Friday, September 18, 2015

HALKAY MARAYSAA DACWADDII U DHAXAYSAY WARFAA ALI IYO KOLONEL TUKEH ?





Waxa ugu badnaan laga joogaa 30 sannadood markii ay xabsiga u taxaabeen iyagoo jidh-dilay calooshood u shaqaystayaashii la jiray Kali taliyahii Soomaliya  ee Maxamed Siyad Barre. Farhan Warfaa Ali kamay hadhin naxdintii iyo saskii uu ka qaaday, maalintii uu sarkaalkii ciidanka ahaa,  ee waraysanayay,  intuu bistoolad ula soo baxay,  uu shanta xabadood ku dhuftay, isagoo meel u dhaw taagan.  

Farhaan Warfaa oo la taagan Qareennadiisii.Wuxuu Farhaan dacawaynaa, Yuusuf Abdi Ali, oo dambiyo badan  ka geystay Somaliland 1980-kii, isla markaana deggan dalka Maraykanka. Photograph; Centre for
Justice and Accountability.                                    

Colonel Yuusuf Abdi Ali ( Tuke).
Photograph: Centre
 for Justice  and Accountability
Hadaba, isagoo, u malaynaya in uu dilay maxbuuskii uu waraysanayay ee loo haystay dambi aan kasii waynayn taangi biyood oo la xaday, ayuu Ciidankii ku amray inay maydkiisa qaadaan, soona aasaan.

Laakiin Warfaa oo ka samatabaxay dilkaasi, ayaa xabsigii ka fakaday, kadib markii uu gacan-siiyay askari naxariis badnaa kaasi oo si qarsoodi ah uga saaray kaamboolkii xabsiga.Walaw la odhan karo, askarigani wuu bad-baadiyay, hadana dulmanahani wuxuu noqday mid la nool dhawaacyo nafsiyeed iyo xaalado maskaxeed oo ka dhashay dhacdadaasi xanuunka lahayd ee soo martay. 

Sarkaalkan ku eedaysan in uu toogtay Warfaa waqtigaasi, wuxuu hayay xil-sare oo amar-bixin iyo go'aan-qaadashaba leh. Isagoo noqday kii ugu arxanka darnaa ee loogu cabsida badnaa jiray, mudadii 20-ka  sannadood ahayd ee ay jirtay Kalitalisnimadii Siyaad Barra, siday xustay kooxda u doodda Xuquuqda Aadamaha ee fadhigoodu yahay Kalifoorniya (dalka Maraykanka) ee loo yaqaano Xarunta Caddaaladda iyo La-xisaabtanka (Centre for Justic and Accountability) marka lasoo gaabiyana,  loo yaqaano ( CJA).

Kolonel Yusuf Abdi Ali, oo ku magac dheeraa (Tukeh) , wuxuu ahaa hogaamiyihii haystay Brigaydhkii Shanaad ee Ciidankii Somaliya, ee 1980-maadkii. Wuxuuna cabsi-galin ballaadhan ku hayay dadkii kasoo jeeday beelaha Isaaq ee deggan Somaliland. Wuxuu  amar ku bixin jiray, inta baddanna, ka qayb qaadan jiray hawl-gallaadii baahsanaa ee xabsi-geynta, jidh-dilka, iyo, dilalkii  Maxkamad la'aanta ahaa. Tacaddiyadaasi oo  u hannaansanaa qaab maamuleed, oo  lagula kici jiray dad, aan tiradooda lasoo koobi karin. 


Eedaysane Ali,  sidoo kale wuxuu hogaaminayay hawlgallo, lagu baabiyay tuulayoon badan, sida ay xaqiijisay CJA. 


Xubno ka mida ( Peruvian Forensic Anthropology Team) oo ku xeeldheer Cilmiga lagu lafa-guro Caddaymaha  ama raadadka ka hadha dhacdooyin iyo facyaw hore.




1991-kii, markii ay dhacday dawladdii Siad Barre,  Ali wuxuu u baxsaday dalka Kanada, muddooyinkii dambena wuxuu si joogto ah, u degay dalka Maraykanka. Dadaallada loogu jiro in lagu horkeeeno cadaaladdu, waxay ka sii socon doonaan Maxkamadaha Rafcaanka ee Firjiiniya arbacada. Dhagaysigaasi oo saamayn ku yeelan doona, dacwad ku oogista eedaysanayaasha loo haysto inay gaysteen dambiyo dagaal ee ku nool dalka Maraykanka.

Qareenadda u doodaya eedaysanaha (Tukeh) ayaa codsanaya in dacwaddan inta badan jiidantay, ee ugu horraynteedii la furtay 2004-tii, oo dib-u-dhac intaas leeg ku yimid hab-socodkeedii, ay gabi ahaanba meesha ka baxayso, maadaamo oo ay leeyihiin wuxuu haystaa Xukun Maxkamadda Sare kasoo baxay oo siiyay Dhawrsanaan. Xukunkaasi oo la xidhiidhay dacwad kale.

Halka Garyaqaanada CJA, ee matal, oo ay gacansiinaaan Qareenada kaalmeeya dadka itaalka daran (Pro bono lawyers) kana tisan Shirkadda Sharci ee magaceeda la yidhaahdo DLA Piper, ay Kaga doodi doonaan Maxkamada Rafcaanka, in uu go'aankaasi Maxkamadda Sare khuseeyo Dacwad Shirkadeed, sidaa darteedna aanu, gabbood u noqon karin ama faaido u yeelan karin,  Qof la ogyahay in uu dadka,  nolasha ku ciqaabi jiray. Kaasi oo daggan Caarriga Maraykanka.

Waxayna aaminsanyihiin Qareenaddan u doodaya Warfaa, in Go'aankasta oo u dan ah Kolnaylku uu daciifin doono awooddii sharciyeed ee uu lahaa Xeerka Magdhawga Shisheeyaha ( Alien Tort Statute) ee loo yaqaan (ATS). Xeerkaasi oo soo jireen ahaa muddo Qarniyo ah, ayay waayadan dambe Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadamuhu aad u adeegsadaan. Waxaanu Xeerkani, xaq u siinayaa dadka aan u dhalan dalka Maraykank in ay dacwad madani ah ka furtaan Maxkamadaha Maraykanka,  haddii ay dalkaasi ka helaan Shaqsiyaad ay u tirsanayaan tacaddiyo iyo gefaf ka dhan ah aadamaha markii ay dalkoogii joogeen. Dacwad-furashadani waxa shardi u tahay laba arrimood: (1) Waa in aanu dacwooduhu waqtigii tacadiyaddaasi loo geystay uu joogay meel ka baxsan Maraykanka; (2) Waa in uu caddeeyo in  aanu dalalkaasi (xadgudubku ka dhacay) aanu ka heli karin  daw-bixin  iyo nidaam u caddaalad sameeya isaga iyo ciddii u awoodda sheegatay.

"Tani waa markii ugu horraysay ee Maxkamadda Rafacaanku ay u adeegsan doonto Go'aankii Maxkamadda Sare, arrin la xidhiidha shaqsi dambi-geyste ah oo magan  galyo ka raba Maraykanka, sidoo kalana waa markii ugu horraysay ee ay Maraykanka hortimid in uu go'aan ka gaadho wuxuu sharci ahaan ka yeeli doono shaqsiyaadka geysta Xad-gudubyada baahsan ee aadminimada ka baxsan (Mass Atrocity Crimes). Ma wuxuu Maraykanku noqon doonaa gabbood ay kusoo dhuuntaan kolonel Tukeh iyo kuwa la midka ah, ama wuxuu noqon doonaa meel caddaalada lagu mariyo, waa su'aasha ay jawaabteedu ku xidhantahay go'aanka Maxkamadda " Ayay tidhi Qareen,  Kathy Robert oo ka tirsan CJA.
Dacwaysanuhu wuxuu  isku dayay in ka badan 30 sannaadood, in uu horistaago Xukun-maxkamadeed Sharciyoobay (Legal Precedent) oo u ogolaaday in dhibanayaasha loo geysto tacaddiyo lid ku ah aadminimadu, ay dacwadahooga ku furtaan Xeerka loo yaqaan ATS, si ay magdhaw uga helaan kadeedkii loo geystay".

Xukunka Maxkamadda Sare ee uu Tuke u cuskanayo difaaciisa, waa go'aankii 2013-kii ee u dhexeeyay Kiobel v Royal Dutch Shell Petroleum. Taasi oo Gudidii Garsoor ee dacwaddan ka garnaqday, ay  go'aamisay, in aanay kooxdii reer Nayjeeriya ee qoxoontiga ku ahayd Maraykanku aanay xaq u lahayn, ay ku dacweeyaan Shirkaddii British-Dutch Multinational. Kuwaasi oo ku eedeeyay inay Shirkaddu si hoos ahaana ula wadday jidh-dilkii iyo dilalkii ay Milatariga Nayjeeriya kula kici jireen Mudahaaradaayaashii u ololaynayay Deegaankaa 1990-meeyadii.

Gudida garsoor ee u xilsaaran dhagaysiga rafcaankani waxay ka koobantahay 3 Garsoore. Arrinta hortaale ee laga sugayo in uu go'aanku ka jawaabo, ayaa ah bal incabashadan ka dhanka ah Cali, ay saamayn raad iyo saamayn ku leedahay, si ay u helaan sababo ku filan oo ay kaga gudbaan go'aankii Kiobel, iyo bal in uu Cali xaq u leeyahay Dhawrsanaanta Xeerka soo yaalka ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo koman law (Common law).

Roberts wuxuu ku doodayaa, in joogitaanka Cali uu joogo Maraykan tan iyo 1996-kii, uu tilmaamayo in uu haysto deganaansho Rasmiya oo guur ahaan lagu siiyay, sidoo kalana mar haddii guuritaankiisa uu ku soo degay Firjiniya ay caddayn ugu filantahay Garsoorayaasha Rafcaanka.

Joseph Drennan, oo Qareen difaac u ah Ali, ayaa ka gaabsaday in uu wax faallo ah siiyo Joornaalka Kasoo baxa Ingiriiska ee loo yaqaano DA GAARDIYAN (The Guardian). Wuxu hore ugu dooday inay arrinta dagaanaanshiyaha ee la xidhiidha Tukeh ay sharci ahaan ka baxsantahay Mawduuca dacwadda, waxaanu qoraal gaaban oo uu u qoray Maxkamada Bishii 3aad ee sannadkan ku yidhi "Maxkamadda Sare waxay dacwadii Kiobel ku go'aamisay, in aanay halka uu dacweysanuhu ka joogo Maraykanka aanay ahayn arrin khusaysa ujeeddooyinkii loo asaasay Awoodaha Sharciyeed ee xeerka ATS”

Hadaba, Arbacada soo socota (16/09/015 ) oo fadhi gaaban oo dhegaysiya la yeelan doono, waxa laga filayaa inay Maxkamadda Rafcaanka  ee Maraykanku ay 90 maalmood gudahood ku soo saari doonto go'aan. Warfaa oo ah nin oday si weyn maamuus ugu leh, deegaankiisa Gabiley, ayaan fadhigaasi kasoo qayb gali doonin, balse codsaday in arrintiisa la baahiyo"

Dhammaad.



N.B;
Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul, isagoo fulinaya Codisigaasi Dhibbane Warfaa, iyo in badan oo la mid ah, oon codkooga la maqal, dulmigaasina helin cid ka daw-marisa, amaba kuba nafwaayay,  wuxuu tarjumay warkan uu kasoo xigtay Warfidiyeenka The Guardian oo baahiyay 16/09/015.







No comments:

Post a Comment

TUSAALAHA GODKA (ALLEGORY OF CAVE)

R   TUSAALAHA GODKA(The Allegory of Cave)    S heekadani Godku waa tusaale uu keenay Plato oo ahaa Filasoof Giriig ah ( 514a–520a) ama qarni...