Wednesday, September 16, 2015

XORRIYADA QOFKA U HAYSTO IN UU MUUJIYO DAREENKIISA AMA ARAGTIDIISA, ILLAA INTEE AYAY FIDSANTAHAY?

W/Q: Garyaqaan Maxamad Axmed Cabdi Bacaluul (waddi12@gmaiL.com)


Garyq Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
Tibaaxda “Xorriyatul qawl” oo ah mid aynu kasoo amaahanay afka carabiga,balse noqotay eray-bixin sideeda ku soomaaliyowday,isla markaana macnaheeda iyo nuxurkeedaba badanaaba aynu si isula wada aragno. Waxa aynu alaaba maqalnaa tibaaxdan marka ay saxaafada iyo xukuumadu isku dhacaan, la iskuna qabto qoraalo iyo warbixino kusoo baxay wargeysyada ama laga baahiyay telefiishinada. “Xorriyatul qawl”haddii eray ahaan loo fassiro macnaheedu wuxuu noqonayaa “ Xorriyada loo haysto odhaah afeedka”. Balse Somali ahaan waxaynu u adeegsanaa si ka ballaadhan “odhaah afeed” oo waxaynu u isticmaalna siyaabaha kale duwan ee qofku aragtidiisa ku muujiyo; hadday tahay qoraal, sawir, cod iyo tilmaamo kaleba.
Waxay se u arkaa inaanay “xorriyatul qawl” ahayn eraybixinta saxda ah, ee koobsanaya nuxurka mugaas leh. “Xorriyada uu qofku u leeyahay inuu muujiyo aragtidiisa iyo dareenkiisa” ayaa noqon lahayd tan adeegsi ahaan ku haboon halkeeda, una dhigmi karta ujeedada guud ee laga leeyahay waxa afka qalaad loogu yeedho “Freedom of Expression”.
Hadaba maxay koobsataa sharci ahaan iyo ujeeda ahaan “Xorriyada uu qofku uleeyahay inuu muujiyo aragtidiisa iyo dareenkiisu”?

Marka xorriyad la leeyahay, waxa alaaba loo jeedaa faro-galin la’aan ka timaada xukuumada. Taasi oo laga reebayo inay a) Is-hortaagto ama mamnuucdo xaqa uu qofku u leeyahay inuu muujiyo aragtidiisa iyo dareenkiisa: b) ku qasabto inuu qaato ama muujiyo aragti kale; c) Abuurin hab dadka ogalaysiinayo aragti mabda’eedyo gaar oo ay wadato; d) Ku qasbin qof kale inuu dhiirigaliyo ama is-daadraaciyo aragti kale oo u diiddanyahay.
Sideebaa lagu Sugi karaa Sohdimaha aragtida Xorta ah ee shaqsigu leeyahay?

Ma jirto xuquuq ama Xorriyad uu qofku bani’aadamka leeyahay oon lahayni meel ay ku dhammaato. Waajib ayaana qofkasta ka saran inuu xaq-dhowro xuquuqda iyo xorriyaadka kale ee ay qayrkiisu leeyihiin. Maadamo uu dastuurku ka reebayo xukuumada inay soo saarto tallaabooyin iyo xeerar lagu cabudhinayo aragtida xorta ah ee shaqsigu leeyahay.[i] Sidoo kalana ilaalinta dastuurku kuma koobna kaliya u xor ahaanshaha fikir-muujinta, wuxuu kale oo ilaaliyay saxaafada iyo warbaahinta, maadaamo oo ay tahay qalabka uu qofku u adeegsanayo faafinta iyo tabinta aragtidiisa. Walaw, ay jiraan siyaabo kale oo ka baxsan qalabka warbaahinta oo lagu tabin karo aragtidayaha madaxabannaan, sida buug la qoro, garamo lagu xardho qoraalo, ama boodhadh.

 Hadaba marka la leeyahay lama cabudhin karo xorriyada dareen iyo aragti muujineed ee qofku leeyahay, yaan loo fahmin xorriyadaasi looma dhigi karo xad aanay ka gudbi karin[ii]. Walaw ay shardi tahay, in aanay xayndaabyadaasi noqon kuwa gabi ahaanba meesha ka saara jiritaankii xuquuqaha iyo xorriyadaha asaasiga ah. Bal se waa inay noqdaan Xakamayntaasi mid si dheelitiran isugu miisaamaysa xorriyaadka shaqsiyeed, iyo saamaynta taban ee ka dhalan karta xadayn la’aanta xorriyadahaasi[iii]. Waxaana jira darbi sharci ahaan la isla aqoonsanyahay oo aanay xorriyadan aragti-muujintu ka gudbi karin. Waxaana qofkastaba ka reeban inuu tabiyo waxyaabo aragtidiisa ama xaqiiqo ah oo  ay kamid yihiin:

  1. Waxyaabo dheg-xumo usoo jiidaya ama farogalinayaba nolosha gaarka ah ee qofka iyo qoyskiisaba;
  2. Dhaqan-xumada (obscenity), kuwaasi oo noqon kara tibaaxo ka baxsan dhaqanka caadiga ah ee bulshada, qof kasta oo caadi ahna ka biyo-diidayo;[iv]
  3. Sawirada ka baxsan anshaxa, ee muujinaya cawrada-jidheed ee bani’aadamka (Pornography)[v];
  4. Aflagaadaynta ama ku dheel-dheelista shacaa’irta diiniga ah[vi];
  5. Tabinta xogaha ama adeegsashada weedho iyo erayo colaad hurin kara,ama isku dhac bulsheed oo baahsan abuuri kara[vii];
  6. Faafinta xogo iyo muuqaalo sireed oo rasmi ah, kuwaasi oo saamayn ku yeelan kara xasiloonida guud ee qaranka, isla markaana cadawgu ka faa’idaysan karo sida xogaha la xidhiidha ciidamada ;
Marka laga yimaado darbigaasi sharci ee lagama gudbaanka ah, waxa jiri kara, xannibaado si gooniya loogu soo rogo tibaaxo gaar ah  (Content-based restrictions). Tibaaxahaasi oo ay ujeeddooyin jira awgood ay xukuumadi u xakamayn karto muujintooda iyo faafintooda. Walaw aanay tibaaxahaasi aanay kamid ahayn kuwa ay xeerarku sida cad u mamnuuceen tabintooda, oo ay yihiin kuwo caadi ah, haddana waxa loo xannibi karaa in laga tabiyo meelo gooni ah ama in tabintooda lala eegto waqti gaar ah [viii].

 Waxaanay xukuumadu u baahataa xeer-nidaamiyayaal si gaar ah u maanacaya tabinta tibaax-aragtiyeedka nuxur ahaan loo arko inay carqalad ku yihiin hirgalinta dano lagu qasbanyahay (compelling interest). Xakamaynta aragti-muujintan waa in aanay noqon  mid jabinaysa dastuurka, waana in aanay noqon mid si guud ama si joogto ah uga reeban muwaadiniinta, balse waa mid ku kooban  waqti  gaar ah ama  meelo xusan. Tusaale ahaan, in goobaha cibaadada iyo waxbarashada, Garoomada laga reebo tabinta aragtiyo xambaarsan nuxur gaar ah sida kuwa siyaasadeed, qabyaaladeed iwm, ama in la cayimo habka ugu macquulsan uguna saamaynta yar ee nuxuradaasi lagu gudbin karo. Ka warran haddii dugsi ka mid ah dugsiyada sare  afaafkiisa ama gudihiisaba lagu qeybiyo qoraallo ugu yeedhaya ardayda in ay kasoo qeybgalaan bandhig ama munaasibad dhici doonta saacadihii waxbarashadooda. Waxa kale oo kamida tibaaxo iska caadi ahaan jiray markoogii hore, balse xaalado jira awgeed ay xukuumadi u mamnuuci karto tabintooda wakhti kooban. 

Marka la isku qabto in la jabiyay xanibaadihii lagu soo rogay tibaaxahaasi iyo in kale, iyo in ay tibaax x, ama y, ay tahay tibaax la xannibay iyo in kale, waxa fasiraadda tibaaxahaasi iyo qiimeynta saameynta taban ee lagu andacoon karo ka garnaqaya garsoorka. Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah ayaana miisaamaysa danaha-xukuumadeed ee ku ladhan xakamaynta tibaaxahan-ku-salaysan nuxur gaar ah iyo saamaynta ay ku yeelan karto xannibaadaasi xorriyadii uu qofku u lahaa inuu dareenkiisa iyo fikirkiisa muujiyo isaga oon la cabudhinaynin. Sidoo kale marka la doonayo in  xakamaynta la hirgaliyo, waa in la helo habab kale  oo u furan dadka,  oo ay u wareegi karaan, si ay u soo bandhigaan afkaartooda.

Sharaf-dillida Qofka (defamation):

Haddii si fudud aan u qeexno, sharaf dilidu waa adigoo qof ka faafiya warbixino waxyeelo ku ah shaqasiyadiisa gaar ahaaneed, shaqadiisa ama xirfadiisa aqooneed. Wararkaasi oo marka ay bulshadu maqasho, damiir ahaan, iyo xidhiidh ahaanba ay u takoorayso qofkaasi, kana noqonayo dhexdeeda “tuke baalcad”.
Sharaf-dilistu ma ah oo qudha marka aad tahay kan sameeyay waxyaabo been ah oo dheg-xumo usoo jiidaya qofka. Balse sidoo kale waxaad dhaawacday sumcadiisii, haddii aad ku cel-celiso ama aad ka jawaabto  weedhahaasi, xataa haddii aand ahayn qofkii sameeyay. Difaacna kuuma noqon karto , haddii aad tibaaxdaasi sharaf-dilka aad  galiso kootayshan “_______” ama aad ku ladho “waa siduu hadalka u dhigay,sida la isla-dhexmarayay, iwm” adiga oo soo guurinaya tibaaxdii sharaf-dilista ahayd ee qof kale sameeyay, si aad iskaga fogayso wixii hadhaw ka soo noqan kara.

Marka laga hadlayo sharci ahaana, qofka waxaad kula kacday sharaf-dil markaa aad ka faafiso xogo dhaleecayn oo  been ah,isaga ama xubin qoyskiisa, oo nool ama dhimatayba.Taasi oo wax u dhimaysa a) haybadiisa shaqsiyeed ee uu bulshada kula noolaa, b)xirfaddiisa aqooneed iyo ganacsigiiyeedba, c) kana dhigaysa mid ay bulshadu iska ururiso, xaqirto amaba ku xamato waxyaabahaasi laga fidiyay.

Siyaabo kale duwan ayay ku iman kartaa sharaf-dilista qofka, kuwaasi oo noqon karaa: 
a) odhaah afeed, ama cod la maqli karo ama;
b) erayo qoraal ah oo loogu talo galay in la akhriyo ama taabasho lagu gartoba,ama;
 c) calaamad afgarasho ah.
Way adagtahay in la caddeeyo ama la qiimeeyo inta ay  gaadhsiisantahay waxyeeladda sharafeed ee loo geystay qof. Sidaa awgeed Sharcigu culays kuma saarayo, inuu qofka dacwoonayaa caddeeyo waxay tahay waxyeladaasi ama illaa inta ay leegtahay. Balse wax mihiim ah, in macnaha ama fasiraada erayada la adeegsaday ay yihiin qaar sharafta wax u dhimaya, sidoo kalana aanay noqon kuwo aan xaqiiqo ahaan u jirin oo been-abuur ah. Waa inay erayadani noqdaan qaar qofka cabanaya ee dhibanaha isku arka loola jeeday shaqsi ahaan, sida iyadoo magiciisa la xusay. Haddii aan magiciisa la sheegina, waa inay tibaaxdu tahay mid qofkasta oo macquul ahi garan karo in qofka loo jeedaa isaga yahay.

Sidoo kalena waa in sawiradaasi ama erayadaasi (lagu andoocanayo ay yihiin qaar sumcad-dilis ah) la  gaadhsiiyay dhinac saddexaad, oo aan ahayn qofka wax laga sheegay iyo kan qofka wax-sheegaytoona. Sharaf-dilisna ma aha waxyaabaha ay labada qofi si toos iskug yidhahdeen , iyagoo isku kali ah, haddii aan lagu faafin bulshada inteeda kale.
Waxyaabo Difaaca u noqon kara qofka loo haysto dacwdaha la xidhiidha sharaf-dilista:

Waxa la isla ogyahay inay saxaafadu tahay tan khaatiga ka taagan dacwadaha la xidhiidha sharaf-dilka. Kuwaasi oo haddii aanu jirin garsoor madaxbanaan oo ka fayow saamayn dibada kaga timaada,isla markaana leh aqoon-sharciyeed oo xeel-dheer, keensan karta,in muwaadinka iyo saxaafaduba ku dhiiran waayo tabinta aragtida xorta ah iyo xaqiiqada hadba jirta. Saxaafaduna geyaysiisa inay noqota mid in-gaar ah u shaqaysa oo aan bulshada u shaqayn, isla markaana aan daah-furi karin xaqiiqooyan dadka ka daahnaa oo ay xaq u lahaayeen inay ogaadaan.
Hadaba si aanay saxaafada iyo qofkasta oo aragtidiisa xorta ahi muujiya uga fogaado dacwad sharaf-dilis oo lagu eedeeyo waxa muhiim u ah inuu ogaado waxyaabaha u isku difaaci doono. Waxyaabaha difaac u noqon kara war am aragti-tabinta waxa ka mida:
Runta ama xaqiiqada:

Waa in waxyaabaha la faafiyay hadday  wartahay ama aragti shaqsiyeedba noqotaa mid ku salaysan xaqiiqo jirta oo run ah. Isla markaana runkasta oo la sheegaaba, ha u qaadan inay ku tahay, difaac aad ka hoos gasho eedaha sharaf-dilista ah, balse waa inay noqotaa faafinta runtaasi mid aad ku sababayan karto,  inay muhiim u ahayd danta guud (public interest). Adigoo ka taxadaraya inay noqoto wax loo nisbayn karo inaad  u adeegsanaysay dano-shaqsiyeed, iyo ku-xumayn idinka dhexaysay qofkaasi.
Aragti-caafimaad qabta (Honest Opinion):

Marka aad isku dafaacayso, in waxyaabahaad tabisay ahaayeen aragti daacad ah,uma baahnid inaad sababayso inay run ahayd iyo in kale. Waxa qudh ah ee aad u baahantahay waa inaad Garsooraha ama xeer-beegtida garsoor ku qancisid inuu waxaad faafisay yahay:
  • Aragti oo aanu ahayn war ama xog xaqiiqo ah.
  • Ka hadlayo una faafisay muhimad uu u leeyahay danta-guud (public interest).
  • Mid xogtiisu ku salaysan ilo-sax ah oo looga qaateen ama kuwa lagu soo xigtay meelo dhawrsan (privileged material)[ix]


Dood siyaasadeed:

Si ay dimuqraadiyadu u noqoto mid shaqaysa, isla markaana abuurto jawi ay aragtida xorta ah ee muwaadiniintu ku hanaqaadi karto, waxa ay Maxkamadaha dastuuriga ahi ee dalalku horumaray wax ka badaleen fasiraada dastuuriga ah ee xorriyada muujinta dareenka iyo rayiga ee shaqsigu leeyahay, khaasatan markay nuxurkeedu la xidhiidho dadka ku dhexjira arrimaha siyaasadeed ee qaranka, ama aan ahayn shaqsiyaad caadiya oo si khaas ah iskaga nool[x].

Hadaba marka laga hadlayo dood ama lafa-gur siyaasadeed, qofka arrimaheeda ku lug lihina kama baxsan karo,haddii uu xil-qaran oo siyaasadeed hayana iska daa hadalkiisaba. Waana tay Somaalidu hore u tidhi “nin xil qaaday , eed qaad”. Waxyaabaha faallooyinka siyaasadeed xambaarsanyihiina maaha waajib inay noqdaan qaar xaqiiqo ah, beentoodana dacwada lagama furan karo, balse siyaasiga dhibsada waxa uu u furan in uu isla asluubtaa lagu fidiyay kaga jawaabo, iskagana daadafeeyo. Haddii aanay tabinta arrimahaasi ahayn mid si naxli ama nacayb-shaqsiyeed ku jiro looga fidiyay, oo aan dadka loogu danaynayn, balse looga socday uun,  sharaftiisa gaar-ahaaneed.

Qofka faafiyayna waxa u mihiima Qaranka, waa in uu ku sababeeyo:
  • Inay tabinta xogtani muhiim u tahay dadka xilka loo hayo ama siyaasigani taageerada ka damacsanyahay.
  • Inay jirto sababo macquul oo aad rumaysan karto in xogahaad faafisay noqon karaan kuwa xaqiiqo ah.
  • Inay faafintaadu daba socon dano khaas ahi, oo aad ka weyday ama colaado shaqsiyeed oo idiin horreeyay.
  • In aad samaysay dadaal kasta oo suurtogal ah oo aad qofkan kula xidhiidhi karto si uga jawaabo waxyaabaha dhaleecaynta ku ah ee aad ka fidinayso.

Faafin niyad-sami ah( innocent dissemination):

Waxa jirta marar nadir ah oo ay suxufiyiintu tabiyaan warar waxyeelayn kara sharafta qofka, iyaga oon sidaas u la jeedin (unintentional defamation). Si taas looga hor-tagana waxa la gudboon war-baahiyayaasha ama faafiyaashu inay dib-u-sixid ku sameeyaan, isla markaana raaligalin qofkii dhibanaha ka siiyaan, iyaga maraya habkay u baahiyeen hab la mid ah. Saxaafada qoraalka ahina, waa inay dhigtaa halkay xogtii sharafti dilkiisa dhigtay, halkeedii markay daabaycayso dib-u-sixida iyo raaligalinta, oo aanay meel qarsoon ama hoose dhigin oo aan sidii tii hore loo arkayn.

Raali-ahaanshaha dacwoodaha:

Qofna kama dacwoon karo fal uu raali ka ahaa markii lagu samaynayay.Haddii uu dacwooduhu ogalaa waxyaabaha laga faafiyay iyo sida looga faafiyayn xaq hadhowto u yeelan maayo uu kaga cabto faafintaasi. Ogolaanshuhu wuxuu noqon karaa,adigoo qofka weydiiya “ ma u adeegsan karaa faafintayda weedhahaas ama erayadaas ?” dabadeedna uu ku jawaabao “haa, waad adeegsan kartaa”.
Haddiise aad ku sii cel-celiso adeegsiga weedhihii, marka uu ka dacwooday ka dib, ogow inay noqon karto dacwad kale oo aanad iskaga difaaci Karin raalidiisii hore.
Dacwoode dhintay:

Arrimaha ama dacwadaha la xidhiidha sharaf-dilka waa qaar shaqsi ah.Qof dhintayna ku dacwoon karo sharaf-dhicid. Sidaa darteed haddii uu dhinto dacwooduhu iyadoo dacwadu socoto, ehelkiisa iyo caraartiisu ma dhaxli karaan dacwidiisa amaba maba sii wadi karaan[xi].

Haddiise weedhaha sharaf-dilka ee laga fidiyay marxuum dhintay ay saamayn ku yeelan karto sumcada tafiirtiisa iyo ehelkiisa way ka furan karaan dacwad ciddi  faafisay.
Raaligalin rasmi ah:

Raali-galintu waa hab lagaga baxsan karo dacwadaha madaniga ah ee la xidhiidha sharaf-dilista. Raaligalintaas oo lagu faafiyo warbaahinta si rasmi ahna loogu soo qoro qofku waxay noqon kartaa hab fududeeya arrinta,lagagana bad-baado muran sharciyeed oo maxkamadaha la iskula galo. Balse waa war-tabiyaha waa inuu ka feejignaado arrimaha qaar raali-galintooda,sababtoo waxay ku noqon karaan qiraal, haddiiba uu ku qanci waayo dhinacii kale.

XAQA UU QOFKU U LEEYAHAY INUU ARAGTIDIISA AMA DAREENKIISA KU MUUJIYO BANNAAN-BAX IYO KULAN GUUD.

Xaqa uu qofku ama ay bulshadu u leedahay inay dareenkeeda iyo aragtideedu cabbirto maaha mid ku kooban uun hadal ama qoraal lagu Baahiyo jaraa’idka. Balse waa mid ballaadhan oo damaanad qaadaya siyaabo kale duwan oo qofku u cabbiri karo waxyaabaha ka dhex-guuxaya,isla markaana uu dadka kale ugu soo gudbin karo dareenkiisa (communication). Siyaabahan oo noqon kara, shaqo-joojin (shoobarayn la is-hortubo albabka shaqada), qaybin farriimo qoraal ah (leafleting), saxeex ururin iwm.

Samaynta Kulan-wadareed guud ayaa isna hab lagu gudbin karo fariin ama aragti ay laba qof iyo intii ka badani ka midaysanyihiin. Markaan leeyahay kulan-wadareed oo afka qalaad u dhiganta ereyga (assembly), macnaheedu maaha waxa loo jeedaa uun shirarka lagu qabto dhismayaasha gudahooda,ama goobaha gaarka loo leeyahay[xii], balse waxa ku jira kulamada lagu qabto meelaha danta guud ah ee ay ka midka yihiin garoomada, baarkinadu iyo meel kasta oo bannaan. Kulan-wadareedyadu sidoo kale waxay noqon karaan kuwo aan ku koobnayn meel-qudha, balse socda (moving assemblies), sida iyadoo jidadka socod lagu maro, ama gaadiid kolonyo ah, iwm.

Sidoo kale wuxuu qof kastaaba xaq u leeyahay in uu si badheedh ah oo cad uga hadlo, waxna uga qoro, arrinkasta ama cidkasta oo xad-gudub ku ah xaqa uu qofku u leeyahay in uu si salmi ah u muujin-karo aragtidiisa. Taasi oo aanay ka madhnayn xaq uu u qofku ku dalban karo isu-soobax guud ama ay bulshaduba ku samayn karto mudaharaad si nabadgalyo ah loo abaabulay.
Hadaba Sida aan hore usoo sheegnay xorriyada lagu muujinayo dareenka iyo aragtiduba maaha mid daba-furan ah. ama maaha xorriyad aynu adeegsan karno sida aynu doono. Tusaale ahaan, saqda dhexe ee habeenimo isu-soo-bax kuma qaban karno cusbitaal caafimaad hortiisa. Sidaas darteed waxay xukuumadu xaq u leedahay inay inaga maanacdo jidad gaar ah ama xilliyo gaar ah iyo siyaabo gaar ah oo aynu dareenkeena u gudbino, haddii ay u aragto inay jiraan sababo macquul ah oo qasbaya qaadashada tallaabooyinkaasi.

Wax sidoo kale ka mamnuuca qofka inuu gudbiyo farriimo xambaarsan waxyaabaha uu sharcigu diiday ee aynu sare kusoo xusnay, sida waxyaabo xambaarsan (anshax-xumo, colaad-hurin, aflagaado diineed, iyo wax kastoo oo wax u dhimi kara xasilloonida guud). Waxana ka reeban isu-soo-baxyada noocay doonaanba ha noqdaane, kuwo dadka ka qayb qaadanayaa ay ku hubaysanyihiin wax kasto waxyeello jidheed ama hantiyeed gaysan kara, sida budad, bakoorado, qasabado, litiro-quraarado ah, iyo hubka qaraxa lehba.
Bannaanbaxyadana waxa laga soo saari karaa xeerar xakamaynaya[xiii], iyadoo markastaba la iska dhawrayo in gabi ahaanba meesha laga saaro xuquuqdaasi. Waxaana waajib in siyaabaha lagu xakamaynayaa ay noqdaan:

  • Qaar xeer qeexay.
  • Qaar ay xakamayntoodu u dhiganto cawaaqibka laga hortagayo saamayntooda[xiv].
  • Qaar ilaalinaya xasilloonida iyo ammaanka guud ee qaranka.
  • Qaar lagaga hortagayo rabshado, qalalaase guud iyo fal-dambiyeedyo horleh.
  • Qaar lagu dhawrayo caafimaadka iyo anshaxa guud.
  • Qaar lagu ilaalinayo xuquuqaha iyo xorriyaadka dadka kale.
Miyaad markastaba u baahantahay ruqsad si aad u samayso bannaan-bax?

Haddii uu bannaan-baxu yahay mid aan carqalad ku ahayn isu socodkii gaadiidka iyo dadkii kale ee lugta ahaaba,uma baahna wax ogolaanshaha.Waxaanu noqonayaa bannaan-baxa ama mudaharaadka uu damaanad qaaday dastuurku, xaqqaasi  oo aanu xeerkale burin karin.Sida iyadoo bannaanbaxayaashu wada dhinacadeeda u maraan si nidaamsan oo aan Saxmad iyo culays badan ku abuurin jidadka. Waxaanad sidoo kale dadka wada maraya ama gaadiidka wata aad u qaybin kartaa farriimo qoraal ah oo xambaarsan aragtidaada iyo fikirkaaga. Markuu qofku hawshan qoraal-qaybinta ku jirana waa  in uu iska ilaaliya, inuu xannibo kadimada laga galo dhismayaasha ama in uu dadka si jujuub ah ugu dhiibo farriintiisa.

Xukuumadu miyay awood u leedahay inay sii ogaato nuxurka ay farriintaan gudbinayaa xambaarsanaan doonto?

Jawaabtu waa maya, sida ayna xukuumadu awood ugu lahayn inay faaf-reeb ugu samayso aragtiyaha lagu faafinayo saxaafada madaxa-banaan, ayayna xaq ugu lahayn inay sii ogaato waxaan ka odhan doono fagaaraha ama aan ku qori doono boodhadhka aan la bannaan-baxayo. Haddii se laga tagi waayo waxa si guud loogu sii wargalin karaa ujeedada guud ee bannaanbaxa loo qaban doono.
Balse waxa u furan inay kadib markay ogaato fariimaha aragtiyeed ay ka daba tagto wixii ay u aragto inay ka soo horjeedaan sharciga.

Garyaqaan, Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.
waddi12@gmail.com



Tixraac:
_____________
[i] Qodobka 32aad Dastuurka Somaliland.
[ii] Qodobka 29aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Adamaha(UDHRs),qodobkani oo dhigaya inuu qofkasta waajib ka saaranyahay xaqdhawrka bulshada uu la noolyahay. Iyo inuu xuquuqdiisa iyo madax-banaanidiisa gaarka u adeegsado,isagoon ka tallaabsanayn xadadka loo sameeyay iyo xeerarka loogu talogalay ilaalinta nabadgalyada,damiirka iyo anshaxa guud ee bulshado,xeerarkaasi oo aqoosan Xuquuqda iyo Xorriyaadka gaarka ee qofka.
Xorriyaadka iyo xuquuqaha shaqsiyeed sidoo kale looma adeegsan si ka soo horjeeda Mabadi’da UN-ta.
[iii] Qodobka 30aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda aadamaha (UDHRs). Kaasi oo leh dawlad,koox ama shaqsina uma fasiran karo,amba ma qaadi karo tallaabo kasta oo burinaysa jiritaanka Xuquuqaha iyo Xorriyaadka ku xusan Baaqan,
Xeerarka lagu xakamaynayo Xuquuqaha iyo Xorriyaadka Adamuhu,waa inay noqan qaar lagu sii talax-tagay ama meeshaba ka saaraya. Balse waa in la qiimeeyaa bal in xakamaynta ay xukuumadi kusoo rogtay Xuquuqaha iyo Xorriyaadka shaqsiyeed ay tahay mid u dhiganta ujeedadii laga lahaa,amaba cawaaqibkii la diidana (proportionality).Qodobka 29aad ee baaqa Caalamiga ahi, sidoo kale wuxuu arrintan isku dheelitirka u xilsaaray Garsoorka,kaasi oo awood u leh in uu go’aan ka gaadhista meelaha ay Xeerarka iyo Xuquuqaha aadmigu iska khilaafaan.
[iv] Xeerka saxaafada Somaliland ayaa ka hadlaya qaabka loo tabinayo wararka la  xidhiidha faldabiyeedyada galmada,kuwaasi oo laga raba in la qariyo magaca dhibanaayashan fal-dambiyeedyadani,soda caruurta la fara-xumeeyay, Kufsiga. Iwm.eeg qodobka 24aad.
[v] Qodobka 10aad (4) ee Xeerka Saxaafada law no 25ad
Qodobka 23aad ee isla xeerkaas
[vi] Qodobka 10(5)aad ee Xeerka Saxaafada law no 25
[vii] Qodobka 11aad (3)Xeerka Nabadgalyada iyo Anshaxa Guud,xeer Lr 51/2012. Qodobkan oo odhanaya” waxa reeban isku imaatin kasta oo diineed oo looga danleeyahay,kicin dadweyne,naqdin,ama faafin afkaar diineed oo ay cidi ujeedo gaar ah ka leedahay,ama sababi karta iska horimaad”
[viii] Cohen,Henry,freedom of speech. Oct,2009.https://www.fas.org/sgp/crs/misc/95-815
[ix] “Privilege material” waa qoraalada dhawrsan, sida kuwa Maxkamadaha,doodaha baarlamanka,warbixinaha gudiyada baadhitaan ee si rasmi ah u daabacan. Kuwaas oo haddi ay run yihiin amaba been yihiin aan sharci ahaan loo raaci karin faafiyaha iyo cidduu uu kasoo baxayba.
[x] Cohen,Henry,freedom of speech. Oct,2009.https://www.fas.org/sgp/crs/misc/95-815
[xii] Xeerka Ilaalinta anshaxa iyo nabadgalyada guud,xeer lr 51/2011, qodobkiisa 10aad (2aad), waxay shir-gaar ah ku qeexday shirarka ay goobahooda ku qabsadaan,ururada siyaasada,kuwa aan siyaasiga ahayn iyo axsaabta la aqoonsanyahay xarumahooda,haddii aanay isku rogin qaab shirweyne,amba kaambayn degmo ama qaran.
[xiii] Waxay Somaliland kasoo saartay XEERKA ILAALINTA ANSHAX IYO NABADGALYADA GUUD, xeer lr 51/2011.

[xiv] Xukun ciqaabeedka ugu badan ee qofka u hogaansami waaya amarka ciidamada nabadgalyada eek ala kaxaynay mudaharaadadu waa 3 bilood illaa 6bilood,haddii aanu dhicin dambi culuse.Eeg qodobka 14aad ee Xeerka Anshaxa iyo Nabadgalyada Guud.

No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...