Thursday, September 17, 2015

KEEBAAD GARTA SIIN LAHAYD?


Euathlus oo ahaa arday sharci-barad ah iyo macallinkiisii Protogoras ayaa ku heshiiyay in aanu intay wax-barashadu socoto fii ama lacag-waxbarasho la waydiin ardayga. Lacagtaasina ay bixinteedu waajib noqon doonto, haddii uu Euathlus ku guulaysto dacwadiisa koowaad.
Waxa la xusaa in Protagros uu waydiistay lacagtii wax-barista markii uu Euathlus dhammaystay,sharci-dhigashadiisii.

                                                                                                                                                                    
Hadaba, Euathlus,wax dadaala muu samayn oo uu ku shaqo tago, manuu kasban haba yaraatee hal shaqsi oo uu sharci ahaan ugu adeego (clients).


Markii uu Mucallinkii muddo sugay in uu ardaygiisu iska bixiyo dayntii, ayuu isku qanciyay in waxba kasoo naaso-caddayn ninkii Eathalus. Waxaanu arkay ninkii oo aan dacwadba diyaar u ahayn in uu dacwaddii koowaad ee lagula heshiiyayba uu galo.
Kadib ayuu Protogoras go’aansaday in uu isaga laftiisu dacweeyo oo uu aftaxaba dacwad qaadista, si ay Maxkamaddu heshiiskii ka dhexeeyay ugu fuliso, dayntiisiina uga siiso Euathlus.

Markii la gudo galay dacwaddii Maxkamadda ayuu Euathlus ku dooday in aanu bixin doonin Fiiga ama lacagtii wax lagu baray,  haddii uu ku guulaysto go’aanka Maxkamadda. Iyo haddii lagaga guulaysto kiiskan.

Bal haddaba ka garnaq dacwaddan, adigoo heshiiskooda iyo dooddooba isku eegaya? Keebaa saxan labadooda ood xukunka xaggiisa u ridi lahayd ?

 By  Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul. 

No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...