Wda-qabashada Doorashooyinka
Madaxtooyada iyo wakiiladu ayaa muuqata inay tahay arrin ay isku raaceen
axsaabta siyaasadda iyo doorashooyinka. Heshiiskani uma muuqdo mid ay
dhinacyadu raali ku wada yihiin, balse waa mid dhan waliba u qaatay si uu kan
kale jiq ugu siiyo. Xaajadu waa “ dhan kastaba ha lagu qado”. Marka ay
siyaasiyiintu noqdaan kuwa isku muuqda, waxay isla dulmaraan dadka iyo dalkaba.
Maaha, heshiisku mid lagu gaadhayo xal dib loogu saxayo qabyada iyo qalloocii
jiray, balse waa mid lagaga baxsanayo xiisaddii-khilaafeed ee jirtay, la
iskuna aamusayo iyadoo la arkayo cawaaqibka ka dhalan kara waxa la isku
gacan-qaadayo. Dadkuna markan iyagoo gabiyo kasii dhacaya ayaanay iska qaban.
In
la sameeyo doorashooyin isa-saar ah waqtigan, waxa dadka loogu sheegay inay
keentay dhaqaale yaraan. Waa sabab u eeg macquul, marka hal goob-codbixineed la
dhigo laba sanduuq oo u kala taagan laba xilli-doorasho. Codbixiyuhuna
hal mar wada doorto wakiilkiisa iyo madaxweynihiisaba. kharashkii
hal-doorasho ku bixi lahaana, loo adeegsaday laba doorasho oo isku dhaqaale iyo
hawlba ahaan lahaa. Su’aashu se waxay tahay, Somaliland miyay garan
wayday is-raacintan,intay qabanaysay doorashooyinkii isdaba-socodka? Misa
xaaladda dhaqaale ee maantu way ka liidataa tii waqtiyadi hore ? Hadday
sidaasba tahay, korodh miisaaniyadeedyadan sannada walba la inoo
sheegaa hadaba ma beenbaa? Misa qaadhaan-bixiyaashii ayaa doorkan inoo aamusay?
Muwaadin,haddaad
adigu sababaha dhaqaale qaadatay, anigu kulama qabo. Una malayn maayo in uu
dhaqaalaha doorashooyinku yahay caqabadda jirta ee keentay in la isa-saaro
doorashada Madaxweynaha iyo tan wakiilada. Balse caqabada jirtaa waxaan
aaminsanahay inay tahay, indha la’aanta damac ee siyaasi-ismoodkeena. Mar
haddii xil-kordhin xukuumadeed noqday arrin la iskaga dhaartay, iyaguna,
wakiiladii muddo-dhaafka ahaa u sheege, in aanay xilka kaga sii dambayn oo hal
mar la wada gali doono garoonka.
Hadaba, in la yidhaahdo laba dhadhaar oo ka mid ah,
dhadhaaradii qaranku ku fadhiyay loollan hal mara ha wada galaan, waxay ila
tahay, dawladnimadii oo lagu khamaaray. Doorashooyinku waa marxalad siyaasadeed
oo cawaaqibkeeda la sii oddorosin karin. Markaas maaha, in la inoo
hadoodilo khataraha ka dhalan kara doorashooyinkan isa-saaran.Ogow, in uu seeskii qaranku dumay,
haddii uu khal-khal galo hannaanka codbixinta ama natiijadeedaba noqoto mid
dhinacyadii ku loollamayay ku qanci waayeen amaba, aan helin kalsoonidii
dadweynaha. Sababtoo waxaynu hal mar kala-dirnay baarlamaankii iyo xukuumaddii
, waxa qudha ee laga tagayna waa Golahan Guurtida, ee illaa maanta lagu
dhiiran laayahay xeer-doorasheedkeesii . Miyayna markaas ahayn doqonnimo kale
oo tii lixdankii ka daran, mar haddaynu ka faaidaysan waynay
waayo-aragnimadeenii hore. Miyaynaan u dumin, waxaynu maal iyo naf usoo hurnay
si aynu u raali galinno rag kursi-ku-dirir ah. .
Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay meesha ka saaraan hubaal
la’aan siyaasadeed (Political uncertainty) oo ka dhalata
doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada ee isa-saarka ah. Kuwaasi oo ku
doodaya in hannaanka farsamo ee doorashoyinkan loo samaynayaa uu yahay mid la
isku hallayn karo. Doodda noocan ahi, maaha mid macquul ah, waayo hore ayaynu
usoo aragnay qalab xog-keydiye ahaa oo sidii la filayay u shaqayn waayay.
Masiirka qarankan ee inoogu taaganyahay naf , maal iyo waqti badan oon dib loo
heli Karin, mana qaadan karno in la yidhaahdo maanta waxa lagu aaminayaa
Mishiin ama seerfar yar oo dalkale lagu soo farsameeyay.
Marka laga yimaado, farsamada iyo dhaqaalaha, hannaan
doorasheedkuna waxa la baaxaadagayaa caqabado sharciyeed oo aan waxba laga
qaban. Gobol-doorasheedyada dalkana oo illaa doorashooyin hore abuuray
khilaafyo deegaan iyo codbixineed ayaan illaa maanta si rasmi ah xeer loogu
kala xadayn. Sidoo kale hannaan doorasheedkeenu malaha Nidaam Garsooreed
rasmiya (Electoral Justice System) iyo xeer ciqaabeed
qeexaya fal-dambiyeedyada la xidhiidha Doorashooyinka (electoral offences).
Mana sugna illaa maanta waxa laga yeelayo, qofka foorjar-gareeya waraaqaha
codbixinta, si aan sharci ahayn u liisgareeya amaba u saxeexa
waraaq-codbixineed, ama fidiya warbixin been ah, ama marin-habaabin ah oo la
xidhiidho warqaaha codbixinta iyo tirintoodaba. Lama garan karo fal-dambiyeedka
lagu qaadayo masuul xisbi ama xukuumadeed ee si sharci darro usoo faro-galiya
goobaha codbixinta. Sidoo kale,ma jiro nidaam sharciyeed oo lagula xisaabtamo,
masuuliyad darrada iyo xilgudashada la’aanta ka timaada Gudida Doorashooyinka
iyo hawl-wadeenaday usii igmatay waajibaadkeegaasi.
Iyadoo
ay taasi jirto, in sidii doorashadii dhawayd ee golaha deegaanka indhaha lagu
kala qaado, boob iyo wax-isdaba-marin doorasheed oo aan cidna lagula
xisaabtamin fal-dambiyeedyadaasi iyo masuuliyad darradaasi, maaha wax mar kale
loo dulqaadan karo. Doorashooyinkanina waa heer qaran,waanay ka xumad iyo
xasaasiyad badanyihiin kuwii hore, sidaa darteed waxaan ku talin lahaa, in
labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada la kala qaado. Mar haddii uu
hannaan doorasheedkeenu aan wali gaadhin heer uu farsamo ahaan,dhaqaale ahaan
iyo sharci ahaanba isbixyo. Sidoo kalana lasii eego cawaaqibka iyo waxyaabaha
suurtagalka ah ee saamayn ku yeelan kara deganaanshaheena siyaasadeed iyo
xasilloonid guud ee qaranka.
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
|
No comments:
Post a Comment