Wednesday, September 16, 2015

DIIWAANGALINTA MADANIGA AH EE MAANTU, MA WAA XEELADBAA MISA WAA XIL-GUDASHO?


Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul



Garyq Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. 
Iyada oo aanu xeerkii diiwaangalinta Madanigu soo bixin, oo uu wali yahay mashruuc sharci aan marin xataa marxalad doodeedkii horraanta sharcidajinta ee horraanta ahaa,ayaa durba waxa soo ifbaxaya khilaaf siyaasadeed oo ku waajahan diiwaangalintaa. Xukuumada iyo Axsaabta mucaaridka oo ku kala tagsan diiwaangalinta muwaadinka, ay mid waliba bilaabay olalayaal warbaahineed oo dhinac kastaba ku rabo in uu kasbado taageero shacab.
Lama diidana inay diiwaangalinta muwaadinku tahay arrin loo baahanyahay. In la sugo tirakoobta muwaadiniinta ku kala nool degmooyinka iyo goboladu waxay fududaynaysaa qorshaynta maamul ee lagu fidinayo adeegyada bulshada iyo wax-qabadyada horamarineedba. Sidoo kale waxay noqonaysaa marjac iyo sees laga duulo, haddii nabadgalyada la sugayo, la baadhayo fal-dambiyeedyo, amaba la hubinayo korodhka tirada guud ee dadweynaha ku dhaqan dalka. Maadaamo oo ay hadaba  ka qaybqaadasha arrimaha siyaasadu tahay xaqa kaliya ee muwaadinku gaar u leeyahay ee aanay la wadaagin dadka ajaanibku, waa qasab in uu muwaadinku yeesho sumada aqoonsi oo xaqiijinaysa jinsiyaddiisa. Diiwaangalinta madaniga ahina,waa habka lagu helayo aqoonsigaasi muwaadin. Walaw aan odhan karo, arrintan dambe ee siyaasadda ku lug leh, ayaa ah tan aadka loo sii buun-buuniyay ee abuurtay buuqa badan iyo muranka axsaabta iyo xukuumada ka dhex oogan maanta.
Waxa maanta la isku hayaa maaha waxay axsaabta iyo xukuumadu mid waliba dhankiisa uu warbaahinta inooga sheegayo. Waxa la isku hayaa maaha, diiwaangalinta muwaadinka, lamana diidana inay tahay waajib guud oo qaran oo inoo wada yaala, meelmarinta iyo fulinteeduna inay tahay waajib xukuumadeedna lama diidi karo. Waxa qudha ah ee la isku hayaa,waa waqtiga la filayo inay qaadan doonto. Axsaabta mucaaridku waxay ku doodayaan in diiwaangalinta muwaadiniinta ku kala filiqsan dalku tahay hawl baaxadeeda leh oo aan lagaga gayoon Karin mudada ka hadhay doorashada Madaxtooyada. Tanina way ka ballaadhantahay tii codbixyaha ee inta qaangaadhka ah ee qudha la diiwaagalinayay. Sidaa darteedna waxay leeyihiin xukuumadu iyadoo og jiitanka hawshan ayay rabtaa inay bilowdo xilli ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, si ay xilkordhin ugu hesho, doorashooyinkana dib looga dhigo.
Walaw ay doodani macquultahay, shakina kaa gali karo sida aanay xukuumadu lafteedu uga daacad ahayn diiwaangalinta muwaadiniinta iyadoon ka lahayn ajandayaal siyaasadeed. Sababtoo ah, haddii ay tahay xilgudasho qaran oo ay dadka iyo dalka u qabanayso maxaynu uga maqli waynay diiwaangalinta madaniga ah, intay ka hadlaysay jidka ceerigaabo, muddo afar sanadood  iyo badh ah ayay xilka haysaye? Maxay kaadhka codbixiyaha ugu xidhay kan Muwaadinka waqtigan?
Walaaca ay xisbiyadu mucaaridku ka muujiyeen qabsoomida doorashooyinku, laftiisu maaha mid gar ah. Xisbiyada mucaaridku waxay qeyb ka ahaayeen, heshiiskii lagu laalay diiwaangalintii codbixiyaha ee hore, iyagoo intuba ku mar-marsoodeen in uu mad-madow iyo qaladaad badan ku jireen  diiwaangalintii lagu qabtay doorashadii madaxtooyada. Waxayna run ahaantii, u laaleen diiwaangalintaasi, markii ay soo waajahday cabsi ay  Saddexdaniba ka sinnaayeen. Cabsidaasi oo ahayd inay waayaan Ucid iyo Kulmiye waayaan xisbinnimadoodii, halkaururka  Wadanina uu ka baqayay inuu waayo rajadiisii xisbinnimo. Waqtigan oo la filaayay inay doorashadii Golaha Deegaanku ay albaabka u furi doonto tar-tan baaxadleh oo ay ururo siyaasadeed oo cusubi ugu halgami doonaan xisbinnimadii ay talada qaran kaga qayb gali lahaayeen. Maanta, hadaba maxaynu kaga baxsan karnaa diiwaangalin kale oo leh mad-madaw amaba doorasho bilaa diiwaangalin ah oo la isboobo?, Maxaa se lagu aqoonsanayaa qofka xaqqa u leh codbixinta,mar haddii ay xisbiyadu kasoo horjeesteen diiwaangalintii lagu xaqiijin lahaa muwaadinkii lahaa xaqa codbixinta ? Sideebaanay markaas diiwaangalinta codbixiyuhu u suurto gali kartaa iyodoon lahayn tii muwaadinka?
Marka hadaba la isku eego labada doodood ee mucaaridka iyo muxaafidka ah,waxa kuu soo baxaya inay labaduba siday iyaguba sheegtaan ay yihiin daneeyayaal doorasho. Diiwaangalintam Madaniga ee muranka dhalisayna  ay noqotay arrin aan laga lahayn falsafad-wadaniyeed oo dhaafsiisan ajandayaal siyaasadeed iyo doorashooyinkan waqtiilah ah. Diiwaangalinta Madaniga ah iyo dooddan ku saabsan ahmiyadeedu, waa afgoobaadsi xukuumadee. Sababtoo ah Lamay sugteen maanta. hadday tahay arrintani mid ka dhab ah oo ka go’an. Mucaaridkuna, waa “nin meeli u caddahay meeli ka madow” waxa iyagana u muuqda doorasho, sidii la doonaba ha lagu galee. Waxa u muuqdo ifafaalo dib-u-riixi kara cod-bixintaasi iyo guurti dhaga nugul. Diiwaangalintan guud ee uu ku jira ilmaha caawa dhashay, maxbuuska iyo kan waalan een codaynta lahayni, iyaga macno-badan uguma jiro, siddaa darteed waxay ka jecelyihiin in loo naqeeyo inta codayn karta ee damacoogu ku xidhanyahay.
Hadaba muxuu yahay xalku?
Waa ayaan darro inaad aragto, shisheeyihii la lahaa waa deeq-bixiyayaal oo dalkii uga lexjeclo badan kuwii dalkan ee u dhashay ee xukunka hayay iyo kuwii u hanweynaaba. Kaaga sii darane, aad aragto waliba iyagoo u ashkatoonaya shisheeye aan dan ka lahayn, halkay iyagii danta iyo dalkuba ka dhaxeeyay ay arrimihii gudahooda yaalay ay ahay inay wada dhammaystaan. U ma shaqayaan siyaasiyiinteenu Midawga Yurub, haddaynu taageero inoo fidiyaana maaha inaynu talona udaba fadhiisano.  
Xalku wuxuu yahay in wadahadal foolka-fool ah la wada yeesho, iyadoo danta-guud,midnimada iyo jiritaanka qarranimo ee la wadaago la siinayo tixgalinta koowaad. Waa in si cilmiyaysan oo aan caadifad iyo cudur ku jirin looga doodo wixii danta umadu ku jirto, oo aan laysku gacan-qaadin xal kooban oo doorasho-ku-gaadh ah. Maaha in diiwaangalimahani iyo caqabadihii doorashooyinkii hore, oo ah kuwan maanta inaga hor yimid ay mustaqbalka dambana noqdanaan kuwo aan laga gudbin oo sidan oo kale lugta ina qabta.
Sidaa darteed waxaan ku talin lahaa in aynu oodaha siday u kala sarreeyaan u kala gurno. Arrimahuna siday u kala mudanyihiin u kala horraysiino, inagoo ku miisaamayna hawlahani siday dhaxal-gal ugu kala yihiin dhismaha siyaasadeed ee qaranku yeelan doono isla markaana aan lagu raali-galinayn deeqbixiye iyo dano gaar ah oo ku eeg muddo kooban. Sidaa awgeed waxan la gudboon Siyaasiintu inay la yimaadaan bisayl aragtiyeed oo lagaga saaro dadkan dhibaatooyinka haysta, balse aanay iyaga iyo doorashooyinkuba ku noqon dhib kale oo u dheer toodii hore.
Guntii iyo gabo-gadiina,waxaan odhan lahaa, xisbiyada mucaaridku ha la yimaadaan aragti iyo mowqif dhex-dhexaada oo lagu hirgalin karo diiwaangalinta Madaniga ah ee la rabo inay marjac u noqoto doorashooyinka dambe ee dalka ka qabsoomi doona oo dhan. Intay tirinayaan mudada u hadhay Silaanyona, waxa igala habboon inay tiriyaan mudadaynu arrintaasi ku qabsan lahayn. In laga wada shaqeeyo sidii loogu dabagali lahaa gudashada hawlahan mihiimka ah xukuumada. Xukuumaduna waxa la gudboon inay fur-furto siyaasadeeda, lana timaado talo-wadaag,  iskana fogayso wax kasta oo keeni kara in loo arko siyaasadayn barnaamijkan diiwaangalineed.  Waana inay Muwaadiniint si siman oo hufnaani ku jirto u diiwaangaliso oo aanay kala godobsan. Kadibna aynu isku diyaarino sidii looga wada qayb gali lahaa doorashooyin laga sii tiray qodaxda oo lagu wada  kalsoonyahay nidaamka loo qabtay iyo natiijada kasoo baxdaba.

Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)

No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...