Waxa beryahan jiray, xafiiltan siyaasadeed oo ka dhexeeyay Xukuumadda iyo axsaabta
mucaaridka iyo xubnaha la baxay Madasha. Waxaanu u muuqday dagaal warbaahineed
oo isasoo tarayay intii lagu jiray todobaadadii ugu dambeeyay ee ka hadhsanaa
muddo-xileedkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Maalmahan danbe se, waxaynu arkaynaa loollankii siyaasiga ahaa oo
qaatay waji kale oo ka duwan kaas hore. Waxa hore loo sameeyay wada-hadallo uu
ka dhashay, heshiis aan lagu wada kalsamayn. Marar kalana waxaynu u soo
joognay, iyadoo beesha caalamku la isugu qayshaday. Wax kastoo la isku dayay ba,
kala qaybsanantii siyaasadeed waa halkeedii, xalna lagama gaadhin.
Ololleyaal warbaahineed oo xukuumadda iyo mucaaridku isku
qaadeen ayaynu aragnay, iyadoo dhinac walba isku dayayey inuu ku kasbado ra’yul
caamka dadweynaha. Ugu dambeyn, waxaa la iskula soo dul-dhacay Waaxda
Garsoorka. Sida ilaa hadda wax loo wado, waxay iskaga eeg tahay in la rabo in
cudurkii fardaha galay laga gubo dameero.
Waxaynu iska wada ognahay oo aanu muran ku jirin in asxaabta
qaranka iyo guurtidu ay isku hayaan muddada ay guurtidu u kordhisay
muddo-xileedyada Xukumadda iyo Golaha Wakiillada, oo aanu jirin khilaaf
sharciyadeed. Waxaa sidoo kale, iyadna la wada ogyahay in waxa jiraa ee la isku
mari laayahay uu yahay faraq-xilliyeed
(4) bilood ah, oo u dhexeeya Go’aankii Guurtida ee xil-kordhinta
Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo heshiiska axsaabta qaranka ee ka dambeeyay.
Faraqaasi oo aan macno-badan samaynayn, mar haddii aanay xil-kordhintu ahayn
mixwarka uu khilaafku ka aloosanyahay. Afartaas biloodna, wax sidaasi usii
ridan may ahaateen, haddii lagu heshiiyay, in sidii dani-keento la yeelo.
Intaas aan kaga gudbo
hordhaca, oo aan usoo gudbo mawduuca qoraalkani uu khuseeyo – Qoraalka
Madaxweynahu maxkamadda u gudbiyey ma khilaaf sharci oo laga garnaqi karaa baa
mise maaha?. Arrinta garsoorka loo gudbinayaa waa in aanay la mid noqon oo ay
ka baxsanataa faqidaada shaaraca taala iyo hal-qabsiyada dooddaha warbaahinta la
isku marinayay beryahan (Political rhetoric). Maxkamadda Dastuuriga ahi khilaaf
sharci ay ka garnaqdaa ama fasiraad ka soo saartaa. Khilaafka sharcina maaha mid
qaabab badan loo dhigi karo sida kan siyaasiga ah ee hadda la wado. Bal se waa
mid mutaxan oo ku kooban hab-dacwaddeedka
iyo nuxurka dooddeedka dhinacyada ee loo soo gudbiyay Maxkamadda. Inagoo u eegayna
hab-gareedka dacwadaha garsoorku maraan ayaynu qoraalkan isku dul taagi
doonnaa, bal in arrinkani qoraalka madaxweynaha ee horyaala Maxkamadda
Dastuurigu uu yahay dacwad dastuuriya oo buuxisay shuruudihii dacwaddeed iyo in
kale.
Si aynu su’aashaasi u gudo galno, waxaynu ka bilaabi doonnaa
halkay arrintu ka bilaabantay oo ahayd codsigii uu Madaxweynahu u gudbiyey
Maxkamadda Dastuuriga ah.
Waxay xubinta hore ee Qoraalka Madaxtooyadu usoo gudbisay
Maxkamadda oo ujeeddadiisu tahay codsi fasirraad, kuna taariikhaysnaa
08/08/2015-ka, tixraaciisuna ahaa JSL/MD/100-3450/08,2O15 ay ka waramaysaa sida
uu u dhacay Go’aankii Guurtidu ay ku kordhisay muddo-xilleedyada Madaxtooyada
iyo Golaha Wakiilladda. Xubinta labaad waxay khusaysaa, Qodobbadii ay axsaabtu ku heshiiyeen. Gebogebada
qoraalkanu wuxuu ku soo biyo shubanayaa codsiga Madaxweynaha oo ah fasiraadda
uu Madaxweynahu codsaday – waana kan sida loo dhigay:
”Waxaan Maxkamadda sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa codsiga fasiraadda
qodobada 3aad iyo 4aad ee heshiiskani iyo faqradda B, qaybteeda 5aad ee mid walba gaarkiisa ku tilmaamayo xilliga
qabsoomida Madaxtooyada iyo Wakiilada”
Hadda ba, ugu horeyn waxay ahayd ama maxkamad kasta ku waajib
ah inay ku dhaqaaqdo inay hubiso in arjiga loo soo gudbiyey uu buuxinayo
shuruuddaha nidaamka dacwaddeed ee Garsoorka iyo in kale. Tani ayaa ka horeysa
in dhinacyada loo yeedho ama fadhi la agaasimo. Haddii taasi la seego, waa alif
kaa xumaaday oo al-baqra kugu dhibi doona. Haddii se sideeda loogu dhaqmo,
waxaa loo gudbayaa in laga garnaqo nuxurkaasi buuxiyey shuruuddaha nidaamka
dacwaddeed ee Garsoorka, waxaana lagu guuleysan karaa in la gaadho go’aan loo
gaadhay qaab sharciga waafaqsan kuna dhisan Qodobbo sharci oo aanu mugdi ku
jirin.
Sida caadiga ah, dacwad kasta cid baa muduci ah oo biloowda.
Cid baana mudaacalee ah oo dacwaddu lid ku tahay. Marka la joogo Maxkamadda
Dastuuriga ah, waa in la helaa cid muduci ah oo dacwadda furata. Sidoo kale
waxaa shardi ah in la helo go’aan xeerarka iyo dastuurka loo eegayo, ama
xeer/sharci la fasirayo. Sidaas darteed, waxaa mudaacalee ah cida go’aanka soo
saartay ama Golaha xeerka soo saaray. Hadda ba, Qoraalkani Maxkamadda
Dastuuriga ah hortaal, Madaxweynahu isagaa qoraalkani Maxkamadda u soo gudbiyey,
haddana muduci maaha oo labada go’aan midna ma diiddin midna ma ogolaan. Taasi
waa arrin cajiib ah, imika qoraalkani laguma sheegi karo dacwad dastuuri ah ama
fasiraad. Waxaa la odhan karaa Madaxweynahu wuxuu la talin sharci ka codsaday
Maxkamadda Dastuuriga ah. Maxkamadduna maaha la talinta sharci ee Madaxweynaha.
waxaa loo baahnaa inay Maxkamaddu ku baraarugsanaato arrintani. Ma jirto dacwad
ay ciddi furatay oo aanay wax diiddanayn, waxna aanay taageersanayn. Markaa
meesha dacwaddi ma jirto.
Waxa kale oo la
gudboonayd Maxkamadda inay is-waydiiso, horta maxaa noqon kara dacwad
dastuuriya oo u qalanta in laga garnaqo? Waa maxay astaamaha lagu garan karo
ama tiirarka udub-dhexaadka u ah dacwadahani Maxkamadda Dastuuriga ah? Maxaase
looga baahanyahay qofkasta oo raba, in uu furto dacwad-dastuuriya ama ka
cabanaya go’aano maamul oo lagu fuliyay ama lagu fulin-doono?
Arrin kasta oo la rabo in hannaan sharci lagaga garnaqo waa
inay noqotaa mid leh mawduuc iyo abbaar sugan. Taasina, waxay saaran tahay
cidda dacwada furanaysa oo looga baahan yahay inay caddayso go’aannada ay ka
cabanayso, kuwa ay fulintooda ku dooddayso iwm. Haddaanu qofka dacwadda furtay
sheegin rabitaankiisa ama dooddiisa. Maxkamaddu uurkubaale maaha wax kasta
daalacata. Awoodna u maleh inay iyadu nuxur ka dhaliso qoraal aanu qofkii
furtayba ku caddayn waxa uu rabo iyo waxa uu diiddan yahay. Markaa waxaa haboon
inay qoraallada noocan ah maxkamaddu ku celiso cidii u soo gudbisay iyadoo
farayso inay soo waafajiyaan shuruuddaha nidaamka dacwaddeed.
Markaynu u soo noqono waraaqdii Qoraalka Madaxweynaha, muxuu
yahay nuxurka dooddiisu?, Ma wuxuu ku doodday Go’aankii Guurtida ee Muddo
kordhinta ayaa dastuuriya markaan arkay sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya!
Mise wuxuu ku doodday go’aanka guurtidu dastuuri maaha markaan eegay
sababahaasi iyo Qodobbadaasi? Maya! Mise waxaa bu ku dooddayaa Muddadii dambe ee axsaabtu ku
heshiiyeen ayaa dastuuri ah ama aan dastuuri ahayn, sababahaas iyo qodobadaasi
awgood? Maya! Ma wuxuu yidhi labaduba waa dastuuri ama ba midkoodna maaha
distuuri? Maya! Xaggeey dacwaddani la sheegayaa u socotaa haddaba, haba laga
garnaqee? Maxaase la fasirayaa? Arrimahani ayaa kuwa fasiraadda u baahan.
Haddii ay is-gabto ciddii dacwoonaysay, Garsoorku xaq u
malaha in uu isagu mala-awaalo nuxur dacwaddeed oo aan caddayn. Maaha in lagu
hawshoodo wax aan waddadiisa la soo marin. Waxa biloowga ku qaloocdaa, dhamays
ma noqdaan. Fashilaad uun baana laga dhaxlaa.
Waanay dhacday inay Maxkamaddu ka baxday majarihii dacwadda, markii
ay qarraar ka soo saartay cabashadii dastuuriga ahayd ee ay asxaabta mucaaradku kaga cabanayeen go’aankii
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalayada kaga
hor-istaageen inay shirar qabsadaan. Qaraarkaasi oo ku taariikhaysnaa 27/7/2015 tixraaciisuna ahaa, MS/DD/01/2015, waxay
Maxkamaddu faqraddiisa 3aad ku tidhi sidan;
” Dhinaca kale, Maxkamadda Dastuuriga ah iyadoo og in muranka
taagani salka ku hayo qabashada doorashada soo socota, waxay amraysaa in
dhinacyada siyaasadda iyo hayadahay khusayso ee dastuuriga ah inay sida ugu
dhakhsaha badan usoo afjaraan muranka ku saabsan doorashada soo socota isla markaana xal ka gaadhaan si
loogu diyaar garoobo doorosho xalaal ah”
Waxay Maxkamaddu halkan ku xustay in ay og tahay arrinta
muranka taagani uu salka ku hayo. Yaa u sheegay arrinta murankaasi taagnaa uu
salka ku hayay? Halkee ayey kaga jirtay dacwaddii xiligaasi hortaalay?
Maxkamadduhu kuma go’aan qaataan wax ay warbaahinta ka maqlaan/arkaan ee aan
hortooda laga caddeyn. Sababtoo ah, aragtida Maxkamaddu maaha mid furan oo ka
baxsanaan karta wixii horteeda lala yimid. Maantana, ugama fadhino inay Maxkamadu wax ka duwan mawduucii
horteeda yaallay, inoo sheegto. Waa inay
ka feejignaataa.
Su’aasha kale ee iswaydiinta mudani waxay tahay GARSOORKU MUXUU AWOOD U LEEYAHAY INUU
FASIRRO? Sida ku cad, Qodobka 98 (1)(b) Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland:
“Garsoorku wuxuu awood gaar ah u leeyahay inuu fasiro: 1(b). in uu
fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha Dastuuriga ah iyo xeerarka
degdega ah iyadoo la raacayo dastuurka.”
Madaxwaynahu laba go’aan oo isla noociyad iyo qiimo ba lahayn
ayuu codsaday in la fasiro. Heshiiska
asxaabta qaranku kuma ba jiro waxyaabaha uu Garsoorku awoodda u leeyahay inuu
fasiro. Garsoorka ay tani cay ku tahay. Midda kale, Madaxweynahu kuma
dhaqmin Qodobka 98aad ee Dastuurka oo Maxkamadda ma horkeenin go’aan gole
dastuuri oo keliya si micnahiisa ay Maxkamadda Dastuuriga ahi u fasirto iyadoo
raacaysa dastuurka. Madaxweynahu Go’aanka Guurtidu dastuurka ma waafaqsan yahay
ma odhan? Dood xitaa sidaasi lagala soo baxi karaa qoraalka kuma qorna.
GO’AANKA MUDDO-KORDHINTA EE GOLAHA GUURTIDU MA XEER BAA? MISE MAAHA? Iyadna
laysma weydiin. GO’AANKANI MAAHA XEER FASIRAADIISA LAGA CODSAN KARO GARSOORKA.
Waxa laga yaabaa, in dadka qaarkood ku dooddaan wixii Gole dastuuri ahi soo
saaraa waa xeer. Maaha, hadda annigu iskama lihi sidaasi, caddeynteedu waa sida
uu Xeerka Nidaamku Garsoorku u dhigay. Qod. 6(4)(b) (Nuqulka 49ka Qodob) iyo
Qod. 15(1)(b) (Nuqulka 60ka Qodob), labadani Qodob ee labada nuqul ee Xeerkani
waxay si iskumid ah u sheegayaan sidan:
“Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay awood u leedahay b) inay
macnayso, fasirtana Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka
laysku qabto nuxurka ujeeddadooda.”
WARKU BA WUXUU KU DHAN
YAHAY MAXKAMADDA DASTUURIGA AH MADAXWEYNAHU MA WAXU KA CODSADAY INAY FASIRTO
QODOB DASTUURKA KAMID AH MISE XEER KALE OO LAGU DHAQMO OO UJEEDDADIISA LAYSKU
QABTAY? MAYA! MAYA! MAYA!
Maxkamadda lama keenin dacwad waafaqsan Qodobbadani aan kor
ku sharaxay, markaa Maxkamadda maxaa daaliyey ee hawshani geliyey mise arrinku
waa dhexdhexaadin iyo hawlo kale. MAXKAMADDA
DASTUURIGA AHI AWOOD UMA LAHA, CEEB AYEYNA KU NOQONAYSAA FASIRAADDA GO’AANNADA
ASXAABTA IYO GUURTIDU. MAXKAMADDU WAXAY FASIRTAA DASTUURKA AMA XEER LAGU DHAQMO
OO UJEEDDADOODA LAYSKU QABTAY.
Fasiraadda Qodob sharcina, waa inay noqotaa mid salka ku
haysa xaqiiqo lagu muransanyahay, iyo doodo is-burinaya oo u dhexeeyo ugu
yaraan laba dhinac. Balse waa in aanu noqon, codsi u muuqda talo-sharciyeed, oo
cid gaar ahi danaynayso. Waana aragti asaas u ah, inay FASIRADA Garsoorku
ahaato mid ku salaysan xaqiiqo dhab ah oo taagan oon ahayn mala’awaal. Aragtidaasi
oo afka qalaad lagu yidhaahdo (the idea of standing). Aragtidan garsoor
oo odhanaysa “Garsoorku maaha
talo-bixiye (advisory opinion), balse waa go’aan-qaate. Go’aankiisa laga rabo
in uu jawaab u noqdo muran ka dhextaagnaa dhinacyo is-hayay.”
Xaaladaha Garsoor ee
keensan kara mag-dhaw dastuuriya (constitutional
remedy) oo dhaqan-gal ah, ayay Maxkamadda Distuuriga ahi ku samayn kartaa
Dibu-eegis Garsoor( Judicial review). Taasi oo looga socdo, inay Maxkamaddu ahaato
meel huwan haybaddii sharci, oo iska ururisa inay la falgasho xafiiltanka iyo
khilaafyada siyaasadeed ee ku xeeran.. Sidoo Kalana waxa la diidayaa in
murankasta oo ku saabsan nuxur sharciyeed oon ku iman xaalad jirta, la waydiisto Fasiraadiisa Maxkamadda, siday
tahay Mufti joogto ah. Taasi oo ka hor imanaysa mabda’ii sharci ee ahaa ( De
Minimis Non Curat Lex),macnahiisuna ahaa, sharcigu
ma khuseeyo, wixii fudud ee iska dhammaan kara.
Gunaanadkiina, fasiraadda-garsoorku mid maxkamadda lagaga
codsado sideen yeelaa? Laba shay kee baan qaataa? Iyadoo xaqiiqooyin badan oo
jira indhaha laga qarsanayo. Mar haddii codsiga dacwad-furashadu ka gaabiyay in
uu sugo qodobadii looga baahnaa, Maxkamaddu waxaa waajib ku ahayd inay hareer
iskaga leexiso. Dhawrsanaanta iyo dhaqanka garsoorna maaha inay Maxkamaduhu ku
dhex milmaan khilaafyada siyaasiga ah oo ay qaataan doorkii Akaadamiyada
Nabadda iyo Isku-soo-dhawaynta Daneeyayaasha la sheego ee doorashooyinka.
W/Q. Garyaqaan Maxmed
Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmail.com)
Codsigii Madaxweynaha
Go-aankii Maxkamdu kasoo saartay Cabashadii Axsaabta.
No comments:
Post a Comment