Posts

HOW CAN CORRUPTION BE PREVENTED LEGALLY IN SOMALILAND?

Image
  Corruption cannot be effectively addressed through a merely reactive, after-the-fact approach that relies on tracing financial irregularities once suspicion has already emerged. Such a delayed response is inherently insufficient and often ineffective. Instead, what is required is the establishment of a strong, comprehensive, and well-coordinated legal framework designed to proactively prevent corruption before it takes root. This framework must significantly reduce opportunities for embezzlement, bribery, extortion, and abuse of public authority , while simultaneously strengthening accountability, integrity, and transparency at every level of governance. A truly effective system depends on close institutional cooperation, strong regulatory oversight, and active civic participation . At its foundation, financial oversight institutions such as Central Banks play a critical and indispensable role in promoting accountability. They may be tasked with monitoring financial activity a...

SHARCIGA JIRA vs SHARCIGA QORAN

Image
Sharciyaqaano badan oo mar walba u taagan ilaalinta ku dhaqanka sharciga iyo dastuurka ayaan arkayaa. Kuwaas oo iftiimiya dhacdooyinka xadgudbyada ku ah dastuurka iyo shuruucda ee sida il-duufka ama badheedhka ah ay ugu tallaabsadaan masuuliyiintu. Sida dhacdadii uu dambeysay ee uu xildhibaan ka mid ah uu Golaha Wakiiladu oo loo magacaabay Wasiir uu kaga qeybgalay Shirkii Golaha Wasiirada isaga oo aan si rasmiya u marin habraacii sharci ee xil iskaga tagidda Golaha. Walaw ay uu ka qaybgalkaa uu ka qaybgalay Fadhiga Wasiiradu ay si dadban u muujinayso  (implied intention) in uu shaqsi ahaan ka tagay Xildhibaannimadii Golaha.    Sharciyaqaannada masuuliyadooda xirfadeed ayaa faraysa in ay ku baraarujiyaan nidaamka dawladnimo ku-dhaqanka sharciga, walaw aan arkayo in ay warbaahinteenna u jan-jeedha falanqeynta dhacdooyinka iyo hirdannadda siyaasaddu ay hoos-u-dhigtay codkooda (downplayed). Garyaqaanadu se taas eed kuma laha oo way guteen xilkoodii aqooneed oo arrinkoodu waa;...

Restoring Constitutional Equilibrium: Executive Overreach, Patronage Networks, and the Imperative of Parliamentary Fiscal Gatekeeping By Garyaq Maxamed Axmed Cabdi (Bacaluul)

Image
Restoring Constitutional Equilibrium: Executive Overreach, Patronage Networks, and the Imperative of Parliamentary Fiscal Gatekeeping I. The Normative Rule: Constitutional Equilibrium and the Separation of Powers The structural integrity of the Somaliland constitutional order depends on a clear division of institutional powers. The legislature holds the primary law-making function and, most importantly for present purposes, the Power of the Public Purse . This includes the constitutional authority to authorize public expenditure, approve the national budget, and establish independent public administration institutions through legislation. The executive has a different role. Article 90 of the Constitution gives the President and the executive authority to administer the law, direct national policy, and organize the internal administration of government. This necessarily includes the power to establish departments, directorates, and other administrative units within existing minis...

XEELADAHA LOO SHAQEEYAYAASHU KU DEEDAFAYAAN DACWADAHA LA XIDHIIDHAHA XUQUUQAHA SHAQAALAHA EE KA BAXSAN MUSHARKA

Image
  Mushaharka shaqaaaluhu waa halbeegga lagu saleeyo gunnooyinka (non-wage payments) iyo xuquuqaha ama xorriyàdaha kale ee ee ay xeerarka shaqaaluhu u dammaanad qaadaan shaqaalaha. Gunnooyinka haddii aynu ku qeexno lacagaha kale ee ka baxsan mushaharka joogtada waxa ay noqon karaan: 1. mushqaayadaha saacadaha dheeriga ah ee uu shaqeeyo (overtime) 2. Habeen-dhaxyada (per diem) 3. Xaqal ciideedyada 4. Xaq sannadeedka  5. Qorshaha hawlgabeedka (retirement plan). 6. Caymisyada: caymiska caafimaadka ama daaweynta, caymiska ka shaqo la'aanta (haddii uu jiro). 7. Lacagaysashada Fasaxyada (paid off leaves): fasaxyada uu qofka ka doorto inuu shaqeeyo.    Waxaas oo dhan marka la isku daro, waa inay ka yaraadaan heerka mushaharka uu joogo maadaamo oo uu yahay salkooga ama halbeegga laga qiyaas qaato marka la jaangoynayo gunnooyinkaasi. Marka ay u badanyihiina ay waxa ay wadartoodu noqotaa kala badh mushaharka (50%). Boqolkiiba kontonkaas ay uga dhigmaan mushaharka, ayaa xuquuqah...

Baarlamaanku miyay awood sharci u leeyihiin in ay laalaan go'aan maamul?

Image
  Baarlamaanku miyay awood sharci u leeyihiin in ay laalaan go'aan maamul? Walaw aanan qoraal ahaan arag go'aanka la sheegay in ay G/wakiiladu ku laaleen go'aan kasoo baxay Guddida Tacliinta Sare oo la xidhiidha muddooyinka lagu qaadanayo heerarka tacliimeed ee jaamacadaha dalka.    Haddiiba u jiro go'aankaasi;  waxan is weydiiyay qodobada sharci ee ay u cuskadeen go'aankooga, gaar ahaan kuwa awood u siinaya in ay laali karaan go'aan kasoo baxay hey'ad fulineed sababta ay doonaan ha u cuskadaane. Waxa aynu ognahay in ay waaxda xeerdajintu la xisaabtan ku leedahay hey'adaha fulinta. La-xisaabtanka xeerdajinta (parliamentary oversight) oo inta badan waxa uu u dhacaa laba qaab oo kala ah: (1) mid warbixin muddaysan ah oo lagaga rabo hey'adda maamul in ay ku soo celiso xeerdajinta. War-bixintaas qoraalka ah oo uu xeer baarlamaanku ku waajibiyay, tusaale ahaan warbixinta sannadlaha ah ee Hantidhawraha Qaranka ama Guddida Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka; ; (2...

WAA MAXAY MADAXBANAANIDA GARSOORKU

 WAA MAXAY MADAXBANAANIDA GARSOORKU?? Madaxbannaanaanta Garsoorku waxa ay u qeybsantaa laba:    1) Madaxbanaani gudaha ah (internal independence ). 2) Madaxbannaani Dibadda ah (external independence). 1 ) Madaxbanaani gudaha ah:   Waa kala-madaxbannaanaanta Garsoorka gudihiisa. waxaanay usii kale baxdaa laba:    a) Maxbanaani hay'adeed (institutional independence): waa kala-madaxbannaanta ay Maxkamaduhu iyaga oo kala sarreeya, ay haddana ay mid walba u madaxbannaantahay awoodaheeda sharci (jurisdiction) iyo maamulista kiisaskeeda iyo kharashaadkeeda, iyada oo aan ka cabsi qabin in ay Maxkamadda ka sarraysaa si baalmarsan habraaca dacwadaha ugu soo farogaliso hawlaheeda.   b) Madaxbannaani Shaqsiyeed/xileed (Personal independence): oo ah in uu Garsoore kastaa uu si madaxbannaan uga go'aan-gaadho kiiska uu hayo, isaga oo maamulka maxkamadda uu ka tirsanyahay aanu si baalmarsan habraac dacwadaha (procedural rules) ugu farogalin karin gardhageysigi...

SIDDEEDA QODOB EE URURKA MASHRUUCA CADDAALADA DUNIDU (WJP) KU QIIMEEYO SIDA AY DALALKU UGU DHAQMAAN SHARCIGA (RULE OF LAW INDEX);

  SIDDEEDA QODOB EE URURKA MASHRUUCA CADDAALADA DUNIDU (WJP) KU QIIMEEYO SIDA AY DALALKU UGU DHAQMAAN SHARCIGA (RULE OF LAW INDEX);  Qodobka 1-aad: Xakamaynta Awoodaha Dowladda:    Qodobka 1 ee Tusaha (index) Ku Dhaqanka Sharciga ee WJP wuxuu cabbiraa ilaa heerka ay kuwa wax xukumaa ay ku xidhan yihiin sharciga. Waxa ay Sharciyadaasi koobsanayaan dastuurka koobanyahay iyo xeerarka kasoo baarlamaanka, iyo kuwa kasii farcama ee hey'ada maamul ku nidaamiyaan hawlaha loo igmaday, iyada oo la is weydiinayo illaa heerka ay madaxda sare ee garsoorka, xeerdajinta iyo fulinta ay xeerarkaasi xaddideen awoodooda, haddii ay taasi jirtana illaa heerka ay madaxdaasi iyo hey'adahoogu u hoggaansamaan dabarradaasi sharci ee u yaalla. Waxa kale oo ka mid ah illaa heerka ay awooda la xisaabtan u leeyihiin in ay hey'adaha aan dawliga ahayn sida saxaafaddu ay farta ku fiiqi karaan xadgudubyada awoodeed ee madaxda dawladda.  Qodobka 2: Maqnaanshaha Musuqmaasuqa :   Qodobka 2-aad...