay. Doorashooyinkaasi, Kuwa taasi qabaa, waxay caayayaan caqliga bulshada reer Somaliland. Haddii uu Daahir Riyaale kaas yahay, bulshada kamay biyo-diiddeen sidii uu wax u waday, iyagoo doorashadaasi tii ka horreeyay, rajo ay ka qabeen darteed codkii uu dalka ku xukumayay siiyay.
Illaa maatana, xisbinnimadii iyo doorashooyinkiiba, malaha wax nuxura, ama hindiso lagu hirto oo ku dhisan mabada' la hubo in daacad laga yahay. Xisbiyada dhexdoodiiba mar haddaanay dimuqraadiyaddu ka jirin, sideebuu xisbi uga hirgalin karaa, dalka wuxuu isaguba diiddanaa?
Haddii aad qabto dood taasi kasoo horjeeda, waxaan ku odhan lahaa, in aanay ka jirin waxa kaaga marag ah Guddoomiyannimada iyo musharraxnimada Faysal Cali Waraabe ee hadhi la, iyo Guddoomiyanniamadii UDUB ee Daahir Riyaale ee ku eekayd uun ayaamuhu talada hayay.
Mar haddii uu guddoomiyaha xisbi, uu xisbinnimada, u yaqaanno meel kulmisa dad uu badawsan karo, oon la tar-tami karin, dood u celin karin, amaba ku dan qaba dabasocodnimadiisa, Waxaan odhan lahaa xisbiyo-ku-sheeggeenu waa xool ay kusoo bar-baarayaan kalitaliyayaal aanay kursi-doonistooda mooyee, jirin xikmad kale oo uga dambaysaa. 
Bal eeg, waxa ku dhacay kuwa badan, oo ka horyimid ama isku dayayba inay la tartamaan guddoomiyaashii xisbiyadooda. Kuwaasi ku-dhaca la yimid oo uu, ugu horreeyay Dr, Cabdi Aw Daahir, (shirweynihii Golaha Dhexe ee Udub dibadda loogu tuuray 26-kii, December, 2002), xaggay ku dambeeyaan marka dambe?
Waxay dhacda inay kuwaasi hanka yeesha ee diida dabasocdnimadu, inay kasoo dullaamaan xisbigii ay ka tirsanaayeen, oo iyagoo maqiiqan isku shubaan xisbi kale, Su'aashu se waxay tahay;  Miyay haddaba ka diidaan guddoomiyahaasi cusub, waxay koogii horaba ka diideen?

Jawaabtu maaha mid sidaas usii ridan, mar haddii aan lagu kala tagin aragti iyo mabaadi'i danteenna ah . Waxa Ina Muumin Seed ka keenay xisbigii uu asaasay, waa waxa Xirsi iyo saaxiibadiina ka kexeeyay xisbigii iyo xukuumaddii uu kusoo shaacbaxay. Waxay isla dhaaf-dhaafayaana, wa hal shay oo qudha; oo ah ficil iyo aargudasho siyaasadeed. Taasina  run ahaantii, waa arrin iyo dareen shaqsiya oo aan dhaafsiisnayn hirdankii iyaga iyo asxaabtoodii hore dhex maray dharaarahaasi, 

Haddii ay Guddoomiyaashii xisbiyadu tartan diid noqdeen, xeerarkii xisbiga ee heshiiska lagu ahaana, ay kolba sida dantooda ah u dhigteen, waxay ahayd inay ugu yaraan kooxda laga adkaadaa, ay ku dadaasho sidii aan xisbigooga looga adkaadeen; mar hadday halkay tagaanba orgome kale oo taladiid ahi ka horreeyo,  Haddii se, aanay jirin aragti iyo mabda' balse lagu wadajoogay uun danayaal la kala watay, miyaanay ahayn inay kuwii danahooda waayay,  ay isku dano noqdaan ? amaba ay abuurtaan urur cusub  oo ku dhisan waayo-aragnimadoodii siyaasadeed. Urur isbadal iyo itijaaha cusub wata, kana fayow waxyaabihii hore u kala jabiyay urruradii hore.
Dimuqraadiyadda aynu sheeganaynaa, maaha wax dhaafsiisan maalmaha ay laydha doorashooyinku ina hayaan. Xisbinnimaduna maaha, mid ku dhisan qaadhaanka taageerayaasha uu xisbigu dalkoo dhan ku leeyahay (heer degmo illaa gobol). Kuwaasi oo guddomiyayaashooda heer degmo illaa gobol ay kusoo baxeen tar-tan xisbiyeed hoose oo dhexmaray xubnihiisa degmadaas/gobolkaasi. Halka ay maanta  xafiisyada iyo ergooyinkuba ka yihiin, magacyo uu guddoomiyuhu sameeyo iyo qolol uu mafaatiixdooda bixiyo maalmaha ololaha. Waliba kaaga sii darane ay inta ka qab-qablaysa xarumaha xisbiguna, ee isku haysta inay hormood u yihiin xisbi qaranna, waa shaqsiyaad kooban oo magacyadooda iyo muuqoogaba aanu dhaafin xaafadaha caasimadda.

Akhriste, hadaba adigaan su'aal kuu celiyay, geeddisocodki dimuqraadiyeed ee lagu taamayay, ma halkaasuu kuu socday? 

Garyaq, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

THE THREE DRIVERS. BY MOHANED AHMED ABDI BA'ALUL

  THE THREE DRIVERS ​The sun hung directly overhead, casting a harsh white glare across the compound. The air at the Central Station was th...